Friday, August 30, 2013

Xukuumadda oo Shirkadda Al-xarbi Qandaraas ku siisay soo dejinta Raashinka Ciidanka oo ay ku Wareejisay Omar Co. iyo Dareenada ka Dhashay


Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa soo dejinta Raashinka Ciidamada qandaraas cusub kula gashay Shirkadda Al-xarbi, ka dib markii ay ka wareejisay Shirkadda kale ee Omaar International oo mudo dheer soo dejin jirtay.



Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay’adaha dawlada u qaabilsan hawshan oo la xidhiidha wareejinta mashruucan, hase ahaatee sida ay Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay Gobanimonews u sheegeen go’aankan ayaa fulay bishii la soo dhaafay, ka dib markii heshiis ay hormuud ka yihiin Wasaaaradaha Maaliyada iyo Gaashaan-dhigu, arintan kala galeen Shirkadda Al-xarbi oo ka mid ah Shirkadaha waaweyn ee waddanka soo geliya Badeecadaha kala duwan, gaar ahaan Buskuit-yada, noocyo ka mid ah Sharaabka iyo Badeecado kale oo tiro badan, kuwaasoo ay inta badan Jumlad ku wareejiso.



Lama oga Mawqifka Shirkadda Oomar ka qaadatay qandaraaskan laga wareejiyay iyo inay aqbashay toona, hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku darayaa inay Xukuumaddu talaabadan qaaday, iyadoo aanu shirkadda hore u keeni jirtay Raashinka kala duwan ee Ciidamada Qandaraaskii ka dhamaan.



Shirkadda Oomaar oo ka mid ah Shirkaddaha waddanka u soo dhoofiya Raashinka ugu badan, sida Bariiska, Sonkorta, saabuunta iyo Baddecado kale oo daruuriya ayaa sida ay ilo-wareedyadu sheegeen intii ay hawshan maamulaysay  Ganacsato kale  Qandaraas hoose(Sub-contract)  ku siisay qaybinta iyo soo xareynta Lacagta Raashinka , kuwaasoo waxoogaa Macaash ah ka heli jiray fulinta mashruucaasi.



Ma cadda ilaa hada in shirkadda Al-xarbi  khadka ka saari doonto Shirkadihii qaybinta Raashinka qandaraaska ku sii haystay iyo in kale, waxa iska cad in wax badani iska bedeli doonaan nidaamka Raashinka Ciidanka, isla markaana heshiiskan cusubi saameyn karo habsami u keenida Quutal-daruuraga gram-ka Ciidanka, maadaama ay shirkaddu tahay mid hawsha ku cusub.



Dadka inta badan dhaliila bixinta Qandaraasyada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo siiso Shirkaddaha iyo ashkhaasta Caadiga ah, ayaa talaabadan ku tilmaamaya mid lagu naasnuujinayo Shirkadda Al-xarbi oo ay leeyihiin Mawaadiniin madaxweyne ay isku beel ka soo jeedaan.



Waxaanay dadka doodan qabaa leeyihiin maaha markii ugu horaysay ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qandaraas noocan naasnuujin ama dano kale ku siiso dad ay Madaxweyne Hayb-wadaagaan, hase ahaatee ay hore u jireen kuwo kale oo sidan oo kale loogu wareejiyay Maal-qabeeno iyo dad magac ku leh waddanka oo sida la sheegayo Bariga Burco ka soo jeeda.



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com