Hargeysa(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida, ayaa dhaliilay hanaanka loo aasaasay Golaha la baxay Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka ee dhawaan lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo Maanta la hadlay Telefishanka Horn Cable, ayaa sheegay inay dalka ka jiraan saddex Xisbi qaran oo ku yimi nidaam sharciga waafaqsan, kuwaasoo loogu talo-galay inay ka soo baxaan Golayaasha la soo doortay ee Bulshada metelaa, hase ahaatee aanu jirin sharci fasaxaya Golle ka baxsan saddexda Xisbi ee jira.
Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka oo hada magacaasoo ahaa kii lagu aasaasay u bedelay madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka, ka dib markii dooddo sharci iyo Cadaadis xukuumi ah ay kala kulmeen Isticmaalka magacaasi, ayaa aragtidooda siyaasadeed ku micneeyay mid ku salaysan wax ka sheegista Khaladaadka Maamul e waddanka ka jira.
Hase yeeshee Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu cadeeyay in ujeedooyinka loo abuuray Asxaabta siyaasaddu ay tahay inay xukuumadda ku dabaalaan hanaanka wanaagsan ee Maamul ,una tilmaamaan wixii dhaliilo ah ee jira.
“Dalka Saddex Xisbibaa ka jira, saddexda Xisbi waxaynu u samaysanay inay ku kala biiraan siyaasiyiintu, Xisbiyadaa ayayna ka soo baxaan Golayaasha Baarlamanka iyo Deegaanadu, markaa saddexdaa Xisbi meel aan ahayn oo wax laga toosin karaa ma jirto, Ninka wax mucaaridaya ama wax toosinayaa saddexdaa Xisbi waa inuu ku biiro oo uu wax ka toosiyo, laakiinse hadii meel la yidhaahdo waxbaanu ka saxaynaa aniga waxay ila tahay inaan waxba ku hagaagayn”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Dhinaca kale, Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu hogaamiyeyaasha Asxaabta siyaasadda u soo jeediyay inay soo dhaweeyaan Siyaasiyiinta ku bahoobay Golaha wada-tashiga, iyagoo u furaya nidaam ay kaga mid noqon karaan oo fursad siinaya.
Waxaanu yidhi“Golahan waxa ku jira rag wax toosin kara oo muhiim ah, markaa waxaan odhan lahaa Xisbiyada haku biiraan oo halugu soo dhaweeyo, qoladan diidan waxaan leeyahay Xisbiyadiina ku soo dhaweeya, raga Xisbiyada madaxda ka ah ayaa loo baahanyahay inay soo dhaweeyaan” .
Waa markii ugu horaysay ee Axmed Yuusuf Yaasiin aragtidiisa ka dhiibto Golaha la baxay Madasha Wada-tashiga iyo toosinta oo mudo bil iyo dheeraad ah dooddiisu ka taagnayd Saaxadda siyaasadda Somaliland, inkasta oo aanu carabka ku balaadhin wax sheegida siyaasiyiinta Golahaasi ku bahoobay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com