Tuesday, August 27, 2013

Mustaxiil: Al-Shabaab oo Qabsatay Deegaan ka mid ah Kilalka 5-aad ee Ethiopia iyo 3 Masuul oo Dawlada u joogay oo la laayay


Mustaxiil(GNA)-Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabab ayaa abaaro duhurnimadii maanta weerar Xoogan ku qaaday Degaan u dhow Mustaxiil oo lagu magacaabo Samad Xume kaas oo ay gacanta ku hayeen Ciidamo Soomaali ah oo ka amara qaata Ciidamada Ethiopia.




Weerarka waxa lagu dilay saddexdii Masuul ee ugu sareeyay Maamulka Degmada, sida  Gudoomiyihii Degaankaasi oo lagu magacaabi jiray Axmad Feelow, Gudoomiye ku xigeenkii iyo Madaxii arimaha Bulshada ee deegaanka Samad Xume.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Kooxda Al-shabaab iyo Ciidamada Itoobiya toona oo la xidhiidha Weerarkan iyo in khasaaruhu intaasi ka badanyahay, hase ahaatee goob-joogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay  inay Xoogaga Al-shabaab ee Wararka qaaday la wareegtay Deegaanka Mustaxiil ee Maamulka Soomaalida Ethiopia ee Kilil 5.




Dhinaca kale Wararka naga soo gaadhaya Deegaanku waxay intaasi ku darayaan in la dareemayo saan saan dagaal, jirtona cabsi badan oo dadka rayidka ah soo foodsaaray, kuwaasoo ka cabsi qaba weerar ay soo qaadaan Ciidamada Itoobiya, dabadeed halkaasi uu ka qarxo dagaal culus oo dushooda ka bilaama.




Ciidamada Itoobiya ayaa Bishii hore faaruqiyay Saldhigyo badan oo ay ku lahaayeen gudaha somaliya, gaar ahaan Goboladda dhexe, halkaasoo ay amaankeeda kala wareegeen Amisom.




Dagaal lagu hoobtay ayaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al-shabaab dhex maray shantii sanadood ee ugu dambeeyay, waxaanay Ciidamada Itoobiya sanado ka hor Kooxda Al-shabaab ka saareen Deegaamo badan oo Gobolka Bay ka tirsan.




Muran kama joogo in Ciidamada Itoobiya qabsashada Mustaxiil ee Al-shabaab kaga jawaabi doonto talaabo Milateri, hase ahaatee waxaan la xaqiijin Awoodda milateri ee Xoogag Al-shabaab iskaga caabiyi karaan.




Gobanimonews




Kismaayo Office




Email: editor@gobanimonews.com