Tuesday, August 27, 2013

SLN: Mareeg Dawlada ku xidhan oo Shaacisay Falal Amni daro oo Ururkii Xaqsoor Hargeysa ka Fulinayo!Akhri


Hargeysa(GNA)-Mareegta Somalilandtoday oo ka mid ah Warbaahinta dawlada Taageerta, ayaa habeenkii xalay baahisay war dareen weyn bulshada ku abuuray oo sheegayay in Taageeerayaashii Ururkii Xaqsoor ee Doorashada ku hadhay qorsheynayaan Falal amni daro ah oo ay ku khal-khal gelinayaan nabad-gelyada waddanka.




Arintan ayaa dareen culus iyo su’aalo badan ka dhex abuurtay Bulshada dhexdeeda, isla markaana Jahawareer badan laga qaaday,iyadoo ilaa hada aanay wax jawaab ah ka bixin Ururka Xaqsoor.




Dareenka ka dhashay warkan waxa  ugu weyn isweydiin ka taagan cidda Ururka Xaqsoor weerarayo iyo  sida ay warbaahinta warkan qortay ay ku ogaatay jiritaanka shirqool cid lagu khaarajinayo, oo hadiiba ay jirto aanay ilaa hada Hay’adaha amnigu wax talaabo ah qaadin.




Warkan oo shabakadda wararka ee Somalilandtoday saacado ka dib  ka saartay Server-keeda ayaa ciwaan looga dhigay sidan Tageerayaasha Ururkii  XAQSOOR Ku Hawlan Falal Amniga Lagu Khal-khal Galinaayo. Somaliland Today.htm.




Arintan kale ee warkan laga dhadhansaday inay xukuumadddu ka dambeyso baahinta warkan, isla markaana looga gol-leeyahay si dariiq loogu helo talaabo noocay doontaba ha noqotee qaldan oo ay xukuumaddu cid ku weerarayso, taasoo waji lagu fuliyo loo sii samaysanayo.




Warkan waxa lagu sheegay in dadka fulinaya falalka amni daro ay doonayaan inay dilaan dad ay bartilmaameedsanayaan, taasoo iyana ah arin kale oo u baahan in Hay’adaha mnigu ka baaraan degaan isla markaana baadhis ku sameeyaan.




Baahinta wararka noocan ah ayaa ku ugub ah Hay’adaha warbaahinta Somaliland, oo ay hadana dawladu mar walba dhaliisho, hase ahaatee tani waxay cadeynaysaa hadiiba ashkhaas xukuumadda ka tirsani wax ka ogyihiin inuu jiro inuu jiro Shirqool dawladu qayb ka tahay oo borobagaando loo sii samaysanayo.




Halka Riix oo Akhri warka Khal-Khalka abuuray: Tageerayaasha Ururkii  XAQSOOR Ku Hawlan Falal Amniga Lagu Khal-khal Galinaayo. Somaliland Today.htm