Sunday, August 25, 2013

SLN: Madaxweyne Siilaanyo oo Qaylo-dhaan Xoogan ka Muujiyay Fidista Cudurka AIDS-ka, xili kuwii la noolaa ka cabanayaa Daryeel la’aan


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Booqday Xafiiska Hay’ada Xakameynta HIV Aids-ka, waxaanu halkaasi ka soo jeediyay baaq uu bulshada u soo jeediyay oo la xidhiidha sidii looga foojignaan lahaa halista Cudurkaasi.




Booqashada Madaxweynuhu booqday Xaruntan, ayaa timi Maalmo yar ka dib markii cabasho xoogani ka soo yeedhay qaar ka mid ah dadka la nool Cudurkan oo ka cabanayay in laga jaray dhamaan Cuntooyinkii Nafaqada lahaa iyo raashin kale oo ay qaadan jireen.




Waxa kale oo tegista Xafiiska Komishanka HIV Aids-ku yimi xili ay maalmihii ugu dambeeyay soo baxayeen warar sheegaya in Hay’adaha ka caawiya somaliland xakamaynta Cudurkani goosteen dhaqaalihii ay bixin jireen oo gaadhaya ilaa Hal Milyan oo Dollar sanad kasta.




Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii uu booqday Xafiiska ka dib hadal dheer oo uu jeediyay ku dalbaday in la xoojiyo wacyi-gelinta Cudurka, isagoo si gaar ah fariin ugu diray Warbaahinta dawlada  oo uu ku amray inay sameeyaan barmaamujyo Bulshada lagaga wacyi-gelinayo cudurkaasi.




Waxaanu Madaxweynuhu hadalkiisa ku bilaabay sidan:-




Ugu horrayn, sidaan dhammaanteen ka wada warqabno waxaa jira xanuunno badan oo ku soo korodhay adduunka, kuwaasoo dhibaato caafimaad darro oo baahsan ku haya bulshooyinka caalamka ee aynu ka-midka nahay, Xanuunnadaasna waxa ugu horreeya xanuunka magiciisa la yidhaahdo HIV/AIDS, kaasoo markii u horraysay la ogaaday 1980-kii. Illaa waqtigaas mar-ba marka ka danbaysa adduunka ayuu ku sii fidayay xanuunkani.




Sidaa aawadeed, waxay dunidu samaysay dedaalo fara badan oo taagteeda iyo tamarteedaba ay isugu geysey sidii xanuunkan wax looga qaban lahaa, waxaana la sameeyey Laan Qaramada Midoobay u qaabilsan xanuunkan, Magaceedana la yidhaahdo UNAIDS, shaqadeeduna tahay inay si qoto dheer u baadho una ururiso xogaha iyo aqoonta loo yeeshay cudurkan lagana wacyi-galiyo dhammaan bulshooyinka caalamka ku dhaqan, si ay u fududaato Xakamaynta faafitaankiisa iyo inay dedaal kasta u gasho sidii daawooyin loogu heli lahaa xanuunkan.




Haddaba Somaliland ahaan, Waddankeenna waxaa qofkii u horeeyey lagu arkay1992-kii. Sidaa darteed, waxa daruuri noqotay inaynnu ula dagaallano si la mid ah sida bulshooyinka Caalamku ula dagaallamayaan.




Dawladda Somaliland waxay xil weyn iska saartay si walba oo xanuunkan wax looga qaban karo, iyadoo aasaastay komishan Qarankeenna u qaabilsan wax-ka-qabashada iyo la dagaallanka xanuunkan.




Somaliland ahaan si aynaan u gaadhin heerka loo yaqaan "marxaladda uu xanuunkani baahsanyahay" iyadoo nasiib wanaag aynu joogno marxalad aanu baahin oo wax laga qaban karo, waxaa lagama maarmaan ah in aynnu Dhammaan awoodda isugu gayno wax ka-qabashada xanuunkan.




Haddaba, markii aan ogaaday in uu jiro culays maaliyadeed oo ku soo kordhay Global-Fund-ka oo ah Hay?addii Somaliland iyo waddamo badan oo dunida ka mid ah ka caawin-jirtay dhinaca dhaqaalaha, waxaan jeclaystay in aan Maanta baaqan u diro bulshada Somaliland iyo Beesha Caalamka guud ahaan kaas oo ku wajahan sidii aynnu gacan buuxda u siin lahayn Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDs-ka sidii loogu horjoogi lahaa shanta sano ee soo socota heerka ugu hooseeya ee aynnu gaadhsiin karno, intaa wixii ka danbeeyana aynnu ka faraxalanno xanuunkan.




Anigoo ka duulaya arrimaha aan kor ku soo xusay isla markaana tix-gelinaya inaan komishanku helin taageero ku filan hadday tahay dawladda Somaliland iyo dhinaca hay?adaha caalamiga ah ee u xil saaran wax-ka-qabashada xanuunkan, isla markaana hay?adihii Komishanka ka kaabi jiray ay aad u yareeyeen taageeradoodii.




Anigoo Maanka ku haya xilka qarankan iga saaran isla markaana ah Guddoomiyaha Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDs-ka (SOLNAC) waxaan rabaa in aan bulshada reer Somaliland iyo ta caalamkaba u muujiyo sida aan diyaarka ugu ahay qof-ahaan iyo Xukuumad ahaanba inaan qaybta ugu weyn ka qaato la dagaallanka iyo wax-ka-qabasahda xanuunka AIDs-ka.




1.    Waxaan Miisaaniyadda Qaranka ee 2014-ka ugu daraynnaa annagoo ka duulaynna awooddeena dhaqaale inta ugu badan ee suuro gal ah, waxna lagaga qaban karo dedaalka aynu ugu jiro la-dagaallanka xanuunkan AIDS-ka si sannadkan tallaabooyin muuqda loo qaado.




2.    Waxan fududaynaynaa sidii loo Gaadhi lahaa dhammaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland gaar ahaan kuwa halista badan laga filan karo si loo helo xog sugan oo waddanka oo dhan ah.




3.    Waxan farayaa Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka inay Idaacadda iyo TV-ga qarankaba ka siiso waqti ku filan ka-wacyigelinta bulshada xanuunkan, gacan buuxdana ka siiso Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDs-ka.




4.    Waxaan farayaa Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo cidkastoo awood u lehba inay Mucaawinooyinka dalka soo gaadha si muuqata uga taageerto dadka la nool xanuunka HIV/AIDs-ka sidii horeba Xukuumaddu u samaysay.




5.    Waxan farayaa Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDs-ka iyo saaxiibbadooda kala shaqeeya hawshan inay ku dhiiri-galiyaan oo u sheegaan dadka in aanay ceeb ahayn in la iska baadho xanuunka, taasoo loo baahan yahay in ay hormood ka noqdaan Madaxda Dawladda, Culimada, Aqoonyahanka iyo Ganacsatada waaweyn.




6.    Waxan ka codsanayaa ganacsatada reer Somaliland inay gacan ka gaystaan wax-ka-qabashada xanuunkan cid waliba qaadi karto isla markaana ay caawiyaan walaalahooda la nool xanuunkan.




7.    Waxan ka codsanayaa hay?adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh wax-ka-qabashada xanuunkan inay laban-laabaan dadaalka iyo kaalmada ay ku bixiyaan la-tacaalista xanuunkan. Waxaan idinka rajaynayaa in aad iskaashi iyo wada shaqayn buuxda ka yeelataan hay?adda ku shaqada leh ee qaranka u qaabilsan”.ayuu yidhi.




Tirada dadka uu sanad kasta asiibo Cudurka halista badan ee HIV AIDS-ku ayaa la tilmaamaa inay aad badantahay, waxaanay taasi muujinaysaa inaan wali horumar fiican laga gaadhin joojinta inuu fido cudurkani.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com