Thursday, July 31, 2014

Hargeysa: Madaxdhaqameedyo si adag uga hadlay Seereynta Banka Qool-caday.Daawo


Madaxdhaqameedyada Koonfurta HargeysaHoos ka Daawo Cuqaasha, Salaadiinta iyo Waxgaradka Deegaanka Qool-caday ayaa ka soo horjeestay in Seere laga xidho Banka deegaanka Qool-caday ee koonfurta Hargeysa.




Shir-jaraa'id oo ay Maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa, ayaa waxay ku sheegeen inay xaalad amni daro ka dhalan karto hadii ay dawladdu isku daydo inay dhulkaasi ka samayso Seere daaqeed caqabad ku keenaya bulshada deegaanka, iyagoo dhinaca kale taageeray hogaan dhaqameedyo hore arrintaasi uga soo horjeestay oo uu ka mid yahay Boqor Raabi Yuusuf.




Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa dhawaan sheegtay inay bankaasi ka samaynayso Seerre dadka deegaanku munaafacaadsan doonaan, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa arrintaasi si weyn uga soo horjeedda.




Halkan ka Daawo Odayaasha Dhaqanka ee deegaankaas oo maanta hadlay:


Beelaha Absame ee Somaliland: Dawladda waxaanu ka doonaynaa Xuquuq siyaasaddeed"


Daawo: Ugaaska Beelaha Absame oo Hargeysa casuumad ugu sameeyay Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland iyo Madaxdhaqameedyo kale , kana dalbaday arrimo badan.




  [caption id="attachment_92048" align="alignleft" width="300"]ugaska iyo suldan Ugaaska Absame[/caption] Hargeysa(GNA)-Ugaaska Guud ee Beelaha Absame ee Somaliland Ugaas Cabdilaahi Maxamed-deeq ayaa maanta Casuumad qado ah ugu sameeyay Magaalada Hargeysa Madaxdhaqameedyo uu hogaaminayo Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.[caption id="attachment_92048" align="alignleft" width="300"]Ugas iyo suldan Ugaaska Absame[/caption]




Munaasibada qado-sharafta ah ayaa waxa laysku waydaarsaday hadalo Kaftan iyo dalabaad isugu jira, waxaana ugaaska Beelaha Absame ku wehelinayay kulanka aqoonyahano iyo waxgarad ka soo jeedda bulshada u dhalatay deegaanka Soomaalida itoobiya ee  ku dhaqan Somaliland.




Nuxurka kulanka Casuumada ah ayaa xubnaha soo qaban qaabiyay ku soo uruuriyeen saddex qodob oo ay halkaasi ka dalbadeen waxgaradka iyo hogaan dhaqameedka beelaha Absame.




 “marka koowaad waxaan doonaynaa in naloo balanqaado in Ugaaska Beelaha Absame ka mid noqdo Madaxdhaqameedka dalka laga aqoonsanyahay.




Qodobka labaad ee aanu doonaynaa waxa weeyaan in Madaxweynaha laysu kaaya geeyo oo aanu ka wada hadalno. “ammaanka Bulshada aanu ka soo jeedno iyo ka Somaliland u baahantahay, sababtoo ay tahay amni ayaan u baahanahay, iyaguna way u baahanyihiin, markaa inaan ka wada hadalno.”sidaasi waxa yidhi Sheikh Axmed Khabiir oo ka mid ah aqoonyahanka Jaaliyada deegaanka Soomaalida Itoobiya.




Axmed-khabiir ayaa intaas ku daray  “Waxa kale oo aan u baahanahay inaanu Madaxweynaha kala hadalno xuquuqda aannu dalka ku leenahay, waayo xuquuqbaanu dalka ku leenahay , hantibaanu ku leenahay, waanu tegenahay Juqureefi ahaa, markaa inuu Madaxweynuhu na yidhaahdo xuquuqda koowaad ama ta labaad ayaad leedihiin ama xuquuq ma lihidin ee ka guura ayaannu doonaynaa”.




Xubno kale oo ka mid aqoonyahanka iyo maamulka Jaaliyada Beesha oo kulanka ka hadlay ka hor, Ugaaska iyo Madaxdhaqameedka kale intaanay hadlin, ayaa sheegay in xidhiidh wanaagsan oo dhex mara dawladda Somaliland iyo Jaaliyadda Beesha uu dariiqa u xaadhayo iskaashi dhinacyo badan taabanaya.[caption id="attachment_92048" align="alignleft" width="300"]Ugaaska Absame Ugaaska Absame[/caption]




Sida ka wada-shaqaynta nabad-gelyada, dhismaha waddooyin isku xidha labada dal iyo arrimaha kale ee daruurig ah.




Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Xuseen oo ka mid ah hogaan dhaqameedka Beelaha reer Hargeysa, oo halkaasi iyaguna ka hadlay ayaa sheegay inay aqbaleen dhamaan codsiyada ay ay soo jeediyeen hogaanka dhaqanka iyo Aqoonyahanka Beelaha Absame.




“ horta waa mid ee waanu aqbalnay saddexda qodob ee aad soo jeediseen. Arrinta Ugaaska Bishaa Augusta markay dhamaato Gaadhiga ugaaska waanu bixinaynaa”sidaasi waxa yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ah Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland.




Ugaaska Beelaha Absame Ugaas Cabdilaahi Maxamed-deeq oo gabagabadii halkaa ka hadlay ayaa fariin u diray Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisa, waxaanu xusay inay rejo wanaagsan ka qabaan xukuumaddu inay aqbasho dalabaadka Bulshada uu hogaanka u yahay.




“madaxweynaha waxaan leeyahay madaxweyneyaashii hore midbaad kaga fiicantahay oo waxaan ku tilmaami lahaa intii aad xukunka haysa nabad-gelyada iyo siday xaaladu u degentahay iyo siday bulshooyinku isu dhex galeen”ayuu yidhi.




[caption id="attachment_92048" align="alignleft" width="300"]Ugaaska iyo suladin Ugaaska Absame[/caption]Halkan ka Daawo:




Ugaaska Beelaha Absame ee Somaliland ayaa dhawaan la caleemo saaray, isagoo hogaan dhaqameed u noqday dhamaanba beelaha Absame daarood ee deegaanka ku ah Somaliland.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Somaliland oo Qiimaha Shidaalku kor u kacay iyo Dawladda oo Amar ku soo rogtay


Ilaa Lix kun oo Foosto oo qudha ayaa ku hadhay Kaydka Haamaha Shidaalka ee Berbera...




 [caption id="attachment_92042" align="alignleft" width="300"]Mulkilaha Kalinta Shidaalka Mulkilaha Kalinta Shidaalka [/caption]Hargeysa(GNA)-Qiimaha Shidaalka (Patrol-ka) ayaa kor u kacay Somaliland dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyay, siiba Patrol-ka oo ay Litre-kii ku kordhay lacag gaadhaysa 0.05 (1000 shls).




Sicir bararka ku yimi Shidaalka, ayaa ka dhashay kala go’ dhinaca Shidaalka Dibada ka yimaada oo sida la sheegay todobaadyadii ugu dambeeyay hakad ku yimi, kaddib la xidhay Suuqyadii ay Ganacsatada Somaliland shidaalka ka soo iibsan jireen.




“Patrol-ka markii hore waxaynu ka soo iibsan jirnay Niman Ganacsato ah oo Shidaal Uruuris ah oo laga keeno wadamada Carabta sida Ciraaq iyo Iraan,  Shidaalkaasi waxa lagu uruurin jiray deked yar oo ku taala Imaraadka Carabta, waxaana wada shaqaysan jiray oo laga soo iibsan jiray Niman Carab ah iyo Soomaali, marka Nimankii waa la xidh-xidhay, dekeddii yarayd ee ay ka soo dhoofin jireena waa la xidhay, markaa halkaas ayaa shidaalka qaaligiisu ka yimi”ayuu yidhi Maxamed Sugule Axmed oo ah Mulkilaha Kaalinta Shidaalka ee Tawakal ee Magaalada Hargeysa  oo Gobanimonews u waramay.




Ganacsadahan ayaa intaas raaciyay inaanay wali Shirkaddaha Shidaalka soo dejiyaa helin suuq kale oo ay ka soo iibiyaan Shidaal cusub, isla markaana wadahadalo u socdaan Shirkaddo Caalami ah oo ay ka mid tahay Shirkadda OPEC oo ah mid caalami.




 “Shanta Litre waxa ku kordhay Nus dollar (0.5), tobankii Litre waxa ku kordhay $1”ayuu yidhi Ganacsade Sugule, waxaanu intaasi raaciyay “ hadii Shidaal cusub oo kaa Ikshoranka ku jira ah  la keeno lafteeda waxa khasab noqonaysa inuu qiimuhu yara kordho, waayo Geeska Afrika waxa aynu nahay dalka ugu jaban xaga Shidaalka, Itoobiya iyo Djiboutiba way inaga qaalisanyihiin”.




“korodhkani wuxuu ka yimi xaga Shirkadaha Shidaalka soo dejiya oo kordhiyay qiimaha, foostadiina waxa ku kordhay  11 Dollar lacag gaadhaysa”ayuu yidhi Ganacsaduhu.[caption id="attachment_92041" align="alignleft" width="300"]Kaalmaha Shidaalka Kaalmaha Shidaalka[/caption]




Kor u kaca Sicirka Shidaalka ayaa saameyn ku yeeshay  dadka Gaadiidleyda ah, kuwaasoo uu qiimaha kordhay fuulay.




“20 Litre ayaan ku shubtay Gaadhiga waxaana layga qaaday $22 , halka markii $20”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Faysal oo ka mid ah Gaadiidleyda reer Hargeysa.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dawladda iyo Shirkaddaha waaweyn ee soo dejiya Shidaalka, hase ahaatee Ganacsatada ayaa sheegay inay dawladdu amar ku bixisay in “ markii ay arrintani dhacday dawladda ayaa soo faro gelisay oo tidhi waa in la tashiilaa  Patrolka yaalla ee ku hadhay Kaydka, waxay yidhaahdeen maalintii 200 Litre haka baxeen oo maalinta kaalin hala siiyo. Waxaana shidaalka Kaydka ku jira iminka iska leh hal shirkad oo qudha, sidaasay markaa dawladdu Tashiilka u gelisay”sidaas ayuu yidhi Ganacsade kale oo ka waramay Sicir bararka Shidaalku.




Sicirka Shidaalka ayaa dhowr jeer oo hore isbedel ku yimi Somaliland, waxaanu inta badan yimaadaa sicir bararkasi marka uu shidaalku yaraado, taasoo aanay dawladdu  xakamayn si aanay saameyn ugu yeelan bulshada.




Kor u kaca Sicirka Shidaalka ayaa saameeya Gaadiidka Dadweynaha, Shirkaddaha Korantada bixiya iyo dhamaan waxyaabaha Tamarta Shidaalka ku shaqeeya.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Gabadh Yar Oo Oohin Joojin Wayday Kadib Markii Ay La Kulantay Steven Gerrard.


Gabadhan ayaa markii ay indhaha saartay Gerrard awoodi wayday inay indhaheeda ka joojiso ilmada ka qubanaysay.




 




Gerrard ayaa si qiiro leh u qaabilay gabadh yar ,saxeexiisa siiyey isla markaana sawiro la galay.




Innanta yar ayaa Gerarrd ku tidhi waan ku jecelahay ka didbna waxaa mar qudha indhaheeda qariyay ilmo ka soo burqatay.




                                




Gerrard ayaa taariikh ku leh inuu ka oohiyo taageerayaashiisa aduunka kala jooga iyadoo arintan oo kale sanadkii hore ka dhacday qaarada Asia.




article-2709288-2017E5CE00000578-263_634x353-500x278 article-2709288-2014A4D000000578-356_634x393-500x309 article-2709288-2014A56A00000578-611_634x404-500x318 article-2709288-2014A57A00000578-588_634x364-500x287 article-2709288-2017E5AA00000578-452_634x387-500x305 article-2709288-2017E5B200000578-786_634x365-500x287 article-2709288-2017E5CA00000578-888_634x464-1-500x365 article-2709288-2017E5CA00000578-888_634x464-2-634x360

Lovren Oo Loo Diiday Dalku-galka ‘Visa” Maraykanka.


Ciyaaryahanka dhawaan ku soo biiray kooxda Liverpool ee Dejan Lovren ayaa garoonka Anfeild ku sugi doona ilaa inta ay Maraykanka ka soo noqonayaan xidigaha naadigiisa cusubi kadib markii xukuumada USA u diiday dalku galkii uu kaga qayb qaadan lahaa safarka kooxdu wadankaas ku joogto.




Lovren-oo-loo-diiday-620x360




Difaacyahanka reer Croatia oo heshiiska uu kaga soo wareegayay Southampton kuna imanayay Anfield uu soo gabo gaboobay Axadii todobaadkan, ayaa qalinka ku duugay heshiis mudo dheer uu kula joogayo Liverpool oo aan qiimihiisa la shaacinin.




 




Iyadoo ay tababare Brendan Rodgers iyo kooxdiisuba ku sugan yihiin Maraykanka kagana qayb galayaan tartanka naadiga dunida halkaas ku dhex maraya , ayaa la rajaynayay ciyaaryahan Lovren inuu ka daba tago , ciyaartiisii koowaadna u safto naadiga kulanka ay Arbacada caawa ah wada ciyaarayaan naadiga Manchester City.




 




Si kastabase ha ahaatee, laacibkan 25 jirka ah ayaa daboolka ka qaaday inay u suurtoobi weyday inuu kooxda ka daba tago, isla markaana uu kooxda dhalinyarada ah la sii tabbabaran doono inta ciyaaryahanadu soo noqonayaan oo ku beegan todobaad ka hor bilowga horyaalka Ingiriiska , isagoo ciyaartiisa ugu horeysaana noqon doonto mida saaxibtinimo ee ay wajahayaan Borussia Dortmund.




 




“Nasiib darro, Si degdeg ah waan ku helli kari waayay dalku galka ‘Visaha’,” ayuu ku yidhi jariidada Croatia ka soo baxda ee Sportske Novosti.




 




“Sidaas darteed, kuma biiri karo kooxdayda cusub inta ay Maraykan ku sugan yihiin. Arintaasna aadbaan uga xumahay.




“Waxaan la sii tabababaran doonaa kooxda 21 jirada ka yar ee Liverpool, Brendan Rodgers ayaa ii soo diri doona qorshaha aan ku sii tababaran doono.”

Yaya Toure: Waan Joogi Doonaa Manchester City Inta Ugu Badan Ee Ugu Suurto Galsan.


Ciyaaryahanka khadka dhexe Manchester City Yaya Toure ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo in uu kooxda sii joogo inta ugu badan ee uguna suurto galsan.




Yaya-Toure-oo-636x360




31 jirkan ayaa qarka u dhawaa inuu kooxda ka tago kadib markii wakiilka ciyaarhanka Dimitri Seluk uu sheegay in xidigan uu xushmad darro kala kulmay kooxda maadaama ay u hambalyeyn waayeen markii uu dhalashadiisa u dabaal degayey.




 




Xidiga reer ivory Coast laftiisa ayaa dhawr jeer si cadho leh uga hadlay ,tusaale ahaan markii uu geeriyooday walaalkii Ibrahim Toure oo uu sheegay in kooxdu siin wayday waqti uu walaalkii oo xanuun sanaya uu la qaato taas oo uu isku qoomameeyay inuu diidi waayay amarkii kooxda.




 




 “Xaaladu may ahayn inaan kooxda ka tago laakiin sababtu waxay ahayd inaan ku jiray waqti adag waayo xaalada aan markaa ku jiray ayaa ahayd mid aad u adag. Marka aan doonayo inaan wax sameeyo waxaan soo saaraa qoraal taasina waa wax ii caadi ah aniga,”.




 




“Ugu dambeyn tani waa go’aankayga. Horay hadaadan iiga maqal waan odhanayaa, hadaadan rabina waan ku celinayaa markale, waxaan rabaa inaan sii joogo Manchester City inta ugu badan ee ugu suurto galsan,”.




 




Yaya Toure ayaa hanashadii horyaalka ee Man city ku lahaa qaybta ugu muhiimsan isagoo dhex ka ciyaara ayuu kooxdiisa u dhaliyay 20 gool isagoo kooxda u ciyaaray 35 kulan oo horyaalka ah.yaya-toure and kolo Britain Soccer Premier League

Fannaanada Idil Barkhad oo loo diiday TV-ga Qaranka Somaliland?


[caption id="attachment_92017" align="alignleft" width="153"]Wariye xamdi iyo Fannaanada Idil Barkhad Wariye xamdi iyo Fannaanada Idil Barkhad[/caption]Maareeyaha Tvga Qaranka Somaliland Ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Barnaamijka Salaamaha Ciida Oo Lagu Waraysanaayey Fanaanada Idil Barkhad Oo Asal Ahaan Kasoo Jeeda Magaalda Boorama Joojiyey Aydoo Barnaamijkaasi Bartamaha lagaga Jiro.




Weriyaha Waraysigaasi Qaadaysay Xamda Kief Xaaji Octobar Ayaa Ka Warantay Sababaha Barnaamijkaasi Loo joojiyey waxaana ay noo sheegtay in Barnaamijkaasi Loo Joojiyey Hab Qabiilaysan Oo XItaa Ay Joojinta Barnaamijkaasi Ay ka Xanaaqeen Madax Tiro Badan.




Weriye Xamda Xaaji October Oo Hadalkeeda Sii Wadata Waxa ay sheegtay in Uu Maareeyuhuu Uu Ku Sababeeyey In Aanay Asturnayna Fanaanadu Taasna Ay Meel Ka Dhac U Tahay Shakhsiyada Fanaanadda Idil Barkhad.




Arinkani Ayaan Ku Cusbayn Tvga Qaranka Balse Ugub Ku Ah Saxaafadda Somaliland Isagoona Noqonayaa Mid Kusii Fidaaya Tvga Qaranka Somaliland Tanyo Intii Uu Maareeye Ka Ahaa Khadar Cali Gaas




Tvga Qaranka Somaliland Oo Isagu Ka Dhexeeya Shacabka Reer Somaliland Ayaa Haatan Noqday Mid Cid Gaar Ahi Ku Shaqaysto Waxaana Taas Ka DHigay Maareeyahay TVGa Qaranka Khadar Cali Gaas




Wararka Iyo Barnaamijyada Laga Sii Daynaayo TVgaasi Waxa Ay Noqdeen Kuwo Uu Isagu Kaligii doonaayo Hadii Uu Diidona  Laga Reebaayo,Arinkan Fool Xumada Leh Ee Barnaamijkii xalay LIVEKa Ahaa Loo Joojiyey Ayaa waxa Uu Daba Socdaa Fanaanin Sidan Oo Kale Loo Galay Oo AY Ka Mid Tahay Fanaanadda Sahra Halgan Oo Hees Somaliland Ay U Qaaday Ka Codsatay TVGa In Looga sii Daayo Balse Uu Ku Gacan Saydhay Maareeyaha TVgaasi Khadar Cali Gaas.




 




Sidoo Waxaa Jira Weriyayaal Tiro Badan Oo ka Shaqeeya TVgaasi Oo Aanu U Ogalayn Inay Wararka Iyo Barnaamijyada Sii Dayaan Sida Wariyahan Barnaamijka Qabanaayey Ee Laga Joojiyey.




 




Isku Soo Wada Duub Oo TVaga Qaranka Somaliland AYaa AY Soo Badanaysaa Bulshada ka cabanaysa,Waxaana AY Dadku Sheegayaan In Tvga Qaranku Ka Baydhay Sifihii TV Qaranimo Isla Markaana U Ajanjeedhsanay Hab Cunsuriyadaysan HAdii Uu Saa Kusii Socdana Uu Ba Noqon Doono Mid Ka Baxsan Saaxada TVyada.




 




 




Weriye Hanad Cali Jees




 




Hargaysa Somaliland

Farriin Jawaab u baahan: Alle dartii u Caawi Wiilkan yar ee buka!!


[caption id="attachment_92013" align="alignleft" width="300"]hooyada wiilka dhashy hooyada wiilka dhashy[/caption]Wiilkan yar oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Axmed Maxamed Xasan dadiisa ay hooyadii ku sheegtay in uuku  dhashay hargaysa 1997, waxa Xanuunka Marajaajisku  ku dhacay isagoo shan bilood jira.




Hooyada dhashay wiilka ayaa sheegtay in abihii yahay qof xiskiisu fayoobayn oo xanuunsanaya waxaana hooyada lagu magacabaa hooyo  Ikraan Saleebaan Jaamac.




Hooyo Ikraan ayaa sheegtay in ilaa maanta oo uu jiro 16 sano ay la soo balan balaysay ama ay la tacalaysay ilmahan yar waxanay intaa ku dartay in dhaqatiirtu ay u cadeyeen in dalka gudahiisa waxba loogu qaban Karin cafimadkiisa oo uu u bahan yahay in dhaqtar debadeed loo diro, waxaa kale oo ay intaa ku dartay in dhibatooyinka haysta wiilkeeda uu u wayn yahay in 5 daqiiqaba uu mar suuxayo, waxaa kale oo ay intaa ku dartay in calooshiisa ay dhabarka ay u wareegtay oo sida aad  sawirkaba ka arkayso ay dhibaato ka haysato qaabka xitaa uu u jiifo ,waxaa ay hooyo ikraan sheegtay in anay helin cid ka caawisa xitaa nolasha iyo caanahiisa oo uu yaahay qof waqti kasta baahan ,waxay hooyo ikraan intaa raacisay in xanuunkiisu markasta u baahan yahay dhaqtar oo in la daweeyo  u bahan ,waxay hadaba dadka muslimiinta ah ee meel kasta oo ay jooganba ka codsanaysaa in laga caawiyo sidii ilmahaa yar oo manta arkaysaan sawirkiisa 16 sano ku jira intaana anu haysan cid caawisa dawlad iyo shacaba ,waxaan bisha barakaysan ee rabadaan ka codsanayaa ilaahayba cafimadka haye balse cid kasta oo awoodi karta in ay la soo xiriraan si culaaysaka isaaran oo ii diiday  bay tiri hooyo ikraan  joog iyo jiif ,xitaa saxaradiisa  oo marka qaarkood iska socota ,waxaa intaa ii dheer   in kaadidu ay ku dhegto oo mar kaana ooyin badan leeyahay ilaa intay ka imanayso  , markasta daawo ayuu u baahan yahay iyo nadiifin joogta ah .[caption id="attachment_92014" align="alignleft" width="300"]muuqaal naxdin leh muuqaal naxdin leh[/caption]




Ugu danbayn hooyo ikraan   saleeban jaamac waxay dadka muslimiinta soomaliyeed ee debada iyo gudahaba degan    ku nool waxay codsanaysaa in lagala soo xiriiri karo cidii caawinaysa wiilkaa yare e aan waxba galabsan ee waayey cid caawisa tel 00252634775215 ayaa laga helayaa hooyada dhashay wiilka xanuunsanaya  gudahana waa 0634775215.  

Ximin iyo Xeeb, Gal-mudug iyo Ehlu-suna Wal-jameeca oo Hal Maamul-goboleed lagu Midaynayo


 Hoos ka Daawo Shir lagu Midaynayo Maamulada oo Muqdisho lagu qabtay............




galmuudMuqdisho, 30, luuliyo, 2014.(GNA)-Gobollada dhexe ee Somaliya ayaa heshiis lagu gaaray in loo dhiso Maamul Goboleed ay ku midaysanyihiin, Maamuladii hore u jiray iyo deegaamo kale oo ku soo biirayaa.




Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta kulan lagu gaaray heshiiskaas ugu qabtay Magaalada Muqdisho ergooyin ka kala socda dhinacyada Maamulka Gobollada dhexe ee Somalia lagu midaynayo.Gal mdg




Maamulkan ayaa waxa laysugu geynayaa Maamullada Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo Ahlusunna Wal-jamaaca, waxaana kulanka goob-joog ka ahaa Ergooyin ka socda maamuladaas,  Hoggaamiyaal dhaqan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Xubnaha labada gole ee dowladda, hoggaamiyayaasha dhaqanka, bulshada qaybaheeda kala duwan, siyaasiyiin, Safiirro, iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.




Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Barre ayaa akhriyay heshiis ka kooban 11 qodob oo lagu wajahayo dhismaha maamul loo dhanyahay oo yeeshaan gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in heshiiskan uu dhabaha u xaarayo xal laga gaaro maamullada yar-yar ee ka jira gobollada dhexe, loogana gudbayo maamul goboleed ay ku midaysan yihiin dadka dega deegamadaas, waxaana intaasi kaddib qalinka lagu duugay Heshiiska oo ay saxiixeen xubno ka socday Galmudug, Ahlusunna, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo goobjoog ahaan u saxiixay.




Hadalo kooban oo garabyada heshiishka gaaray ay madasha ka jeediyeen ayey ku balan qaadeen inay ka dhabayn doonaan hirgelinta heshiishkan, iyagoo dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka ka codsaday inay garab istaagaan geeddi-socodka nabadda iyo dhamaystirka maamulka Gobollada Dhexe.




Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ku tilmaamay heshiiska ay gaareen dhinacyadu inuu yahay horrumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- heshiisiinta iyo asaaska nidaam federaal ah oo ay yeelato Soomaaliya, waxaana uu ku ammaanay Masuuliyiinta maamullada gobollada dhexe doorkii hogaamineed ee ka qaateen in maanta la gaaro heshiis lagu unkayo maamulka bartamaha Soomaaliya oo ka kooban Mudug iyo Galgauduud.




“Maanta waa maalin kale oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dowladnimada, nabadda iyo horumarinta Soomaaliya, Xukuumaddaydu waxay soo dhaweyneysaa heshiiskii taariikhiga ahaa ee galabta gaareen maamulladii ka jiray gobollada dhexe iyo hoggaamiyaashii dhaqanka, waxaan sii wadi doonaa dhiiri gelinta iyo taageerada heshiiska”




 




“Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qeyb ka qaadato hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan oo bilow u ah horumar waara oo laga gaaro maamulladii kala duwanaa ee ka jiray bartamaha Soomaaliya, heshiiskan wuxuu dhabaha u xaari doonaa Maamulka KMG ah oo ay ku midaysan yihiin dadka deegaanku” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gunaanadkii munaasabadda ka hadlaya ayaa soo dhaweeyay heshiiska, waxaana uu boggaadiyay dhinacyadii heshiiska gaaray oo uu tilmaamay inay u gudbayaan samaynta maamul ay dadku u dhanyihiin.




“Maanta waxaan asaaska u dhigaynaa maamul ay yeeshaan gobollada dhexe oo xaqiijin doona himilooyinka shacabkeenna. Dhammaan xubnaha dowladdu oo ugu horreeyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli waxay kaalin weyn ka qaateen in aan maanta halkaan soo gaarno, sidoo kale waxaa arrintan kaalin weyn ka qaatay siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka oo ugu horeeyaan Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo Ahlusunna” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.




“Hawshan waa bilow weli ma dhammaan markaa waa in laga wada shaqeeyaa hirgelinta heshiishkan. Beesha caalamka waxaan ka codsanaynaa inay garab istaagaan xilligan aan ku jirno dadaalka aan dib ugu yagleelayno dhismaha dowladnimada iyo nabadda Soomaaliya”




Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay heshiiska ay maanta gaareen dhinacyadu in uusan waxba u dhimi doonin maamullada jira sida Puntland oo qeybo kamid ah ay daris yihiin.




Wakiilada goob-joogga ka ahaa heshiishkan ee ka socday beesha caalamka sida Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Europe ayaa dhammaantood si weyn nu soo dhoweeyey heshiishkan , iyagoo balan-qaaday inay taageero ku bixinayaan hirgelinta heshiishkan.




Halkan ka Daawo sawiro:media@opm.gov.so

























IMG 5471


 


IMG 5443


 


IMG 5472


 


IMG 5485



























IMG 5487


 


IMG 5488


 


IMG 5494


 


IMG 5495



























IMG 5504


 


IMG 5535


 


IMG 5537


 


IMG 5550



























IMG 5647


 


IMG 5660


 


IMG 5670


 


IMG 5682






IMG 5695



Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com

Wasiirka Maaliyadda oo kormeer kadis ah ku sameeyey Kastamka Kalabaydh


Wasiirka Maaliyadda oo kormeer kadis ah ku sameeyey Kastamka Kalabaydh




 Hargeysa(GNA)Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa maanta kormeer Kadis ah ku maray Kastamka Kalabaydh, Abaarso iyo xafiisyada Gabiley ee Dakhli soo saarka, kuwaas oo uu ugu tagay iyadoo shaqaalaha qaarkoodna shaqaynayeen, kuwa kalena fasaxii Ciida dheeraysteen.




Wasiir Samaale oo Kormeerkiisii ugu horeeyey ka bilaabay Kastamka Kalabaydh ayay ka war heleen shaqaalihii hawsha waday, kuwaas oo ku baraarugay isagoo dhex taagan, waxaanay ku noqotay fajac iyo Anfariir maadaama oo aanay ka filay, waxaanu ugu tagay Maamule ku-xigeenka iyo Qasnajiga Kastamkaas iyo shaqaale kooban, kuwaas oo uu u kuurgalay qaabka ay u shaqaynayeen, halka shaqaalaha intoodii badnayd ay iska maqnaayeen iyada oo ahayd maalin shaqo.




Wasiir Samaale waxa uu muddo ku sugnaa Kastamka iyadoo maalmaha Ciida uu Kastamku yahay ka ugu mashquul badan isla markaana uu soo maro Jaadka ugu badan, waxaanu goob joog u ahaa Dakhli badan oo ka soo xeroodaymaanta iyo labadii maalmood ee ka horeeyey, sida ay warbixinta ku siiyeen masuuliyiinta Kastamkaasi.




Wasiir Samaale, markii uu ka soo laabtay waxa uu hadana Kormeer ka adag kii kalabaydh kaga Dul-degay xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Gabilay, kuwaas oo uu kula kulmay shaqaale kooban, waxaanu mid mid u galay dhamaan laamaha iyo Waaxyaha wasaaradda Maaliyadda isagoo faray in ay laban laabaan shaqada ay qaranka u hayaan, maadaama laga soo baxay Bishii Ramadaan iyo maalmihii u astaysnaa faraxadda Ciidal Fidriga.




Wasiir Samaale waxa uu Lugtiisii u danbaysay ku soo maray Kastamka Kalabaydh, halkaas oo ay ka socotay shaqada Hubinta iyo dakhli ururinta ee uu u abuuran yahay, waxaanu kula kulmay Maamulaha Kastamkaasi iyo qaar ka mid ah shaqaalaha, kuwaas oo ka roonaa kuwii kalabaydh, waxaanu in door ah Indha Indheeyey qaabkii ay u socotay hawsha Kastamkaasi.




Kormeerka Kadiska ah ee Wasiirka Maaliyaddu ku maray Kastamada Galbeedka Hargeysa iyo Gabilay ayaa ahaa kuwo uu ku dar-dar galinayey hawl maalmeedka shaqo ee ilaha Dakhliga, waxaanay ahaayeen kuwo aanay ka filayn shaqaaluhu.

Somalia:- Haweenay Loo Dilay Xidhashada Xijaabka oo Ay Diiday


Wararka ka imaanaya Jubada Hoose ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay gabadh




ku dileen Tuulo lagu magacaabo Baqdaad oo ka tirsan degmada Hoosingow ee




Gobolka Jubada Hoose, kadib markii ay diiday inay Xijaab xidhato.




 




Sida wararka ay sheegayaan haweeneydan oo magaceeda lagu soo gaabiyay




Farxiyo ayaa saaka aroortii lagu dilay gurigeeda hortiisa, markii labo




ruux ay u yimaadeen, iyadoo banaanka fadhisay ay u sheegeen inay xijaab




xidhato, markii ay ka dhega adeegtay ay karbaasheen, kadibna madaxa ka toogteen




 




Mid ka mid ah ehelada gabadha oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee




BBC-da ayaa sheegay in sababta loo dilay gabadha ay aheyd inay xidhato




xijaabka.




 




Saaka hal saac iyo badh ayaa gabadha Farxiyo oo gurigeeda hortiisa




fadhiday waxaa u yimid niman dhalinyaro ah, waxay ku dhaheen xijaab




xidho, waa yahay ayay dhahday, markii ay ku soo noqdeen ayay ul ku




bilaabeen usha ayay iska qabatay, kadib labo xabad ayay madaxa kaga




dhufteen ayuu yifhi ninka ehelada la ahaa gabadha la dilay oo magaciisa




sababo amni u qariyay.




 




Waxaa uu sheegay in mar dambe lagu soo wargeliyay in raggii sidan




sameeyay iyagoo indhaha ka xidhan gaadhi lagu Qaaday, sida dadka deegaanka ay u sheegeen.




 




Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhacdooyinkan ay yihiin nooc cusub, hase




ahaatee handadaada iyo indha gaduudis lagu hayay shacabka uu ahaa mid




horay u jiray.




 




Al-Shabaab ayaa iska fogeysay inay wax lug ah ku laheyd dilkan, waxaana




ay sheegeen in deegaanka uu falka dilka ka dhacay aanay ciidankooda ka




talin.




 




Si kastaba ha ahaatee waa markii u horeeysay ee la sheego haweeney




diiday xidhashada Xijaabka oo la dilo, iyadoo Al-Shabaab horay deegaanada




ay ka taliso ugu soo rogtay in haweenka ay qaataan xijaabka oo ay is asturaan.




 




 




 

Wasiir Cakuuse “Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro Xilka Uu Hayo Waxaa Loo Doortay 2005, Waxay Kaga Eekayd 2010, Waxaa Layaab Leh…”


 Hargeisa (GNA) Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay inay la yaab tahay in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo kursiga ku sii fadhiya muddo korodhsiimo aan ka yarayn xiligii dastuuriga ahaa ee la doortay, uu haddana ka hadlayo muddo kordhin aan wakhtigeediiba la joogin ee Madaxweynaha ay u hadhay halka sanno.Waxaana hadaladii kamid ahaa. “Guddoomiyaha golaha wakiilada, xilkuu maanta hayo waxaa loo doortay 2005 waxay kaga eekayd 2010, waxaa hadda lagu jiraa 2014 wuxuu markaas ku darsaday muddu xileed ku dhaw intii markii hore la doortay ee dastuuriga ahayd, waxaad ogtihiin Madaxweynaha Somaliland oo wali ku jira muddo xileedkiisi waxaa waliba u hadhsan hal-sanno, markaasu kii intaas oo jeer kororsaday muddu kordhin aan oolin ku eedaynayaa Madaxweyne muddu xileedkiisi ku jira, oo uu dhagaha dadka ka badiyay isaga iyo ku-xigeenadiisu iyagoo ku cel-celinaaya muddu kordhin ma ogolin, aadbaan uga xumahay.”




 




Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)




Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi. “Waxaan si cad u sheegaya Xukuumadda way ka go-antahay inay doorasho wakhtigeedi qabato oo diyaariso wixii iyada ku xidhan dhinaceeda. Waxaa nasiib darro ahin dhalinyaraddii dalkan u kacaysay laysku dayo in loo abaabulo qaab qabyaladeed oo aan dalka hore u soo marin, iyadoo  ay Xisbiga Mucaaridku ka baydhayaan nidaamkii Xisbiyada  loo samaystay, qabyaladaas waxba ku heli mayaan wax kaga xumaada mooyiye, mana fiicna in shakhsi dalkan rajo kalihi sidaa u fekero oo uu caruur qabyaalad lagu kala qaybiyo kursi ku raadiyo”.




Wasiirku waxa kale oo uu naqdiyay qorshaha mucaaridku dalka ka abaabulaayaan ee ay ku doonayaan inay isku kaashadaan qaar ka mid ah beelaha dhexe ee Somaliland si ay u noqdaan beel-weyn. waxa uu arrintaasi ku sifeeyay dhaqan qabyaaladeed oo axsaabta mucaaridka ahi ku tallaalayaan jiilka cusub ee ka bad-qabay xanuunka qabyaaladda.




Wasiir Cabdilaahi Cukuse waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa.




 

Qabyaaladii oo ka Cabanaysa Qabyaalad oo leh Waa lay Qabyaaladeeyay!!!


 


Marka hore shacabka Jamhuuriyada Somaliland waxa aan u dirayaa hambalyo iyo salaan munaasibadda ciidul fidriga.Waxa aan alle inooga baryayaa cibaadadii bisha ramadaan ee barakaysan inuu inaga aqbalo.





Marka xigta, waxa aan aad ula yaabay ayadoo lagu jiray ayaamahii ugu danbeeyay bisha barakaysan ee ramadaan iyo faraxadii ciida ee loogu mahad celinaayay Eebe eedaymo ka soo yeedhaayay wasiiro ka mid ah xukuumada dalka hogaamisa oo ay ku durayaan inay xisbiyada mucaaridka ee qaranku ku talaab-sadeen qabyaalad.Waxa qof kasta oo muslim ah ku waajib ah mar kasta gaar ahaan bisha ramadaan inuu ka fogaado gebi ahaanba waxii allaah(SWT) innaga reebay,fuliyana cibaadada alle,khayrkana badsano balse wasiirada waxa ka muuqata:




1.Inay danaha xukuumadu kala cuslaatay waajibaadka alle ina




   Faray.




2.Inay shacabka ku marin habaabiso hab-dhaqan qabyaala-




   deed oo u caado ah xukuumada dalka hogaamisa laguna bartay.




Waxa la yidhi (been sheeg oo mid run u egg sheeg).Ma xukuumada ayaa maanta qabyaalad ku eeday-naysa xisbiyada qaranka ee mucaaridka ah,waa yaabka yaabkii.Miyaanay xukuumadu ahayn tii ka dhalatay shirkii qabiilays-naa ee Gar-adag.Miyaanay xukuumadu ahayn ta ku dhisan qabyaalad.Miyaanay xukuumadu ahayn magacaabista ta ku salaysa qabyaalad.Waar dee yay-naan wax walba ku wada hadlin,waar haloo tudho dhigaha iyo indhaha shacabka oo yaan laga dhigin ummad caamiye ah oo dhan kasta loo jeedin karo.




Maanta shacabka JSL waayo aragnimo iyo aqoon dheer ayuu u leeyahay xukuumad kasta oo dalka soo martay talaabooyinka bud-dhigga u ahaa hab-dhaqanka siyaasada ay ku soo hogaamisay,markaa kama qarsoona shacabka in xukuumada haatan dalka ka talisaana bud-dhigga siyaasadeedu tahay qabyaalad qaawan oo innaba gabasho lahayn.Taana ula jeedadeedu ku aroorayso aragti siyaasadeed oo ay rumaysan-yihiin siyaasiyiin badani in shacabka JSL lagu xukumi karo kala qaybi oo xukun.Waana ta xukuumada dhaxal-siisay inay shacabka qabaail u kala qaybiso,adeegsato madax-dhaqameed.Qabyaaladu waa ta xukuumada dhaxal-siisay inay ka talaab-sato dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal,waa ta ka fogaysay inay talo la yeelan waydo xisbiyada qaranka ee mucaaridka ah iyo golaha sharci dejinta.




Waxa la yidhi (Is-moog aqalkii bay aslaysaa).Hada waxa sii qoyan oo weli xasuusta shacabka ku daabacan qaabkii qabyaala-daysnaa ee aan hore dalka u soo marin ee lagu soo xulay ergooyinkii shirweynahii xisbul xaakimka,qaabkii uu shirku u qabsoomay ee qabyaala-daysnaa,xataa qaab-fadhigii ergooyinka ee qabaailka loo kala fadhiisiyay.




Nin baa laga hayaa(Wax kasta isa saaray ee laba ayaanan weligay isa saarin),aniguna waxa aan leeyahay weligay isma odhan(Qabyaalad ayaa ka caban doonta qabyaala-dayn oo odhan doonta waa lay qabyaaladeeyay).Markaa waxa la yaab leh wasiirada maanta dhaqankii xukuumada ay ka tirsan-yahiin lagu yaqaanay ee ku gaamurtay qabyaalada qaawan inay dusha ka marmariyaan xisbiyada mucaaridka ah ee aanu shacabku uga baran.




Xuseen Xasan Badmaax




Badmah100@hotmail.com




4026100




Hargeysa/JSL

OROMADA IYO HAB-DHAQANKA XUN EE BULSHADA AY KU HAYAAN Q1AAD


Aan salaamo dhamaan akhristayaasha oo aan idhaahdo ramadaan karim, kuna soo dhaweeyo mid kamid ah qoraaladayda ku saabsan Habdhaqanka wanaagsan ee dadkeena, misana jaleeco dhib wakhtiyo badan kusoo noqnoqnayasa bulshadeena oo kusaabsan  dad badan oo soo gelooti ah oo ku soo badanaaya wadankeena gaar ahaan caasimada Hargaysa, waad fahamaysaan dadka aan u jeedo sidaad ku aragtay cinwaanka waa dad inooga yimi itoobiyada aynu jaarka nahay ee xidhiidhka inaga dhexeeyaa yahay in ay ingu soo fasaxaan Dadkooda siiba kuwooda danyarta ah, aan afka ku balaadhiyo oo aan idhaahdo waa OROMADA.




Lagasoo bilaabo soo geddo noqoshadii dalka, iyo faafidii nabadgelyada somaliland waxaa dalka sanadba sanadka ka dambeeya ku soo badanaayey in qoomiyada OROMO ee dalka itoobiya kusoo baddanayeen wadanka kuwaas oo iyaga oo raxan raxan ah uga soo gudbaaya xuduudaha dalku la leeyahay itoobiya, Hadaan astaamaha dadkan sheego waa kuwo koox-koox u socoda oo u badan dumar iyo caruur kuwaas oo leh astaamo laga naxo, waxaan  kawadaa waxaa ka muuqda dushooda daal faro baddan, hugga ay sitaan maaha kuwo magaalo lugu joogo, nadaafadooda jidhka iyo dharkuba waa kuwo xaalada degdeg ah qofka arkaa ku qaadi lahaa oo cusbitaal iyo dhakhaatiir loola carari lahaa, dadka noocan ahi waa kuwo sanadadii ugu dambeeyey ku soo badanaayey caasimada dalka.




Haddaba su’aasha dadka shacabka ahi is weydiinayaan ayaa ah Dawlada itoobiya ma waxaan heshiis ku nahay In ay inugu soo dayso dadkeeda kuwa ugu liita? Laakiinse Maxay dawlada somaliland wax uga qaban weyday dadkan xuduudaha kasoo gelaaya? Xuduudihii somaliland ma waxay noqdeen kuwo iska furan oo cid kastaa kasoo gudubto?




“Wakhtigu waa subax aan saacada ku qiyaasay 6:30 subax nimo waxaan ku kalahaayey goobta aan ka shaqeeyo oo aan suuqa weyn ee magaalada hargesa sidaas uga fogayn, waxaan waddada ku soo maray kooxo dad itoobiyaan ah(Orom) oo aan tiradooda ku qiyaasay ilaa 15 qof dadkani waa dumar da’a ahaan aan ku qiyaasay tan ugu yar in ay tahay 40 jir, dhamaantood laba kamid ah moyaane waxay sitaan baco, iyo ullo ay ku tukubayaan, waxaa ka muuqata diif, tabcaan, iyo daal aad u faro baddan, laakiin se way sheekaysanayeen oo sidaan dareemay way faraxsanaayeen, waxaan is idhi malaha siday u sheekaysanayeen waxaad moodaa in ay dhaqaalaha waddanka u tashanayaan, is idhi way is qaybinayaan oo goobtaas ay marayaan bay ku kala dhaqaaqayaan si mid waliba suuqa dhinac ay ka gasho, Aniga oo tii layaaban ayaa waxaan soo gaadhay goobtii shaqada laakiin inyar ka hor waxaan arkay nin da’a ah oo dharka uu xidhanyahay aan sidaas u sii duug ahayn, misana intaanu ila haddal ka hor waxaan islahaa waa mid kamid ah odayaashii dalka, laakiin markii uu lacag i wayadiistay ayaan dareemay in uu yaha nin OROM ah oo kasoo jeeda itoobiya, Waxaan isku dayey in aan kawaraysto siday dadka oromad ahi u yimadaan somaliland iyo ujeedada safarkooda, sheekadii na dhex martayana waxay u dhacaday sida tan waxaan itoobiya kasoo racnaa baabuur, in kastoo ay jiraan dad lugta ku soo gala dalka, baabuurtaas waxaan baddanka iska dhignaa dad shaqo tag ah oo magaalooyinka xuduudka wax ka iibsanay, dawlad iyo ciidanka amaanka ee xuduuduhu wax su’aal ah nagama waydiiyaan ujeedada socodkayga iyo halka aanu tegayno, markay ugub baddantahay waa marka askari na eego, ujeedada aan hargaysa u nimi waa meel dhisan oo shaqooyin baddani kajiraan, waxaan kalahaa subaxa hore waxaan helaa wixii ilahay dadka igasiiyo, waxaan maraa meherad kasta oo suuqa ku taal, waxaan weydiiyey xadiga lacagta uu ka helo maalin socodkiisaas, kolba waxbaan ka helaa laakiin baddanka 150,000 slsh ah baan ka helaa, bal malee lacagtan uu ii sheegay waa mid qofka ka shaqeeya sharkadaha waaaweyn ee dalku aanu qaadan maalintii, waxaan weydiiyey sababta uu dalkiisii uga yimi Haa halkaasi waa dal la is cabudhinayo, oo waxba lanooma ogola dawlada ayaa maamusha,” Haddaba akhriste waad aragtaa in oromada dalka ku soo badanaysaa ay kaaga sheekaynayaa waxyaabo baddan oo dalkeena khalkhal  gelin kar amaanka somaliland ku faantana dhaawici kara, waxaan ka fahamay hadaladii ninkaas oromka ah in ciidamada xuduudku eegaan oo keli ah nin wadaadka ah, oo ay ooga shikyaan argagixso laakiin aanay eegin dadkan kaladuwan ee oromada ah ee dalka soo gelaaya.




Waa maxay doorka dawlada ka saaran ilaalinta xuduudka dalka? Nabad gelyada somaliland ma in Nin wadaad ah oo argagiso ah misana khamiis gashan oo gadh dheer la eego miyaa? Ma jirtaa shuruuc ay leeyihiin dadka dalka soo gelaya ee dhinaca xuduudahu?




Su’aalahan oo ah kuwo looga baahanyahay in faaqidaad iyo baadhis qoto dheer lugu saleeyo si loogo jawaabo ayaa waxaan kaga hadli doonaa mawduuca kan xiga Haduu rabi idmo,




Laakiin dawladu miyaanay ogayn nadaafad darada iyo caafimaad darrada ay oromadu ku soo kordhisay caasimadii dalka? Hadii aad marto waddooyinka waaweyn ee dalka gergeradooda ama meelaha baaburta la dhigto waxaad ku arkaysaa boqolaal oromo caruur iyo dumar ah oo nadaafadii goobta ay fadhiyeen beddelay misan caruurta ay wataan ay ku saxaroonayaan waddooyinka dhinacaydiisa, Miyeeyna dadkeenu lahayn diir ka damqada dhaqan xumada OROMAD? Miyaanay dawladeenu lahayn shuruuc lugu hago dadkan? Sidaan ka warqabno bulsho kasta oo meel ku dhaqani waxay leeyihiin dad danyar ah(sabool ah) oo la nool dadkaas, bal malee muwaadin dadkeenii danyarta ahaa ee qaban jiray shaqooyinka hoose ee nolol maalimeedkooda kalasoo bixi jiray meesha ay ku dambeeyeen, waxaa shaqadii ay hayeen ka qaaday dad shaqo tag ah, waxaan xogogaal ah ahay in dadka suuqa ku ganacsada ee haysta meherada dhib wayn ku qabaan socodka baddan ee OROMADA, oo Meherad(xarun ganacsi)  kasta oo caasimada ku taal waxaa bishii soo mar celcelis ahaan dad  aan ku qiyaasay 500 qof taasin waxay sheegaysaa in maalin kasta in kabadan 15 qofi soo maraan, ogow oo 1% (boqolkiiba hal) dadkan kamid aha ayaa lagayabaa in ay yihiin dadkii waddanka u dhashay ee baahid haysay.




 




MAHADSANID




Hamse Bashe Muhumed




H.shaadhey




E-mail: Xamse18@gmail.com




Hargeisa Somaliland

Wednesday, July 30, 2014

AKHRISO: WADDANI Oo Dhuuni Raac Ku Tilmaamay Kooxda XIDIGAHA GEESKA Eedaymana Udiray TV-yada Muqdisho


 Laanta SWEDEN Ee Xisbiga Mucaaridka ah WADDANI ayaa Si Adag uga Hadashay Wareysi Tvga Qaranka Somalia Ee SNTV Ay Siyeen Kooxda Hargeysa Ka heesta ee Xidigaha Geeska.




Afhayeenka Xisbigaasi Laantiisa Sweden Mr Cantar oo qoraal kooban soo Gaadhsiiyay Ayaa Duray kooxda xidigaha Oo uu Sheegay inay Noqdeen Dhuuni Raac.




”Waxan Annu Halkan Ka Cambareynayina   Foolxumadii Ka Dhacaday Magalda Hargeysa Taso Ahayd  Falkii Foosha Xuma Ee Uu Ka Sameyaay TVga Muqadisho Iyado Weliba Ay Ka Dubteen Barnaamij Dhan Oo Ka Hadlayeey Munaasabada Maaliinta Ciida Hada Ba Haddii Anu Nahay Xisbiga Wadaani Laanta Sweden Waxa Annu Aad iyo aad Uga Xunahay Falka Foosha Xun Ee Halka Ka Dhacay Waxa aan Ugu Baqayana Xukuumada Rafadka Badanii Ka Muqado In Ay Jawaab Aad Ka Bixiiso Iyo Weliba Dadka Na Uu Soo Bandhigaan Sida Aay Waxanii Uu Dhaceen Iyo Ciddii Ka Dnabeysay Mahaa uun In Cukuuse Inta uu TVg Soo Fadhiisto Yidhahadoo Tacsi Ayaan Diraayiina Ee Waxa Lo Bahanyahy Wax Dadku Qadaan Karan Geesta Kale Qolladan La Baxaday Xiddigaha Geeska Iyagu Waa Koox Dhaadhamo Raac Ah oo Wax Xidhaya Baa Majiraan Balse Waxay Eeganayan Waa Inta Kolba La Siyoo




Gebogebadii Waxa Annu Leenahay Haddii Aan War Cad Xukuumadu Arrinatan Ka Bixiin Waxa Noqonayisa In Ay Xukuumadu Heeshiisaydii Qarsoona Ee Ay Kolba Meelaha Kula Galayisay Dowlada Wardhiiglay Uun Ay Tana La Mid Noqonayiso” Cantar Kidaar Cune Afhyeenka Xisbiga Wadaani Laanta Sweden

Wax Qabadka Xukuumadda iyo Indho La'aanta Mucaaridka Waa Laba aan is Qaban

waxaynu la wada soconaa xukuumadda maanta jirtaa in dalka wax badan ay u qabatay oo laga wada dharagsanyahay

waxaa mahad iska leh eebaha abuuray makhluuqa ku nool cirka iyo dhulka intaa ka bacdi waxaan salaamayaa shabakada wararka ee hadhwanaagnews.com sida aan hagarshada lahayn ee ay uugu adeegto shacabkeeda.

waxaynu la wada soconaa xukuumadda maanta jirtaa in dalka wax badan ay u qabatay oo laga wada dharagsanyahay, wax qabadka xukuumadda hore ayaan wax ooga qoray oo aan u qaada dhigay in xukuumadda maanta jirtaa ay dalka gaadhsiisay horumar aad u wanaagsan .

xukuumadda maanta jirtaa waxay kaga duwantahay xukuumaddahii ka horeeyey wax yaabo badan oo halkan aan lagu soo koobi karin oo horumar ah waxyaalahaas waxaynu ka xusi karnaa

1: Horumarka caafimaadka

2: Tayada waxbarashada

3: Wadooyinkii oo xukuumadda maanta jirtaa lagu dhiiraday

4: Tayada caafimaadka bulshada

haddaba




inaga oo wada og wax qabadka intaa leeg ee ay ku talaabsatay xukuumadda maanta jirtaa waxaynu maalin walba aynu maqalnaa mucaaridka dalka jira oo dhaliilo badan u jeedinaaya xukuumadda maanta jirtaa .

mucaaridka maanta jiraa waxaynu odhan karnaa waa mucaarid aad la yaabaysid waxyaabaha ay ku kacayaan oo aad odhan kartid dadkan mucaaridka isku sheegayaa waa dad aan u qalmin oo aan dan ka lahayn in dalkan ay mar uun talada dalka qabtaan .

waxaa xaqiiq ah waxyaabaha ay ku tiraabayaa mucaaridka maanta jiraa waa qabyaalad oo aynu la wada socono meesha ay soomaali dhigtay iyo inay tahay qabyaaladu waxa yaabaha qayrkeed ka reebtay soomaalida meel walba oo ay joogto.

mucaaridka maanta dalka ka jiraa waxay ku ololeenayaan qabyaalad dadkana waxay ka doonayaan in ay talada ay u dhiibtaan taasina waa laba aan is qaban

mucaaridka maanta jiraa waa mucaarid ay taladoodu iskugu timi wax burburin ,cay , iyo qabyaalad iyo dhaliil aan sal iyo raad toona lahayn taasina ma aha wax dadkan iyo dalkan anfacaaya .

waxaa maragmadoonto ah oo ay dalka ka abaabulayaan qabyaaladii qarniga oo ah in ay isku habarwacdaan wax loo yaqaano habarmagaado oo qof kasta oo maqlaa uu aad ula yaabo dadka noocaas ah ma aha wax talada dalkan u qalma oo loo dhiiban karo .

walaalayaal hadii aan indhaha la iska tireen xukuumadda maanta jirtaa waxyaabo badan ayey qabatay oo aan isleeyahay mucaaridka maanta jiraa ma qaban karaan xaqiiqdii intee ay xukuumaddani talada dalka haysey waxay ku talaabsatay horumar balaadhan oo dhinac walba leh.

guntii iyo gabagabadii waxaan hadalkayga ku soo afmeeri lahaa talooyinkan soo socda oo ah

xukuumadda waxaan leeyahay wax badan oo loo baahnaa waad qabateen wax badan oo dhimana waa ay jiraan waxii dhaliil ah ee jira dawladu wax bay ka qabanaysaan in kastoo ay ognahay taagta dhaqaale ee dawladeenu ay leedahay oo aynu odhan karno waa ay iska yartahay

mucaaridkana waxaan leeyahay waxiinu yaa idin ka noqonin dhaliil aad meel walba aad la joogtaan se noqda dad wax saxa oo waxii khalad u aragtaana u bandhiga dawladooda ha noqonina kuwa dadka iyo dalka u horseeda duufaanada qabyaalada.

mucaaridka waxaan leeyahay mucaaradnimadiinu yeyna noqonin mid wax dumisa oo dalka kala fogaysa se ha noqoto mid wax toosisa oo dalka iyo dadka anfacda .

Eco: Abdi Rashiid Ali Jaamac ( ibnu giriig)

Hand phone 063_4108610

giriig889@hotmail.com

student at university of hargaisa ( BEA)

Maddaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Dalka Sweden

Date: - 30/07/2014

WAR-SAXAAFADEED



Madaxawayne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) ayaaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda dalka Sweden oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee dalka Sweden iyo xubno kale oo muhim ah.



Waftigan ayaa madaxwayne ku xigeenka uga waramay hawlaha ay ka shaqeeyaan dalka Sweden ee ku saabsan wacyigalinta Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Sweden sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dhinacyada badan leh ee xukumada Jamuuriyada Somaliland ka wado dalka, waxaa kale oo intaasi ku daray in ay mar walba ku dadaalan masuuliyiinta dalka sweden in ay xogo-dheeraad ah ka siiyaan xaalada dalka, dad faro badan oo reer Sweden ah oo ay halkan ku soo casuumeena ay wax wayn kala qabteen sidii dawlada Sweden loo siin laha xogo-dheeraad ah oo ku saabsan qarankan Somaliland, waxa kaloo halkaasi ka hadlay xubnihii kale ee waftigaasi ka mid ka ahaa.



Madaxwayne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland Cabdirxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa waftiga soo dhaweeyay kuna bogaadiyay dadaaalkooda in ay halkaasi ka sii wadan madaxwayne ku xigeenku waxa uu xusay in dadka reer Somaliland ee muwadiniintii meel kasta ha joogaane uu xil wayni ka saaran yahay in dalkooda dhismihiisa ay ka qayb qaataan kuna dadaalan sidii Jaaliyad walba wadanka ay la joogto aya ugaga warami lahayd dalkooda halka uu marayo iyo dadkooda waxay qabsadeen.

ugu danbayntii waftigani waxay sheegeen in ay hordhac u yihiin wafti culus oo dawlada Sweden ka tirsan oo bisha September iman doona dalka.





ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

TACSI MADAXWEYNE KU-XIGEEN...... IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

19/07/2014

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ku sugan socdaalkii uu ku joogay Dalka Ingiriiska ayaa tacsi u diray Reer Yuusuf Ducaale gaar ahaan Suldaan Siciid Yusuf Duacaale oo uu walaalkii Marxuun Saleebaan Yuusuf Ducaale ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 27/07/2014 laguna aasay.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu Tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan saadiqa ALLE ka siiyo.





IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Somaliland: Wargeys kale oo Xafiiskiisa la weeraray


[caption id="attachment_91968" align="alignleft" width="300"]Magaca Wargeyska la weeraray Magaca Wargeyska la weeraray[/caption]Hargeysa(GNA):- Koox hubeysan ayaa caawa soo weerartay Xarunta Wargeyska Ogaal ee Magaalada Hargeysa.isla markaana khasaare gaadhsiiyay qaar ka mida qalabka Wargeyska.




Waxaanay la dagaalameen qaar ka mida weriyaasha Wargeyska Ogaal oo wakhtigas halkaasi ku sugnaa, sida ay goob-joogeyaal xaqiijiyeen.




Mid ka mid ah Warfiyeenada ka hawl-gala Wargeyskaas ayaa caddeeyay inay rag tiraddoodu laba nin ahayd ay weerarreen wargeyska.




Lama garanayo sababta ka danbeysay weerarkoodan, iyo waxa ay doonayeenba,hasa yeeshe waxay u muuqdeen rag abaabul oo ay ciddi soo adeegsatay,Saleebaan Maxamed Saleebaan oo ka mid ah kooxdan soo weerartay Wargeyska Ogaal ayaa waxa uu ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin “Waa kuma Tifaftiraha Wargeyska Ogaal, bal car noo sheega?”




Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi  “Bal Car wakaase wax ka qora dawlada. Car wakaase wax qora Xirsi iyo ereyo kale oo ay isku dhadhan ahaayeen kuwaas”




Kooxdan ayaa waxay galalafeen xarunta Wargeyska Ogaal, waxaanay isku dayeen inay la dagaalamaan Weriyayaashi madasha ku sugnaa, halka Tifaftiraha Wargeyska Ogaal Cabdifataax Ismaaciil Caarshe ay u hanjabeen, iyaga oo ku lahaa “Car wakaase dawlada wax a qor ILAAHAY ayaa nin ka dhigaye iyo ereyo kale oo ay ka mid ahaayeen hadaad laba lugood oo danbe is-daba dhigto….”.sidaasi waxa kale  oo sheegay Ogaal.




Xasan Fool oo isna ka mid ahaa raga soo weeraray Wargeyska Ogaal ayaa waxa uu yidhi “Meeyey Muuse Faarax Jaambiir,isna mee Cabdi-weli Faarax Jaambiir,”.




Kooxdan oo qaar Wargeyska soo galeen, halka qaar kalena dibada ku sugayeen, siday sheegeen Weriyayaashi ku sugnaa xarunta Wargeyska Ogaal mid ka mida raggani waxa uu sitay bastoolad.




Dhinaca kale, mid raga  xafiiska Wargeyska soo galay oo lagu magacaabo Xasan Fool waxa u hogaamiye u ahaa koox sidan oo kale u soo weerartay Xafiiska Ogaal 2009-kii,xiligaas oo rag xukuumaddii wakhtigaas jirtay ka tirsanaa ay soo abaabuleen weerarkaa.




Dhacdadani, waa markii labaad ee la soo weeraro Wargeyska Ogaal. Dhinaca kale, waxay dhacdadan oo kale ay hore ugu dhacday Wargeyska weli xayiran ee Hubaal.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Madaxweynaha Kenya oo Ogolaaday inuu Wadahadal la furo isbahaysiga ODM


[caption id="attachment_91964" align="alignleft" width="300"]Raila Ondinga iyo Uhuru Kenyatta Raila Ondinga iyo Uhuru Kenyatta[/caption]Nairobi(GNA)-Madaxwayna dalka kenya uhuru kenyatt ayaa sheegay inay dowladiisu diyaar u tahay wada hadal inay la layeelato raisal wasaarihii hore  ee dalkaas  ahna hogamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ODM Raila odinga oo laf dhuunta gashay ku noqday Xukuumadda talada haysa.




Uhuru ayaa sheegay in si loo soo afjaro hadalada aan haboonay ee laysu marinayo warbahinta iyo hadalada kale ee kicinaya shacabka xiligi madaxda dalka kenya ay isku duubnan lahayeen uu wada xaajoodka u ogolaaday, isagoo doonaya inay wada shaqayn ka yeeshaan madaxda dalkaas  amniga iyo danta shacabka dalka Kenya,waa sida uu  ayuu yidhi madaxwayna dalka kenya uhuru Kenyatta.




Hogamiyaha isbahaysiga Kenya  Raila odinga ayaa waxa u dowlada kenya ku eeddeeyaa  inay kufashilantay howlaha  loo egmaday oo ay kamid tahay amniga oo xumaaday iyo sixir barar kuyimi baddeecadaha  la quuto, isagona mudaharadyo isugu soo saaray taageerayaashiisa dhamaan gobolada dalka Kenya.




 waa markii ugu horeysay ee dowlada kenya shaaciso inay wada hadal la yeelanayso hogamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ODM raila odinga oo ah Nin Madax adayg iyo mucaaridad xad dhaaf ah ku haya xukuumada Kenyatta.




Cabdiraxmaan buur-dhaab




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: buurdhaab4@gmail.com

Xadhiga Agaasimaha Universal ee Somaliland oo la Cambaareeyay


[caption id="attachment_91958" align="alignleft" width="300"]Najiib oo u hadlay Bahda UNIVERSAL Najiib oo u hadlay Bahda UNIVERSAL[/caption]Wariye Najiib Cabdiwali Xiis oo ka tirsan Wariyeyaasha ka hawl-gala Telefishanka UNIVERSAL ayaa cambaareeyay xadhiga Agaasimihii Telefishankaasi Maxamed Caabi oo Habeennimadii Ciida Bilayska Somaliland xabsiga u taxaabeen.




Wariyaha oo ku sugan Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn ayaa warfidiyeenada u sheegay inaan dambi lagu haystaa jirin Maxamed Caabi, isla markaana Maamulka iyo warfidiyeenada Telefishankaasi xaq daro u arkaan xadhiga Masuulkan.




Sida laga war qabo TV-ga Universal horaantii sanadkan ayaa laga madnuucay somaliland, kaddib markii ay xukuumadu ku eeddeysay inuu barmaamuj anshax xumo ah ka baahiyay Madaxweynaha.




Sida ay Gobanimonews wararka ku heshay xadhiga Agaasimaha la xidhay ayaa ka dambeeyay kaddib markii Telefishanku Barmaamuj ku saabsan bandhiga ciida ka diyaariyay Fannaaniin fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa, taasoo sida saraakiisha somaliland ay sheegeen ka hor imanaysa amarkii lagu xayiray.




Maxamed Caabi ayaa la qabtay isla habeen hore markii ay Bilayska somaliland isna xabsiga dhigeen Tafaftiraha Mareegta Bali-gubadlemedia oo lagu eeddeeyay inuu baahiyay Warar been abuur ah oo ka dhan madaxweyne ku-xigeenka somaliland.




Halkan hoose ka daawo Wariyayaha cambaareeyay xadhiga Agaasime Maxamed Caabi:








Halkan ka Akhri warka xadhiga Maxamed Caabi




Gobanimonews




Buuhoodle Office




Email: gobanimo2013@gmail.com

White House:The President Wants to Meet You"Watch video


[caption id="attachment_91955" align="alignleft" width="300"]Press Secretary and Kansas City native Josh Earnest called a few hardworking Americans Press Secretary and Kansas City native Josh Earnest called a few hardworking Americans[/caption]This summer, President Obama has been traveling around the country meeting with everyday Americans who have written him about what's going on in their lives.




“Ahead of the President's trip to Kansas City today, Press Secretary and Kansas City native Josh Earnest called a few hardworking Americans and invited them to have dinner with the President” said Massage  from the White House this night.




Telephone Calls gong at three Minutes.




Watch Here Video:


Gabadh 25 Jir ah oo isku Dishay Muqdisho


MuqdishoMuqdisho(GNA)-Haweenay da’deeda lagu sheegay 25 geeriyootay kaddib markii ay isku deldeshay gurigooda dhexdiisa.




Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday Maanta Xaafadda Warta-nabada ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu qoyskoodu degenyahay.




Lama oga sababta ay falkaasi isugu khaarajisay Marxuumada dhimatay oo aanay wali warbaahintu aqoonsan magaceeda iyo ka qoyskeeda.




Hase ahaatee dadka deegaanka war laga helay ayaa tibaaxaya inay Gabadhaas qol hoosta iskaga soo xidhay kaddibna xadhig iska soo laalaadisay.




Mareegta All Banaadir war kale oo lagu baahiyay ayaa sheegaya in khilaaf ka dhexeeyay qoyskooda ay isku dishay.




Dhacdooyinka noocan ah ayaan beryahaa lagu arag Magaalada Muqdisho, falkinana u noqonayaa bilow mar kale.




 

Daawo Madaxweyne Siilaanyo oo Hees isu qaaday

Soomaalidu haka tashato Xildhibaanada ka soo Jeeda Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Barri


dr jirowWax yaabaha ugu daran dastuurkan been-beenta ah lagu dhoo-dhoobay ayaa waxa ka mid ah xildhibaan qaran oo aan beeshiisa tagi karin ,canshuur ka soo qaadi karin, ka baqaya m\gobleedkiisa koorimkiina kaa buuxinaya oo hadii dastuurka larabo in waxlagu daro dhahya m\goboleeedkeyga ayaan la tashanyaa midka noocaas oo kale mr. jawaari ha yiraahdo beeshaas nin kale keensada




.dastuurka waxa ku qoran in 25%dalka wixii kharsh soo gala la siiyo hal gobol,lacagta sameysto,jinsiyadaha bixiyo dhulkii ajnabi siiyo,inta kale ma tirsana maiyaa.2-daas gobol riyo ayey ku nool yihiin iyo hawo been ah ee faraha halaga qaado.




tusaale ha u a’haato markii duufaantu ku dhufatay gobolkaas, xamar oo an waxaba haysan oo beerka dhulka ku haya ayaa 200 kun oo dollar siisay hadii sheekh iyo shariif gobolladass degan yahay indhaha fura.dowlada waji qaran loo sameeyey oo m\ goboleed ka awood badan yahay dowlad ma’aha oo diplamaasigii la xirayo.




sheekh shariif isaga oo madaxweyne ah ayuu noqday saxeexayaasha,xasana isgoo madaxweynihii soomali oo dhan dooraty ayaa goboleedyo ka awood badan yihiin taasi maslaxd ugu majirto qaranka.alshabaab waxa looga adkaan karaa iyadoo oo 3-dax jihow looga yimaado oo ah,xooga dalka ,culumaa’diinka iyo odayaasha dhaqanka oo wada jira.




waxaan ku soo gabagabeynayaa “ninbaa waa T.B ku dhacday markas ayuu qof kasta daawo u shegay wa ku fiicnaan waayey, maalinkii danbe ayaa meel maroodi ku istaagay oo god noqotay oo roob ku da’y ayuu biyihii cabay, ilaahay amrkiis ninkii waa boqsaday” markaas ayuu yiri iga danbeeyoow hadii T.B kugu dhacdo meel maroodi ku istaagay biyihiisa cab” waxaan ugu jeedaa 2-daas gobol soomali in ey israacdo ma rabaan ee waqti yaan laysga lumin.




H.E Dr.C\kariim Jiirow Sharmarke oo ka soo shaqeeyey jagooyin kala duwan ka soo qabtay dowladii dhexe Ee soomaliya




 

Daawo heesta cusub ee Sucaad oo uu soo saaray Fanaanka Qarniga Cismaan Amiita


Fannaanka cismaan amiitahoos ka Daawo Hees cusub oo uu soo saaray fanaanka weyn ee Cismaan Amiita, heestaasoo magaceeda la yidhaahdo SUCAAD





Daawo: Wararka Bulshotv 29.7.2014

[youtube http://www.youtube.com/watch?v=7W6e-Jhoo6c?feature=player_embedded&w=640&h=360]

Daawo: Bandhig-faneedka Xiddigaha Geeska ee Ciidda iyo SLNTV oo dhamaystiran


XIDIGAHAHoos ka Daawo Barmaamujka Bandhig faneedka Xiddigaha Geeska ee ciida oo dhamaystiran, kaasoo caawa ka baxay Telefishanka Qaranka Somalia.


[youtube http://www.youtube.com/watch?v=TCowIwh44ic?feature=player_detailpage&w=640&h=360]

Tuesday, July 29, 2014

Dadku Eed Malaha Markay Xukuumadu Runtii Iyo Beentii Suuqa U Kala Saari-waday?


Todobaadkan waxa bulshadda reer Somaliland khalkhal iyo naxdin ku riday warar ku tiri-ku teen ah oo ka dayrinayey caafimaadka Madaxwaynaha Somaliland oo hadda mudo tobaneeyo cisho ah ku sugnaa magaaladda London.




 




Madaxwaynaha iyo afhayeenkiisa Mr Dhuxul waxay labaduba sheegeen in wararkaasi oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Website-yadu aanay waxba ka jirin oo Mr Siilaanyo caafimaad qabo.




 




Hadaba miyaanay ahayn in la is waydiiyo asbaabaha keenay in ay dadku isla dhexmaraan oo ay ku mashquulaan wararka khalkhalka ah ee noocaas ah. run ahaantii meel uu war jiro oo hadana aan xaqiiqadiisa wali la helin ayuun baa keenta in kuturi-kuteenku ay dadka war u noqoto ilaa inta warka dhabta ahi soo shaac baxayo.




 




Tusaale ahaan waxaynu wada ogayn in Madaxwaynihii dalku uu London tagay, waxa kale oo aynu ogayn oo Madaxwaynuhu markii uu Hargeysa ka amba-baxayey inoo sheegay in uu dalka Ingiriiska u tagayo nasasho iyo arrimo isaga u gaar ah inkastoo ay jireen warar soo baxay intii aanu dalkaba ka dhoofin oo lagu sheegayey in ujeedada safarkiisu tahay baadhitaan caafimaad oo loogu samayn doono London.




 




Waxa kale oo jirtay in Madaxwaynuhu horaantii sanadkan uu safar caynkan oo kale ah ku tagay isla Magaaladda London, safarkaas oo uu Madaxwaynuhu ujeedadiisa ku tilmaamay wakhtigaa mid nasasho ah, balse ay qaar ka mid ah warbaahintu ku sheegeen inuu wehelinayo baadhitaan caafimaadkiisa ah.




 




Dabcan waxaynu wada ogayn in afartii sanadood ee ina dhaafay ee Mr Siilaanyo xilka hayey in caafimaadkiisu ahaa arrin ay calaamatul-su’aal saaran tahay oo bulshadu had iyo jeer wax iska waydiiyaan.




 




Shakiga iyo wararka kuturi-kuteenka ah ee ku taxaluqa arrinta caafimaadka Madaxwaynaha ee kolba soo noqnoqanaya ayaa waxa u sabab ahaa dhawr arrimood oo ta ugu mihiimsani tahay xukuumadda oon marnaba arrintan si rasmi ah uga hadal.




 




Aamusnaanta xukuumadda ayaa dad badani waxay u qaateen inay wax jiraan’’ oo madaxdu ka warwareegayaan in la sheego, taasina waxay mar walba fursad siinaysay in shakiga iyo muranka dadwaynaha dhexdiisu sii xoogaysto oo ay rumaystaan xantii iyo ishaacadihii (Rumors) suuqa la isla dhexmarayey.




 




Arrimaha kale ee jira ee dadka sii shaki galinaysay inay wax jiraan’’ waxa ka mid ah markay arkaan ashqaas aan dawladda meelna kaga qornayn oo haddana taladii u saraysay ee dalka wax ka go’aaminaya.




 




Waxaad ku dartaa qabasho la’aanta shirar-jaraa’id oo Madaxwaynaha iyo saxaafadda loo kala baxayo sidii dhici jirtay wakhtiyadii Cigaal iyo sanadihii hore ee Rayaale ilaa xad ay gaadhay in Madaxwaynuhu ka maqnaado shirkii jaraa’id ee loo balansanaa inuu ka sheego musharaxnimadiisa doorashadda sanadka danbe oo ay dhacdo in wariyeyaashii meesha ka soo xaadiray inay Madaxtooyadu u qaybiso cajalado CD iyo DVD-yo ah oo habeenkii hore laga duubay.




 




Arrimahaasi iyo kuwo kalaba marka la isku geeyo ayaa sawirka ka soo dhexbaxayaa ahaa mid dadka shaki ku abuuraya oo Madaxwaynahoodu ula muuqdo mid la maamulayo oo dadka iyo warbaahinta laga ilaalinayo sidii oo uu yahay qof wax qaba.




 




Dadku eed-malaha hadii markay xukuumadoodu runtii iyo beentii u kala saari waydo ay beentii run u qaataan.




 




Mushkiladda meesha taala ee aan arrintan oo kaliya khusayn balse dalkoo dhan carqaladda ku ahi waxay tahay dadkii Madaxwaynaha ku xeernaa ee ragga iyo dumarkaba lahaa ayaa waxay dhagahiisu jeclaystaan mooyaane aan wax kale u sheegayn.




 




Madaxwayne kasta la taliyeyaashiisa u dhawdhawi waa wasiiradiisa. laakiin wasiiradda Siilaanyo kuma jiro mid kaliya oo u sheegi kara waxaanay dhagihiisu jeclayn balse dantu ku jirto Madaxwayne ahaan iyo dal ahaanba.




 




Xukuumad dhexdeedii aan runta la isku sheegayn khaladkana la iska qabanayn oo wasiiradeeda, saraakiisheedii aminiga, xildhibaanadeeda iyo xisbiyiinteedu ay u kala baratamayaan u-guulwadaynta Madaxwaynaha xukuumadda caynkaas ahi dadkeedana run uma sheegi karto. laakiin waxa hubaal ah in casrigan aynu ku jirno ee warbaahintii hore laga sii guurayo ee Internet-kii iyo Social Media-hii ay caalamkii Saybareen aanu jiri doonin war xaqiiqadiisa la qarin karaa.




 




Xalna kuma imanayo oo isna keeni maayaan wariye yar oo casrigiisan la socda oo Twitter iyo Facebook toocsanaya iyo xukuumad kolba isaga xidhaysa oo wali ku nool cahdigii kacaanimada iyo guul-wadayntu shaqayn jirtay ee qarnigii hore.




 




Qalinkii Axmed Cumar Askar




 




Hargeisa-Somaliland

UNPO: Gooni isutaaga Kurdistan waxa uu fursad u yahay Aqoonsiga Somaliland”


Hay’ad Caalami ah oo sheegtay in Somaliland Aqoonsi Caalami xaq u leedahay hadii caalamku aqoonsado Kurdiyiinta Reer Ciraaq..




[caption id="attachment_91926" align="alignleft" width="328"]Dadka reer Somaliland oo rejo wanaagsan sugaya Dadka reer Somaliland oo rejo wanaagsan sugaya[/caption]London(GNA)-Ururka u dhaqdhaqaaqa Qaramada iyo dadyowga aan aqoonsiga Caalamiga helin ee magaciisa loo soo gaabiyo (UNPO), ayaa ku dhawaaqay in madaxbanaanida Gobolada Kurdiyiinta reer Iraaq kaga go’ayaan dalkaasi intiise kale ay soo dedejin karto aqoonsiga Somaliland.




Qorshe la doonayo in dawladnimo taam ah ay ku yeeshaan Dadka Kurdiyiinta ah ee degen Waqooyiga Dalka Iraaq ayaa sii xoogaystay todobaadyadii u dambeeyay, kaddib markii Madaxweynaha Ciraaq muddo yar ka hor sheegay inay dawladdiisu aqoonsanayso maamulka Kurdistan ee dalkiisa ka go’aya.




UNPO , ayaa iyagoo barbar dhigaya waxyaabaha ay wadaagaan Somaliland iyo Kurdistan hoosta ka xariiqay in hadii gobolkaasi caalamku aqoonsado, Somaliland-na xaq u leedahay in sidaasoo kale caalamku u ictiraafo.




Reysal-wasaaraha Israel iyo qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha Reer Galbeedka ayaa taageeray qorshaha dalka ciraaq uu kaga go’ayo Kurdistan, taasoo iyaduna fursad kale u noqotay dadka mandaqadaasi degen ee xoriyad doonka ah.




Hay’adda UNPO oo miisaan ahaan wada shaqayn fiican la leh Qaramada midoobay iyo  waddamada caalamka, ayaa waxyaabaha ay Somaliland iyo Kurdiyiinta reer Ciraaq wadaagaan ku soo uruurisay afar qodob oo aasaas u noqon kara inay labada dalba helaan aqoonsi caalami ah.




UNPO , ayaa sheegtay inay Kurdistan ka go’ayaan wadan dhibaatooyin iyo qalalaase hoy u noqday (Ciraq), oo ay dawladdiisu ku guul-daraystay inay maamul cago adag ku taagan hir geliso, halka reer Somaliland-na si la mid ah ay uga go’ayaan dalka soomaaliya oo noqday Hooyada colaadaha Sokeeye iyo degenaanshiyaha Geeska Afrika.




Waxa kale oo ay sheegeen inay labada Maamulba leeyihiin hanaan dimuquraadiya oo ka hir galay Somaliland 1993, Kurdistan-na 1992, iyagoo intaas raaciyay inay adayfa dimuquraadiyada wax aan badnayn ku kala duwanyihiin.




Qodobka ugu muhiimsan ee ay wadaagaan Somaliland iyo Kurdistan,  waxa ay ku sheegeen UNPO “ lagama hadlin Ololihii Xasuuqa ahaa ee Maamulkii Sadaam Xuseen ee dalka Ciraaq kula kacay Kurdiyiinta Dalkaas sanadihii 1980-kii.si la mid ah dadka reer Somaliland waxay iska difaacayeen 30 sanadood cadaadis kaga imanayay nidaamkii Talyaaniga ka xoroobay ee Somalia oo ay midoobeen 1960-kii”ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay UNPO.




Somaliland




Arrintan ayaa rejo wanaagsan ku abuuraysa dadka reer Somaliland oo 23 sannood Aqoonsi caalami ah doonayay, isla markaana wali bulshada caalamku aanay ka jawaabi rabitaankooda dawladnimo, inkasta oo ay tix-gelin gaar ah ka hesho wadamo badan oo caalamka ah.




Xukuumadda Somaliland ayaa loo baahanyahay inay ka faa’idaysto talaabada caalamku ku aqoonsanayo Kurdistan, taasoo ay ugu ololeynayso sidii loo aqoonsan lahaa, iyadoo Ololahaasi ku waajahaysa dalalka iskaashi ay la samayso wadamada saaxiibka la ah iyo xafiisyada Qaramada midoobay ee arrimaha siyaasadda iyo xuquuqal iinsaanka qaabilsan.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com

Somaliland Recognition:Kurdish Independence Referendum Brings hope”UNPO


[caption id="attachment_91921" align="alignleft" width="400"]somalilanders activity can be birth the reality somalilanders activity can be birth the reality [/caption] London(GNA)-When ever coming one state preparing it’s independent, Somalilanders hear new hope can be open  their closed door of recognition.




It was the great Pleasure, the Somalilander’s when South Stand alone from wide Sudan , but every thing goes as well as intended and they lookin for Un international exception to be recognition state.




What is new




“If Iraqi Kurdistan is recognized as an independent state, it would be very difficult for the International Community to thwart or withhold from Somaliland its fully-deserved international recognition”said UNPO which on  its central is th Netherland.




Press released  by  the 28 July, which from un presented nations and peoples organization declared that Somaliland deserve Recognition same as Kurdish state of the Iraq.




This news is good news in our Somaliland’s.




UNPO STATEMENS




 The upcoming referendum on Kurdish independence in Iraq is proving to be an instance of hope for Somaliland’s own struggle for independence.  With many striking parallels existing between the situations of both nations, it is hoped that Somaliland will be able to follow the example of the Iraqi Kurds and achieve internationally recognized independence.




During the last several weeks, it has become clear that the independence of Iraqi Kurdistan has been fervently debated in the political circles of the international community. This came after ISIS militants occupied many strategic towns in Iraq and the Iraqi military was not able to protect Iraqi citizens from the militants, and collapsed eventually. And after Massoud Barzani, the president of Iraqi’s autonomous region of Kurdistan had officially announced that there will be a referendum for independence in the coming months.




Iraqi Kurdistan and Somaliland share many important underlying factors, and it is the thesis of this piece to explain.




First, Iraqi Kurdistan is a part and parcel of the large scattered Kurdistan Ethnicity that has been partitioned into four different countries: Turkey, Iran, Syria and Iraq. Not to mention the genocidal campaign of Saddam Hussein in the 1980s against Iraqi Kurdistanis. The same subjugations and suppressions that the people of Somaliland experienced during their 31 years rule under Italian Somalia. Nevertheless, it is political fact of life that Iraqi Kurdistan has never been a nation-state as Somaliland was an independent nation-state on 26 June in 1960.




Second, Iraqi Kurdistan has been democratic and peaceful since its first elections in 1992. Even though, Iraqi Kurdistan’s democracy is not analogous with the democracy in Somaliland, at least it is a growing democracy where there are different political parties. Somaliland, although yet to be fully recognized by any states, has experienced sustained peace amidst conflicting states in the region of the Horn of Africa and has been democratic since 1993. Given their common experience of democracy, one might argue that one of the reasons that motivated them to adopt the democratic system can be attributed to their common bitter, long struggle.




Third, both Iraq and the erstwhile Republic of Somalia are characterized as the mothers of failed states – their state failure are characterized by a disintegration of state structures, where their respective governments are in-capable of discharging basic governmental duties with respect to their populace and territories. They are caught in an apparently perpetual cycle of anarchy, terrorism and failed foreign interventions. Both Iraq and Somalia do not enjoy empirical sovereignty but rather judicial sovereignty. Not to mention that the nationalism factor is missing from their national troops, and this is clearly elucidated by the latest ISIS attack on many Iraqi towns, where Iraqi national troops simply collapsed. Similarly, the so-called Somali national troops have been overwhelmingly defeated by Alshabaab Nihilists, whenever they fight each other.




 




With respect to the current developments of Iraqi Kurdistan’s independence, many scholars and journalists are arguing that it is the opportune time for Iraqi Kurdistan’s independence. Jonathan Foreman, former New York Post correspondent on Iraq war has succinctly contended, “The time has come for America and the west to support Kurdish Independence and, simultaneously, to set up U.S bases in Iraqi Kurdistan that would make it America’s military hub in the region.” Equally, Professor William Waters, from Indian University Maurer School of law has argued that,”Kerry asked Kurds to be statesmen. Statesmanship is a quality we associate with states. The Kurds have long wanted one; perhaps now is the time. For that to happen requires statesmanship – from us.”




Furthermore, the Israelis are also supporting the independence of Iraqi Kurdistan, and this came after the first tanker carrying crude oil produced in Iraqi Kurdistan arrived at the Israeli Mediterranean port of Ashkelon. Prime Minister Netanyahu has publicly announced that he is backing the independence of Iraqi Kurdistan.




Finally, there are indications that Iraqi Kurdistan is likely to become an independent state, given the current security and political situation of Iraq, as well as the stability, peace and democratic governance that is prevailing in Iraqi Kurdistan. It is worth mentioning to note that the independence of Kurdistan would be game-changer for states aspiring to be independent- this would specifically boost and increase Somaliland’s aspirations of de jure state. If Iraqi Kurdistan is recognized as an independent state, it would be very difficult for the International Community to thwart or withhold from Somaliland its fully-deserved international recognition.




[caption id="attachment_91921" align="alignleft" width="400"]somaloland somalilanders activity can be birth the reality [/caption]