Sunday, August 25, 2013

SLN: Xoogsade Buugaagta iyo Jaraa’idka la Lugeeya Jidadka Hargeysa oo ka Mustaqbal Wanaagsan Kumanaan la Fil ah iyo Waayihiisa Shaqo


Hargeysa(GNA)-Yaxye Maxamed Cabdilaahi, Waa Wiil Da’diisu tahay 19 Jir oo xoogsade ah, waxaanu ka shaqaystaa Iibinta Jaraa’idka ama wargeysyada dalka ka soo baxa, isagoo ka mid Tobanaan dhalinyaro ah oo Jidadka Magaalooyinka iyo suuqgyada ku iibiya Wargeysyada, kuwaasoo nolol maalmeedkooda kala soo baxa qaybtaasi.




Iibinta Jaraa’idka ayaa ka mid ah shaqooyinka ugu dhaqaalaha yar marka la eego Qiimaha lagu Iibiyo Xabadda Jaraa’idka ah iyo Xaddiga lacagta uu Iibiyuhu ku leeyahay, taasoo ah wax ka yar Qiimaha Koobka Shaaha ah lagu cabo oo shan boqol oo Shilin (500 SHL),waxaana intaasi u dheer tiradda inta xabadood ee laga Iibsado Maalintii dhalinyarada ka shaqaysata oo aan ka badnayn 1-100 Xabadood.




Yaxye wuxuu Jaraa’idka Iibin jiray mudo ku dhaw sideed sanadood, waxaanu sheegay inuu maalintii Iibiyo tiro u dhaxaysa 50 ilaa 60, taasoo ka dhigan inuu maalin kasta ka helo lacag gaadhaysa 25000 Shln ilaa 30,000 SH.L.N, taasoo  la odhan karo waa qadar ugu noloshiisa maalinlaha ah, hadii uu tashiisho.




Si uu u sii kobciyo Ganacsigiisa Mihnadda War-gudbinta iyo iibinta Warbaahinta Maalinlaha ah, waxa uu bilaabay Suuq gelinta Buugaag ku qoran Luuqadda Somaliga oo ay qoreen badankooda Qoreyaal Reer Somaliland, kuwaasoo uu Bagaashka oo kale kula wareego Magaalada dhexdeeda, isagoo u iibinaya sidii Jaraa’idka oo kale.




Korodhka dadka Qoreyaasha ah ee Qalinkooda Maala iyo Bulshada oo marba marka ka dambeysa ay ku soo badanayaan dadka wax akhriyaa, ayaa sababtay inay Bil kasta oo soo baxaan Nuqulo Buugaag cusub ah oo ay soo saareen Hal-abuuro Somaliyeed oo Gudaha waddanka iyo dibada joogaa, kuwaasoo u badan kuwo wax ka qora Taariikhda waddanka, Isbed-bedelka Noloshada Bulshada, Mahadhooyinka u baahan in xusuus laga reebo iyo Taariikhda dad Kaalin mug leh kaga jira ama ka soo qaatay jiritaanka Mujtamaca oo dib loo Uruuriyo Hal iyo Hidde wixii ay ka tageen ama kuwooda Nool laga guntay.




Hargeysa ayaa ah Magaalada ugu badan ee Buugaagtan laga soo saaro( Lagu Daabaco), waana suuqa ugu badan ee dadka jecel akhriska Buugaagtu ku noolyihiin, dhamaan Wargeysyada Somaliland ka soo baxana waa meesha ay Iibka ugu balaadhan ka helaan, xarumahooduna ku yaalaan, mana jiro Jaraa’id ka soo baxa Magaalooyinka kale ee Dalka la’aanta Madbacadaha daabaca awgeed.




Sidaasi darteed qofka ku foogan socodsiinta Ganacsiga laga sameeyo dhinacyadan waa inuu sameeyo Hindise kasta oo uu ku hormarinayo mihnadiisa shaqo, maadaama ay jiraan Duruufo kala duwan oo ku imanaya suuqa uu haysto, sida Baahida war helista oo Bulshada uga  fudud sidii hore, ka dib markii Tiknoojiyada casriga ahi soo badatay  iyo tayada Macluumaadka ay wargeysyadu soo saaraan oo inta badan la dhaliilo.




Yaxye Maxamed Xasan, waxa Xambaarsanaa tobaneeyo Buug oo ay qoreen Qorayaal kala duwan, isla markaana Magacyo iyo muqaaalo kala duwan leh, waxaana ku jira kuwo dhanka Taariikhda wax lagaga qoray iyo kuwo sheekooyin nolosha ku saabsan ka hadlay,sida Buuga ciwaankiisu yahay Socdaalkii dheeraa iyo mid kale oo la yidhaahdo Dhab u fiiri waayaha, kuwaasoo ay labadoodaba qoreen Wilal Reer Somaliland ah.




Yaxye oo Wareysi siiyay Mareegta Gobanimonews, waxa uu sheegay inuu  qaalisan qiimihiisa yahay $15, halka ka ugu jaban uu yahay $6 Dollar, waxaanu intaasi ku daray in maalin kasta uu gado ugu yaraan afar buug, kuwaasoo uu ka helo nolol maalmeed uu ku qanacsanyahay.




Kuma Koobna oo qudha Iibinta Jaraa’idka iyo Buugaagta Yaxye Maxaed cabdilaahi, hase ahaatee waa Nin qoraaya, waxaanu inta badan Wargeysyada ku qoraa sheekooyin Musasal ah oo uu ka mu’alifo Bulshada dhexdeeda, waana Nin yoolkiisu ka sal balaadhanyahay, inuu Waddooyinka la istaago Waraaqo Khad Madow lagu daabacay.




“waxa igu kalifey Buugaagta inaan iibiyo, markii aan arkay siday dadku ugu baahanyihiin inay helaan Buugaag iyo waxyaabo kale oo ay akhristyaan iyo anigoo is idhi Bulshada ayaad dhexdeeda kalsooni badan iyo xidhiidh ka haysataa, markaa waan Iibinayaa, waxaanan doonayaa inaan sii kordhiyo xirfadayda Ganacsi”ayuu ku yidhi Sheeko dheer oo na dhex martay aniga iyo Yaxye.




Waa dhab oo wali muu helin qaban-qabasho rasmiya oo uu Himiladiisa ku meel marin karo, hase ahaatee wuxuu ka mustaqbal iyo maamuus fiicanyahay iminka Kumanaan dhalinyaro reer Somaliland ah oo si ay nolol u helaan Baddaha iyo Saxaraha loo maro Qaaradda Yurub ugu le’day sabab la’aan, kuwaasoo badhkoodii bad-baaday laftoodu aanay natiijo wanaagsan ka gaadhin safarkii adkaa ee ay mareen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com