Monday, August 26, 2013

MALAGA YAABAA IN AY TALO IYO TAWFIIQ GO’AAN ADAG KA QAADATO BAADHASHADA SHIDAALKA SHARCI DARADA AH OO LA MID AH KII FIICNAA? S. Axmed


Waxaan  anigoo ah xubin ka mid ah shacabkii doortay ee ficilka iyo kharashba ku bixiyay gudi beeleedka  TALO IYO TAWFIIQ  ayaa waxaan mudadii shidaalka hawlihiisu socdeenba aanu eegaynay  gudidayada TALO IYO TAWFIIQ  waayo waxaa jirta  sida aynu wada  ognahay ba in shidaalka aanay shirkadahan baadhayaa u haysanin wax sharciya haday sahamin tahay iyo haday baadhis dambe tahayba , taas oo dawlada Somaliland muujisay in ay si badheedh ah u boobto khayraadka dalka iyaoo u dhaqaalaynaysa reero khaas ay ama beel khaas ah, waxaana kaaga markhaati ah in dawladu isku dayday in ay sameeyaan WARSHADII SIBIDHKA ee BERBER oo ay u gaar yeelaan ama u kooteeyaan DAHABSHIIL laakiin may hirgali waayo waxaa go aan dhaxal gal ah oo dadka iyo deegaanka iyo shacabka Somaliland ba dan u ah ka qaatay GUDIDII DAN IYO  DUCO WAANA AANU UGU HAMBALAYAYNAY GO AANKAAS,Hadaba manta waxaa deegaanka Hawd ee Togdheer Burco ka socda sidii midleeg halkaas oo laga wado baadhasho badheedh ah oo ciidankii qarankana la istic maalaayo taas oo aan macdan iyo shidaalba la dhaafaynin taas oo aan sifo sharci ah loo soo marin, wax alaale iyo wax sharci oo golaha sharci dajintu ka samaysay na jirin, isla markaana aanay Gudi heer qaran oo golayaasha iyo asxaabta qaranka ka kooban oo loo saaray toona jirin aya ay dawladu Shirkado soo samaysatay layidhaaho AFRICAN RESOURCE  taas oo ay leeyihiin Wasiir Xirsi,Wasiirka macdanta, MADAXWAYNUHU Ahmed siilaanyo waxaanay dadka ugu sheegeen in ay tahay shirkad ajaanib leeyey,




Hadaba waxaaa nasiib daro ah in ay Gudida TALO IYOTAWFIIQ  oo dushooda ku qaatay loona doortay in ay ku hadlaan afka Beelwaynta Habaryoonis ayaa waxay gabi ahaanba ka aamustay arinkan oo xasaasi iyo arin wayn ku ah Guud ahaanba beesha iyo qaranka  mana garanayno sababta ay uga aamuseen waxaana aanu ka sugaynaa in ay go aan ka qaataan sida ugu dhaqsaha bada oo ay joojiyaan gabi ahaanba Baadhista shidaalka ee deegaanka  inta lasoo samaynayo cid la aamini karo oo qaranka matasha .




Qore Abdi Ahmed