Wednesday, August 28, 2013

Hab cusub oo Qishka Imtixaanada looga hortagayo!!


(GNA) Sanadihii aanu soo dhaafnay ayaa lagu soo waramayaa in dalka thailand ee ku yaala qaarada eeshiya in ay dalkaasi ardaydu wax caadiya kadhigteen Khishka in itixaan la kala eegto wasaarada tacliinta sare ee thailand ayaa sanadkan waxa ay hirgalisay in qofwalba oo itixaan galaya in ay labada kood ee madaxa loogu xidho waraaq adag ama fayl si aanu hareerihiisa ueegin taas oo looga jeedo in aanu ardaygu isnuuxin .




tijaabadan oo lagaaday sanadkii aanu soo dhaafnay waxaana bilaabay jaamacad ka tirsan dalka thailand taas oo natiijadii usoo baxday ay noqotay in dhamaan ardaydii sanadiihii lasoo dhaafay %30 ay is hafreen oo aaney ku guuleysan intixaanka kaas oo ahaa khish ama ka eegasho arday kalle




Warbixinno ka  soo baxay ayaa sheegay in qaar ka mida Jaamacadaha Dalka Thailand ay Boggeeda Facebook-ga ka saartay Sawir ay ka muuqdaan Arday u fadhisa Imtixaan oo Madaxyada ku sita Koofiyad lagu sheegay inay yihiin kuwo ka hortagaya inuu Ardayga Imtixaanka fadhiyaa khish sameeyo.




Sawirkaa wuxuu sababay Dhaliil badan oo Dadkii arkay ay soo dhiibeen.




Hey’adda Maamulka Ardayda ee Jaamacadda Kasitsarat ayaa sanadkii aanu soo dhaafnay  faafisay Sawirka Boqol Ardayda Kuliyadda Warshadaha iyo Beeraha dhigta oo Koofiyado Darafyada Waraaqo loogaga xiray sita.




 




Wargeyska Bangkok Post ayaa sheegay in Golaha Maamulka Ardaydu uu mar dambe joojiyay Sawirkii la faafinayay, sababo la xidhiidha Mowjado Hadalo Xun xun ah oo ka dhashay arrintaas.




Goluhu wuxuu xusay in Koofiyadahan Khishka ka hortagayaa ay lagama maarmaan ahaayeen marka la eego Qolka Imtixaanaadka oo aad u yar, taas oo keeneeysay inay Ardaydu aad isugu dhawaadaan.




Kasiyaan Tijbira oo Macalin ka ah Jaamacadda Tamasat ayaa Facebook-ga ku qoray in adeegsiga Koofiyadahan ay Fashil tahay xitaa hadii dhamaan inta Qolka ku jirta ay Imtixaanka is dhaafsanayaan.




sidaas oo ay tahay ayaa hadana xumno katirsan tacliinta sare ee dalkaa iyo ururo ay ku bahoobeen ardayda jaamacadaha dalka thailand  shir ay yeesheen ku go,aamiyeen in sanadkan lagu galo koofiyadahaa waraaqaha dhinacyada kule taas oo ay la isla waafaqay ayaa keentay in xadgudubkii la saarayay jaamacadaa sawirada faafisay sanadkii hore lagu raaco oo sanadkan lamuujin sawirada ardayda jaamacadaha.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askar4@hotmail.com




Gobanimonews.com