Dimishiq-(GNA) Ciidamada Daacada u ah Madaxweynaha Dalka Siiriya Bishaar Al-Asad ayaa saacadhii lasoo dhaafay waxa ay Hubka Kiimikada ah u isticmaaleen Dagaalo ay kala hortageen Xoogaga Mucaaradka iyagoo sidoo kale Hubkaasi ku duqeeyay goobo ay dad Shacab ah ku noolaayeen.
Ciidamada Siiriya ee isticmaalayay hubka Kiimikada ah ee Mamnuuca ka ah in deegaanada ay dadka rayidka ah kunool yihiin loo adeegsado ayaa xasuuq ba’an ka geestay Deegaano ku dhaw Caasimada Siiriya ee Dimishiq iyo Goobo kale ay kusugnaayeen dad rayid ah.
In kabadan Kun Qof oo Rayid ah ayna ku jiraan Caruur tiro badan iyo Haween ayey xasuuqeen Ciidamada Daacada u ah Bishaar Al-Asad Saacadihii lasoo dhaafay Hubka Kiimikada ah, iyadoona Muuqaalo lasoo bandhigay la arkayay caruur badan oo ku nafwaayay hubka Kiimikada ah ee isticmaalayeen Ciidamada Siiriya.
Ciidamada Daacada u ah Nidaamka Bishaar Al-Asad ayaa Xasuuq ba’an ka geestay Gudaha Siiriya iyadoona aad loo cambaareeyay Xasuuqii ugu dambeeyay ee Ciidamada Siiriya u geesteen dadka shacabka iyaga oo isticmaalaya Hubka Kiimikada ah.
Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews.com
askars4@hotmail.com