Hargeysa. (GNA)- Bulshada Somaliland inta shaqayn karta oo badanaa cabasho ka muujiya shaqo la’aan baahsan oo guud ahaan dalka ka jirta, ayaa qaar badan oo Muruq iyo Aqoon ay ku xoogsadaan lihi ku doodaan in Somaliland haba yaraatee aanay oolin fursado shaqo oo munaasib ku ah Muruqooda iyo aqoonta ay soo barteen.
Hase Yeeshee waxa jira dad Ajaanib ah oo ku nool dalka oo mahadiyey shaqooyin Muruqmaal oo ay ka han wayn yihiin muwaadintiina reer Somaliland oo iyagu ku hamiya shaqo xafiis ama shaqooyin Muruqmaal oo fudud dakhli badana ka soo galo, isla markaana ka door bida shaqooyinkaasi inay bilaa camal iskaga joogaan ama ay shaxaad u ban-baxaan.
Dhalinyarada xooga ah ee bilaa camalka ah ayaa Somaliland lagu qiyaasaa 75%, kuwaas oo shaqooyin badan oo ay qaban lahaayeen u beer dareeyey ku hamiga iyo baadi doonka shaqooyin xafiiseed oo ay ku helaan mushahar badan, marka ay shaqooyinkaasi xafiisyada quus ka soo istaagaana u xadhka xidha sidii ay ugu Suudali lahaayeen dalalka dibadaha iyaga oo maraya dariiqooyin halaag iyo halis badan gaadhsiiya noloshooda.
Mid ka mid ah Dadka Ajaanibka ah ee ku nool Somaliland oo ka soo jeeda Dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo aan kula kulmay goob uu ka hayey shaqo Muruq-maal oo ay ku jeexayeen Hareeraha wadada Wadnaha si loo mariyo Xadhig Isgaadhsiineed oo dhulka hoostiisa la dhigayo ayaa sheegay in shaqadan cida qabataa ay u badan tahay Dadka Ajaanibka ah ee ku dhaqan Somaliland, isla markaana ay ku yar yihiin Muwaadiniinta reer Somaliland ee Shaqooyinka Noocan ah qabta.
Waxaanu tilmaamay in dadkooda ajnabiga ahi ay ku qanacsan yihiin inay shaqooyinka noocan oo kale ah ay ka shaqeeyaan, isla markaana ay ka helaan dhalaale ay ku dabaraan nolol maalmeedka iyaga iyo qoysaskooda.
Ninkan Muruq-Maalka ah ayaa wariyuhu waxa uu waydiinay Dakhliga ka soo gala Shaqadan iyo Cabirka dhererka dhulka uu maalintii qodi karo ayaa sheegay in Halkii Mitir ama talaabo ee uu qodo loo xisaabiyo $2, isla markaana uu maalintii qodi karo dherer dhan 10 ilaa 15 Mitir ama Talaabo, taas oo uu sheegay inuu ka helo $20 ilaa $30 dollar oo si mug leh ugu filan nolol maalmeedka isaga iyo reerkiisa.
Axmed Cali Cigge
Gobanimonews/ Haatuf Media
Hargeysa