Friday, August 23, 2013

Burco: Wasiirro Dhagax Dhigay Dhismaha Cisbitaal Kelyaha lagu Sifeyn doono + Sawiro


Burco(GNA)-Wasiirka wasaarada caafimaadka SL Saleebaan Ciise Axmed(Xaglatoosiye) oo safar shaqo ku jooga magaalada Burco Ayaa maanta dhagax dhigay Xarun Caafimaad oo lagu safeyn doono  Kelyaha.




Xaruntan oo laga dhis doono Cusbitaalka magaalada Burco Gudihiisa,ayaa waxaa Kulankii lagu dhagax dhigayay oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir Cali,Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan.dhagax dhiga ka dib waxa uu  wasiirka Caafimaadka Xaglatoosiye hadal kooban ku sheegay in ujeedada safarkani ay ahayd sidii ay Cusbitaalka magaalada Burco ay u buuxin lahaayeen Kaalintii ay banaysay hay,ada MSF oo markii hore cusbitaalka Guud ee magaalada Burco gacanta ku haynjirtay isla markaana Dhawaan uun marakaliya sheegtay inay uga baxayso xaalad amni oo kala kulantay dalka Soomaaliaya.



waxaana wasiiraka Hadaladiisii ka mid ahaa''waxaanu aniga iyo wasiiradaniba u nimiarinta Cisbitaalakan oo aad la wada socotaan,waxaa gacanta ku hayn jiray Hay,adii baxday ee MSF,markaas socdaalkayagani ku salaysanyahay in MSF oo baxday awgeed aanu Cisbitaalkani u dumin,hawshii la waday ay sideedii u sii socoto oo aan haba yaraatee aan waxba ka dhinmin halkii uu marayay,aanu marnaba hay,adaa u dhitin  Cusbitaalkani.




wasiirku waxa kale oo uu ka dhawaajiyay xaruntan looi dhisayo mishiika kelyaha lagu safeeyo inay gobolkan iyo gobalada barigaba lagaga uu muhiim u yahay isla markaana lagaga maarmayo taraagii ay dadka bukaanka ai hargaysa u gali jireen.
Si kataba ha ahaatee wasiiradan sadexda ah oo maalamahanba la sugayay inay safarkan ku yimaadaan magalaada Burco,isla markaana  cisbitaalka magaalada burco ay dawladu kaalintii ay ka baxday Hay,ada MSF u daboolilahayd, cisbitaalkan oo ay ay,ada MSF ku kharash garayn jirtay Bishiiba in ku dhaw Boqol iyo Konton kun oo doolar ayaa  waxa la filayaa sida ay kaalintaas u buuxin doonto,iyadoo uu cusbitaalka Burco uu adeegyo caafimaad oo bilaash a siin jiray Gobolada Bari ee dalka iyo waliba dad badan oo ka kala yimi dhulka soomaalidu degto.




 







Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office