Sunday, August 25, 2013

Burco: Shirkadda Somtel Xarun cusub ka Furatay Xaafadda koosaar


Burco(GNA)-Shirkada Isgaadhsiinta ee Somtel ayaa xaafada koosaar ee Magaalada Burco ka furatay xarun cusub isgaadh siineed.




Waxa xaflada lagu daahfurayay xarunta cusub ee somtel ay kuyeelantoonto  xafada koosaar oo ka baxsan magaalada kasoo qaybgalay maamulka shirkada somtel ,xildhibaano kamida golaha deegaanka Burco,gudoomiyaha xaafada koosaar ,taliye ku xigeenka  xaafada koosaar,odayaasha ,dhalinyarada iyo haweenka xaafada koosaar,




Waxana ugu horayn halka kahadlay  maamulaha  ku xigeenka Shirkada Somtel magaalada Burco Siciid kaariye Jibriil  oo ka sheekayay  ujeedada  ay u qabteen  xafladan iyo sababta keentay inay Xaafada koosaar kusoo biirayaan adeegyda ay  uhayaan  bulshada waxa kale oo xusay inay wax kasta oo ay uga baahanyihiin adeegydeeda ay ka heli karan,xaruntan ayna u fududeeyeen oo u soo daweeeyeen.waxaana hadaladiisii ka md ahaa''waxaanu ku alkan xafiiska uga furay inaanu ku raali galino macaamiishayada  shirkada Somtel si ay u helaan adeegyadii ay u baahnaayeen ee ay magaalada Gudaheeda u qabanjireen,waxa kale oo aanau soo kordhin doonaa adeegyo kale,sida adeega xawilaada oo kale aad baanan ugu faraxsanahay sida aad noo soo dhawayseen Bulshadiina kala duwan ee reer koosaar,waxaanu balkan qaadaynaa inaanu idin raali galindoono.




Waxa iyana halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha xaafada koosaar Maxmed Axmed (Sheeri)oday Badel Biixi, Maxmed Cismaan ,Sahra oo ah GudoomiyaHa Garabka Haweenka xaafada kosaar iyo taliye ku xigeenka xaafad koosaar Cali Cadaani  oo si wada jir ah usoo dhaweeyay shirkada Somtel inay ka furato xaafada koosaar xarun cusub  oo noqotay mid  fududaysa adeegyada somtel oo aan hada si  dhib yar ku helayno ,




Waxa iyana halkaasi ka hadlay  Xildhibaan Axmed Afyare iyo Xildhiban Cabdi laki xasan  oo si wada jira ah ugu hanbalyey sirkada somtel adeega,waxaanay  xildhibaanadu sheegeen inay shirkadani tahay mid dadkeeda wax ku soo kordhisa,wax wayna ka tarta adeegyada aya Bulshadu u baahantahay wax badana ay hada qabandoonto




 




Waxaaan  gabagabadii uu xadhiga ka jaray gudoomiyaha  xaafad koosar xaruntan cusub oo ay ku  soo kordhisay xaafada koosaar




Axmed Muuse




Gobanimonews




Email: editor@gobanimonews.com