Thursday, August 29, 2013

Mesut Ozil: Kama Baqayo Inaan Tartan La Galo Gareth Bale.


Mesut Ozil ayaa shaaca ka qaaday inuusan wax dhibaato ah ku qabin imaanshiyaha la filayo ee Gareth Bale, waxaana uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu u tartamo booskiisa.




Madrid ayaa la filayaa inay dhameystirto saxiixa 24 jirka Tottenham oo ay kula soo wareegayaan 100 milyan euro, waxaana Ozil uu cadeeyay inuu gacmo furan ku soo dhaweyn doono.




“Hadii aan nahay Real Madrid, waan ku faraxsanahay ciyaaryahan kasta oo xoojinaya kooxda. Waana sababta aan wax dhibaato ah ugu qabin saxiixa Bale” ayuu xiddiga Jarmalka u sheegay jariirada Bild.




 




 




“Mar walba tartan ayaa ka jira boosas marka aad u ciyaareyso koox sida Real Madrid ah. Waana garanayaa sida loo maareeyo. Marnaba koox ugama tagi doono tartan loo galo boosas.




“Xilli ciyaareedkan waa xilli ciyaareedkeygii afaraad ee kooxda, mar walbana boos joogta ah ayaan ka heystay. Waan ka warqabaa awoodeyda. Waxaana dareemayaa kalsoonida tababaraha, shakina iigama jiro inaan mar kale boos joogta ah heli doono.”