Wednesday, August 28, 2013

Chelsea Oo Dhameystirtay Saxiixa Willian.


Chelsea ayaa dhameystirtay saxiixa xiddiga reer Brazil Willian oo kala soo wareegeen Anzhi Makhachkala iyagoo bixiyay heshiis lagu sheegay 30 milyan ginni.




25 jirkaan ayaa qarka u saarnaa inuu ku biiro Tottenham oo uu tijaabada caafimaadka u maray ilaa iyo intii ay Chelsea soo dhex gashay islamarkaana ka afduubatay saxiixiisa kooxda Spurs.




Willian ayaana loo helay ogolaansho shaqo oo UK ah, isagoo qalinka ku duugay heshiis shan sanno ah waxaana uu Chelsea u xiran doonaa maaliyada No 22.




 




“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan imid” ayuu Willian u sheegay website-ka Chelsea. “Riyadeyda ayay aheyd inaan halkaan imaado oo aan ka ciyaaro.




“Chelsea waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka, waxaana haatan u ciyaari doonaa mid ka mid ah macalimiinta ugu fiican adduunka, sidaasi darteed waan faraxsanahay, waana sugi la’ahay.”