Monday, August 26, 2013

Roob xalay ka da’ay Magaalada Borama oo sababay Dhaawaca labo qof iyo Gudoomiyaha Degmada oo ka warbixiyay +sawiro






 



Booram(GNA)-Mudooyinkii udanbeeyay waxa ka da’ayay magaalada borama ee xarunta gobalka awdal roobab waawayn kuwaasi oo khasaaro ba,an ugaystay bulshada kala duwan ee ku nool magalada borama ka sakaw maalmahaasi lasoo dhaafay ee ay da,ayeen roobabku ayaa waxa habeenkii xalay ahaa abaaro salaadi maqrib markii la adimay  ka bilawday magaalada borama roob aad u xoogan kaasi oo da,ayay mudo qiyaastii gaadhaysay 1:30 .kadib markii uu qaaday roobku ayaa waxa la sheegay inuu daadkii kasoo rogmaday roobkaasi ay qaadeen 1qof




Hadaba markii uu saaka waagu baryay ayaan waxa aan u kuur galnay khasaarihii ka dhashay roobkaasi iyadoo sida hada la ogsoonyahay uu roobkaasi xalay ka da,ay magaalada borama oo ahaa mid xoogan uu khasaaro uu ugaystay 2qof oo ay midi haweenay ahayd.




 



geesta kale waxa aan kormeer ku tagay cisbitalka guud ee magaalada borama si aan wax uga soo ogaano xaalka dadka uu khasaaraha ugaystay roobku ayaan balse waxa la sheegay in qofka haweenayda ahayd laga saaray dhalkhtarka loona waday  dhinacaa iyo xaafada xaaladeeduna ay wanaagsanayd




waxa kale oo wakhtigaasi lagu  dawaynayay cisbitalka inanka isaguna uu khasaaruhu kasoo gaadhay roobkii xalay ka da,ay magaalada borama  oo lagu magacaabo xasan kuna magac dheer "xasan wayne" oo isagu




 



wakhtigaasi koomo ku jiray balse sida ay ii xaqiijiyeen qaar kamida qaarabadiisa oo iyagu ku sugnaa cibitalka waxa ay ii sheegeen “waxa soo gaadhay dhaawacyo balse hada waa uu roonyahay”




Sidoo kale waxa aan booqasho ku tagnay xafiiska maayirka magaalad borama saleebaan xasan xadi oo aan wax ka waydiinay saamaynta uu roobku gaystay{roobku runtii waxa uu aha mid ka xiigan kuwii hore ee ka da,ay magaalada borama kadib markii uu qaaday waan booqanay goobta uu ku qaaday daadku labad qof .sidoo kale waxan ku booqanay cisbitalka markaa hada waa ay fiicanyihiin}maayirka oo wax laga waydiiyay waxa ay ka qabanayaan goobta uu daadku ku qaaday oo ah jidka isku xidha suuqa magaalada iyo xaafada sh.cismaan waxana uu yidhi(runtii diyaar ayaan unahay inaan wax ka qabano goobtaasi waxana noo qorshaysan inaan sanadka 2014 aan ka dhisno biriij fiican)




Si kastaba ha ahaatee roobabka kala duwan ee maalmihi udanbeeyay ka da,ayay magaalada ayaa waxa ay khasaaro fudud u gaysteen qaar kamida dadka ku dhaqan gudaha magaalada borama iyadoo roobkii xalay kii ka horeeyay oo isna ahaa mid aad uwayn oo ay wehelinayeen dabaylo xoogani uu  jiingadaha ka qaaday ku dhawaad 29guri




Wariye:mustafe caraale




caraale_143@hotmail.com