Thursday, August 29, 2013

SLN: Maxaa ka soo baxay Shirkii Xukuumadda iyo Daneeyayaasha Wershadaha Waddanka Dhexmaray ?


Hargeysa(GNA)-Kulan lagu gorfeynayay horumarinta Wershadaha, isku xidhka Daneeyayaasha Wershadaha , iyo sidii loo qeexi lahaa  caqabadaha ka horyimaada dadka warsheydlayda ah, loona abuuri lahaa dariiq lagu horumariyo, ayaa laga soo saaray go’aamo kala duwan oo laga gaadhay qaxyaabihii layskula soo qaaday intii uu socday.




Shirkan oo laba maalmood ka socday Magaalada Hargeysa, kana qayb-galeen inta badan Hay’adaha adeega Bulshada ee Xukuumadda oo ay Wasaaraduhu ka mid yihiin, mulkilayaasha wershadaha waddanka, xubno ka socday Ururka Wershadleyda, wakiilo ka socday Baanka aduunka, Hay’ado Caalamiya oo ka shaqeeya horumarinta wax soo saarka wershadaha iyo Daneeyayaal Caalmiya, waxa soo qaban qaabiyay Wasaaradda wershadaha ee Somaliland.




Qodobada Shirkan laga soo saaray oo laga soo miin-guuriyay talooyinkii iyo aaraa’dii laysku dhaafsaday intii uu socday, ayaa Wasaaradda Wershaduhu sheegtay inay dhaqan gelinayso, iyadoo qoraal lagu shaxeeyay oo nuqul ka mid ah ay heshay Mareegta Gobanimonews lagu muujiyay qaabka iyo hanaanka loo hir-helinayo.




Waxaanay Qodobada laga soo saaray u dhignaayeen sidan:




·         Diyaarinta Siyaasadda Wershadeynta.




·         Hir-gelinta Xarumaha aqoonta iyo Xirfadaha Shaqo .




·         Aasaaska Guddi xidhiidhiya Wasaaradda Wershadaha, Ururka Wershadleyda Dalka, Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Hawl-wadaaga la ah, sida Wasaaradda Beeraha, Isgaadhsiinta, Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda.




·         Ka faa’idaysiga Tamarta iyo hir-gelinta Wershadaha.




·         Iska xilsaarka xalinta Caqabadaha iyo cabashada Wershaha.




·         Iskagaashiga daneeyayaasha Caafimaadka, Deegaanka iyo nabad-gelyada.




·         Ka faa’idaysiga waayo aragnimada Dalalka  kale ee Wershadaha leh, sida Hindiya.




·         Joogteynta kulamada lagu falanqeynayo Wershadeynta dalka




·         Tix-gelinta talooyinka Wasiirka qorsheynta ee ah abuurida Wershadeynta iyo Aag-dhaqaale iyo abuurida sanduuq horumarinaya Wershadaha.




·         Dhaqan-gelinta go’aamada kulanka.




·         Xoojinta xidhiidhka Wasaaradda Wershadaha iyo Jaamacaddaha si cilmi baadhis loo hirgeliyo.




Geesta kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wershadaha Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-guray), ayaa sheegay inay Wasaaraddiisu ka shaqeynayso sidii loo horumarin lahaa wax soosaarka wershada waddanka si loo kobciyo Dhaqaalaha iyo Wax soo saarka dalka.




Agaasime Cabdi-guray ayaa intaasi ku daray in baahi weyn loo qabo abuurida warshado waddaniya, isla markaana markii ay baahidaasi arkeen ka fekerayaan sidii loo gaadhi lahaa qorshe lagu hir-gelinayo.




Shirkan oo furitaankiisii iyo gabagabadiiba ay talooyin badan ka soo jeediyeen masuuliyiin dawlada iyo Hay’adaha horumarinta ka socday oo ka qayb-galay ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay ku kulmaan dhinacyada ka qayb-galay, waxaana muuqata in natiijo wanaagsan laga dhaxli doono, hadii ay dhaqan-gal noqdaan qodobada ka soo baxay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com