Friday, August 30, 2013

12 weerar Bambaano oo ka Dhacay Baqdaad


Baqdaad (GNA) Ugu yaraan 80 qof ayaa ku geeriyooday waxaana ku dhaawacmay in ka badan 250 ruux, 12 weerar oo ka dhacay shalay (Arbaca) magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.




10 kamid ah weeraradan ayaa loo adeegsaday gawaadhi lasoo saaray waxyaabaha qarxa halka labo kamid ah weeraradan ay fuliyeen dad isasoo miidaamiyey.




Weeraradan ayaa lala beegsaday xaafadaha ay ku badan yihiin dadka shiicada. Dowlada Ciraaq ayaa sheegtay in weeraradan ay ka danbeeyaan kooxda Al Qacidada dalkaasi Ciraaq.




Weeraradan ayaa inta badan dhaca xiliyada subaxa wakhtiga shaqada dadka u dareeraan ama fiidkii wakhtiga ay dadku banaanka usoo baxaan, arrintan oo cabsi weyn ku abuurtay shacabka Ciraaq.




Xiisadaha ka dhex taagan Sunnida iyo Shiicada dalka Ciraaq ayaa sii xoogeystay tan iyo intii uu bilowday dagaalka ka socda wadanka ay jaarka yihiin ee Siiriya.




 




Diyaariye:C/qaadir Askar
 




askars4@hotmail.com
 




Gobanimonews.com