Monday, August 26, 2013

Xukuumadda Siilaanyo oo ku Hawlan Qorshe ay ku xero-gelinayso Hadhaagii Ururka Xaqsoor oo aan Xasan Ciise ku Jirin iyo Qodobadda ay kula Heshiisay


 Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku hawlan qorshe ay ku soo xero gelinayso, isla markaana Xisbi Xaakimka Kulmiye ula mideynayso,xubno badan oo ka mid ah Guddidii fulinta Ururka Xaqsoor ee Doorashadii lagu reebay iyo Taageerayaashooda, kuwaasoo hadii ay ku guulaysato inay Xayndaabka Xukuumadda soo geliso noqonaya Kooxdii labaad ee Ururkaasi laga qarameeyo tan iyo markii uu natiijadii Doorashada ka biyo diiday, isla markaana dhibaatada loo geystay Taageerayaashiisa, markii ku gacan saydheen natiijada Doorashada.




Sida ay Gobanimonews ku heshay Warar kalsoonyahay oo labada dhinac ka tirsan,waxa jira wada hadalo muddo bilk u dhow socday oo u dhexeeyay Xubno ka mid ah Xildhibaanada Ururkaasi uga soo baxay Caasimada Hargeysa iyo baddi Guddidii fulinta ee Ururka lagu aasaasay oo dhinac ah iyo Wasiirro xukuumadda ka tirsan.




wada hadaladaasoo nuxurkoodu ahaa sidii ururka Xaqsoor  iyo Taageerayaashiisu  ugu biiri lahaayeen Xukuumadda iyo Xisbiga kulmiye,  ayaa la sheegay inay laba guddi oo kala metelaysay labada dhinac isfaham ka gaadheen, lana filayaa in dhamaadka todobaadkan si waadax ah loo soo bandhigo, isla markaana loo sameeyo Kooxda Ururka Xaqsoor iyo Taageerayaashooda xaflad lagu soo dhaweynayo.




Wada hadalado oo bilaamay dabayaaqadii Bishii Ramadaanta, waxa warku intaasi ku daraaya inay garabka Xaqsoor u metelayeen xubno ay ka mid yihiin Cabdiqaadir Iimaan, Xildhibaan Saleban Dogox, Caaqil Maxamed Ay-jeex iyo xubno kale oo ku jira Guddidisa fulinta, halka xukuumadduna u xilsaartay xubno wasiirro ah oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamed Muuse Abees.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac hawshan ku foogan, hase ahaatee Ilo-wareedyada arintan la socda ayaa tibaaxaya qodobo dhawr ah oo ay ku heshiiyeen, kuwaasoo si loo dhamaystiro ay  xukuumaddu dhakhso u fulin doonto shuruudaha lagu xidhay, siina qorsheynayso intaan lagu dhawaaqin sheekadda.




Waxaana qodobadaasi Xaqsoor heshiika kula gelayso xukuumadda ka mid ah, in laga  Shaafiyo dhibaatooyinkii lagula xiligii Doorashada ka dmabeeyay, in xubno muhiim ah laga siiyo Xisbiga kulmiye dhexdiisa, gaar ahaan Guddida fulinta iyo Golaha dhexe ee xisbiga, in fursaddo shaqo la siiyo Taageerayaasha Ururka , inay xukuumaddu dhisto 20KM oo ka mid ah wadada isku xidha Hargeysa iyo Bali-gubadle oo Laami laga dhigayo iyo qodobo kale oo aan wali soo shaac bixin.




Sida ay ilo-wareedyada Gobanimonews u waramay xaqiijinayaan, Hawshan iyo Heshiiska laga gaadhay toona wax door ah kuma laha Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac, oo ay xukuumaddu hore uga soo jiidatay labadiisii Guddoomiye ku-xigeen oo ay xilal Wasiirnimo xukuumadda ka siisay.




Sidoo kale ma cadda mawqifka uu ka taaganyahay Xasan Ciise go’aanka Kooxdan Ururkiisa ku jiray kula heshiinayaan xukuumadda oo sida la tibaaxayo aanu ka war la’aayn, balse go’aankooda u daayay, halka ay kaga soo biyo cabaan, iyadoo ay jirto xurguf ururka la dhex dhigay ka hor intaan gacan gelintan la bilaabin, taasoo xubnihii ugu firfircoonaa Ururka Khilaaf dhexdooda laga abuuray.




Xasan Ciise Jaamac ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyay ka dhex muuqday Golaha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka oo uu sheegay inuu xubin ka ahaa dadkii Taageerada ka geystay in la aasaaso.




Xubnaha Ururkiisa ku jiray ee la hadal hayo inay xaga xukuumadda u galaan, waxa ugu miisaan culus xoghayihii Arrimah Gudaha ee Ururkaasi Mr Qabo iyo xubno kale oo Qurbo-joog ah, kuwaasoo ka mid ahaa Rukumaddii Ururku ku taagnaa ilaa xiligii Doorashada lagu reebay ee dacwada uu ka furtay dibada.




Dadka ku jira garabka Ururka ee Xukuumadda ku biiraya waxa kale oo ku jira afarta xildhibaan ee Golaha deeganka uga soo baxay Hargeysa, xubo badan oo ka mid ah Musharixiintii hadhay iyo baddi Guddidoodii fulinta. 




Ururka Xaqsoor ayaa ka sekow tabashadii Natiijada Doorashada tirsanayay Dil loo geystay Dhalinyaro Mudaharaad selmi ah sameeyay maalin ka dib markii lagu dhawaaqay natiijada, kuwaasoo Ciidanka RRU-du xabad nool qudha kaga jareen, qaarkoodna dhaawacyo xun ugu geysteen, xaafadda Axmed Dhagax.




Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa hadii ay xukuumadda Siilaanyo ku guulaysto la filayaa inay fagaare ku shaaciso natiijada laga gaadhay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com