Tuesday, September 30, 2014

Siilaanyo oo Amar ku bixiyay in deg-deg sharciga loola tiigsado Askariga dilay Taliyaha

Siilaanyo cadhaysanHargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah Sharciga loola tiigsado Askariga toogtay Taliyihii Bilayska Degmada Arabsiyo Cabdi-case, kaasoo maanta Askari hubaysani tacshiirad ku furay, kaddibna u dhintay dhaawac culus oo gaadhay.

War qoraal ah oo uu saaray Afhayeenka Madaxtooyada, ayaa Madaxweynuhu uu tacsi ugu diray Marxuumka Geeriyooday, isagoo tilmaamay inay dilka Saraakiisha Ciidamadu dhaawacayso sharafta iyo Milgaha Ciidanka qalabka sida.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii saldhiga Booliska ee Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, Marxuum Cabdi Ismaaciil Xaaji Cali (Cabdi-case) oo u geeriyooday togasho uu u geystay askari ka mida ciidamadii uu xukumayey ee Saldhiga Arabsiyo, kaasi oo gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay”.ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Madaxtooyada.

“Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ciidamada qalabka sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybada qaranka, cidkasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xadgudbayso sharaftii qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fulinyo.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo”.ayuu yidhi Siilaanyo.

Taliyaha Geeriyooday ayaa dilkiisu keeni karaa xaasaasiyad ciidan oo khatarteeda leh iyo xiisad bulsho, hadaanay xukuumaddu qaadin talaabo deg deg ah oo waafaqsan arrimaha ciidamada.

Waxaanay dhacdadani durba bulshada dhexdeeda dhalisay hadal hayn xaasaasiyadi ku dheehantahay.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com

Maan Arag waa Mudacayo Afkood!!!by: Jamaal Cabdilaahi

Jamaal Cabdilaahisunaha bani aadamka ayey tahay inaan la isku fakir iyo isku aragti noqon, way adagtahay inaad raadiso afkaar isku wada nooc ahama aan kala duwanayn.

waxaa kale oo iyana adag inaad aragto ama hesho umad isku wada dhinac u jeeda ama u socota, hadaanad marka hore samayn araa is waydaarsi iyo wax is waydiin tabeeto aan meel la isla dhigin waxa la isku maan dhaafsan yahay ama aan la isku afgaran ujeedada ay tahay in la isku raaco ama la gaadho.

waxaa kale oo iyana mudan in la isla meel dhigo hanaanka ay tahay in lagu gaadho ujeedada la isku maan dhaafsanaa.

dhinaca kale hadaad diinteena macaan ee islaamka eegto waxay inagu boorinaysaa isla markaana inagu dhiirinaysaa marka aan arinsanayno ama aan rabno ianaan arin ka biyo keeno inaan marka hore samayno afkaar is waydaarsi iyo wax is waydiin.

hadaan sidaa yeelo oo aan wax is waydiinanana arimeheenu waxay noqondoonaan kuwo barakaysan oo guul ku dhamaada hadaynaan sidaa yeelina waxaa qarka ah fashilaad aan la mahadin.

sidaa awgeed waxaad ogaataa hadii lagu murmo arin in ay waajib tahay in laga tashado waxna la iska waydiiyo oo arinka ama talada la warwareejiyo dhinacyo badana laga eego dabeeto talada ugu macquulsan la isla qaato.

hadaad taasi samayso waxay daawo ka noqonaysaa muran kasta oo bulsho ka dhex dilaaca ama ka sooo dhex unkama.

sidaa cagsigeeda hadii ay noqoto in la isla ficiltamo oo ay noqoto mindi mindi ku taag isla markaana la is ixtiraami waayo waxa xigaa waa kala tag iyo in lakala fogaado taana waa laga wacan yahay waxna kuma hagaagaan.

sidaa awgeed waxaa iga talo iyo tusaale ah hadii la is qabsado oo la isku dhaco isku dhacaasi ha ahaado mid laba qof ama ka badan u dhexeeyee waa inaan laga tagin isku tanaasul is maqal wax is waydiin talo wadaag iyo wada jir.

waxaad ogaataa ixtiraamka iyo tixgalinta aad qofka kaasoo hor jeeda siisaa ama u haysaa inuu daawo ka noqdo xalinta khilaafka idiin dhexeeya.

markasta oo aad rabto inad arin xaliso ama aad qof isku qabataan arin waxaad niyada iyo maanka ku ahaysaa maah maahdii soomaaliyeed ee ahayd MAAN RAG WAA MUDACYO AFKOOD.

 

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)

 

Xisbiga Waddani oo bedelaya Xoghayaha Guud

maxaa ka jira wararka sheegaaya in golaha fulinta ee xisbiga Waddani ay wadaan badalaad ay xilka kaga tuurayaan xoghayaha guud ee xisbiga wadani, Uur cade.

uurcadra

 

Hargaysa(GNA)Wararka laga helaayo ilo wadareedyo u dhuun daloola Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegaaya in hogaanka sare ee xisbiga waddani uu wado mooshin ay xilka xoghayenimo kaga tuurayaan xoghayaha guud ee xisbigaasi mr.maxamed c/laahi Uur Cade.

wararka ayaa intaa ku daraaya in todobaada soo socda ay golaha fulinta xisbiga waddani ay u balansan yahiin in badalaad ku sameeyaan xoghayaha guud ee xisbiga iyada oo xilka xayuubistiisana lagu sababeeyay ka dib markii uu tahliwaayay mr.

Uur Cade inuu taageero ka keeno Beesha uu ka soo jeedo iyo deegaanada ay dagaanba oo uu xisbiga waddani aanu ka haysan wax taageero ah haba yaraatee islamarkaana ay gudoomiye Cirro Soo gaadheen cabashooyin kaga yimi beelaha uu ka soo jeedo xoghayaha guud ee xisbiga waddani mr.maxamed c/laaahi (Uur cade) kuwaas oo Gudoomiye Cirro u sheegay in aanay ku qanacsanayn xoghayenimada Uur cade sidaa daraadeedna uu gudoomiyaha xisbiga waddani uu go,aansaday in la badalo xogahayaha guud ee xisbiga Waddani inta ka horaysa Shirweynaha xisbiga Waddani oo la filaayo inuu qabsoomo dhawaan,isaga oo cirro uu taasna u gudbiyay golaha fulinta ee xisbiga Waddani inay ka gaadhaan islamarkaana ay Go,aan ka qaataan badalaaada Uur Cade, maadaama Dastuurka xisbigu uu awood u siinaayo inay badalaan.iyada oo Golaha fulintuna ay Go,aan ku gaadheen inay todobaadka Soo socda u qaadaan Cod xilka ay kaga tuurayaan Xoghayaha Guud ee hada.

Geesta kalana wararka qaar ayaa tibaaxaaya inuu jiro Heshiis iyo wada hadalo u socda gudoomiyaha xisbiga Waddani c/raxmaan Cirro iyo siyaasiga Baashe Cabdi Gaboobe taas oo la sheegay inuu Cirro uu badalkiisa ka dhigidoono maxamed c/laahi Uur cade xogahayah guud ee xisbiga waddani ee hada oo ay isku hayb yahiin, balse ma jiro war rasmiya oo laga hayo inay isku Afgarteen iyo in kale.

Si kastaba ahaatee xisbiga waddani ayaa la filayaa inuu badalo xogahayaha guud ee xisbigaasi hada xilka xoghayenimo ka haya.

Mustafe Axmed(Herer)

Gobanimonews.com/office

Hargaysa/Somaliland.

Herersax@gmail.com

Golaha Wakiillada oo ansixiyay in mar la wada qabto Doorashooyinka M/weynaha iyo Baarlamanka

Qorshe lagaga hortegayo wakhti dherersi Xukuumi ah oo Golaha wakiillada ka gudbay..

[caption id="attachment_94270" align="alignleft" width="300"]Golaha wakiillada oo cod u qaadaya wasiirka xidhiidhka goleyaasha Golaha wakiillada oo cod u qaadaya wasiirka xidhiidhka goleyaasha[/caption]

Hargeysa(GNA)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta oo Salaasa ah Ansixiyay Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ah iyo codbixiyeyaasha, dood socotay afar maalmood ka ddib.

Golaha ayaa sidoo kale cod gacan taag ah ku ansixiyay soo jeedin la horkeenay oo dhigaysa in mar la wada qabto Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamanka.

Fadhiga Golaha oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxa ka soo xaadiray 66 Mudane, waxaanu ahaa fadhigii u dambeeyay ee Kal-fadhiga 20-aad, iyadoo ay mudaneyaashu galeen fasax lix todobaad ah.

Guddoomiyaha Golaha oo hadal ka jeediyay Fadhiga ayaa sheegay in Doodda Mudaneyaashu u badantahay in mar la wada qabto Doorashada Baarlamanka ee muddo dhaaftay iyo ta madaxtinimada oo wakhtigeedu ku eegyahay 2015-ka, sidaasi darteed loo baahanyahay in cod loo qaado.

“ goluhu wuxuu soo jeediyay, In Xeerkan lala akhriyo oo la waafajiyo Xeerarka kala ah Xeerka Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Xeer lr. 37/2007 iyo lifaaqyadiisa, Xeerka Jinsiyada Xeer lr.22/2002, Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka oo dhamaan qodobada xeerkan ku jira ee ka hor-imanaya la waafajiyo si aanu u khilaafin.

In Goobaha Diiwaangalinta iyadoo la waafajinayo Xeerka Diiwaangalinta Xeer lr. 37/2007 laga dhigo “goobkasta oo codbixineed waxay noqoneysaa goob diiwaangalineed”.

In Xeerka lagu daro in “indhaha” laga qaadayo qofka is diiwaangalinaya si loo helo diwaan gelin lagu kalsoon yahay ee cod bixiyeyaasha JSL iyada oo komishanku tijaabiyey habkan kuna guuleysteen iyo dhamaan wixii sameyn ah yeelanayo qodobkani”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Soo jeedinta Guddoomiyaha kaddib, waxa Goluhu cod u qaaday laba qodob oo kala ah Diwaan-gelinta iyo israacinta Doorashooyinka.

64 Mudane ayaa u coddeeyay in labada Doorasho lays raaciyo, si aan dib u dhac u iman, waxaanu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in qodobkaasi sidaas ku ansaxay.

Dadka Siyaasadda ka faallooda ayaa ku tilmaamay arrintan mid mucaaridku dabada ka riixayaan oo la doonayo in lagaga gaashaanto muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda talada haysa oo badhtamaha sanadka soo socda wakhti xileedku ka dhamaanayo.

Su’aal ayaa ka taagnayd waxa laga yeelayo Doorashooyinka sanka isku haya ee dalku gelayo, iyadoo ay jiraan aragtiyo guud oo ku talinaya in lays raaciyo ugu yaraan labada Doorasho ee Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada.

Laakiinse go’aanka uu hada Golaha Xeer-dejintu ku ansixiyay in lays raaciyo ayaa u baahan in la waafajiyo Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo Dastuurka Dalka, isla markaana ay isku waafaqaan dhamaan dhinacyada Siyaasadda dalka ku loolamaya iyo Daneeyayaasha Beesha Caalamkan ee Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka iyo dimuquraadiyada.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com

War deg deg ah: Taliyiihii Bilayska Arabsiyo oo u Dhintay dhaawac loo geystay

breaking-400x216Hargeysa(GNA)-Taliyihii Saldhiga Bilayska ee Degmada Arabsiyo Cabdi Ismaaciil Xaaji Cali, ayaa goor dhowayd u Geeriyooday Dhaawac culus oo saaka ka soo gaadhay Tacshiirad uu ku furay Askari ka tirsan Bilayska Degmadaas, isagoo ku sugan Taliska Qaybta ee Magaalada Gabiley.

Rasaasta ayaa Marxuumka dhintay kaga dhacday Caloosha, iyadoo sida ay Saraakiisha Ciidanku caddeeyay Mindhicirada jartartay, waxaana lagu sameeyay Qaliin deg deg ah.

Sarkaalka ayaa lagu qalay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo uu ku geeriyooday.

Mid ka mid ah Ehelada Marxuumka ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inuu dhintay goor aan sidaas u fogayn.

Dil fool-xun

Dilka Sarkaalkan ayaa ah mid xaasaasiya, waxaanay kaga duwantahay dhacdadani kuwii hore ee bishan gudaheeda dhacay, waxa uu ka soo jeedda Marxuumku Magaalada Buuhoodle oo qadiyad siyaasaddeed oo kale u dhaxayso Somaliland.

Waxa ay abuuraysaa dareen abuuri kara colaad ehli ah, hadaanay dawladdu talaabo deg deg ah oo lagaga hortegayo dhibaato arrintan salka ku haysa, taasoo saameysa Ciidanka iyo Bulshada caadiga ah.

Askarigii Dilka geystay ayaa la sheegay inay Ciidanku gacanta ku hayaan, sidaasi darteed waxa muhiim ah in arrintan xal deg deg ah laga gaadho.

Qiimaha Sibidhka oo cirka isku shareeray Muqdisho

shamiitoQiimaha Sibirka Guryaha lagu dhiso ayaa cirka isku shareeray Magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah Dalka Soomaaliya, kaddib markii ay aad u yaraatay Shamiitadii Magaalada taalay.

Arrintan ayaa saamaysay Dhismeyaasha cusub ee Magaalada, oo hakad galay tan iyo markii uu Sibirku qaali-garoobay.

Dadka ka shaqeeya dhismaha ayaa sheegay inay joogsadeen Dhismeyaashii cusbaa ee Magaalada ka socday, kaddib markii shamiito jaban la waayay.

Qiimaha Kiishka Shamiitada ah ayaa gaarey $20, halka uu markii hore ka ahaa $7 oo qudha.

Waxa la sheegay inay dhexda ku soo jiraan Maraakiib sida Sibir oo ku soo jeeda Dekedda Magaalada Muqdisho.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com

Taliyihii Saldhiga Arabsiyo oo Toogasho lagu dhaawacay

Gabiley(GNA)-Taliyihii Saldhiga Bilayska Arabsiyo ayaa toogasho lagu dhaawacay gelinkii hore ee Salaasada Maanta.

Cabdi-case Ismaaciil Xaaji Cali, ayaa waxa toogtay Askari ka tirsan Ciidanka Bilayska ee uu Taliyaha u ahaa, isagoo ku sugan taliska qaybta ee Magaalada Gabiley.

Sarkaalkan ayaa dhaawac culusi ka soo gaadhay Caloosha oo uu Tacshiirad ka mariyay Ninka toogashada fuliyay.

Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askariga Dilka geystay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada ammaanka ayaa Gobanimonews u sheegay inuu xidhanyahay Askariga falka geystay.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo ka waramay xaalada Caafimaad ee Sarkaalka la dhaawacay , ayaa sheegay inuu ka soo reynayo oo qaliin deg deg ah lagu sameeyay.

“Qaliin ayaa lagu sameeyay, wuu ladanyahay Koomo ayuu ku jiraa, laakiinse xaaladiisu way ka soo reynaysaa” ayuu Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Ehelada Sarkaalka dhaawacmay.

Falkan ayaa noqonaya kii labaad ee Sarkaal ciidan lagula kaco bishan gudaheeda, waxaana dhawaan toogasho uu askari Milateri ah ku dilay laba sarkaal oo ciidanka ,Milateriga ka tirsan deegaanka Maygaagle ee Gobolka Buuhoodle.

Dilka labadaas Sarkaal oo isku goob lagu toogtay, waxay abuurtay xaasaasiyad maxali ah iyo Kacdoon shacbi.

Askarigii Dilkaasi geystay ayaa baxsaday oo aan wali gacanta lagu soo dhigin.

 

“Dadkayagu waxay diyaar u yihiin inay dhiigooda ku difaacaan cid kasta oo ku soo xad gudubta” Siilaanyo.




mmHargeysa(GNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxmaed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Naqdiyey Qudbadii Madaxweynaha Somaliya uu ka Jeediyey Shirkii Qaramadamidoobay ee dhawaan ka Qabsoomay Dalka Maraykanka waxanu sheegay madaxweyne Siilaanyo in Somaliland tahay Dal Madaxbanaan oo shacabkiisu Goostay in uu gooni u taagnado waxanu Hadalada Xassan sheikh Somaliya ka soo yeedhay ku tilmaamay qaar gaf ku ah Somaliland.

Sidaasi waxa uu ku sheegay mar uu maanta ka Qaybgalay Munaasibad ay ku qalinjabinayeen 793 Arday kuwaasi oo ka qalinjabiyey Kuliyado kala duwan.

Waxanu yidhi.  “Waxaan leeyahay Somaliland waa qaran Madaxbanaan, dadkiisuna tashaday, waxay rabitaankooda ku dhisteen oo ay ku meel marsadeen boqolkiiba todoba iyo sagaashan(97%), Midnimada Somalia waa tii fashilantay, diyaarna u ma nihin, dadkayagu waxay diyaar u yihiin inay dhiigooda ku difaacaan cid kasta oo ku soo xad gudubta Xuudka Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxay Dawladda Somalia u muuqataa inaanay ixtiraamayn wixii aynu ku heshiinay, kana warwareegayso Miiska wada hadalada, waxaanu ugu baaqaynaa Miiska wada hadalada, si aynu u kala baxno, Beesha caalamka waxaanu uga baahanahay inay garowsadaan xaqiiqada Somaliland ka jirta oo ay caawiyaan Dimiquraadiyadda iyo Horumarka ka hanaqaaday dalkan, Dadka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay dalkooda ilaashadaan oo meel uga soo wada jeestaan”

Mustafe Axmed(Herer).

Gobanimonews.com/office.

Hargaysa/Somaliland

 

 

Dagaalkii koowaad ee adduunka WW1

dagaal


DAGAAL3


Hargaysa(GNA)oraantii 1914 ma jirin cid saadaalin kartay in bilo gudahood dunidu ay galayso dagaal baahsan oo si ba’an loogu hoobto.


Meelo badan sanadihii ka horeeyay dagaalka WW1 waxay ahaayeen xilli nabad iyo barwaaqo ay ka jireen Europe, balse ma ahayn kuwo aanay xiisad ka maqnayn.

Dunida ayaa waxaa xilligaas ku badnaa rabitaanka Imbaridooriyadaha ee kuwii loogu yeerayay ‘Quwadaha waawayn’, ku dhowaadna labaatan sano ayaa Europe ay hub uruursanaysay si ay isugu diyaariso dagaal wayn.

Sanadihii 1870-71 Dagaalkii Franco-Prussian ayaa ku dhamaaday Faransiiska oo laga adkaaday iyo Jarmal midaysan oo uu hormuud u yahay Otto von Bismarck.

Si khibradaysan ayuu isugu dheeli-tiray xiriirka France, Austria-Hungary iyo Russia balse wuxuu xafiiska ka tagay 1890, Xiriiradan ayaa noqday kuwo ku xiran nidaam aan xasiloonayn oo cadaawad ka dhex dhaliya isbahaysiga Germany, Austria-Hungary iyo Italy oo ay iska soo horjeedaan isbahaysiga sadexda dal ee Britain, France iyo Russia.

Boqortooyadii Ottoman


Boqortooyadii Ottoman
Imbaradooriyadii Ottoman ee Turkiga oo loo yaqaanay ‘Ninka xanuunsan ee Europe’, oo ka soo horjeeday casriyaynta iyo warshadaynta ayaa tag darnayd marka loo barbardhigo dhinacyadan ‘Quwadaha Waawayn’. Waxaa kaloo sii daciifiyay dagaalkii Balkan-ka ee sanadkii 1912 oo sii yareeyay xuduudihii Imbaradooriyadda iyo saamayntii ay lahaydba.

Russia waxay ka adkaatay Imbaradooriyadda Ottoman sanadkii 1878, taas oo keentay in dib loo asteeyo xuduudaha Balkan-ka, iyadoo Serbia, Montenego iyo Romania ay xornimo buuxda ka heleen maamulkii Turkiga, lana abuuray Bulgaria oo uu Amiir ka talinayay. Waxaa sii kordhay saamaynta Ruushku uu ku lahaa dalalka Balkan-ka.

Sanadihii ka horeeyay 1914, ayaa la arkayay dhaqdhaqaaqyo wadaniyiin iyo gooni u goosi doon ah oo halis galiyay midnimada iyo dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Austria-Hungary iyo Germany. Sanadkii 1905 kacdoon ka dhacay Russia ayaa ku dhowaaday in uu afgambiyo hogaamiyihii Russia ee ‘the Czar’.

Habeenkii dagaal ka horeeyay, Britain, France iyo Russia waxay walwal ka qabeen quwadda military ee Germany, iyadoo France iyo Russia ay sii kordhinayeen xooggooda military.

Balse, wali ma jirin wax qasbya dagaal buuxa oo Europe ka dhex dhaca. Kadib qarni nabad jirtay, dalal badan oo Europe ah ayaa u qaatay in dhaqaalaha dalalka oo aad isugu xirmay in dagaal dhexmara suurtagalnimadiisu ay aad u fogayd.

Saan-saan Dagaal


Ciidamadii dagaalka ka qaybgalay
Waxaa kadib taariikhdu markay ahayd bishii June 28, 1914, lagu dilay Sarajevo Archduke Franz-Ferdinand.

Dhacdadan ma ahayn in ay dagaal horseeddo balse Austria-Hungary ayaa u adeegsatay suurtagalnimada warar aan la xaqiijin ee ahaa in Serbia ku lug lahayd in ay u tahay fursad ay si kama dambays ah ugu burburiso Serbia.

Bishii July 5-6, boqorka iyo ra’iisul wasaaraha Germnay, ayaa u xaqiijiyay safiirka Austria ee Berlin in uu ku taageerayo hadii ay Serbia weerarto. Suurtagal ma ahayn in tallaabadan ay u aragto xukuumadda Austria-Hungary in uu dagaal guud ay dhalin karto – waxay rajaynaysay guul military oo deg deg ah oo ay ka hesho deriskeeda dhibka badan.

Bishii July 23, waqti kama dambays ah ayaa loo qabtay Serbia. Laba maalmood kadibna, Seerbiyiintu way soo jawaabeen, waxaana ay aqbaleen wixii laga dalbaday oo dhan marka laga reebo laba qodob oo u ogolaanayay in maamulkii Austria-Hungary uu si toos ah u faragaliyo arrimaha gudaha Serbia.

Abaabul Dagaal


Inkastoo jawaabta Serbia ay ahayd mid xal raadis ah, hadana maamulka Austria-Hungary wuxuu ku dhawaaqay dagaal bishii July 28, taas oo horseedday dhacdooyin isdaba jog ah oo dhaliyay in dagaalku uu dalal kale ku baaho. Russia ayaa markiiba ku baaqay in uu qayb ahaan ciidankiisa diyaariyo si uu ugu qasbo Austria-Hungary ay dib uga laabato duulaankeeda.

Bishii July, 31, ayaa Russia waxay amartay si buuxda in ciidamada ay u diyaariso, iyadoo ka jawaabaysa Germany oo tallaabo noocaas ah qaaday. Dhinaca kale maamulka London, dagaalka la isku diyaariyay wuxuu keenay in suuqyadii maaliyadda ay cabsi dareemaan , oo suuqa isdhaafsiga saamiyadana la xiro markii ugu horaysay tan iyo sanadkii 1773.

Mustafe Axmed(Herer)

Kenya oo dhaqaalaheeda sare u kacay

LACAG

Neyroobi(GNA)Dowladda Kenya ayaa maanta la filayaa in ay ku dhawaaqdo inuu sare u kacay heerka ay kaga jirtay dhaqaalaha adduunka, iyadoo hoos ka soo kacday kana mid noqotay wadammada uu soo galo dakhliga dhexdhexaadka ah.

Waxa ay dib u xisaabisay qiimaha alaabaheeda ganacsi iyo adeegyada, ama wax soo saarka guud ee dalka, iyadoo isticmaalaysa hab cusub.

Dhaqaalyahanada ayaa aad ugu faraxsan arrintan, waxayna filayaan si sax ah loo soo bandhigo inta uu dhab ahaantii gaarsiisanyahay dhaqaalaha Kenya.

Qaar ka mid ah qeybaha ugu faa'idada badan dalka Kenya sida isgaarsiinta iyo dhismaha ayaanan horay loogu daran tirada markii la xisaabayey inta uu gaarsiisanyahay daqaalaha dalka.

Tirooyinka cusub ee soo bixi doona ayaa waxa la filayaa in ay muujiyaan in dhaqaalaha kenya uu galay kaalinta shanaad qaarada oo ay ka horeeyaan keliya Nigeria, Koonfur Afrika iyo Angola. Balse marka loo eego baaxada ay gaarsiisantahay shaqo la'aanta iyo heerka saboolnimo ayaa dad badan oo kenyaan ah waxa ay ka shakinayaan tirooyinka.

Khubarada ayaa sheegaya in heerka dhaqaalaha oo dib loo eego aanay micnaheedu ahayn in dhaqaaluhu uu gaarayo dadka u baahan.

Dhinaca kale, khatarta ka dhalan karta ayaa waxay tahay in kenya ay lumiso lacagihii amaahda ahaa ee ay ka heli jirtay hay'adaha caalamiga ah ee bixiya deymaha, lacagahaas oo loogu tala galay in lagu kobciyo dhaqaalaha waddamada soo koroya.

Waddamada badan oo afrika ah ayaa dhowaantan dib u eegayey qaabka ay u xisaabaan dhaqaalahooda, arrintaas oo sida uu tilmaamayo bangiga Horumarinta Afrika in ay muujin doonto in guud ahaan dhaqaalaha Qaarada Afrika in uu ka xooganyahay sidii markii hore loo haystay.
mustafe Axmed (Herer)
Gobanimonews.com/office
hargaysa/somaliland

Madaxweyne Siilaanyo oo markii horaysa qiray in Dawlada Somalia ay ka baxday wada hadaladii

siilanyo dera

Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa dalka Somaliya ugu baaqay inay iska iloobaan midnimadii fashilantay ee Somaliya, waxaanu sheegay inay dawladda Somaliya ka warwareegayso wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Madaxweynuhu, wuxuu hadalkan ka sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay qalin jebinta ardayda jaamacadda Hargeysa. “Waxaan leeyahay Somaliland waa qaran madax-banaan, dadkiisuna way tashadeen waxaanay rabitaankooda ku dhisteen dawlad iyagoo codkooda % 97 ku-meel-mariyey dastuurka JSL iyo jiritaankooda. Midnimadii Somalia waatii fashilantay, diyaarna uma-nihin durbaanka Somali-weyn, dadkaygu waxay diyaar u yihiin inay dhiigooda ku difaacaan cid kasta, oo ku soo xadgudubta xuduudaha dalkan Somaliland dhulkiisa, badiisa iyo cirkiisa. Waxay dawladda Somalia u muuqataa, in aanay ixtiraamayn wixii aanu ku heshiinay, kana warwareegayso miiskii wadahadallada, waxaanu weli idiinku baaqaynaa miiska wadahadalada si aynu u kala baxno”. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi  “Beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ay garwaaqsadaan xaqiiqada Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa inay caawiyaan horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana-qaaday dalkan, waa noo muhiim doorashooyinku waanan soo dhawaynaynaa doorka ay ka qaataan deeq-bixiyayaashu.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu isagoo la hadlaya shacabka Somaliland uu yidhi  “Dadka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay is-ku-duubnaadaan, Dalka illaashadaan meelna uga soo wada jeedaan cadawgooda”.

In dhulkaa ku hareeraysan labada Sedexda tuulo dhexdooda ay tahay Xoolo daaqeen ,lagana samayn Karin Beero iyo Faag ,wixii hore looga oodayna waa in la baabiiyaa .

 

3)      In wixii waxyeelooyin ah ee labada reer kala gaadhayna ay ku dhamaystaan walaaltinimo ah iyo waliba dhaqankeena suuban iyagoo nabadgelyada ilaalinaaya.

4)      In wixii khasaare ka soo gaadhay Dhinaca Cabdale Arab Go,aankii Wasiirada ay Xukuumadu u dirtay deegaankaasi ,ay Xukuumadu bixiso mag-dhawgeeda kuwaasi oo dhan Sedex barkadood Qodistood iyo Laba Dergadood.

 

Sidoo kale waxa iyna halkaasi ka hadlay xubnihii kale ee golaha guurtida kuwaasi oo Labada dhinacba kula taliyay in ay qaadaan Qodobadan ay soo saareen.

Mustafe Axmed (Herer)

Gobanimonews.com/office

Hargaysa/somaliland

ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland oo Looyar isaga noqday Maxkamadda

Wasiir-Ku-xigeenka-amnigaHargaysa (GNA): Wasiiru dawlihii hore ee amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland C/laahi Abokor Cismaan ayaa Axadii shalay markii afraad la horkeenay maxkamadda gobolka Maroodijeex, halkaasoo ay kaga socoto dacwad ka dhan ah oo ay dawladdu dhibane ka tahay.

Ammaanka Maxkamadda ayaa aad loo adkeeyay markii sarkaalka la keenay, iyadoo ay dhegeysiga dacwada ka qayb-galeen dad kooban oo eheladiisa ka mid ah.

Eedaha loo haysto ee ay dacwaddiisu la xidhiidho ayaa waxa ka mid ah in uu wasiiro xukuumadda ka tirsan ku eedeeyay in ay ka tirsan yihii ururka Al-shabaab iyo sidoo kale musuq-maasuq baahsan iyo maamul xumo uu sheegay in ay ka dhex jirto xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Cabdilaahi Abokor ayaa la sheegay inuu shalay iska difaacay Eeddaha loo jeediyay, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen dad xogogaal u ah dacwadiisu.

Dhinaca kale, wararka aanu ka helnay fadhiga dacwadan ayaa intaas ku daray inuu isagu qareen isu noqday oo aanay jirin cid maxkamadda ka difaacaysaa.

Dacwada Masuulkan hore waxa Garsoore ka ah Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Faysal Dhago-dhago oo ah Garsoore inta badan dacwadaha dawladdu wadato ka gar-naqo.

Markii ay soo xidhantay dhegeysigii shalay waxa uu sheegay in fadhi dambe laysugu iman doono, manuuna shaacin goor la soo gabagabeyn doono Dacwada.

Dhinaca kale eheladda C/laahi Abokor ayaa ka dayriyay siidayntiisa, taasi oo ay sheegeen in aanay si fudud ku iman Karin ama lagu sii dayn kari, maadaama oo sida ay ku doodeen xukuumaddu ay maamulayso dacwadoosa, isla markaana ay wado qorshe ah in aan la sii dayn.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com

Shirkada Dahabshiil oo ka qayb-gashay Shirka Waayo-aranimada Ganacsiga ee London

Afrika oo dhan waxa laga soo casuumay DAHABSHIIL

dahabshiilLondon(GNA)-Dahabshiil Group, ayaa Afrika oo dhan keligeed lagaga casuumay Shir lagaga hadlay kala-korodhsiga Khibradaha ama waayo-aragnimada Ganacsiga caalamka ee bilawgiisa uu aasaasay qof keliya ama qoys keligii ahi iska lahaa, isla markaana markii dambe ballaadhay oo u gudbay heer caalami sida Dahabshiil oo kale, kaasoo lagu qabtay magaalada London ee Waddanka Ingiriiska.

Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa isagu ka qaybgalay Shirkaas caalamiga ah oo ay ku kulmeen Shirkado waaweyn oo markii hore ku bilaabmay ama lagu aasaasay habka lahaanshaha Ganacsiga qoys keliya, sida Google, Dahabshiil, Ururro iyo Shirkado waawayn oo heer caalami ah. Shirkaas oo ku saabsanaa Ganacsiga Shirkado waawayn oo markii hore ku bilaabmay Ganacsi kooban oo qosy keliyi leeyahay, balse markii dambe ballaadhay oo noqday Shirkado waawayn oo dunida ka shaqeeya.

 

Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa markii uu shirkaasi soo idlaaday Axaddii toddobaadkan waxa waraysi gaar ah la yeeshay Weriye Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, oo weydiiyey waxa shirkaasi ku saabsanaa ee lagaga hadlay; waxaanu ku jawaabay; “Runtii shirkani waxa uu ahaa Shir caalami ah oo London dhawr cisho ka socday, waa Shir ay Hay’ad Ingiriiska deggani ay samaysay (qabatay) waxa ka soo qayb-qaatay dad badan oo caalamka ka shaqeeya oo markii hore qof ama laba aasaasay Ganacsigoodam, ka dibna uu noqday heer caalami ah.”

 

Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group waxa uu intaas ku daray; “Tusaale ahaan waxa ka soo qaybgalay Shirkadda wayn ee Google oo sidaad ogtahay ay aasaaseen qof iyo laba, maantana la odhan karo adduunka oo dhan baa laga yaqaannaa, waxaa ka soo qaybgalay Shirkado badan oo u badnaa Shirkado ka yimi Ingiriiska iyo waddamada Yurub. Markaa, annagu Dahabshiil ahaan Sharkadda Afrikaanka ah ee lagu marti-qaaday shirkaas baannu ahayn. Waxaannu ka hadalnay sida Shirkadaha Dahabshiil uu Aabbahay u aasaasay afartan sano ka hor iyo heerka ay gaadhay, markaa aad bay ugu faraxsanaayeen inay maqlaan.”

 

Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid oo la weydiiyey ahmiyadda Shirkan uu ka qaybgalay laga lahaa ee ugu weyni waxa ay tahay, waxa uu yidhi; “Ahmiyadda runtii meesha laga lahaa waxay ahayd, tusaale ahaan sidaad la socoto Adduunka oo dhan Ganacsiga ama Baayac-mushtariga qof baa aasaasa, ka dibna Ganacsigu wuu ballaadhaa oo adduunka oo dhan buu qaarkii yimaaddaa. Markaa, Ganacsi ka bilaabmay Yurub, mid Maraykan ka bilaabmay, mid Afrika ka bilaabmay iyo mid waliba wuxu leeyahay Aqoon iyo waxa loo yaqaanno Waayo-aragnimo oo ay kala qaataan.”

 

“Sidaa darteed, dadkani waxay aad u xiisaynayaan in waayo-aragnimadaas Adduunka la kala korodhsado, laga yaabaa wax annagu aannu ka barannay dalkan, ama dal kale ama Afrika waayo-aragnimo aannu Dahabshiil ahaan ku aragnay inay naga korodhsadaan oo uu Google ama Shirkad kale wax u taro, ama arrin uu Google la kulmay oo kale ay annaga Dahabshiil ahaan na anfacdo oo wax noo tarto. Markaa, shirarka noocan oo kale ahi waa aqoon-korodhsi la doonayo in Ganacsiyada caalamku khibrad ku kala faa’iidaan.” Sidaa ayuu yidhi Maamulaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid.

 

Sidoo kale, Maamulaha Dahabshiil oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey marka la eego Shirkadda Dahabshiil oo afartan sano ka hor Aabbihii Maxamed Siciid Ducaale aasaasay, isla markaana ku dhawaad soddon sano si muuqata uga shaqaynayey Soomaaliya oo burburtay, dawlad la’aan ku jirtay, dagaallo Sokeeye, kuwo qabaa’il iyo kuwo diimeed-ba ay ka socdeen, waxa ka duwan wixii Shirkadaha kale ee caalamku soo bandhigay ee ay Dahabshiil ahaan Shirkaa ku soo bandhigeen ee ay ka baran karaan shirkadahaasi, waxa uu yidhi; “Waa su’aal aad u muhiim ah, immika tusaale ahaan qoysaska Yurub oo kale waa Faamliyo kooban oo qof, laba ama saddex qof ka kooban, Qoysaska Soomaalidu waa kuwo aad u ballaadhan oo cid walba leh. Markaa, markaad ka hadashid ee aad tidhaahdo waddan baannu ka shaqaynaa fikradaha iyagu ka qabaan mararka qaar ay tahay fikir qalad ah.”

 

Cadirashiid oo jawaabta su’aashaas sii wataa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Laakiin, markaad u sheegtid ee aad tidhaahdo Ganacsi baa ka shaqeeyo, oo Ganacsigayagu wuxu ka shaqeeya dhulka Soomaalidu degto oo dhan Jigjiga illaa Kismaayo, Gaarisa illaa dhinac walba u tiri meel kasta oo Soomaaliyi ku nooshay Dahabshiil baad ka helaysaa Gees illaa Gees wuu ka shaqeeyaa, dad baannu la shaqaynaa cid walba leh oo aannu ku xulannay Aqoontooda oo Shirkadda la shaqeeyo, qabiil kasta oo ay tahay Shirkaddu way la shaqaysaa, iyaguna way nala shaqeeyaan.”

“Markaa, markaannu waxaas ka hadalnay ee muujinnay waddan sidaas u ballaadhan oo aadkaa u kala fog, marka loo eego waddamada ay ka shaqaynayaan Shirkadaha Reer Galbeedku, runtii aad bay u xiisaynayaan, maxaa-yeelay? Waxa laga yaabaa inay aad uga kooban yihiin Shirkadaha Reer Galbeedku meelahay ka shaqeeyaan, meelaha aannu ka shaqayno marka loo eego aad bay uga kooban yihiin meelohodu. Markaa, runtii aqoon-is-waydaarsiga noocaas ah ayay Dahabshiil u doonayeen inay maqlaan.” Sidaa ayuu yidhi Maamulaha Shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid oo si faahfaahsan u sharraxay jawaabta su’aasha kor lagu weydiiyey.

Shirkadda Dahabshiil, ayaa marar badan oo hore ka qaybgashay shirar kala duwan oo caalami ah oo ka dahcay dacallada dalalka kala duwan ee dunida, kuwaasoo intooda badan caalamku kaga hadlayay ama kaga tashanayey arrimo la xidhiidha horumarinta Ganacsiga, kala korodhsiga khibradda iyo waayo-aragnimada, dirista ama xawilaadda lacagaha iyo qodobbo la hal maala.

Xukuumadda Siilaanyo oo joojisay bixinta Baasaboorkii hore ee Rayaale

Waxa la bilaabay bixinta Epassport-ka cusub oo noocyo kala duwan ah...

cambaro Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in la joojiyay qaadashada Baasaboorkii hore ee Xilligii Rayaale la sameeyay, kaddib markii dhawaan la soo daabacay mid cusub oo noociisu yahay Passport, sidaas waxa Isniinta maanta ku dhawaaqay Taliyaha Laanta Socdaalka oo Warbaahinta la hadlay.

Col. Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro), oo sharaxaad ka bixiyay bixinta Basbaaboorka cusub ee lagu bedelayo kii hore, waxa uu sheegay in Shuruudo adag lagu xidhayo qofka qaadanaya dal ku galka cusub.

“waxaan Bulshada Somaliland u sheegayaa in Basaboorkii hore ee gacanta lagu qori jiray la joojiyay oo aanu bixinayno Basaboorka cusub ee E-passport-ka ah oo shuruudihiisu aad iyo aad uga adag yihiin kii hore laguna fadhiisiyay cid aan Muwaadin Somaliland ah ahayni aanay qaadan, Shuruudaha dambi la’aanta iyo kuwo ka sii adagba la gaadhsiiyay” ayuu.

Col. Cambaro ayaa intaas raaciyay “waxaan sidoo kale u sheegayaa bulshada in E-passport-gu kala yahay saddex nooc oo kala ah Diblamaasi basaboor oo ay qaadanayaan heerka Diblamaasiyiinta Somaliland ugu saraysa,waxa ku xiga Service Basaboor oo qofka shaqo u baxayaa qaadan doono iyo Basaboorka caadiga ah oo qof kasta oo Somaliland ahi qaadanayo.waxa kale oo aanu ku soo kordhinay Buugga Bad-maaxida oo qofka Somalilander ah ee Badda galaya Macluumaadkiisu ku dhan yahay” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan furay qaadashada Baasboorka cusub, kaasoo bixintiisa hakad la geliyay ilaa dhamaadkii bixitaanka Xujaajta sanadka oo ku tegay passport Soomaaliya.

Ilaa hada ma jiro dal si rasmiya u aqoonsan Passport-ka Somaliland oo si sax ah loogu tegi karaa, marka laga reebo Dalalka Djibouti, Itoobiya iyo Ingiriiska oo ixtiraami jiray kii hore ee ay dawladdu joojisay.

Hase yeeshee Taliye Cambaro ayaa sheegay in kan cusub lagu tegi karo dalal badan oo Caalamka ah, wallow uusan carabbaabin mid iyo laba toona.cambaro22

Muwaadiniinta Somaliland ayaa intooda badani waxay ku safraan markay dibadaha u baxayaan, gaar ahaan ardayda Jaamacadaha dibada tegaya iyo musaafiriinta kale Baasboorka Soomaaliya ee Federaalka, kaasoo ay dhawaan Xukuumadda Siilaanyo madnuucday in dalka gudihiisa lagu isticmaalo, balse cid dheg u dhigtay jirin.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com

 

Monday, September 29, 2014

Roobab laxaadle oo ka da’ay Deegaamo Buuhoodle ka tirsan oo abaar ba’ani ka jirtay

BuuhoodleleBuuhoodle(GNA)Roobabka Dayrta ayaa ka curtay Deegaamada Gobolka Buuhoodle oo ay abaar ba’ani ka taagnayd bilihii u dambeeyay.

Roobka ayaa ka curtay Axadii deegaamo dhinaca Koonfurta, Galbeed iyo Bariga kaga beegan Magaalada Buuhoodle, laakiinse gudaha Magaalada waxa helay Roob tumay ah oo aan baaxadiisu waynyn.

Wariye ku sugan Magaalada Buuhoodle, ayaa sheegay in baaxad roobku heshay deegaamada howdka ee Xadka ka talowsan, kuwaasoo ay ka mid yihiin qudha-dhalaan, Xadhadhanka, Bur-buris, Coodanle, Sarar-weyne iyo deegaamo badan oo jiidaas ah.

Deegaamada Roobku ka da’ay ayaa la sheegay inay abaar ba’ani ka jirtay bilihii la soo dhaafay, kaddib markii dhulku xaalufay,iyadoo ay Xoolaha nool soo foodsaartay cunto yaraan.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay roobka “ isgaadhsiinta deegaamada badankoodu way go’antahay, laakiinse roobku waa mid si caadiya u da’aya, markaa ilaa hada warka aan haynaa khasaare lama soo sheegin” ayuu yidhi Wariye Najiib Cabdi wali Xiis oo ku sugan magaalada Buuhoodle.

Dhinaca kale, deegaamada Koonfurta iyo Galbeedka Togdheer, oo dhawaanahanba laga soo sheegayay roob la’aan, ayaanay wali ka curan raxmadu,waxaana ka mid ah deegaamada Kaliishu ku raagtay Degmada Duruqsi iyo degmooyinka ay isku jiida yihiin.

Suldaan Maxamed Aadan (Afdur-dur), oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Degmada Duruqsi ayaa sheegay inay soo foodsaartay Biyo yaraan iyo abaar isbarkan oo saameyn ku yeeshay xoolaha nool.

“ Kulayl badan ayaa jira, dhulkuna waa abaar biyo yaraani way jirtaa” ayuu u sheegay Wariyeyaasha Gobanimonews.

Dayrta ayaa bishii hore si wanaagsan uga curatay Gobollada Galbeedka Somaliland iyo meelo ka mida gobollada Bariga siiba dhinaca Nugaasha iyo gubanka Saraar.

Wasaarada Waxbarashada oo ku dhawaaqday natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah

Hoos ka akhri magacyada 1o Arday ee ugu sareeyay Imtixaanka iyo kuwo Gobollada ugu sareeyay...

da'uudHargeysa(GNA)-Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somalilandn ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada dhexe iyo kuwa Sare ee 2013-2014.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta imtixaanaadka Qaranka Wasiir u dawlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka, ayaa lagaga dhawaaqay natiijada Imtixaanka.

Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashadu waxay halkaasi kaga dhawaaqeen tobanka arday ee ugu sareeyey Imtixaanka labada qaybeed, waxaanan halkan idiinku soo gudbinaynaa magacyada ardayda ugu sareeya Gobol kasta.

Halkan ka Akhri

Maxamuud Xuseen Warsame Yuusuf (Ilays :Hargeysa )

Axmed Ibaarihm Maxamuud Muse (Sh:Bashiir Moroodi Jeex)

Rooda Xasan Shaqale Cismaan : Al Irshaad One :Maroodi Jeex 579

Nasra Cali Maxamed Ibraahim : Daalo Maroodi Jeex

Sukhra C/Laahi Nuur Ismaaciil :Ilays Maroodi Jeex

Xamse /Xakiin Maxmuud Xuseen : Al Khayir Hargeysa

Yasiin Saleeban Yuusuf Dhari Dhoola Yare: (Sanaag )

Cumar Maxamuud Nuur Dhidar Cigaal (Gabiilay)

C/Samad C/Kariim /C/Risaaq Sh Bashiir   (Tog Dheer)

Salma Maxamed Axmed Xaaji

Imaamu Shaafici (Maroodi Jeex)

C/Samad Cumar Maxamuud

Xuseen Ciga Bile ( Dila Awdal)

Mahad Hassan Hussein

Hoos ka sii akhri ardayda ugu sareeyay Gobollada:top

Guddida Qandraasyada Qaranka Somaliland Oo Shaaciyay Shirkada Ku Guulaysatay Qandaraaska Tabarka Ciidanka Illaalada Shirkaha Shidaalka (OPU)

Hargeysa (GNA)-Guddoomiyaha guddida qandraasyada qaranka Somaliland Md; Aadan Axmed Nugaal, ayaa ka warbxiyay tirade shirkado soo codsadey qandaraaska ciidamo loo sameynayo illaalinta shirkadaha shidaalka ee (OPU) iyo habkii ay u kala saareen shirkadahaasi, isagoo xusay inay ku guuaysatay qandaraaskaasi qiimayn ay sameeyeen ka dib shirkada Salahdiin kuna qaadatay lacag dhan $6,000,000, balse uu xusay in uu hadhsan yahay saxeex ugu dambeeyay.
Guddoomiyaha Nugaal, waxaa sidan uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qatay xafiiskiisa isaga iyo wasiir ku xigeenka maamulka wasaarada arrimaha gudaha Md: Cismaan Garaad Maxamuud Garaad Soofe.
Guddoomiyaha Nugaal, oo ugu horrayn shir jaraa’id ka hadlay, ayaa sharraxay hawsha qandaraaska iyo nidaamka ay ku kala sareen waxaanu hadalkii ku bilaabay isagoo arrimaahaasi iftiiminaya,“marxalado badan ayuu soo maray tartanku qandaraaska shkirkado ayaa tartamay garina laba nin kama wada qosliso hadii la baratamo ama la garamo mid uunbaa gartu raacdaa, qandaraaska waxa loo smeeyay booliska tababarkiisa iyo wixii la xidhiidha, side loo tababarayaa ciidanka farsamo ayuu u baahan yahay sida macalin iskuulku u diyaariyo carshada uu ardeyda u dhigayo, maxaa loo dhigayaa askariga ayaa ku jira. Shirkad ayaa qandaraas lagu siiyay farsamadii lagu dhisi lahaa ciidanka si loo waafajiyo nidaamka dowliga ee caalamka”.ayuu yidhi gudoomiyuhu waxaanu intaas ku daray, “lix shirkadood ayaa qandaraaskaa ka soo qayb galay dabcan oo kala jaad-jaad midiba waxbay ka soo shaqeysay midiba mwaxbay takhasus gaara u lahayd guud ahaana waa shirkado amaanka ka shaqeeya waxaan lagu kala saarayaa qodobo ay ka mid yihiin 1. Aqoonta 2. Lacagta ay soo qorteen 3. In shirkadu tahay mid jirta oo shaqeysa khibrad ma leedahay 4. Qiimayn lagu sameynayo profileka shirkada. Laba shirkadood oo midi Somaliland ay ka shaqeyn jirtay Olive oo imka mid kale ay isku darsadeen oo layidhaahdo Olive New Port Africa iyo shirkada Salahdiin ku soo baxay qiimayntii dambe”.
“Labadii shirkadood qiimayn ka dib waxaa la isla qaatay shirkada Salahdiin ayaa qandaraaskii la siiyay kuwaasaana helay, gorgortan ayaanu galanay waxay soo qorteeb $6,838,000 qolada kakena waxay soo aqorotay $ 8,000,000. Gorgortan ka dib waxaa lagu siiyay $6,000,000”,
Guddoomiyaha guddida qandraasyada qaranka Md; Aadan Axmed Nugaal, waxa kaloo uu sheegay in aan wali lka saxeexin qandaraaskaasi, waxaanu sheegay inay ku xidhan tahay asixinta xeerka booliska madaxweynuhu doraad soo saaray, shir dambe oo la layeesho shirkada ku guulaysatay iyo hubinta lacag qandaraaska.
gobanimonews.com/

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo hortagay golaha wakiilada



cadamiHargeysa(GNA):-Wasiirka gaashaandhiga somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa maanta  ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay gobolada bariga somaliland

 

Wasiirka gaashaandhiga somaliland oo maanta hor tagay golaha wakiilada ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay daraasad ay ka soo sareen tabashadii madax dhaqamedka gobolka Awdal ula yimaadeen madaxweynaha somaliand.

Ugu horayn wasiirka gaashaandhiga oo ka hadlaya dagaaladii ciidanka qaranka somaliland ay a galeen maamu goboleedka Puntland ee ka tirsan dalka somaliya ayaa waxa uu yidhi “cid  dagaal iskugu timid may jirin, dad masuuliyiin ah ayaa yimid Dhahar hawlna way ka qabsanayeen meesha, dabadeedna ciidanka somaliland ee dhahar dagan ayaa bilabay, dagaal weyn oo noocii aynu naqaanayna muu dhicin, meeshii lagu dagaalamayna hal qof ayaa ku dhintay midna wuu ku dhaawacmay,

 

qolada danbe ee ciidanka lagu sheegay  ee meesha tagtayna  maaha ciidan ee waa dad qayb galay aaska qofka dhintay, cida tagtayna waa abaan duulihii ciidanka qaranka ee aaga bari, waanu ka soo nabad noqday, dagaal ka socdaana ma jiro.” Ayuu yidh wasiirka gaashaandhiga somalilandWasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay kor u sii kacayso tayada ciidanka qaranka iyo tababarada la siinayo waxaanu yidhi “Sanadba sanadka ka danbeeya, bilba bisha ka danbaysa cidanku tayo ayuu sii yeelanayaa, tababarana way socdaan oo waxa dugsiyada tababarka laga hir geliyey wax kasta oo looga baahnaa.”

Dhinaca kale wasiirka gaashaandhiga somaliland waxa uu ka hadlay daraasad ay ka soo saareen tabashadi madax dhaqameedka reer Awdal ula tageen madaxweynaha waxaanu yidhi “Aniga oo ku hadlaya afka guddida madaxweynaha somaliland u saaray tabashadii ay ula yimaadeen madax dhaqameedka gobolka Awdal, shalay ayaanu yeelanay fadhigii tododaad, waxaanan halkan ka cadaynayaa inaanu madaxweynaha u u gudbin doono daraasadii aanu soo samaynay, anaga oo filayna in madax dhaqameedka iyo madaxweynuhuna ay is af garad buuxa ka gaadhi doonaan arintan, iyada oo labadoodaba ay lexejeclo badani kaga jirto somaliland.” Ayuu yidhi wasirka Gaashandhiga somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami

 

 

mustafe axmed(Herer)


Gobanimonews.com/office

Hargeysa/Somaliland

Herersax@gmail.com

-

Difcadiii11aad ee ka baxda jaamacada hargaysa oo maanta xaflad loo qabtay iyo madaxweyne Siilaanyo oo ka qayb galay

MUQAAL

Hargaysa(GNA)Jaamacadda Hargaysa AyaaMaanta Xafladii Qalin Jabinta U Qabatay Dufacadii 11aad Ee Ka Qalin Jabisay Jaamacada Hargaysa.

Munaasibada Balaadhan oo loogu qabtay Hoolka Jaamacada ayaa waxa kasoo qayb galay Munaasibadaasi Madaxwaynaha Jamuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Xubno ka tirsan Golahisiisa Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Asxaabta mucaaradka iyo Muxaafidka.

Ardayda Sanadkan ka qalin jabisay ayaa Tiradoodu Dhan tahay 793 Arday Kuwaas oo Bartay Fakalada Kala Gadisan ee jaamacada Hargaysa lagu barto.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargaysa ayaa ka waramay Maraaxilkii Kala Duwanaa ee ay Jaamacadu Soo Martay Waxaana uu Ka waramay Caqabadihii la kulmiye iyo Guulaha uu gaadhay inta uu guddoomiyaha Jaamacada ahaa”

“Ardaydan Qalin Jabinaysa Ayaa waxa ay dhamaantood Barteen Culuumta Kala Gadisan

ee lagu dhigti Jaamacada Waxaanan Ay maanta gaadheen Guul Wayn oo lataaban karo hadii ay Juhdi iyo dadaal dheer usoo galeen in ay Dhameeyaan Aqoonta ay Doonayaan,Intii aan Jaamacada joogay waxaan kusoo kordhiyay inaanu dhisno Qaybo ka mid ah Galasyada sida hoolkan aynu Maanta fadhino,Waxaanu Xukuumada u sheegaynaa in ay Gacan wayn ka gaysato sidii ay Kur ugu qaadi lahayd Jaamacada hargasya,Kharashka yare e aanu ka qaadno ardayda jaamacada kuma Filan inaanu isku kafayno.

da

Guddoomiyaha Jaamacada oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi’Jaamacadani Waa jaamacadu ugu qaalisan Marka la eegayo Africa oo dhan,waxa ay Khubro badani noo shegeen inaanu aqoontii kor u qaadnay,Taas oo Jaamacada hargaysa loo Aqoon Saday Jaaamacadaha ugu wanaagsan Africa,Waxaanan Maanta Ardayda Leeyahay Dalkiina Dhista.

Waxa uu Guddoomiyahu ka waramay inta Sanadkan Qalin Jabisay inta ay tiradoodu dhan tahay iyo hablaha ku jira oo aad u yar kuwaas oo ku dhiiri galiyay in ay sanadada danbe kor isku soo qaadaan waxaana uu yidhi”

“Sanadkan waxa qalin jabiyay 793 Qof,Waxaana la doonayaa in kor loo qaado tayada haweenka,jaamacada hargaysina hurmuud ayay ka tahay waxaana la doonayaa in kaalin buuxda lasiiyo.

Dhinacan kale ardayda ku hadlayay afka ardayda ayaa isna soo dhaweeyey Guusha ay maanta gaadheen ee ah in ay dhameyeen jaamacadii,waxaana uu ku gubaabiyay Ardayda inaanay halkaas aqoonta kaga hadhin ee kasii wadaan,Waxaana uu ku booriyay dhalinyarada inaan dalka laga tahriibin.

Sidoo kale waxa isna munaasibada qalin Jabinta ah Kalmada kasoo jeediyay Boodhka Jaamacada Ahn wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka somaliland Dr Sacad Cali Waxaana uu yidhi”

“Maanta Halkan waxa iigu muuqda ardaydii lagu soo tabcay oo qalin jabinaysa waxaana Xukuumada leeyahay Waa waajib in shaqo loo abuur Dalkana Kaali Mug Leh ayay ugu jiraa,Shaqo la’aan baahsan Ayaan maanta dalka ka jirta taasna waxa la doonayaa in laga baxo ardaydana shaqooyin loo abuur,Waxaanan Anigu idin leeyahay Ardayeey Waxbarashu albaab lago galo ayay leedahay lakiin male albaab laga baxo.

 

ar

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid muuse biixi cabdi,Guddoomiyaha Xisbiga ucid Faysal Cali Waraabe,Xog-hayaha Guud ee xisbiga Wadani Maxamed Cabdilaahi Uur-Cade ayaa iyaguna Hambalyo iyo Bogaadin Udiray dhamaan ardaydan ka qalin jabisay jaamacada hargaysa oo tiradoodu dhan tahay 793 Arday oo isku jira wiilal iyo gabdho.

Sidoo kale waxa iyagun Madasha ka hadlay Guddoomiyayaasha jaamacada Somaliland oo madasha Iyana lagu soo casuumay kuwaas oo farxada la qaybsanayay Ardayda Maanta DHamaysa Jaamacada hargaysa.

Gab-Gabadii Madaxwaynaha Jamuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isana Munaasibada soo Afmeeray Ay cadeeyey in Xukuumada Kulmiye Diyaar u tahay ardaydan Maanta Munaasibada ka qalin jabisay waxaana uu yidhi”

“Waxaan Halkan hambalyo uga soo jeedinayaa Guusha ay gaadheen Macalimiintii Kusoo tabacday Ardaydan Maanta ina Hor Joogta,Waxbarashadu waa Furaha Nolosha,Waa Halbolaha Horumarka,Waana Hagaha Mustaqbalka,Waxaana ay u kala horeeyaan sida ay aqoon iyo Farsmo badan yihiin,Sanadkan waxaan Qalin Jabintooda ka qayb galay in ka badan afarkun oo Arday,taasi waxa ay Markhaati u tahay kobaca qudheed iyo kor u kaca ay bulshada ku dhex leeyihiin Ladhinyaradu.

Intaas ka dib Madaxwaynaha somaliland waxa Shahadooyin Guddoon siiyay ardaydii Kaal-maha hore ka gashay Intaxaankii shahaadiga ahaa.

mustafe axmed herer

GObanimonews/Office

Hargaysa/Somaliland

HERERSAX@gmail.com

Halkan Ka Daawo Warkaas Sawirada Warkan

DSC_0080

Somaliland oo fasaxday Telefishanka UNIVERSAL

Mulkilaha UNIVERSALTV oo sheegay inay Somaliland Xayiraadii ka qaaday Wuxuu shacbiga iyo Dawladda Somaliland ka raali-geliyay barmaamujyadii Madaxweynaha lagu dacaayadeeyay...

UNIVRSALHargeysa(GNA) Mulkiilaha Telefeeshinka Caalamiga ah ee Universal TV Eng. Axmed Abubakar ayaa Dawlada iyo Shacabka Somaliland raaligalin ka siiyey Baranaamij hore uga Bixi jiray Telefiishankaas oo la odhan jiray Faaliyaha Qaranka, kaasoo si weyn looga dhibsaday Somaliland, kaddib markii horaantii sanadkan barmaamujkaasi lagu aflagaadeeyay madaxweynaha.

Tani waa raali-gelintii labaad ee ka soo baxda madaxda Telefishankaasi oo markii barmaamujka baahiyay dalka laga madnuucay, waxaana hore raali-gelin burtay bixiyay Agaasimaha Tv-ga ee Somaliland Maxamed Caabi Digaale.

Raalin-gelinta labaad ee uu Mulkilaha Telefishanku jeediyay Axaddii shalay, waxay muujinaysaa in xal laga gaadhay wada hadalo bilihii la soo dhaafay u socday Xukuumadda iyo Maamulka Telefishanka oo nuxurkoodu ahaa inay xayiraada ka qaado Xukuumaddu.

shirjaraa’id oo uu shalay qabtay Mulkiilaha Guud ee Telefeshinka Universal TV, Eng. Axmed Abubakar waxa uu ku sheegay in Telefishankiisu uu yahay mid dhexdhexaad u ah Bulshada soomaalida oo dhan.

“Tefeshinka Universal waa Telefeeshin dhexdhexaad ah una dhexeya dhammaan Dadka Afka Somaliga ku hadla, Siyaasada Telefeshinkuna waa mid dhexdhexaad ah oo aan Duullanku ahayn Dad gaar ah ama Deegaan, ama Dawlad, runtii waad ogtihiin in Barnaamij ka bixi jiray Telefeeshinka oo la yidhado Faaliyaha Qaranka, ay dhibsadeen Dawlada Somaliland iyo Shacabka Somaliland, waxan halkan ka cadeynayaa in Barnaamijyadaasi aanan ujeedo gaar ah ka lahayn waxanan Raali Galin ka bixinayaa Barnaamijyada ay dhibsadeen Shacabka iyo Dawlada Somaliland, waxanu ka maamul ahaan Rajeynaynaa in Universal TV Hawlihii shaqo dib ugga bilaabo Somaliland”, ayuu yidhi Eng. “ waxanan Shacabka Somaliland u sheegaya in Telefeshinka Universal aanu waxa Siyaasad ah aanu Xambaarsanayn oo ka soo hor jeedda Shacabka iyo Dawlada Somaliland, Shacabka Somaliland waxan u sheegaya Telefeeshinka Universal waa Telefeshinkiini awalba idiin shaqeyn jirray haatana waxanu rabnaa in shaqadii halkii uu ka siiwaaddo.”ayuu yidhi Guud ee Telefeeshinka Caalamiga ah ee Universal TV Eng. Axmed Abubakar.

Eng, Axmed ayaa sidoo kale u mahad celiyay dadkii ka qayb qaatay dib u soo celinta xidhiidhka dawladda iyo Telefishanka. “Waxa kale oo aan halkan ugga mahad celinayaa dhammaan Dadkii ka qaybgalay in Xidhiidhka Telefeshinka Universal iyo Dawlada Somaliland dib u soo noqdo, oo ay ka mid yihiin Salaadiin, Wasiiro, iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo ka gayqaatay midho dhalka heshiiskii Universal iyo Xukumada Somaliland, Mar labbaad waxan odhan lahaa Telefeshinka universal waxa uu Dawlada iyo Shacabka Somaliland u hayaa qadarin iyo xishmad.”ayuu yidhi.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha mowqifkeeda ku aadan hadalka ka soo baxay Maamulka sare ee Telefishanka Afka soomaaliga ku hadla ee UNIVERSAL, kaasoo ay xukuumaddu ku xaqiijisay inay qaaday xayiraadii iyo in kale telefishankaas.

balse sida laga soo xigtay ilo-wareedyo dhinaca dawladda ku dhadhow bishii la soo dhaafay kulan dhex maray Masuuliyiinta xukuumadd iyo Maamulka Telefishanka, ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo sida ay sheegeen xubno ka mid ah shaqaalihii ka howl-geli jiray qaybtiisa Hargeysa, laysku fahmi waayay xayiraad ka qaadis.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com

Nuxurka Qodobada Guddida Golaha Guurtidu Ku Soo Af Jareen Khilaafkii Deegaanka Balliga Diiriye Guuleed.

nay soo af jaraan khilaafka dhuleed ee ka taagnaa deegaanka Balliga Diiriye Guuleed ayaa maanta soo saaray qodobo lagu xaliyey khilaafkaasi.

Hargeysa(GNA):-Guddidii ka tirsanayd xildhibaanada golaha guurtida somaliland ee madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacabay inay soo af jaraan khilaafka dhuleed ee ka taagnaa deegaanka Balliga Diiriye Guuleed ayaa maanta soo saaray qodobo lagu xaliyey khilaafkaasi.

Guddida xildhibaanada ah oo todobaadii u danbeeyey magaalada Burco u jogay sidii ay xal uga gaadhi lahaayeen khilaafka labada beelood ee deegaanka Balliga Diiriye Guuleed ayaa si rasmiyga ugu dhawaaqay qodobo ay labada dhinacba isku raaceen oo lagu soo af jaray colaadaasi.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Oo ka mid ah guddida ka socotay golaha guurtida ayaa ku dhawaaqay qodobada ay ka soo saareen khiaafka dhuleed ee deegaanka Balliga Diiriye Guuleed waxaanu yidhi “ Guddida golaha guurtida somaliland waxay soo saareen qodobadan hoos ku qoran oo




ay ku soo af jareen khilaaafkii ka taagnaa deegaanka Balliga Diiriye Guuleed kuwaas oo kala ah



1. Waxa sugnaatay jiritaanka tuulada bariga diiriye guuleed iyo gudomiyaheda waxaase ka reeban in la kala sheegto dagsimada tuulada, hana wada dagaan sida ay labada tuule ee kale u wada yaalaan labada reerood

2. In dhulka ku hareeraysan sadexda tuulood dhexdoodu ay tahay xoolo daaqeen lagana samayn karin beero wixii hore looga oodayna waa in la babiiyo

3. In wixii waxyeelooyin hore u kala gaadhay ay ku dhamaystaan si walaaltinimo iyo dhaqankeena suuban iyo shareecada waafaqsan ay ku dhamaystaan

4. In wixii khasaare ka soo gaadhay beesha Cabdale Arab go,aankii wasiirada ay xukuumadu bixiso mag dhawgooda oo dhan sadex barkadood qodistood iyo labada dar gadood.”ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan

Dhinaca kale badhasaabka gobolka Togdheer oo isaguna ka hadlay kulankan lagu shaacinayey qodobada lagu soo af jaray khilaaafki deegaanka Balliga Diiriye Guuleed ayaa waxa uu labada dhinacba kula dardaaarmay inay ilaaliyaan nabad galyada.



mustafe axmed herer

gobanimonews.com/office

Hargeysa/Somaliland

herersax@gmail.com

Somaliland: Diwaan-gelin Fool eri ah.warbixin

Warbaahinta Dawladda oo ku keliyeysatay Wacyi-gelinta diwaan-gelinta iyo dareenka Dadweynaha war moogta ah.,warbixin

KAADHKA-KOOWAAD-EE-DIIWAANGELINTA-MADANIGA-AH-OO-SIILAANYO-QAATAY-300x220Hargeysa(Aftahannews):- Diwaangelinta Madaniga ah ee dadweynaha reer Somaliland, ayaa bilaabantay toddobaadkii hore, waxaana degmooyinka Hargeysa la geeyay shaqaale diwaangeliya dadweynaha oo si habaqle ah shaqada u bilaabay.

WARAN-CADDE, QALABKA DIIWAANGELINTA IYO MADAXWEYNE SIILAANYO

Diwaangelinta Madaniga ah, ayaa waxa markiiba lagu bilaabay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirrada xukuumadda qaarkood oo la socday Madaxwaynaha, waxayna dhammaantood halkaasi ka sheegeen muhiimadda qaadashada kaadhka diwaangelinta Madaniga ah, si loo kala garan karo muwaadiniinta reer Somaliland iyo dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan. Laakiin diwaangelinta Madaniga ah waxay durba waajahdey caqabadihii u horeeyay ee ka hor yimaadda, waxaana durba habka loo maamulayo ka biyo diiday shaqaalihii loo diray dwiaangelinta dadweynaha iyo weliba Madax-dhaqameedkii la shaqeyanayey oo qawaday lacagtii loo qoondeeyay oo aad uga yar qadarkii hore loogula heshiiyay.

“waxa markii hore naloo qoondeeyey qofkiiba Konton dollar maalintii, iminkana waxay leeyihiin Toban dollar qaata”.ayuu yidhi Mid ka mid howl-wadeenada Diwaan-gelinta fulinaya oo GNA la hadlay.

Cabashada Shaqaalaha Iyo Madax-dhaqameedka:

Sida uu maanta daabacay wargeyska Somalilandtoday, Shaqaalaha diwaangelinta iyo Madax-dhaqameedkii ka caawinayey dadka la diwaangelinayo, ayaa doraad cabasho la hor-tagey xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ee Hargeysa, waxayna qaarkood halkaasi geeyeen qalabkii diwaangelinta lagu samaynayey, ka dib markii sida la sheegay dhalinyarada diwaangelinaysa dadweynaha lacagtii loo ballan-qaadey inay maalintii ku shaqeynayaan badh laga dhimay.

Halka Madax-dhaqameedkuna saxaaafadda u sheegeen in lagu war-geliyey inay maalintii oo dhan ku shaqeynayaan $ 3 doollar qudha, taasi oo ku sheegeen waxaan suurto-gal ahayn, maadaama oo ay shaqada diwaangelinta u taagnaanayaan lix ilaa lix “Lacagtii lagu shaqeynayey waxa goosatay wasaaradda arrimaha gudaha, ee annagu maanaan joojin diwaangelinta Madaniga ah” sidaa waxa saxaafadda u sheegay Caaqil Siciid Cabdi Jaamac.

Wacyi-gelinta Dadweynaha:

Diwaangelinta Madaniga ah oo la bilaabay, iyada oo la ansixin xeerkii lagu maamulayey oo ilaa hadda hor-yaalla Mudanayasha Golaha Wakiilada, ayaaney dadweynuhu ku wacyi-gashanayn, laakiin wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland si kedis ah u bilowday, iyada oo ku sheegaysa inay tijaabo tahay, laakiin u muuqata in si rasmiya loo bilaabay “Diwaangelinta Madaniga ah waa tijaabo, waxayna u bilaabmi doontaa si rasmiya” ayuu yidhi, wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlayey bilowgii diwaangelinta, waxaanu intaasi ku daray “Wakhti badan baynu haysannaa”.

Laakiin, wasiirka arrimaha gudaha iyo Wasiirrada kale ee bilowga diwaangelinta ee ka hadlay muhiimadda diwaangelintu marna kama hadal, mana soo qaadin wacyi-gelinta dadweynuhu u baahan yihiin in loo sameeyo diwaangelinta, Maadaama oo diwaangelinta la bilaabay wakhti dadweynuhu ku mashquulsanaayeen khilaafkii ka taagnaa qabsoomiddeeda.

Dadweynaha reer Somaliland, siiba kuwa ku dhaqan caasimadda Hargeysa ayaa ku jahawareersan qaabka laysu diwaan-gelinayo “halkeebaa layska diwaan-gelinayaa?, maanaa maqlayba”. Ayuu yidhi mid ka mida Bulshada reer Hargeysa oo Gobanimonews la hadlay.

Tani waxay muujinaysaa heerka xogogaalnimo ee shacbigu ka haystaan howsha bilaabantay. Inkasta oo wasaaradda warfaafinta Somaliland ay idaacadda Radio Hargeysa ka bilowday barnaamijyo ka hadlaya arrintaasi.

warar kale oo dheeraad ah ayaa sheegaya in wasaaradda arrimaha guduhu ay dhaqaalihii loo qorsheeyay wacyi-gelinta ee loogu talo-galay saxaafadda Madaxa-banaan si qaldan u adeegsatay, isla-markaana aanay jirin wax dhaqaale ah oo ay saxaafadda u qorsheysay, si bulshada looga caawiyo inay fahmaan qaabka diwaan-gelinta.

Faham la’aanta Diwaan-gelinta

“anigu isma diwaan-gelinayo, waayo ma garanayo ujeedo laga leeyahay diwaan-gelintan” ayuu yidhi Saleeban oo ka mid ah dadka reer Hargeysa ee aan wax macluumaad ah ka haysan diwaan-gelintan.

Dadka qaar ayaa aaminsan inay diwaan-gelintu caqabad ku keenayso mustaqbalkooda, maadaama qalabka loo adeegsanayaa uu yahay server isha lagaga sawirayo qofka “hadii isha Layga sawiro waxa laygu yidhi Dibada uma dhoofi karo, markaa taas ayaan u diiday inaan isdiwaaan-geliyo” ayuu yidhi muwaadin kale oo ka hadlay dareenkiisa ku aadan diwaan-gelintu.

Dhamaan arrimahan oo dhami waa kuwo u baahan in shacbiga laga jaahil saaro, iyadoo la adeegsanayo xeeladdo caam ah oo dadka warka lagu gaadhsiinayo, si ay faham uga helaan waxa looga danleeyahay diwaan-gelintan Fool-eriga ah, isla markaana hadii ay anfacayso ay goobaha loogu sameynayo isaga xaadiriyaan wakhti ku haboon.

Saleban Cabdi Cali

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com

 

Saylac: Kalluumaysatada oo xadhig lagu Ogolaysiinayo Cashuur sharci daro ah

Mucaaridka oo xukuumadda ku eedeeyay inay Xayiraad saartay ganacstada Kalluunka ee Xeebta Galbeed iyo Maamulka Gobolka oo Selel oo beeniyay

saylcaSaylac(GNA)-Kalluumaysato ka soo jeeda Gobolka Selel ayaa sheegay in loo diiday inay Kalluun u soo iib-geeyaan Magaalada Hargeysa.

Arrintan ayaa sababtay cabasho ka soo yeedhay qaar ka mid ah Kalluumaysatada Gobolka oo sheegay in Gaadiid baddeecado Kalluun ah u siday lagu xanibay Degmada Caasho-caddo oo ka tirsan Gobolkaas, kuwaasoo loo qabsaday inay cashuur bixiyaan.

Kalluumaysatada ayaa ku eeddeeyay xanibaada la saaray Saraakiisha Wasaaradda Maaliyada iyo Bilayska ee Deegaankaas, kuwaasoo sida ay ku doodayaan handidaad u geystay.

Suldaan Cabdiraxmaan Maxamed Aadan oo ka mid ah ganacsatada Kalluunka ka sii iibsada Baxaariyiinta, ayaa Gobanimonews u sheegay “Kalluunkii aanu saylac ka soo qaadnay ayaa gaadiidkii loo diiday inay u soo qaadaan Hargeysa oo lagu hor-joogsaday Caasho-caddo”ayuu yidhi.

“Waxay noo sheegeen inay cashuur ka doonayaan, dee goorta Kalluunka saylac ka soo baxay Cashuurta lagu soo rogayna garan mayno, hadii ay sidaas tahayna waa in ka berberana daray-godley lagu cashuuraa”ayuu sii yidhi Cabdiraxmaan.

Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata uu yidhi “Hore ayey sidan kale gaadhi kalluun siday intay xidheen wixii uu sidayba ku dul qudhmay oo markii uu Hargeysa yimi, aanu gaadhi dib ugu qaadnay oo soo daadinay,

Annagu garan mayno meesha loo socdo iyo cida waxan wada nimankii madaxda ahaana telefoonadii ma qabanayaan”.

Waxa uu sheegay in Maanta Gaadiid kalluun sida lagu xidhay Magaalada Caasho-cado, kaasoo gelinkii dambe la soo daayay, balse dadkii Kalluunka soo qaaday ay wali xidhanyihiin.

Maamulka Gobolka Selel iyo Xisbiyada Mucaaridka ah oo isku eeddeeyay arinkan

Maamulka Gobolka Selel ayaa Gobanimonews u sheegay inaanay jirin wax xanibaad ah oo ay dawladdu ku soo rogtay Ganacsatada Kalluunka ee Degmada Lughaya oo ay Xisbiyada Mucaaridka ahi sheegeen in Takoor Ganacsi lagu sameeyey.

Sida lagu sheegay Warsaxaafaddeed ka soo baxay Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde. “Xisbiga waddani waxaa uu si mugle u canbaaraynayaa tacadiga iyo cunaqabataynta lagu soo rogay xeebta deegaanka lughaya, iyo guud ahaan Gobolka Salal.Arrintaas oo baal marsan ganacsiga xorta iyo wada noolaanshaha bulshada” ayaa lagu yidhi Warsaxaafaddeedkan oo Axadii shalay uu soo saaray. Waxaanu intaasi ku daray “Xukumada waxa ay caadaysatay in sii kordhiso shaqo la’aanta iyo Amini khalkhal gelinta gobolada degen, isla markaana ay abuurto isku dul noolaansho iyo dabaqado bulshada dhexdeed ah.

Waxaa uu xisbigu ugu baaqaya xuskumada inay ka dulqaado cidhiidhiga ay ku hayaan shacabka Lughaya ee markaa horeba la ku faakacayey helida quutal daruuriga loona soo celiyo xoriyadoodii ganacsi xeebaha galbeedka.” Ayuu yidhi Maxamed Uur-cadde.

Sidaasoo uu sheegay Xisbiga WADDANI, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Selel Cabdiqaadir Aadan Yuusuf oo Khadka Telefoonka ugu waramay Gobanimonews, ayaa si cad u sheegay inaanay jirin wax xayiraad ah oo deegaankaas xukuumaddu ku soo rogtay.

Waxa uu sheegay in dhawaan Xeebta Degmada Lughaya uu ka soo caariday Gantaal Diyaaraddeed oo shaki weyn dhaliyay, kaasoo markii ay ciidanku baadhayeen, dadka shacbiga ah laga codsaday inay ka fogaadaan aggagaarka goobtii laga helay. “waxa jirtay 21-kii bisha ee ay Badda wax ka soo caaryeen ayaa Ciidankii baadhista waday si cagta looga yareeyo la yidhi dadka shacbiga ahi haka fogaadeen xeebta, tiina way iska dhamaatay.”ayuu yidhi.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Selel. Guddoomiyaha ayaa si cad u sheegay“ma jirto meel cid laga xayiray, si caadiya ayaanay shaqadu uga socota, goor dhoweydbaanay kalluumaysatadii badda ka soo rawaxay soo galeen Magaalada” markaa waa been waxaas ay qorayaan”.ayuu yidhi. Ma jiro go’aan Xukuumadda ka soo baxay oo lagu beyaamiyay, waxa uu xisbiga WADDANI ku tilmaamay xayiraada lagu soo rogay ka Ganacsiga Xeebta Galbeedka Lughaya.

Gobanimonews

Saylac Office

Email: editor@gobanimonews.com

Ximin iyo Xeeb: Wasiir is-casilay oo bedelkiisa la magacaabay

Cadaado(GNA)-Warka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) uu si rasmi ah u magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulkiisa, kaddib markii sabtdii shalay uu iscasilay Wasiirkii hore ee xilkaasi hayay.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Maamulkaas ayaa loo magacaabay Axada maanta Maxamed Xaaji Xuseen, kaasoo bedelaya Xasan C/laahi Maxamed oo istiqaalada is casilaada u gudbiyay Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb.

Wararka la xidhiidha magacaabista Masuulkan ayaa intaas ku daraya inuu Khilaaf hoose ka taaganyahay magacaabistiisa.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maamulka C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) oo hadlay markii uu magacaabay masuulka cusub ayaa kula dardaarmay in looga baahan yahay inuu muujiyo dhabar adeeg islamarkaana si waafi ah u guto xilkiisa.

Madaxweynaha Maamulka C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa ka codsaday inuu dardargeliyo hawlaha shaqo ee loo igmaday, isagoona u sheegay in shaqo adag ay hortaalo.

Sunday, September 28, 2014

Xog Cusub Laga Helay Qaabkii Loo Fuliyey Dilkii Hogaamiyihii Al-Shabaab

Isku Daygii Kooxda Al-Shabaab Ee Badbaadinta Amiirkooda

Taxadirkii Iyo Waxyaabihii Aan La Saadaalin Kareyn Ee Axmed Goddane Ku Dhaqmi Jiray.

Halista Xadidaada Isgaadhsiinta iyo Taxadirka Goddane

 Muqdisho(Gobanimonews)-9-28-2014-Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo laga joogo muddo bilk u dhow, ayaa weli Warbaahinta Caalamku waxa ay helaysaa, isla markaana baahinaysaa xogo dheeraad ah oo la xidhiidhka abaabulka weerarkii lagu diley iyo qaabkii uu u noolaa hogaamiyahaasi saacadihii u dambeeyey ee noloshiisa.

 

Warbixin dheer oo ku qoran Luuqadda Ingiriisiga oo ay diyaarisay Idaacadda VOA, oo si mug leh loogu faah faahiyey qaabka dilkani u dhacay, ayaa warbixintan oo aanu idin soo turjunay waxa ay u qornayd sidan:

“Waxa ay aheyd wax yar ka dib markii 1 Septeber ee 2014-kii goor galabnimo ah saacadduna aheyd 5:30pm ay Axmed Cabdi Godane iyo Ilaaladiisii joojiyeen sida la sheegay gaadhigii ay la socdeen iyaga oo maraayey waddo dheer oo deegaanka Sablaale ee Gobolka shabeelada Hoose Koonfurta dalka Somalia.

Waxa jira Xogo is khilaafsan oo qaarkood odhanayeen Hogaamiyaha kooxda Al-shabaab iyo Xubno uu hogaaminaayey ayaa maqlay Guuxa Diyaaraddaha aan waddaha la heyn ee Drones-ka Mareykanka,Xogo kale waxa ay leeyihiin mar horeba way joogsadeen markii ay guuxaha maqleen oo gaadiidkii way ka degeen waxa aanay iskaga nafiseen meel gaadiidka u dhaw oo ay ku cunaayeen cuntooyinka fudud sida Xabxabka iyo wax la mid ah,intaasi ka dib waxa jira mid aan laysku khilaafsaneyn oo ah ka dib markii ay maqleen Axmed Godane iyo Asxaabtiisi la socotay Guuxa Diyaaradda Drone-ka inay kala yaaceen isla markaana u fakadeen dhinaca Keynmaha oo ka ag dhawaa,balse waxa sida roobka si deg deg ah ugu bilawday markiiba Gantaalo ka imanaaya Diyaaraddaha Nooca Bilaa wadaha ah ee Drones-ka dagaalka iyo kuwo kale oo nooca Bambooyinka Xambaaro ah kuwaasi oo Bam iyo Gantaalo goobta ku waday muddo 20 Minute ku dhawaad ah.

Isku Daygii Kooxda Al-Shabaab Ee Badbaadinta Amiirkooda

Waxa goob Tuulooyin ah oo aan halkaasi ka fogeyn ka soo gurmaday koox ka mid ah Kooxda Al-Shabaab oo isku dayey inay badbaadiyaan balse ka cabsaday inay Weerarka hogaamiyahooda ku socda wax taraan maadama si weyn looga awood roona,waxa taasi sido kale u dheera inay Maleeshiyaadkii Kooxda Al-shabaab ee halkaasi ka ag dhawaa ay ku jaah wareereen cida gantaalaha la beegsanaysa Hogaamiyahooda Godane ee halkaasi sida sirta ah ugu socdaalayey arimo Amni awgeed, balse markii ay ugu dambeyntii goobta soo gaadheen waxooga ka dib waxa ay goobtii ka heleen Meydkii godane iyo laba kale oo saaxiibaddii ah oo meesha yaala oo meydkoodu 250 Meters u jira hadhaaga gaadiidkii ay wateen.

Ninkii Kooxda Al-Shabaab hogaaminaayey mudadda 7 sanno ku dhawaadka aheyd kaasi oo kooxdan Islaamiga ah siiyey awoodda ay Somalia oo dhan ku maamulaan kuna xidhay Shebekadda Caalamiga ah ee Al-Qaida, ayaa meeshaasi ku naf waayey waliba gacmaha cida wax yar ka dib loo aqoonsaday Gantaalo uu Mareykanku la eegtay Godane.

Sida lagu hayo Wareysiyo ka hadlaaya Godane saacadahii noloshiisa ugu dambeeyey oo ay bixiyeen qaar ka mid ah Madaxd maamulka gobolka dhinaca amniga Somalia iyo Xogo kale oo Idaacadda VOA-da laga soo xigtay waxa sida ay sheegeen inay dhamaan dilkii ka dib ay wacad ku mareen kooxdaasi cabsidii ugu weyneydna laga qabo inay kooxdan ugu khatarsan Maleeshiyaadka Somalia ka dagaalama ay ka aarsan doonaan waxana si caad ugu sheegay Idaacadda VOA-da Badhasaabka Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur in Goddane Deegaankiisa Shabeele si joogto ah u iman jiray waxana uu yidhi “Muu aheyn ka kaliya balse sido kale Ajaanibka Al-Shabaabka ahi way wada jeclaayeen Deegaankan,sababtuna waa wax fudud oo dadka deegaankani waa dad nabada jecel iyaga oo dad       Taariikho kala duwan leh ah, waana Deegaan Qani ah oo Wabi iyo dhul balaadhan oo Beerato ah leh waana ay fududahay in laysku dhex qariyo waxa aan leeyahay umulina sida ay wax u og tahay uma sheegto anagu waanu ku daba jirnay oo sido kale Sirdoonka Caalamiga ahina waa uu ku daba jiray iskaashiga labada dhinac ayuumbeyna tani ku timid”

Taxadirkii iyo Waxyaabihii aan la saadaalin Kareyn ee Axmed Goddane ku dhaqmi jiray.

Dadkii aqoonta u lahaa Dhaqankii Axmed Cabdi Goddane waxa ay sheegeen in uu ahaa shaqsi Taxadir iyo Feejignaan badan marka ay noqoto dhinaca dhaq dhaqaaqa socdaalkiisa,waxa la sheega in ahaa nin gawaadhida uu isticimaalo aad u bed bedela oo had iyo jeer Ilaaladiisa ilaa 12 jeer Saddex Qabaa’iladda Somalida ka mid ah isku bed bedela mararka qaarna maa uu wada ka xasaysan jirin ilaaladiisa si uu uga taxa diro in aan iyaga la ftooda dareen isku dhawaasho ahi dhex marin,

Sida warbixinadda lagu sheego waxa la wariyey had iyo jeer Goddane uu bulshadda ka qarin jiray wajigiisa in la arko gaar ahaan marka uu magaalooyinka u kala safraayo ,mararka qaar waxa dhici jirtay in uu safafka hore iman jiray oo si la yaab leh uga soo muuqan jiray kulanadda Masaajidada isla markaana si dhakhso leh u Libdhi jiray,waa sida la sheegay.

Axmed Cabdi Goddane waxa uu si dhakhso leh u bed bedeli jiray goobaha uu ku sugan yahay waxa uu tegi jiray meel isaga oo meel kale si dhakhso leh ugu gooshi jiray ,waxana goobaha inta ugu badan ugu kala gooshi jiray goboladda Bay,Bakool,Jubadda Dhexe iyo Shabeelaha Hoose,balse sida la sheegay socdaalkiisii Baadiyaha ee Goboladda Somalia waxa ay meesha way istaageen Bilahii u dambeeyey iyada oo ay u sabab tahay taasi kooxdiisa Al-Shabaab oo dhul badan oo u muhiim ahaa lumisay labada gobo lee Shabeelaha Hoose iyo Bakool oo ay ka saareen Ciidamadda Afrikaan Amisson ee Ciidanka Somalia taageera.

 

Halista Xadidaada Isgaadhsiinta iyo Taxadirka Goddane

Marka ay noqoto dhinaca Aaladda Isgaadhsiinta warbixintu waxa ay sheegaysa in Goddane la socday Sirdoonka Ajaanibka ee Cidka iyo Gaadiidkiisaba ku daba jira,waxana la sheegay in uu ka taxadiri jiray ku hadalka Taleefanka ilaa iyo Bishii September ee sannadii 2009-kii xiligaasi oo heyd markii Ciidamadda Mareykanka ee U.S. Navy SEALs ay qaarajiyeen Saleh Ali Nabhan oo ahaa masuul si weyn loogu xidhiidhin jiray in uu door ka ciyaaray Qaraxyadii 1998-kii lagu qaaday East Africa kana mid ahaa hogaamiyayaasha Shebekadda Caalamiga ah ee AL-QAACIIDA ,balse waxa la sheegay in Goddane kaliya uu kooxdiisa kula xidhiidhi jiray Fariimaha laysku diro oo si gaar ah hogaamiyayaasha kooxdiisa si gaar ah ugu xidhiidhi jireen.waxana warbixinaddu xuseen in kasta oo si weyn ugu dadaali jiray amnigiisa Goddane hadana waxa iska jirtay Cabsi uu ka qabay in mar uu wax qaldami karaan oo dhib uga noqon karto iyada oo isla sannadkan la sheegay in Bishii 1aad uu mar ka badbaaday duqeyn diyaaraddaha Drones-ka ah Goddane .

Arinta cabsida ugu weyn ku haysay Axmed Cabdi Goddane ayaa warbixintu ku tilaantay inay aheyd $7 Milyan oo dollar oo dawladda mareykanku madaxiisa dulsaartay inay ku abaal marin doonto cid kasta oo soo sheegta meesha uu joogo Goddane inay heli doonto lacagtaasi taasi oo cabsi weyn ku haysay in mid ka mid ah dadka uu sida gaarka ah u aaminay inay khiyaameeyaan oo lacagtaasi darteed u shirqoolaan si ay abaalmarinta $7 Milyan ee doolar u helaan ,waxana taasi ka marag kacay dhimashadiisa ka dib mid ka mid ah nin dhinaca amniga falanqeeya oo VOA-da u sheegay in arinta dhacday sidaasi u eeg tahay waxana uu sheegay in meesha uu Goddane ku sugna ama gaadiidkii uu watay lagu tilmaamay Talefoonka gacanta ama qof dharkiisa ku qarsanaayey.

Maalmahii u dameeyey iyo Kulanaddii Goddane ee Shabeellaha hoose

Maalmihii ugu dambeysay ee Goddane uu ku socdaalo Shabeelaha hoose, ayaa lagu sheegay in uu kulano la qaatay qaar ka mid ah duqeyda iyo Beeraleyda deegaankaasi oo ay taariikhdu aheyd 30 /8/2014 waxana uu u sheegay inay garab istaagaan Jihaadka isla markaana gacmaha isku qabsadaan sidii ay jihaadka u geli lahaayeen,Goddane sidaasi ayuu u sheegay in kasta oo uu la socday in aanay wax ka badan dhinaca galbeed ka xigin 70Km Ciidanka Midawga Afrika oo ay horkacayaan Ciidamo dawladda Somalia ka socda kuwaasi oo laba jiho kaga soo beegna oo kala ah dhinaca Sablaale iyo dhinaca Baarawe labadaasi magaalo oo ay gacanta ku haysay Kooxda Al-shabaab.

Mid ka mid ah Saraakiishu waxa uu xusaayey in Goddane uu ka fikiraayey xiligaasi in uu tago meel guddaha u ah goobaha ay kooxdiisu ku xoogan tahay oo dhul cusub ah markaasi oo dagaalka lagaga faro maroojinaayey kooxdiisa meelo badani ay ku socotay xoga kalena waxa ay xusayaan in Goddane u bilaabayey sidii uu ugu soo dhaqaaqi lahaa Galbeed Waqooyi.

Xiligaasi waxa uu Goddane cagta soo saaray dhabaha ugu weyn ee galbeedka iyo Koonfurta isku xidha oo ilaa hada ay Koxodiisa Al-shabaab maamulaan,ilaa hadana Saraakiisha Mareykanku may shaacinin waxa ama cida ka caawisay inay dilaan Goddane,magaca goddane-na wixii imika la dambeeya maaha mid ku soo bixi doona Amaalmarin lagu bixiyo in sharciga la horkeeno in kasta oo wali magacyo kooxda Al-Shabaab hogaankeeda ka tirsan oo la aqoonsan yahay ay Liiska ku jiraan waxana jirta soo jeedino sheegaya in wali ay jiri doonaan duqeymo Diyaaraddaha Drones-ka Mareykanka oo Somalia ka sii wadi doona duqeynta.

Sources by VOA/Engelish+Wargeyska Saxansaxo

Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com

Gobanimonews/Hargeysa Office/Somaliland

One word for the ID cards and other for the two army officers killed in qorilugud

By: Ahmed-yasin Mohammad

axmedyaasinI am very glad that the opposition parties and the government sat together and understood the importance of ID cards for our country recently. Problems are solved when people sit,listen,talk or discuss whatever the matter or the issues are . People have different understanding, opinions and way of thinking.

There's absolutely nothing wrong to disagree things as humans have different brains that functions a completely different. What someone thinks is right, others think completely different. It's a human nature. If people think or have same opinions, we would not have all these problems that are occurring in this world that we are living. Everything would have been hunky-dory and problem free world. Don't you think so, I do.

Let us remind ourselves that Inter-peace committed to carry out and do Civil registration in 2011. And it's still coming. This proves that inter-peace aim is to control Somaliland. What are they taking 5 years to ...........? Knowing that they have no chance of collecting the 40 million that was going to be allocated for Somaliland civil registration, then they have tried to create problems We need to be aware that those people don't really care whether we have ID cards or not. They are here for their interest which is money.

It's our duty to carry out our duties, responsibility and any developments that we think will move us in to the right direction. I heard one of the opposition parties saying that the people should wage war against the elected government.

What an absurd comment, this is Treason of the First Magnitude but as I said I am very happy that everyone involved understood now. Introducing all civil registration including the ID cards will indicate and show our strength, ability... We are letting the world know that we are capable and have the capacity to achieve what we want.

Some things are wrong and goes wrong sometimes, some things are right, simply .. In our brain, there's this mental act that performs entirely within our mind which takes place within our mind... The idea of right or wrong comes up with by a human is by definition subjective. That's all well and good and understandable. Problem is that it only applies to some people sometimes who believe in it and it gives them no authority to proclaim anything as "what we should be doing. Very often everybody disagrees with each other and we don't get anywhere. See what sometimes happens between parties or in the parliament houses. Now let me ask you a question and would like you to answer within your brain. Let's pick very awkward one. Why is group rape or a single rape is objectively wrong? Don't misunderstand me, I can't think of a single instance where rape wouldn't be wrong. I believe very strongly that sexual abuse is one of the greatest evils in the world. Why is it evil? If you can answer me without using a God-based or subjective argument. there is no such thing as right and wrong, only the things we call right and wrong. And since nobody can agree on what to call what, we're all in a lot of trouble. The simple fact is that we need to sit and discuss for whatever the matter is. There are two important ways to involve and help to solve any problem. First, you can listen to each other so that both party have a better understanding of the causes of the problem, the barriers they have to managing or preventing the problem, and their ideas for solving the problem. Secondly, they can become involved through participation in the initiative to asses the problem independently It's always wise for people to participate, but if those affected by the problem or opposing it don't wish to listen or participate, then it's is a good time to start building rapport with them. Maybe you disagree with me My second point Two senior national army officers that were recently murdered by one of the soldier at Qorilgud . First of all, condolences to the deceased families This is a cold-blooded murder and will be investigated and the murderer will be caught to justice. The military court will have to find the culprit and bring him to justice. For me, this guy should be buried next to the deceased instantly by the military as this is a military related case. There is a military court for all military cases. Regardless of how he has escaped, he will be brought to justice. No matter how far he runs... The army officer killed chose to be 500 miles away from their families, relatives only to carry out their official duties to protect us and the country from our enemy I think the chief Caqil and the sultan of the culprit should be arrested if they fail to bring the guy in to justice. Period, and i think we should do the same for every case like this one... I believe that Somaliland as whole has lost two qualified army officers. My only advice to all Somaliland people that we don't need to create more problems, demonstrations and losses of life and losses of government property as we already have lost two officers . Remember Government property is our property. We all condemn this barbaric killing Let's pray for the officers O Allah, forgive the two officers and Make them among the guided ones, raise their status. O Lord of the two worlds, forgive us and them and make their grave wide and full of light.

Long Live Somaliland

By: Ahmad –yasin Mohammad Adan

Manager of the GEPA

R/wasaaraha Soomaaliya oo Guddi u saaray Cabashada Shaqaalaha Dekedda Muqdisho

reyaaMuqdisho, 27, September,(GNA) 2014…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada ayaa maanta kormeer saacado qaatay ku tegay Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, taas oo baryihii u danbeeyay ay ka jireen cabashooyin ay muujinayeen xoogsatada ka shaqaysa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo kormeeray dhammaan qeybaha ay ka koobantahay Dekadda Muqdisho, isagoo halkasi kulan kula qaatay Masuuliyiinta ugu sareysa maamulka Dekadad iyo qaar kamid ah xoogsatada ka shaqaysa iyo maamulka shirkadda gacanta ku haysa Dekadda , wuxuuna kala hadlay sidii loo xalin lahaa cabashooyinka ay qabaan xoogsatada dekadda ka howlgasha.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay maamulka iyo qeybaha ka howlgallada dekadda markii uu soo dhammaaday kaddib, ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow) oo sheegay in ujeeddada booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay tahay u-kuurgalidda cabashooyinkii baryahan ka imanayay shaqaalaha muruq-maalatada Dekadda.

“Booqashada Ra’iisul Wasaaruhu waxay ahayd si loo ogaado hawlaha ka socda Dekadda iyo cabashooyinkii baryahaan ka imaanayay shaqaalaha iyo Muruq-maalka, wuxuuna la kulmay qeybaha kala duwan ee ka howlgala Dekadda, ujeedkuna wuxuu ahaa in xal laga gaaro mad-madowgii baryahan jiray, guddi ayaana loo saaray arrintan kasoo tallo bixiya” ayuu yiri Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Yuusuf Macalin Baadiyow oo intaas ku daray kulankii manta in uu guul iyo is-afgarad kusoo dhammaaday.

Dhinaca kale, “Booqashada uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed maanta ku tagay Dekadda weyn ee Muqdisho, ayaa qayb ka ah hawlaha uu doonayo in kor loogu qaado adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u hayso Xukuumaddu” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska reysal-wasaaraha.

Todobaadkii hore ayaa waxa dibad baxyo isugu soo baxay Magaalada Muqdisho Shaqaalaha xoogsatada ah ee dekedda muqdisho, kuwaasoo ka cabanayay Mushahar yaraan iyo maamul xumo.

Shaqaalaha ayaa maamulka Dowladda u gudbiyay qoraal cabasho ah oo ay ku sharaxeen waxyaabaha ay ka cabanayaan iyo rabitaankooda.

Dekedda Muqdisho ayaa sanadihii la soo dhaafay si wanaagsan u shaqaynaysay, iyadoo ay ka mid tahay goobaha dakhliga badani ka soo galo dawladda.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com

Sahra Halgan iyo Barmaamujka Hargeysa iyo maxaa cusub.Daawo

OLYMPUS DIGITAL CAMERAHoos ka daawo Barmaamujka Hargeysa iyo maxaa cusub ee ka baxa Telefishanka BULSHOTV oo todobaadkan lagu waraystay Fanaanada weyn ee Sahra Axmed Jaamac Sahra halgan oo dhawaan Hargeysa ka furtay xarun hoy u noqotay Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Halkan hoose ka daawo:
 

Maxaa sababay iscasilaada Guddoomiye ku-xigeenkii guddida Dan iyo Duco?

guddomiyeBerbera(GNA)- Aqoonyahan Maxamuud Xaaji Aadan oo dhambaal qoraal ah warbaahinta ku baahiyay ayaa sheegay inuu iska casilay Guddi beeleedka DAN iyo DUCO, sababo la xidhiidha musuqmaasuq iyo maamul xumo uu dhaleeceeyay hogaanka Guddida iyo habacsanaan xubnaha guddida uu ku eedeeyay.

Guddida Dan iyo duco ayaa lagu aasaasay Shir-beeleedkii Gobolka Saaxil ee Degmada Dubur, waxaana ujeedka loo aasaasay ahayd horumarinta Bulshada ku dhaqan Gobolkaas, iyadoo aanay aasaaska guddida ka madhnayn arrimo siyaasaddeed oo xilligaas dalka ka bilownaa.

Hadaba dhowr sanno kaddib xubinta muhiimka ah ee iska casishay Guddidu waxay muujinaysaa kala qaybsanaan soo waajahday oo sababi karta bur bur ku yimaada.

Maxamuud Xaaji Aadan ayaa iscasilaadiisa ku sababeeyay 11 qodob oo uu sheegay inay ku khasbeen talaabada uu qaaday:

War saxaafaddeedka uu soo saaray ayaa u dhignaa sidan:

Ku; Gudoomiyaha Golaha Odayaasha Gobolka Saaxil ee Dn iyo Duco

Og ; Dhamaan Xubnaha Golahaasi Odayaasha ee Dan iyo duco

Og; Cidii Kale ee ay Khusayso Is Casilaadani

Ujeedo

Tanaasul , Walaalayaal , Qodobadan ayaa kamida sababaha aan usoo dejidejiyay Is,casilldayda

1-Markii Aan Arkay Khilaafka iyo Maamul xumida kusii kordhaysa Gudida Dan iyo Duco

2-Markii aan arkay in Gididii Tahli wayuday in ay Qabato Shirkii Sanadlaha ahaa.

3-Markii aan arkay in loo maamulayo si aan sharciga dan iyo duco waafaqsanayn Deeqiihii lacagta ahaa ee kusoo dhacay sanduuqa horumarinta Gobolka Saaxil ee Odayaashu Maamulaan, Lays kanala Tashan waayay.

4-Markii la Waayay Wada tashi iyo istixgalin, oo taldii lagu soo caano maalay meesha ka baxday.

5-Markii aay suura galiwayday in xisaab xidh lasmeeyo tan iyo intii gudidan la doortay.

6- Markaan arkay in Gududii aanay waxba ka ogayn, waxna kala socon halka xaalku marayo oo ah wixii lanoo doortay ee lanagu dhaariyay,

7-markii aan arkay sumcadii iyo karaamadii golahan Dan iyo Duco oo hoos usii dhacaysa shacabkii nasoo doortayna nala yaaban yihiin maamulximida naga dhex taagan.

8-markii aan ogaaday in shantii boqol ee kun ee doolarka ahayd uuna bixiyay kuwaydigu lagu isticmaalayo dhisme bilaa faa.iido ah oo aan loo baahnayn, lana diiday in wixii ku haboonaa lagu qabto.

9-markii aan arkay in qandaraasyadii si sharci daro ah loo bixiyay.

10- Markii aan Xaqiiqsaday in Awoodii Gididu aay Gacanta u Gashay Shaqsi Kaliya, Xubnihii kale ee Gudidanina aanay waxba gacanta ugu jirin, intoodii badnaydna quus iska taageen wada tashi,la,aanta dhacday ee qof kali ahi go,aamadii qaadanayo.

11- Ugu Danbayntii Anigoo waxbadan oo ogaalkaya ka gaabsaday in aan soo bandhigo waxyaabaha halista ah waxa kamida , Sharcigii Golahan Dan iyo Duco ku Dhisnaa Dhamaan tiiba Daaqada ayaa laga Tuuray,wixii la doonana sharci laga dhigtay,Hadaba Anigoo ka Duulaya Qodabadan iyo Qaar kale oo aanan soo Bandhigay Waxa aan Go,aansaday in aan iska casilo ama ka Tanaasilo Xilkii ku Xigeenka Gudidan dan iyo Duco ee aan Tolkay u Hayay.

Wa,Bilaahi Tawfiiq

Aqoonyahan Maxamuud Xaaji Aadan

Gudoomiye Ku Xigeenkii Golaha Odayaasha ee Gobolka Saaxil DAN IYO DUCO

 

Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay dhismaha Ciidanka Shidaalka Baadhista (OPU)

Halkuu ku dambeeyay walaacii UN ka muujisay dhismaha ciidanka ilaalinta sahamiyeyaasha Shidaal Baadhista ee OPU-da, maxaase laga fili karaa howl-galinta ciidankaas..?

siilaanyo44Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa wareegto uu soo saaray ku ogolaaday dhismaha Ciidanka Ilaalinta Waaxda Ilaaladda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka oo lagu kordhin doono Booliiska.

Warsaxaafaddeed ka soo baxay Madaxtooyada Sabtidii maanta, ayaa lagu shaaciyay go’aanka Madaxweynaha oo aasaaska ciidanka OPU-da, ciidankaasoo dhismihiisa uu ka dalbaday wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Taliska Bilayska.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu yidhi “Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.

Madaxweynuhu

Markuu Arkay:                       Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda     Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciida n Qaran;

Markuu Arkay:                       Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda         Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee   Ciidammada Qaranka;

Markuu Arkay:                       Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011

Markuu Arkay:                      Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda         Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay �A0   mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe.

Markuu Tixraacay:               Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka       debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo       ilaalintiisa;

Markuu Garawsaday:           Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;

Wuxuu Go’aamiyey

Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry), Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.”ayuu yidhi Siilaanyo.

Kordhinta Bilayska

Waa ciidankii labaad ee lagu kordhiyo Bilayska Somaliland tan iyo markii ay xukuumaddani talada la wareegtay.

Waaxda RRU-da loo yaqaano oo ah ciidan u tababar sida milateriga oo loogu talo galay ka hortaga xaaladaha degdega ah, ayaa sanadkii 2012-kii lagu kordhiyay Bilayska, waxaana ciidankaasi ay hada u shaqeeyaan sida Bilayska caadiga ah iyadoo loo adeegsado joojinta mudaharaadeyaasha iyo cadaadisyada siyaasiga ah.

Golaha Ammaanka oo walaac ka muujiyay dhismaha ciidanka OPU-da

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan ka digtay aasaaska ciidankan cusub ee ilaalada sahaminta shidaalka ay Somaliland ugu talo gashay, iyagoo ku doodaya inaanay xukuumaddu ogolaanshiyo u haysan.

Laakiinse xukuumadda Siilaanyo ayaa ku doodday inaanay qaramada midoobay xaq u lahayn diidmadeeda ku aadan Ciidanka OPU-da.

Ma cadda inay labada dhinac is-faham ka gaadheen dhismaha ciidankaasi, balse waxa la ogsoonyahay inaanay Somaliland ahayn dal qaramada midoobay aqoonsi rasmiya ka haysta, oo lagula xisaabtami karo shuruucda ka yaalla arrimaha ciidamada.

Heshiisyada Mashaariicda Sahaminta Shidaalka oo ay xukuumaddu sheegtay in Afar Milyan iyo dheeraad lacagta Maraykanka ahi uga soo xeroodeen afartii sanno ee u dambeeyay, ayaa istaagay sanadkii hore dabayaaqadiisii kaddib markii ay shirkadaha qaar cabsi dhanka amniga ah u joojiyeen shaqada, ugana baxeen dalka.

Inkasta oo ay xukuumadda iyo Shirkadduhu horey uga heshiiyeen dib u bilowga howl-galkaas, hadana waxa iska cad inay caqabad ku noqon karto fulintooda qabyada dhanka sharciga ah iyo xaasaasiyada dhinaca Bulshada ee arrintan ku saabsan oo wali aan xal dawladdu ka samayn.

Waxaana hada ciidanka cusub ee la aasaasay sii laba jibaarayaan diidmadii hore ee Sahaminta Shidaalka, iyadoo ay dadka qaar u arki karaan awood ciidan oo lagu muquuninayo hadii ay isku dayaan inay ka soo horjeestaan.

Sababta keentay diidmada

Sababta keentay diidmada shacbiga ee sahaminta Shidaalku waa laba qodob midkood.

Wacyi-gelin la’aan iyo khilaaf siyaasaddeed oo huwan arrimo deegaan iyo kuwo maamul, waxaana intaasi dheer oo aan meesha ka madhayn xasaraddo shisheeye oo lid ku ah in shidaal laga qoto goobo u calaamadsan shirkaddo shisheeye oo heshiis kula jiray dawladdii siyaad barre ee bur-burtay, ka hor 1991-kii, kuwaasoo door aan muuqan ku leh xiisadaha lagaga soo horjeedo heshiisyada xukuumada siilaanyo gashay.

Saleban Cabdi Cali (kalshaale)

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: curad1986@hotmail.com

Saturday, September 27, 2014

C/raxmaan C/qaadir oo isu dhiibay Siilaanyo isagoo dhaawacyadii Kulmiye qaba

Madaxweyne Siilaanyo oo Siyaasigii labaad kala soo dhex baxay Madashada wada-tashiga iyo qorshaha uu damacsanyahay

siilaano iyo inaHargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa toddobaadkan dhammaaday qasriga madaxtooyada ku qaabilay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, oo hore u ahaa guddoomiye xigeenka xisbiga KULMIYE, balse shirkii saddexaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE xilka lagaga qaaday si jujuub ah islamarkaana awood ciidan madashii shirka lagaga saaray.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir sidii xilka looga qaaday iyo dhaawacii loo geystay, waxay ka mid tahay godobaha siyaasaddeed ee Madaxweyne Siilaanyo loo tirinayo, iyadoo hortiisa lagu jiijiiday, isla markaana dhabarka lagaga jabiyay.

Saddex sanaddood oo uu Kulmiye dibada ka ahaa, isla markaana uu u muuqday Mucaaridka koowaad ee ee xukuumadda, isagoo tirsanaya godobtii laga galay iyo dhaawacii loo geystay, wuxuu cabdiraxmaan mar kale gacanta u dhiibay Madaxweyne Siilaanyo, isagoo cafiyey kana aqbalay wada shaqayn dambe oo dhex marta.

Tani waa debecsanaan siyaasaddeed oo uu muujiyay siyaasigan furfurnaanta looga bartay intii uu hogaanka Kulmiye ka tirsanaa, waxaana la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo dalbaday dib u soo celinta saaxiibtinimadii Cabdiraxmaan Cabdqaadir.

Iyadoo ay maalmahanba soo baxayeen hadal haynta kulamo dhex maray Madaxweyneha iyo Siyaasigan, warbixin uu maanta daabacay wargeyska Geeska Afrika, ayaa lagu sheegay in muddo loo kala dab qaadayay ka dib ay ugu dambayn Madaxweynaha iyo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ku kulmeen xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Warku wuxuu sheegay in dood iyo garnaqsi ka dib ay Madaxweynaha iyo siyaasigani iska cafiyeen wixii dhacay ee ahaa qardoofooyin siyaasadeed, islamarkaana la isla gartay in la bilaabo jawi cusub oo siyaasadeed. Warku wuxuu intaas ku daray in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir aqbalay soo jeedin uu Madaxweynuhu u soo gudbiyay oo uu nuxurkeedu ahaa in mar haddii la is cafiyay si toos ah loo wada shaqeeyo, lana joojiyo wixii hadalo ahaa ee warbaahinta la isu marin jiray.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaan ka qayb gelin shirkii jaraa’id ee u dambeeyay ee ay masuuliyinta madasha wada tashiga oo uu ka tirsanaa sida adag ugu dhaliileen Madaxweyne Siilaanyo.

Inkastoo uu shalay ka qayb galay casuumad ay dhallinyarada bariga Hargeysa u sameeyeen madasha wada tashiga haddana wax hadal kama uu jeedin.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin, haddana waxa soo baxaya warar sheegaya in sidoo kale ay Madaxweynaha iyo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isla qaateen in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka mid noqdo golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo oo muddo dheer la hadal hayay inuu isku shaandhayn ku samayn doono, waloow aan la saadaalin karin cidda lagu bedeli doono.

Cabdiraxmaan Cabdiqadir ayaa xilkii guddoomiye xigeenka xisbiga KULMIYE si jujuub ah lagaga qaaday bishii April ee sannadkii 2012 markaas oo uu socday shirkii saddexaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa wakhtigaas ka dib wuxuu dhaawacyo soo gaadhay u galay cisbitaalo ku kala yaala magaalooyinka Hargeysa iyo London ee Somaliland iyo Ingiriiska.

Qaabka wakhtigaas loola macaamilay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu waxay kala kulmeen cambaarayno maxali ah, intaas ka dibna wuxuu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka mid ahaa siyaasiyiinta madasha wada tashiga oo si adag uga soo horjeeda siyaasada hoggaamineed ee Madaxweyne Siilaanyo.

Xeelad siyaasaddeed

Siyaasigan oo noqonaya xubintii labaad ee madaxweyne Siilaanyo kala soo dhex baxo Dalada isku magacowday Madasha wada-tashiga, ayaa ujeedada ka dambeysa lagu xidhiidhin karaa qorshe lagu lagu shiiqinayo saameynta siyaasaddeed ee Odayaashaasi.

Hore waxa uga baxay oo gacanta xukuumadda galay Xildhibaan Saleban Cali Koore oo ka mid ahaa aasaaseyaashii Madasha, raggii ugu hadallada cad-caddaa, kaasoo hada isugu biyo shubtay Muxaafid, balse aan wax badan ka bedelin miisaankii Kooxda uu ka soo baxay, isla markaana aan ku dhaqaaqin qorshe uu isugu soo dhaweynayo saaxiibadii iyo Xukuumadda.

Muran kuma jiro in sababta uu siilaanyo gacanta ugu dhigay Ina cabdiqaadir ay tahay sidii uu u baabiin lahaa Madasha wada-tashiga, balse su’aasha hada lays weydinayaa waxay tahay ma noqon doonaa siyaasigani mid isku soo jiida labada dhinac.

Suurto-galse ma tahay inuu sidii xisbinnimada ula shaqeeyo Siilaanyo, sidayse u arki karaan saaxiibadiisii hogaanka Kulmiye ee dhabarka ka toogtay, kuwaasoo aynu ka xusi karno Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com