Tuesday, August 27, 2013

Booliska Talyaaniga Oo Qabtay Hogaamiyihii Ugu Waynaa Maafiyada Dalkaa


Italy (GNA) Ciidamada Booliska dalka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in ay ku guulaysteen gacantana ku dhigeen, hogaamiyihii ugu waynaa ee Maafiyada dalka Talyaaniga, kaas oo laga qabtay goob lagu raaxaysto oo uu dalxiis ahaan u joogay xiliga la qabtay.




Ninkan oo lagu magacaabo Michael Di Nardo lana sheegay in uu afar iyo sodon jir yahay ayaa ka soo jeeda qoys can ku ah tuugada iyo dhaca maafiyada ee dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo, MALARDO, kuwaas oo gaagaabiyay dalkaa kana sameeyay danbiyo tiro badan.




Ninkan oo laga qabtay tuulo loo dalxiis tago oo lagu magacaabo, Salomon oo ku taala koonfurta bari ee dalkaas, ayaa ku jiray xaalad dalxiis u eg ama loo turjuman karo nin iska tamashlaynaya, laakiin waxa lagu guulaystay in la aqoonsado oo gacanta lagu dhigo.




Wakaalada rasmi ahaan wararka ugu faafisa dalka Talyaaniga ee lagu magacaabo, (ANSA), oo ka warantay qabashada ninkan ayaa sheegtay in uu jiray, xidhiidho badan oo dalalka midowga Yurub hore uga sameeyeen sidii gacanta loogu dhigi lahaa hogaamiyahan iyo kuwo kale oo ka mid ah maafiyada dalka Talyaaniga, waxaana loo malaynayaa in dawlado kale oo reer Yurub ahi ay booliska ku war galiyeen joogitaanka ninkaas.




Hogaamiyaha Maafiyada Talyaaniga ee la qabtay Di Nardo, ayaa kooxaha laga baqdo ee loo yaqaano, Camorra hogaaminayay wixii ka danbeeyay qabashadii hogaamiyihii ka horeeyay, waxaana lagu eedeeyaa in ay ka shaqaystaan mukhaadaraadka oo ay iyagu yihiin kuwo laaluush iyo cabsi isugu dara maamulayaasha kastamada ay daroogada ka soo galiyaan dalkaas iyo waddamada reer Yurub.








 




 




 




 




 




 




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com