Friday, August 30, 2013

Madaxweynaha Mareykanka oo qudbad ka jeediyey 50 guuradii xasuustii halyeeygii madowga Martin Luther King ..


(GNA) Barack Obama ayaa arbacadii waxaa uu sheegay in 50 sano kahor wixii dhacay ay baal dahaba ah ka galeen caalamka. Waxaa uu ka qudbeynayay socodkii uu ninkii halyeyga dadka madowga u dhaqdhaqaaqi jirey ee Martin Luther King




Obama ayaa waxaa uu ka hor qudbeeyay dad badan oo madoow u badnaa kuwaas oo xusayey dhacdadii halgamaaga Martin taas oo lagu xasuusto qudbadii caanka aheyd ee “I have a dream”




 




Mr. Obama, oo ka hor hadlayey taallada caanka ah ee “Lincoln Memorial”  ayaa sheegay in qudbada Dr. King uu 50 sano kahor taallada ka hor jeediyey ay aheyd khudbadii  ”I Have a Dream Speech,” taas oo lagu dalbanayey xuquuq dheeraad ah oo dadka madowga ah ee Ameerika ay helaan.




 




Obama oo qudbad dheer ka jeediyey taalladaas ayaa sheegay in badankeed aan la hirgelinin cahdiyadii halgamaagaasi uu jeclaa in la fuliyo.




 




Waxaa uu si caadifad leh uga hadlay in goobaha shaqada ay ka jirta cunsuriyad iyadoo dadka madowga ahi weli la yaso lagana hor istaago in ay shaqooyin fiican helaan.




 




Dadkii meesha ka hadlay waxaa ka mid ahaa Bill Clinton madaxweynihii hore ee Mareykanka, sidoo kale Jimmy Carter oo madaxweyne ku xigeen ka ahaa maamulkii W. Bush ayaa halkaas ka hadlay.




Obama ayaa carabka ku goday in socodkii 50 sano kahor Washington la isugu soo baxay uu ahaa mid dadkoo dhan ay sinaan iyo cadaalad ku dalbanayeen.




Clinton oo munaasabadda ka hadlay ayaa tibaaxay in dadka Mareykanku ay horumar ka gaareen toogashooyinkii iyo dhibaatooyinkii garaacista iyo isgubista dhinaca midabkooda, haatanna ay yihiin kuwo wax badan ku tilaabsaday.