Monday, August 26, 2013

Wax Ka Baro Macdanta Xadiidka ee Kujirta Cuntooyinka Aanu Cuno Iron in Food)


(GNA) Macdanta xadiidku aad ayay muhiim u tahay maxaa yeelay waxay jidhka ka caawisaa in uu sameeyo borootiinta loo yaqaanno “haemoglobin”. Haemoglobin, ama ‘Hb’, waa borootiinta laga helo unugyada dhiigga cas ee jidhkaaga u kala qaadda curiyaha hawada ah ee “oxygen” waxayna midabkeeda cas u gudbisaa dhiigga.




Maxaa dhici kara haddii macdanta xadiidku kugu yar tahay?




Haddii ay yaraato macdanta xadiidka ee jirkaagu, waxaa dhici karta in unugyadaada dhiigga cas aaney  ku filnayn borootiinta haemoglobin ee ku jirta. Inta ugu horraysa waxaa laga yaabaa in aadan dareemin wax isbeddel ah, hase yeeshee, haddii ay hoos u sii yaraato borootiinta haemoglobin, waxaad dareemi  kartaa daal . Haddii ay macdanta xadiidku aad kuugu yar tahay,




waxaad dareemi kartaa daciifnimo ama neef la’aan aan caadi ahayn. Waxaa taas loo yaqaann “anaemia”.




Cudurka anaemia (dhiig yaraanta) waxuu leeyahay noocyo kaladuwan, laakiin kiisa ugu badan waxuu ka dhashaa yaraanta macdanta xadiidka.




Qaadashada caddad kugu filan ee macdanta xadiidku waxay kaa caawin doontaa in aad sii fiicnayso sida jidhkaagu u shaqeeyo waxayna deddejin kartaa bogsashadaada qallinka ka dib.




Halkee ayay macdanta xadiidku ka timaaddaa?




Waxaad caadi ahaan macdanta xadiidka ee kugu filan kala soo bixi kartaa cuntada isku dheellitiran maadaama laga heli karo cuntooyin kaladuwan.




sida   heedda iyo , hilibka iyo cuntooyinka hilibka leh iyo khudaarta digirta beedka . Waxaannu u baahan nahay in aannu cuntadeena si joogto ah uga helno macdanta xadiidka maadaama aanu jidhku si fudud u nuugi karin.




Maxaa yareeya macdanta xadiidka?




Haddii aadan cunin cunto kugu filan oo ay macdanta xadiidku ku jirto, waxaa laga yaabaa in ay macdanta xadiidku kugu yar tahay. Dadka khudaarta keliya cuna waxay u baahan yihiin in ay taxaddar gaar ah muujiyaan si ay u hubiyaan in ay cuntadooda ka helaan caddad ku filan ee macdanta xadiidka maadaama ay jidhku uga adag tahay in uu ka nuugo ilaha aanan hilibka lahayn.




Mararka qaar, dhiig baxa – matalan goorta qalliinka – ayaa keeni kara khasaaraha macdanta xadiidka. hadii uu qofku dhiig badan ka baxo waa ay keeni kartaa.




 haweenka cadadoodu aad u badan tahay ayaa halis ugu sii sugan in ay ku yaraato macdanta xadiidku sababtoo ah dhiig baxooga bil kaste. Uur lahaanta ayaa haweenka u geysan karta in ay macdanta xadiidku ku yaraato.




Carruurta yar yar ayay iyagana macdanta xadiidku ku yaraan kartaa. hadii aad leedahay dhallaan ama ilme yar waa in aad la xidhiidhaa dakhtarka




Waa kuwee cuntooyinka ilaha fiican u ah macdanta xadiidku?




Caddadka habboon ee macdanta xadiidka waxaad ka helaysaa cuntada kaladuwan ee isku dheellitiran. Cuntooyinka soo socda ayaa gaar ahaan ilo fiican u ah macdanta xadiidka:




Hilibka cas ee aan barruurta lahayn iyo Digaaga “




Waxaa la iska og yahay in beerka ay ku badan tahay macdanta xadiidku, laakiin beerka LAGUMA talinayo inay haweenka uurka leh cunaan sababtoo ah waxaa ku badan Fiitamiinka A




 Kalluunka, gaar ahaan kalluunka saliidda leh ee la barafeeyey ama qasacadda ku jira (sida ka la yiraahdo “mackerel” ee badi bara-baraysan, saaraadiinka iyo kuwa yar yar ee la yirahado “pilchards”)




Beedka ama Ukunta




 Heedda quraacda – heedda qaarkeed waxaa lagu ‘xoojiyey’ macdanta xadiidka




 Iniinaha iyo digirta - gaar ahaan digirta qasacadda ku jirta, xaydarada iyo misirka




 Loowska (xataa subagga looska leh) iyo iniinaha miraha




 Bariiska maariinka ah Roodhida, • Khudaarta caleemaha cagaaran, gaar ahaan noocyada kaabajka.




Miraha la engejiyey gaar ahaan miraha midabka oranjada leh ee la yiraahdo ananaaska ee la engejiyey, sabiibka iyo miraha yar yar ee midabka madoow leh ee la yiraahdo “prunes”




Fiitamiinta C (ee mararka qaar loo yaqaanno “ascorbic acid”) ayaa jidhka ka caawin karta in uu nuugo macdanta xadiidka, si aad markaa faa’iidada ugu badan uga hesho cuntada aad qaadato, marka aad wax cunayso qaado cuntooyinka ay ku badan tahay Fiitaamiinta C; matalan khudaarta ama miraha darayga ah, ama cabbitaannada sida casiirka liinta darayga ah.




Shaahu waxuu yarayn karaa in cuntooyinka laga nuugo macdanta xadiidka. Shaaha ha cabbin islamarka cuntada ka horraysa, ka dambaysa ama goorta aad wax cunayso waxaanad cabtaa uun waqtiga cuntada u kala dhexeeya.




 




Haddiina aan ahay qof khudaarta keliya cuna?




Inkastoo ay jidhku uga sii adag tahay in uu nuugo macdanta xadiidka ee uga timaadda ilaha aanan hilibka lahayn, dadka qaata cunto si fiican isugu dheellitiran waxay awoodi doonaan in ay cuntadooda ka helaan caddad ku filan ee macdanta xadiidka. Waxaa weliba caawin doonta in ay weliba qaataan cuntooyinka kor ku taxan qaarkood ayna raacaan talada kore.




lagu soo sheegay.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonesw.com