Friday, August 30, 2013

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay waxqabadka dowladdiisa mudadii sanadka aheyd (Warbixin)


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay waxqabadka dowladdiisa mudadii sanadka aheyd, iyadoo 10-ka September ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad markii la doortay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Barnaamijka Kulanka Jimcaha oo si toos uga baxa Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda ayaa waxaa uu su'aalo la sii weydiiyay ka jawaabay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay wax weyn qabatay, isagoo soo qaatay dhinaca siyasada oo uu tilmaamay in dowladda horumar la taaban karo ka gaartay, isagoo xusay in dowladdu go'aansatay in sanadka 2016 dalka ka dhacdo doorasho xor ah.

Waxaa uu soo hadal qaaday in shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada ay dowladu bixiso mushaaraadkooda, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladu ay nidaam cusub u sameysay bixinta mushaaraadka shaqaalah rayidka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ammaanka ay wax badan ka qabatay, isagoo xusay inay jiraan qorshayaal ku aadan sidii ammanka lagu xaqiijin lahaa, laguna tayeyn laha ciidamada.

"Dowladu waxey qabatay shirar qaran oo uu ka mid yahay shirkii garsoorka, iyo shirkale oo markii ugu horreysay looga hadlay siyaasada tacliinta dalka, sidoo kale bishan soo socota waxaa Muqdisho lagu qabandoona shirweyne Qaran oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasada dalka, kaas oo ay ka qeybgalayaan ilaa 200 ergo ah"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dalbaday shacabka iney ka qeybqaataan qaabeynta mustabalka dalka iyo dadaalada dowlada, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in dowladu ay ku guuleysandoonto wax ka qabashada dhibaatooyinka dalka ka jira iyo horumarinta dalka.

Mar la weydiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh su'aal aheyd sababta ay ciidamada dowladda ula wareegi la'yihiin ama u xoreyn la'yihiin deegaanada Shabaabka wali ku sugan yihiin ayuu sabab uga dhibay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

"Ciidamadeenu ma dagaalami karaan ilaa ay doonto AMISOM iney dagaasho taasnina waxaa sabab u ahaa cunaqabateyntii dhinaca hubka aheyd oo na saarnaa inkastoo an ku guuleysanay in la qaado cunaqabateynta, hadana waxaan suurtagalinay inaan gaadiid iyo hub u iibino, hoggaan cusubna u magacaawno iyo dhismaha cidamanka oon hagaajino"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay dadaal badan ugu jirto hirgelinta nidaamka Federaalka, isagoo tilmaamay in aysan jirin qawaaniinta hageysa federaalka, hase ahaatee dowladda ay dadaal ugu jirin sidii loo diyaarin lahaa qawaaniinta federaalka, isagoo xusay in gobolada ay u sii magacaabeen Maamulo KMG ah.

Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday heshiiskii Addis Ababa ee Maamulka Jubooyinka ayuu tilmaamay in dowladda ay wax badan tanaasul u sameysay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka, isagoo ku tilmaamay heshiiska inuu ahaa mid meel dhexe in la isugu yimaado dhigayay, inta kalena la sii dhameystiro.

"Heshiiska adis’ababa wuxuu ahaa mid meel dhexe la isugu yimid iyadoo dowladu wax badan ka tanasushay maamulkaasina uu sidoo kale ka tanasulay wax badan uu jeclaan lahaa, heshiiskaasina wa bilow waana sii dhaneystiridoona dowladuna waxey diyaar u tahay iney ka hortagto wax kastoo keenaya colaad ku so laabata deeganadaasi"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii Maamulka Puntland uu xiriirka ugu jaray, isagoo cadeeyay in aan loo baahneyn hadalo muujinaya kala tag, waxaase uu ku amaanay maamulka Puntland dadaaladii ay ka geysteen sidii dalka looga bixi lahaa KMG iyo shirarkii lagu qabto.

"Bani'aadam ayaa nahay wax waa nagala dhex dhici karaan, waa la kala aragti duwanaan karaa, waxaan ku dadaaleynaa sidii aan Puntland uga daweyn laheyn waxyaabaha dhacay, waana la hadleynaa"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

10-ka September ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u buuxsamaya hal sano markii doorasho ay ka qeyb galeen labaatameeyo musharax oo muddo afartan sano ka dhacday Muqdisho uu kaga guuleystay Madaxweynihii dowladii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed.