Saturday, August 31, 2013

PL: Isimadda SSC oo diiday Ansixinta Musharixiinta Baarlamanka loo xulanayo iyo Faroole oo la soo toosay Tabasho Saarid uu la Daahay


Doorashada Baarlamanka Puntland ma laga yaabaa inay marto Dariiqii  tii Deegaamadu martay?




Garoowe(GNA)-Doorashada Baarlamanka Puntland ayaa inay fashilanto qarka u saran, ka dib markii saddex meelood oo meel ka mid ah xubnaha Baarlamanka Beelaha ay ka soo jeedaan diideen inay ansixiyaan musharixiinta isu soo taagay.




Tani waxay ka dambeysay Go’aan beelahaasi ka gaadheen ka sii mid noqoshadda Maamulka Faroole oo ay Saluug dabada dheeraaday iyo tabashooyin waxba laga qaban waayay ka tirsanayaan,taasoo ay ugu weyntahay Saami qaybsiga Maamulka oo ay ku doodayaan inay beel qudhi iska foodh yeeshay,  sidaasi darteedna ay doonayaan inay Deegaamadooda ka madaxbanaaneeyaan dawlad Goboleedka Puntland.




 Madaxdhaqameedyada Goboladda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, ayaa ku gacan-saydhay inay ansixiyaan Musharixiinta Golayaasha Baarlamanka isu soo taagay, ee ay soo xusheen Beelahoodu, waxaana baarlamanka kaga jiray Beelahaasi tiro ku dhaw 20 Xildhibaan, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Isimaddu.




Baarlamanka Puntland ayaa lagu soo xulanayaa nidaamka Beelaysiga ahaa ee lagu soo doortay kuwii hore, waxaana musharixiinta ansixinaya Isimada Beelaha , iyadoo beel kasta looga baahan hal Mudane.




Geesta kale, Deegaamada Puntland ,waxa ka socda qaban-qaabada Shir la sheegay in Kooxaha Mucaaridka ku ah Faroole abaabulayaan, kaasoo loogu magac daray dib u heshiisiinta iyo samato-bixinta Puntland.




Waxaana shirkaasi ku hawlan qaban-qaabadiisa Ururo  Mucaarid ah oo ay hormuud ka yihiin siyaasiyiin miisaan weyn ku leh Puntland oo uu ka mid tahay Madaxweynihii hore ee Puntland  General Cadde Muuse.




Sidaasoo ay tahay Maamulka Madaxweyne Faroole waxa uu ku taamayaa sidii uu u qancin lahaa Bulshada goboladaasi ku dhaqan, taasoo qayb ka ah Joogitaanka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland  Cabdisamad Cali ee Degmada Taleex oo xarun u ahayd Maamulka Khaatumo markii la aasaasay sanad ka hor.




Qaadacaadda Doorashada Baarlamaanka ee Beelahan, ayaa laga cabsi qabaa inay meesha ka saarto qabsoomida Doorashadaasi xulashada ku dhisan, waxaana hadii ay taasi dhacdo imanaysa walaac hor leh oo ku saabsan Mustaqbalka Maamulka puntland, ka dib markii bishii ay fashilantay Doorashadii Deegaamadu.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com