Friday, August 30, 2013

SLN:M/weyne Siilaanyo oo Waji Gabax kala soo laabtay Boorama iyo Salaadiinta Awdal oo Dhabarka u Jeediyay Qorsheyaal Dahsoon oo u watay






Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta gelinkii dambe ku soo laabtay Magaalada Hargeysa, ka dib markii uu Socdaal khamiistii uu ugu amba-baxay Magaalada Boorama oo wajiyo kala duwan lahaa u soo gaabiyay waji gabax kaga yimi Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal oo ku gacan-saydhay kulamo tabasho bixin ah oo ugu baaqay.



Madaxweyne Siilaanyo oo Magaalada Boorama u tegay ka sekow ka qayb-galka munaasibad qalin jabin ahoo halkaaso loogu sameeyay Arday ka baxday Jaamacadda Camuud ee Magaaladaasi ka dhisan, inuu kulamo dhawr maalmood qaata la yeesho madaxdhaqameedka gobolka Awdal si uu tabashadooda u dhegeysto, ayaa la kulmay waxaanu ka filayn, ka  dib markii sida Gobanimonews warka ku heshay Salaadiintu ka cago-jiideen inay ula kulmaan qaab keli keli ah oo uu dalbaday, taasoo ay u Arkeen in lagu fur-furayo midnimada madaxdhaqameedka Bulshada Gobolka oo isu diyaarinaya inay shir-weyne qabsadaan bilaha soo socda.




Arintan ayaa timi markii Madaxweynuhu dalbaday inuu beel-beel ula hadlayo Bulshada Gobolka, taasoo shaki badan abuurtay, si weyna laysla dhexmarayay mudadii uu ku sugnaa halkaasi, waxaase sida la sheegay uu shaxda bedelay markii uu dhadhamiyay mawqifka Odayaasha dhaqanka, isagoo codsaday inay u yimaadaan salaadiinta guddida ah ee loo xilsaaray qaban-qaada Shirka Beesha ee la hadal-hayo.




Kulanka Madaxweynaha iyo sagaalka Suldaan ee Guddida ah, ayaa isaguna guul-daraystay, ka dib markii ay Saddex Suldaan oo metela u saareen la kulanka weftiga Madaxweynaha, waxaanay taasi ku timi hawl-gal xubno wasiirro ah oo Gobolka ka soo jeedaa sameeyeen, markii Odayaasha dhaqanku ka soo ag-wareegi waayeen Madaxweynaha, kuwaasoo iyagu xalay ilaa saaka gelinkii hore ka soo shaqaynayay sidii ay isugu keeni lahaayeen labada dhinac.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilowareedyo xogogaal ahi, madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa goor dambe oo duhurkii maanta la kulmay Saddex suldaan oo ay soo wakiisheen Salaadiinta Gobolku, kuwaasoo kala ah Suldaan Abubakar Cilmi Wabar,Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal.




Wasiirrada Dedaalka badan ka galay sidii ay Salaadiinta ugu keeni lahaayeen madaxweyna ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole iyo Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdiraxmaan jaamac Abgaal,kuwaasoo labadii maalmood ee madaxweyne Boorama joogayba ka shaqaynayay sidii  hawsha ay weftigu u socdaan looga midho dhalin lahaa, hase ahaatee la kulmay go’aan lama filaan ah.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in salaadiinta Samaroon Madaxweyneha ka dhegeysteen warkiisa, ka dibna jawaab kooban ku siiyeen inaanay wax wada hadal ah oo gaar ah la gelayn ilaa inuu qaabilo Madaxdhaqameedka Bulshada Gobolka oo Midaysan mooyaane, wixii intaasi ka baxsana ay u arkaan faro gelin iyo fur-fur danaha shacbiga ka dhan ah.




Ma cadda Jawaabta Madaxweynuhu arintan ka bixiyay, hase ahaatee waxa cad inuu soo gaabiyay safarkiisa oo markii hore sida la sheegay ku eekaa Axada soo socota.




Dadka ka faaloonaya arintan, waxay sheegayaan in sababta Madaxweynaha loogu gacan-saydhay ay tahay shaki laga muujiyay qorshaha uu watay oo loo arkay inuu ka dhan yahay Shirka Beesha samaroon.




Waxa kale oo jira hadal hayn sheegaysa in xukuumadda oo uu madaxweynuhu hormuud ka yahay dareen weyn ka qabto shirkaasi Beesha Awdal ku baaqday oo aan ujeedadiisu cadayn, taasoo loo sibir-saarayo inay xukuumaddu ka shaki qabto inuu lidi ku yahay Mashruuc Shidaal baadhis ah oo la doonayo in mustaqbalka laga fuliyo deegaamo ku yaala Goboladda Selel iyo Awdal, kaasoo xukuumaddu shirkad Australian ah heshiis kula gashay, taasoo magaceeda lagu sheegay DNO




Halka Reer Awdal-na Maanka ku hayaan shirkad kale oo Maraykan ah oo hore sahamin halkaasi uga fulisay, doonaysana inay dhamaystirto.




Fulinta Danaha labadan shirkadood ayaa la sheegay inay kala wataan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Gobolka Awdal oo madaxweyne ku-xigeenku ku jiro.




Hase ahaatee waxa kale oo jira in Shirkad kale oo laga leeyahay Fransiisku, si weyn u danaynayso soo saarida shidaalka Deegaanka Ceel-gaal lagu tuhmayo, taasoo iyaduna saamayn ku leh arimaha khilaafka iyo isdiidanaanta ah ee ka taagan laba gobol ee Xeebta Galbeedka Kulaala.




Si kasta oo ay wax yihiinba Madaxweyne Siilaanyo ayaa safarkiisan dareen guul-daro laga muujinayaa, wallow ay Kaabi saarantahay ka midho dhalinta Heshiiska shirkadda DNO lala galay.




Waxaana hadii ay arimaha Gobolada Awdal ka socdaa isugu biyo shubtaan Dano lagu kala hororsanayo Kheyraadka Shidaalka iyo Gaasta, ay culays baaxadiisa le’eeg ku sii kordhinaysaa muranka ka oogan Mashaariicda la mid ah ee Goboladda Bariga ka socda, kuwaasoo laga cabsi qabo inay sahaydaan amaanka iyo wada noolaanshiyaha Bulsho ee ay Somaliland ku caano maashay.




Daawo Sawiradan








Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com