Wednesday, August 28, 2013

Victor Moses Oo Laga Saaray Kooxda Chelsea Ee UEFA Super Cup Xilli Lala Xidhiidhinayo Liverpool.


Victor Moses ayaa laga saaray kooxda Chelsea ee loo magacaabay koobka Uefa Super Cup ee ay jimcaha magaalada Prague kula ciyaari doonaan Bayern Munich, taasoo sii kicineysa wararka shaki gelinaya mustaqbalkiisa Stamford Bridge.




Moses ayaa lala xiriiriyay kooxaha Liverpool iyo West Ham ka dib markii uu ku guuldareystay inuu ka soo muuqdo seddexdii kulan ee ay Chelsea ciyaartay Premier League xilli ciyaareedkan.




Xiddigan garabka ka ciyaara ayaa Stamford Bridge kaga soo biiray kooxda Wigan xagaagii hore isagoo ku soo wareegay heshiis 9 milyan ginni.




Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa doonaya inuu amaah hal sanno ah ku qaato Victor Moses waxaana dhiirogelin u noqday in ciyaaryahanka loo sheegay inuu ka tagi kar kooxda.




 




Chelsea ayaa dooneysa 2 milyan ginni hadii ay amaah ku fasaxayaan 22 jirkaan, laakiin Liverpool ayaa dooneysa inay wada hadal ka gasho lacagtaas iyo mushaharkiisa 55 kun ginni isbuucii ah.




Kooxda Chelsea U Magacowday Uefa Super Cup:




Cech, Schwarzer, Blackman, Ivanovic, Cole, Luiz, Cahill, Terry, Azpilicueta, Bertrand, Essien, Ramires, Lampard, Mikel, De Bruyne, Van Ginkel, Hazard, Torres, Mata, Schurrle, Lukaku, Ba