Muqdisho(GNA)-Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah siyaasiyiintii aasaasay Khaatumo State laba sano ka hor, kana mid ah Baarlamanka somaliya, ayaa sheegay inay wada-hadalo la gelayaaan Somaliland.
Dr. Cali khaliif Galaydh oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Gobolka Sool, ayaa sheegay inaan Kooxda uu ka tirsanyahay haysan awood ciidan oo aay ugu babac dhigto Somaliland , isagoo dhan kalena , isbarbar dhig ku sameeyay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee xilalka ka haya dawladda Xamar iyo kuwo reer Sool iyo Buuhoodle Somaliland xilalka ka haya.
Wareysi uu siiyay telefishanka SOMSAT ayuu ku sheegay “Annagu Xago-toosiye mataal uga dhigi mayno 27 ama 28 reer Hargeysa, Reer Burco, reer Berbera iyo reer Gabiley ah oo baarlamaanka Soomaaliya ku jira, gabadhbaa wasiirka arimaha dibada u ah Soomaaliya Reer Somaliland ah, ninka Jaamac Odey la yidhaahdaana waa Wasiir ku xigeen oo sanad ka hor ayuu agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ahaa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markaa yaan Khaatumo uun xujo lagaga dhigin In siyaasiyiintoodii xilal ka hayaan Somaliland, laakiin waa arin dadka oo dhan saamaysay”.
Dr Galaydh ayaa sheegay in aanay haysan awood ciidan oo ay ugu babac dhigaan Somaliland, sidaa
daraadeedna ay wadahadallo diyaar u yihiin “Ma odhanayno ciidan u babac dhiga ciidanka Somaliland ayaanu haynaa ama tiknikada ay haystaan baanu haysanaa, annagu wadahadal baanu rabnaa”.
Hadalkiisa ayaa u muuqda debecsanaan siyaasadeed oo ka duwan mawqifkii uu watay sanadihii dambe, waxaana dhici karta inuu Bog cusub oo siyaasadeed la furto dawlada Somaliland oo uu ka mid ahaa ragii wax ka aasaasay sanadihii Sagaashamaadkii, markii gooni isutaaga lagu dhawaaqay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com