Monday, June 30, 2014

Dagaal ka socda Tikrit


TikritrTikrit(GNA)-Dagaal ayaa ka socda magaalada Tikrit ee Ciraaq, halkaasoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Khilaafada Islaamiga ah ku hirdamayaan dagaallo socda dhowr maalmood.




Iska horimaadyo kale ayaa ka dhacay maagalada Koonfurteed oo banaanka ah, iyo weeraro diyaaradeed oo lala beegsaday bartamaha magaalada.




Dagaalyahanada mucaaradka ayaa lagu soo waramayaa inay ku qaadeen weerar saldhig milatari waqooyiga Magaalada.




Dad goobjoogeyaal ah ayaa  sheegay inay ISIS qabsadeen saddex meelood laba meel saldhiga, inkastoo dowladda ay weerar diyaaraddo ah  ku qaaday.




Milatariga Ciraaq ayaa beeniyay warar sheegaya inay mucaaradku  dib u riixeen baabuur u soo gurmaday saldhiga.




Dhinaca kale Bomb la dhigay jidka ayaa dishay afar askari magaalada Baqdaad.




Dagaalka Tikrit ayaa galay maalintii saddexaad waxaana muuqata inay labada dhan awood isku muquuninayaan.




Dagaalkan ayaa ku soo aaday xili habeenkii xalay Ururka Daacish ku dhawaaqeen Khaliifo islaami ah oo caalamka oo dhan ku fidaysa.




Hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Sunniyiinta Ciraaq Abubakar Albaqdaadi, ayay ugu yeereen  Khaliifka cusub ee Caalamka Islaamka.




Waxaanay sidaas ku sheegeen war cajal ah oo la soo geliyay baraha ay Intenet-ka ku leeyihiin ISIS.




 

Yuhuuda oo soo dhaweysay in Dawlad gaar ah loo sameeyo Kurdiyiinta Ciraaq


Baqdaad(GNA)-Reysal-wasaaraha Isra’iil  banjo mien Netanyahu  Israa’il , ayaa xaqiijiyay inuu taageerayo aasaaska dawlad loo dhiso dadka Kurdiyiinta ah ee Waqooyiga Ciraaq.




Arrintan ayuu sheegay inay ka mid tahay danta laga leeyahay in la xoojiyo Dagaalka lagula jiro Khaliifada islaamiga ah ee lagaga dhawaaqay  dalka Ciraaq.




Kurdiyiinta Ciraaq ayaa muujiyay inay leeyihiin Siyaasad dhexdhexaad ah oo ay ku hanan karaan maamul gaar ah, kaasoo ay u qalmaan in loo dhiso.




Reer Galbeedka ayaa u muuqda inay ka fikirayaan sidii ay u kala jajabin lahaayeen Dhulweynaha ciraaq, si ay uga hortagaan inay ku sii fidaan Ururka Daacish oo dagaal qadhaadh kula jira Ciidan ka dawladda Ciraaq.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com

Waqooyiga Yurub oo 21 sacadood la soomo Bisha Ramadaan


MuslimsStockholm(GNA)-dalal ku yaala Waqooyiga Qaarada Yurub ayaa sanad kasta waxa laga soomaa wakhti ka badan 20 saacadood oo xidhiidh ah.




Dadka Islaamka ah ee nool dalalka Sweden, Norway iyo waddamo kale oo ku yaala waqooyiga Qaaradda, ayaa Sooma inta u dhaxaysa 21:30 ilaa 20:30, iyadoo Muslimiinta Norway ay saacad ka dambeeyaan kuwa Sweden.




Waddamadan ayaa waxay dadku afuraan iyadoo cadceedu soo jeeda,waxaanay ku afuraan jadwal saacadddeed oo culimada Islaamku u dejiyeen, jedwalkaasaasi ayaana lagu soomaa laguna afuraa.




Laakiinse Mushkiladu waxay ka dhacdaa wakhtiga Salaadaha iyo dadku inay seexdaan oo aad u kooban, waxaana is-gala ama riixa Salaada  Maqrib, Cishaha iyo Taraawiixda, iyadoo inta saddexdaa Saladdood la tukanayo hadana waagu beryayo oo loo kacayo salaadii Subax.




“Afurka iyo Suxuurta waxa u dhexeeya afar saac iyo bar, qofku isagoo hadeer afurayt ayuu hadana afar saac iyo bar la odhana waxa gaadhay suxuurtii”sidaasi waxa yidhi Maxamed Axmed Gentleman oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Jaaliyada Soomaalida ee Dalka Sweden.




Gentleman, ayaa intaas raaciyay “ dhibaatada ugu badan ee dhacdaa waxay ka taagantahay xaga Salaaddaha, taasna Culimada dalkan ayaa jawdal dejiyay oo fadwooyin waxa jira wakhtiga salaadaha iyo xiliga lagu afruyo lagu dejiyay” ayuu yidhi.




Dalal  badan oo kale ayaa dadka Muslimiinta ah  ee ku nool wakhti badan soomanyihiin sida Ingiriiska iyo dalal kale.




Gobanimonews




Lodnon Office




Email: editor@gobanimonews.com                        

Ogaysiis Shir ka dhacaya London


Waxaa La Ogeysiinayaa Guud Ahaan Jaaliyadda Beel Weynta Solomadow Ee Ku Dhaqan Dalka UK Rag Iyo Dumarba In La Qabanayo Shir Muhiima Oo Ku Saabsan Danaha Guud Ee Beesha



 



Waqtiga Iyo Goobta Lagu Qabanayo Hoos Ka Akhri



 



VENUE: OXFORD HOUSE



DERBY-SHIRE STREET



BETHNAL GREEN



LONDON E 6HG



DATE: 09/08/2014



TIME: 12 midday till 1900 GMT



Waxaanu si xurmad Leh La Isugu Adkeynayaa In Muhiimad Weyn La Siiyo Ka Soo Qeyb Galka Shirkan



Wixii Faahfaahina Ee Ku Saabsab Shirkan Kala Xidhiidh Numbarada Hoos Ku Qoran



07951256144 LONDON



07943533009 LONDON



07853588947 BIRMINGHAM



07827011279 SHEFFIELD

Wax ka baro Bisha Ramadaan


W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI




1.      SIDEYNU U QAABILNAA RAMADAAN?




Soonka bisha ramadaan waa faral ka mid ah faralladda rabbi innagu waa jibiyey, Eebe isagoo ka hadlayey soonka ayuu quraankiisa ku yidhi ‘’kuwii iimaanka laga helayaw waxaan idinku waa jib yeelay soon sidaan kuwii idiinka horeeyey ugu faralk yeelay’’ waana rukni ka mid ah arkaanta islaamka, nabiguna (NNKHH) waa kii xadiis ku lahaa islaamku wuxuu ku taaganyahay shan arkaan, ‘’shahaadateynka, salaadda, soonka , sakada, iyo xajka, ‘’




Ramadaan waa ayaamo socda, qofka muslimka ahna laga rabo inuu ka qaniimeysto, ogwna waa fursada aad cimriga ku leedahay, waa ayaamo tirsan, hadaba maxaad ka ogtahay ramadaan?




Ø  Waa bil toban keeda hore tahay raxmada.




Ø  Waa bil toban keeda dhexe tahay danbi dhaaf.




Ø  Waa bil toban keed danbe yihiin Eebe oo laga magan galo naar.




Sideynu ugu diyaar garawnaa ramdaan, sideynu uga mid noqonaa kuwa ka macaasha, sideynu uga faa’ideysanaa, rasuulkeeni suubanaa (NNKHH) ayaa xadiis ku lahaa ‘’ san ayaa boodhoobay, san ayaa boodhoobay, san ayaa boodhoobay, qof ramadaan u soo gashay oo aan loo danbi dhaafin’’ riwaayada kalan waxay lahayd ‘’ rabbi naarta haku fogeeyo qof ramadaan u soo gashay oo loo danbi dhaafin’’ haddaba maxaad u malayn key ku dhaafto malaayacni, gidaar joog, iyo khamaar oo uu ciyaaro.




Hadaba walaalahayga muslimka ahaw waxaan idin tilmaami dhawr tilmaamood oo aynu kaga qadhiimeysan karno ramadaan, kuwa loogu danbi dhaafo Eebe ha inaga yeelee.




ü  TAWBADDA.




Si aynu uga fa’ideysano ramadaan shayga ugu horeeya ee la’inaga rabaa waa Eebe oo aynu u tawbad keenno, kana murugoonno wixii danbi ahaa ee aynu soo sameynay.




ü  RABBIGA UGU MAHANAQ SOO GAADHI TAANKA BISHA RAMADAAN.




ALLAH ugu shukri naq la kulanka uu kula kulan siiyey bishan barakeysan ee ramadaan, kuna soo gaadhsiiyey bishan, kuna cibro qaado qaar kula mid ahaa oo jeclaa inay kula soomaan hadana maanta ka hooseeya ciida aad dul carareyso, aynu rabigeen u mahad celino nimcadan uu ina soo gaadhsiiyey darted.




ü  BARASHADA AXKAAMTA SOONKA




Bilawga bishan ramdaan waxaad barataa waxyaabaha lagama maar-maanka ah, ee axkaamta iyo eedaabta soonku leeyahay ah, iyo cibaadooyinka ugaarka ah bishan ramadaan, sida salaada taraawiixda, ictikaafka, sakada, oggwna barashadu waa qeyb weyn oo ka mid shayga aad rabto inaad gudato, aynu barano  oo aynu cilmi u yeelano waxay ay wax inoogu hagaagayaan.




 




 




ü  QURAAN AKHRIS OO LOO BADIYO




Bishan ramadaan sharafta iyo qiimaha ay leedahay waxa ka mid ah waa bishii Eebe kor ahaaye soo dajiyey quraanka kariimka ah, sidaas ay tahay miyaanay haboonayn inaynu badino akhriska quraanka inagoo waliba ku guda jirna bishii la soo dajiyey, nabiguna waxa uu yidhi (NNKHH) ‘’qofka akhriya xaraf ka mida kitaabka ilaahay waxa loo qoraa darajo, halkaa darajana waa loo toban laabayaa’’ walaalahayga muslimka ahaw aynu ramdaan ku xoojino quraan akhris.




ü  KA FAA’IDIYASIGA LAY-LATUL QADRIGA.




ka faa’ideyso habeen ka fadli badan 1000-bilood, habeen hadaad danbi dhaaf dalabtid lagaa aqbali, habeen hadaad rabigaa ka rajeysid in naarta lagaa xoreeyo in Eebahaa kaa  xoreyn, qofka muslimka ahaw habeenkani waa habeen dhinac kasta ka dhameystirana aynu ka faa’dideysano, fiiro gaarana aynu u yeelano.




ü  KU DA’DAALKA DUCADA.




Ku da’daalka xifdiga adkaarta iyo ducooyinka  ugaarka ah bisha ramadaan, inagoo rajeyneyna inuu Eebe inaga aqbalo, waxay inoo  furi albaab kasta oo kaa xidhnaa, rabigana ha inagana yeelo kuwii ducadooda ka aqbalo, kana xoreeyo naarta.




 




W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI




wirdaani@hotmail.com




Alpha Universty




www.wirdaani.wordpress.com




 




 

Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Marxuumad Hargeysa lagu aasay


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii ay ka baxday Marxuuma Faadumo Axmed Ciise oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa 29/06/ laguna aasay Xabaalaha Naaso hablod, isaga oo madaxweynuhu ka qaybgalay aaskaasi.




 Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii ay ka baxdayna Samir iyo Imaan ka siiyo.




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN




 

Madaxweynaha Kenya oo markii labaad Booqday Kitale


IMG_7601541503845Kitale(GNA)-Madaxwaynaha dalka kenya  uhuru kenyatta ayaa maanta soo gaadhey magalada kitale ee xarunta gobolka tran zania.




 bulshada magalada kitale ayaa subax nimadii hore ee saaka isugu soo baxay wadooyinka waa wayn ee magalada kitale si ay usoo dhaweyaan madaxwaynaha.




Uhuru Kenyatta markii la soo dhaweeyay kaddib,  uga mahad celiyeey sida wanagsan ee ay usoo dhaweeyeen dadweynaha Magaaladu.




Madaxwayne uhuru kenyatta ayaa dhagax dhigay mashaariic dhiwr ah, sida iskuulo isagona bulshada kitale u sheegay ina ay dowladiisu wax wayn ka qaban doonto arimaha bulshada.




 waa markii labaad ee uu madaxwayne uhuru soo boqdo magalada kitale tan iyo intii xilka loo doortay. madaxwayne uhur ayaa galinkii danbe ee maanta waxuu usii safrey magalada bangoma isla dalka kenya  ka tirsan.




Booqashadiisu waxay imanaysaa xili maalintii shalay dibad bax lagaga soo horjeedo amni darada uu ka dhacay Magaalada Eldoret                        




 Cabdirahmaan buurdhaab




Gobanimonews




kitale Kenya Office




Email:  buurdhaab4@gmail.com




 




 

Italy Ambassador to Somalia Arrive Mogadishu


President today accepted the credentials of the new Italian ambassador to Somalia..




TlitMogadishu, 29 June, 2014-(GNA)- His Excellency President Hassan Sheikh Mohamud today accepted the credentials of the new Italian ambassador to Somalia, Farbizio Marcelli. The Ambassador thanked H.E. the President for accepting his credentials and noted his government’s pleasure at having an ambassador in Mogadishu and a period of absence. He also conveyed a personal message from the Italian Government that expressed their intention to work closely with the Federal Government of Somalia to assist in the reconstruction of the country. H.E. the President commented: “I welcome the Italian government’s commitment to continue to assist Somalia.”




H.E. the President welcomed the ambassador, saying: "The Somali and Italian governments have a long relationship and I say to the new ambassador, strengthen that relationship. Even when Italy did not physically have an embassy here in Somalia, the commitment was still there and the projects to help the people continued.”




H.E. the President concluded by commenting: “The appointment of a new ambassador to Mogadishu is a sign of the continuing relationship between Italy and Somalia and I am pleased to accept the credentials of the new Italian ambassador.”

Daawo: Khaatumo oo mudaharaad ka dhigay Down Street”

[youtube http://www.youtube.com/watch?v=ZEpHilmG2CQ?feature=player_embedded&w=640&h=360]

Burco oo Qiimaha korantada 25% laga dhimay


Waa markii ugu horaysay ee qiimo dhimis noocan ah shirkaddaha ganacsigu Macaamiisha u sameeyaan, marka laga reebo isbed bedelka sicirka Isgaadhsiinta oo Tartan ka jiro..




DSCF2164Burco(GNA))-Shirkada Laydhka ee HECO oo ah shirkad ay  ku midoobeen Afar Shirkadood oo Magaalada Burco laydhka u shida ayaa markii ugu horaysay Xalay ku dhawaaqday inay  macaamiisheeda qiimo dhimis balaadhan u samaysay.




Qiimaha Korantada Magaalada  Burco ayaa waxa gacanta ku haya Shirkaddo gaar loo leeyahay, sababtoo ay tahay ma jirto koranto dawladdu leedahay oo ka shaqaysaa.




Qiimo dhimista lagu sameeyay Addeegan laydhka Burco waxa  xalay ku dhawaaqay Madaxda iyo boodhka sirkada HECO oo shir jaraa'id oo ku qabtay Magaalada Burco.




waxaanay dadwaynaha reer Burco ugu Bushaareeyeen in Boqolkiiba shan iyo labaatan ay ka dhimeen qiimaha halka Unite, taasoo noqonaysa afar meeloodoow meel sicirkii marka hore dadka laga qaadi jiray.




Waxa kale oo Madaxda Shurkadda HECO sheegeen inay doonayaan in ay wax ka bedelaan waxayaabaha tamarta laga dhaliyo sida hawada iyo Cadceeda.




Maareeyaha Shirkada Laydhka ee HECO  Khadar Jibriil Aadan oo ugu horayn ka hadlaya shirkaas Jaraa'id ayaa  yidhi''Caawa oo ay Bisha rabadaan Bilaw tahay Farxadeeda awgeed waxaanu ugu bushaaraynayanaa dadwayanaha macaamiishayada ah qiima dhimis  balaadhan aanu u samayanay kaas oo ah mid waligiiba soconaya,qiimadhimistaasina waxay ka mid ahayd balan qaadkayagii markii ay shirkaduhu midoobeen.macmiisha ugu badan waxaanu samayanay qiima dhimis Boqolkiiba shan iyo labaatan oo halkii unit ee ahaa $1.25 waxaanu ka dhignay $1”




“halka macmiisha dexdhexaadka ahna aanu u samayanay Boqolkiiba shan iyo toban,anagoo uga faa'iidaynayna macaamiishayada”ayuu yidhi.




Waxaanu intaas ku daray “Arimahaasina waxay qayb ka tahay faa''dada midawgii shirkadaha” “ waxaanu kale oo u balan qaadaynaa inaan qiima dhimistani noqonayn tii ugu danbaysay ee aanu ku daba jiro sidii aanu samayn lahayn tamar cusub oo sida dabaysha iyo solarka qoraxda,waxaanan rajaynaynaa inay dadwynuhu aad ugu farxi doonaan qiima dhimistan aanu u samaynay.Shirkadu waxba ka badali mayso adeegii danta guud ee  ay bixin jirtay sida  masaajidaa,xarumaha nabadgelyada iyo shaaracyaduba”.ayuu maareeyuu hadalkiisii kaga baxay”.




Maareeye ku xigeenka shirkada laydhka ee HECO Cabdale Jaamac Cawaale ayaa isna sii  tahkiidiyay qiimo dhimista Shirkaddu samaysay '' waxaanu hore ugu balan qaadnay markii aanu shirkadaha isku darnay inaanu qiimo dhimis u samayn doono ,hadaanay noo suurta gashay”ayuu yidhi.




Cabdalld ayaa hadalkiisa raaciyay “waxaanu jecelahay inay shirkadu ka guurto dabkan shidaalka ku shaqeeya ee qaaliga,waxaanan jecelahay inay macaamiishu ka faa'iido qiima dhaimsta,macaamiishuna ay ku dhaqmaan shuruucda shirkada oo sida ay shirkadu u wanaajisay iyana sidaas oo kale ula dhaqmaan”.




Dadweynaha reer Burco ayaa si weyn u soo dhaweeyay talaabadan Shirkaddu qaaday, waxaanay sheegeen inay nolosha bulshada wax badan ka bedeli doonto. Maadaama ay korantadu ka midtahay daruuriyaadka Ganacsiga iyo Guryaha ee dhaqaalaha qoysaska saameeya.




Si kastaba ha ahaatee hanaanka noocan ah ee midowga Shirkaduhu hadii uu noqdo mid ku faafaa qaybaha kala duwan ee Ganacsiga oo uu wada gaadho Magaalooyinka dalka oo dhan, inuu faa’ido balaadhan dadka u saamaxayo.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Emailk: axmedmm9@hotmail.com

MUQDISHO: Alshabaab Oo Bilowday Fulinta Balanqaadyadoodii


Muqdisho(GNA)- Kooxo hubeysan ayaa dilal kala duwan maanta xilli dharaar ah u geystay seddex askar ka mid ah ciidamada dowlada Soomaaliya oo ka kooban meletari iyo kuwa taraafikada.




Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta dilal loogu geystay labo kamid ah ciidamada ilaalada wadooyinka ee loo yaqaan Taraafikada.




Dilka loo geystay labada ruux ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo isgoyska ku dilay askarta kadibna ka baxsaday.’




Isgoyska dabka ayaa ah mid mashquul badan, waxaana la ogeyn sababta ay arintaasi ku dhacday.




Askarta la dilay ee ka shaqeynayay ilaalada waddooyinka ayaa lagu kala magacaabayay Isaaq Salaad Jimcaale iyo Maxamuud Maxamed Maxamuud, sida uu sheegay taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka.




 




Cali Xirsi Bare Cali Gaab ayaa yiri “ Waxaa la kala yiraahdaa Isaaq Salaad Jimcaale iyo Maxamed Maxamuud Max’uud ciidanka nabad gelyada wadooyinka ayay kamid ahaayeen, dadkii bastoolad watay ayay ahaayeen, waan soo qabaneynaa, ninkii tiisa gasha ayaa dhimanaya”.




Dhinaca kale wararka aan ka helayno xaafada Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi askari ka tirsan Meletariga lagu dilay halkaasi.




“Shantii saac ayaa la dilay meletari ayuu ahaa, wadada ayaa lagu dilay qorigana waa laga qaatay, dad ayaa la qabqabtay, lama oga waxay yihiin dadka dilka geystay” sidaasi waxaa yidhi mid kamid ah dadka deegaanka.




 




Kooxo bastoolad wata ayaa la sheegay in askariga halkaasi ay ku dileen, kadibna ay ka qaateen qorigii uu watay

Daawo: Muuqaaladii Laga Qaaday Taageerayaashii Ugu Murugada Badnaa Koobka Aduunka


Halka qaar farxad ilaa wali ku jiraan ,  kooxohooduna guulo ku naaloonayaan , dhinaca kale waxaa jiray kuwo murugo darteed , ilmaynayay , cidlo kaga hadhay dadkii ay ciyaarta la daawanayeen , isla markaana maalmo u jiifay xanuunka guuldaradii xulalkooda soo gaadhay.




Amakaagii-Murugada-655x360

Wiilasha Van Gaal Oo 88 Daqiiqo Kadib Si Mucjiso Ah Ugu Baxay Wareega 8-da


netherlandsNetherland ayaa wakhti dambe kala daba timid oo 2-1 ku jiidhay Mexico habeen aad u xalad lahaa ciyaartii ka dhacday magaalada Fortaleza, sidaasna xulka Latin Americanka ah kaga reebay tartanka Koobka aduunka.




1-0 ay hogaanka ku hayeen tan iyo daqiiqadii 88 aad ee ciyaarta, Mexico waxaa ku dhacay mashaqo sida loo ilaabaa ay adag tahay , waxaana ka dhashay goolkii barbardhaca ahaa , iyo waliba kii guuldarada u horseeday.




Ciyaaryahanada tababare Miguel Herrera ayaa isu taagay inay ka dhabeeyaan in markii koowaad ay iska xaadiriyaan wareega 8 da koobka aduunka oo ay ugu dambeysay 1986 kii, laakiin ciyaaryahanka bedelka ku soo gallay ee Klaas-Jan Huntelaar rigoodhihii uu ka dhaliyey kadib goolkii barbardhaca ahaa ee uu Holland ugu bareejeeyey Wesley Sneijder daqiiqadii 88 aad, waxay candhuuftiina dib u liqa ku tidhi , wiilashii madaalayaasha ahaa ee Mexico.




Marna may filaynin shacabka Mexico in guuldaro u xigi doonto guushii Giovani dos Santos uu hogaanka ugu dhiibay bilowga qaybtii labaad ee ciyaarta, waxaase xaal ku soo gebo gabaysmay guul Holland gaashay iyo cadaynta in wali xulkii ugu awooda badnaa Tartanku ku sii baaqi yahay Koobka aduunka

Q/M oo Kenya ka caawineysa Dagaalka ka dhanka ah argagixisada


Nayroobi (GNA) Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay dowladda Kenya ka taageeri doonto la dagaallanka argagixisada.




Ban Ki-Moon ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Sabtidii la qaatay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta




Wuxuu xusay in Qaramada Midoobay ay Kenya ka taageerayso dhanka xoojinta laamaha ammaanka, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya, Koonfurta Sudan iyo waddamada harooyinka waaweyn ee gobolka.




Xoghayaha ayaa ku ammaanay Kenya kaalinta hoggaamineed ee la dagaallanka Argagixisada iyo ilaalinta deegaanka.




Kulanka uu Ban Ki-Moon la yeeshay madaxweynaha Kenyatta ayaa daba socday shirkii golaha deegaanka ee Qaramada Midoobey oo Jimcihii lagu soo gabagabeeyey magaalada Nairobi

Shirkadda Waddani-ga Sharaabka Ee SBI Oo Soo Bandhigtay Barnaamij Cusub Oo Danyarta Baahan Bishan Ramadaan Loogu Sadaqeyn Doono


 




Shirkadda Waddani-ga  Sharaabka Ee SBI  Oo Soo Bandhigtay Barnaamij  Cusub Yahay Oo Danyarta Baahan Bishan Ramadaan Loogu Sadaqeyn  Doono




Shirkadda (Gobanimonews)29-6-2014- Sharaabka Waddaniga ah ee SBI,ayaa soo bandhigtay Barnaamij cusub oo Kheyri ah oo ay ugu magac dartay Cab oo Sadaqeyso,kaasi oo looga faa’iideyn doono Bishan Ramaddaan dadka danyarta iyo kuwa baahan ee waxba haysan oo Macaamiisha Shirkadda qaab noo ciisu dalka ku cudub yahay ay Cabitaanka Sharaabka SBI ku sadeysan doonaan dadka danyarta.




Shirkadda Sharaabka ee SBI




Bandhiga Barnaamikan Shirkadda Waddaniga Sharaabyadda Cabitaanka ee SBI soo bandhigtay Shalay oo ah nooc sadaqo danyarta iyo Masaakiinta Baahan looga faa’iideyn doono, waxa ka soo qeybgalay Furitaanka Barnaamikaasi cusub,Madaxa Iibka Shirkadda Waddaniga ah ee Sharaabka SBI Liibaan Yuusuf Cismaan, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed , Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore oo ka mid ah Culimadda Somaliland kana tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Jeex Sheekh   Maxamed Aadan oo ah Isku duwaha Wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee Gobolka Maroodi jeex.




Suuqeynta Shirkadda Sharaabka ee SBI  Liibaan Yuusuf Cismaan oo  ku hadlaayey Afka Shirkaddaasi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Bernaamijkani waxa uu ku saabsan yahay oo yahay mid Kheryi  ah oo ay Shirkadda Sharaabka ee SBI ugu talo gashay Bisha Barakeysan ee Ramadaanta,kaasi oo halku dhigeedu yahay Cab oo sadaqeyso taasi oo macnaheedu yahay qof kasta oo reer Somaliland ah Caagad ka mid ah Sharaabka SBI waxa uu sadaqeysanayaa oo uu ugu deeqayaa dadka Sabaaleysan iyo kuwa danyarta ah ee ku dhaqan Somaliland guud ahaan ee ku nool goboladda Somaliland  ee ay ka mid yihiin  mid yihiin Xarumaha Agoomaha iyo dhimbirka ee Somaliland 50/Sland/Shilings (Konton Somaliland Shilings) ah waxana weeye qof kasta oo Caagad sharaab ah cabaa waxa uu ugu deeqay 50-Sl/and/Shillings ah,dadkaasi aynu soo xusnay ee inooga baahan Caawimadda”




Liibaan oo faahfaahin ka sii bixinaayey ujeedada Barnaamijkan waxa uu yidhi “Maadama oo ay Bisha Saddaqada tahay Bishan Barakeysan ee  Ramadaan waxanan ugu talo galay Shirkadayada sidii dhaqanka u aheyd Lacagta iyo faa,iidada ay ka hesho waddanka ay dib ugu celiso tanina bilaha ay ku jirto barnaamijiyadda ugu kheryka badan,marka intii aad markii hore Cabi jirtay ee aad ku istareexi jirtay waxaa ka mid ah in aan u niyooto Sadaqada qof walaalka ah oo aad sadaqeysatay,marka kolka ay Bisha ramadaan dhamaato ayaanu hadii ALLE idmo aanu ku qeybin doona lacagtaasi meelaha goobaha loogu talo galay in la gaadhsiiyo Caawimadaas oo ay shirkadda SBI,Macaamiisha iyo dadweynaha reer Somaliland-ba ka wada qeybqaadanayaan  ayaanu ku fulin doona waana taas ujeedada 1aad ee aanu ugu yeedhnay saxaafadda waana sababtaasi ta aanu u casuunay Madaxdii ugu sareysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee uu Wasiirku ka midka yahay”




Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Waxa sharaf noo ah in aanu ka soo qeybgalo furitaanka nooc sucub oo Sadaqad ah oo nooc dalkeena ku cusub ah,hase ahaate Caalamul Islaami lagaga dhaqmo  waayo waxa lays dhex gelinayaa ganacsigii iyo Sadaqadii waana waji cusub oo ay inoo bilawday Shirkadda SBI,anaguna aanu maadama oo aanu nahay Wasaaraddiini ah aanu ka soo qeybgalo maadaama oo ay tahay waxa ay Shirkaddu sameynayso mid dhiiri gelin ah,mawduucuna yahay mid bulshaddii lagu dhiiri gelinaayo oo ay dadkii aan baahneyni ay dadkii danyarta ahaa wax tarayaan,marka ka Wasaarad ahaan iyo ka Culimo ahaanba waanu soo dhaweynaynaa barnaamijkan Kheyriga ah ee faa’iidada Kheyrka ahi ku jiro ee ay dadkooda u sameynayso shirkadda Sharaabka waddaniga ah ee SBI”




Isku duwaha Wasaaradda  Diinta iyo Awqaafta  ee Gobolka Maroodi Jeex Sheekh   Maxamed Aadan iyo Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore oo ka mid ah Culimadda Somaliland kana tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland,waxanay labada dooduba si weyn u soo dhaweeeyeen Shirkadda SBI oo soo bandhigtay Barnaamijka cusub ee ay ugu magac dareen Cab oo sadaqeyso waxanay labadooduba ka marag ka ceen oo xuseen inay tahay talaabo ku dayasho mudan oo Caalamka Islaamkana laga isticimaalo.




Wariye Khaalid Xamdi Axmed




Gobanimonews




Gobanimonews/Hargeysa Office/Somaliland

Dabarrada Sharci iyo Qabyada Garsoorka ee Xagal-daaciyey Nidaamka Caddaaladda Somaliland


ibraahin khadarGaryaqaan Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com)




Qaybta 2aad




Waaxo Garsoor oo Sharciyan ah oo aan la Samayn




Xeerka Nidaamka Garsoorka qodobka 10aad oo ka hadla awoodda Maxkamadda Sare waxa uu jideeya in Maxkamadda Sare geli karto murrannada go’aammada dhammaadka ah ee idaariga ah (maamul), dacwadaha doorashooyinka, rafcaannada derejeada 1aad soo dhammaysta, dooda amma murrannada ka dhasha qodabo dastuuri.




Haddaba, Maxkamadda Sare waxay u baahnayd in ay yeelato Waax Dastuuri ah (Constitutional Tribunal Section), Waax ka garnaqda dacwadaha maamulada (Administrational Tribunal), Waax doorashada ka garnaqda, waxaahaas oo dhammaantood leh garsoorayaasheeda si culayska dacwadaha ee maxkamadaha sare imaanaya u fududadaan, balse hadda waxa ka go’aan gaadha garsoorayaal mucayin ah oo an ka badnayn 7, isla markaana dacwad kasta gala, waxaana meesha ka baxaysa waxahaas oo garsoorka awooddiisa badin lahaa, keeni lahaana in qiimaha iyo quruxda garsoorku fiicnaado.




Maxkamadda Sare, isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga ah waxay u baahan tahay in waaxahaas loo sameeyo, maadaama shacabku baahi u qabo in garsoorku noqdo waax si firfircoon u shaqaynaysa.




Baahida Garsoorayaasha




Garsooraha amma Qadi (Judge) waa shakhsi aqoon u leh sharci amma shareecada, kaasoo dadka kala saaraya, isla markaana caddaali ah, loona doortay jagada inuu ka garnaqo dacwadaha dadku isku haystaan, balse Garsooraha waxa uu leeyahay shuruudo lagu kala doorto, gaar ahaan Islamku wuxuu u jideeyey shuruudo, halka shuruudaha sharciga dad sameega ah (Statutory law) shardiyo u dhigay;




Halkan kaga hadli mayno shuruudaha qaadiga, balse waxaynu ku soo bandhigayna baahida garsooruhu amma inuu garsooruhu noqdo mid baahan dhibta ay u keeni karto caddaaladda sugideeda iyo in dadku kala helaan xaqa, lana ciqaabo qofka dambiila ah oo la marsiiyo mudankiisa.




Islamku wuxuu jideeya in booska garsooraha aan loo dhiibin qof codsada amma qof inuu ka shaqaysto doonaya, sababtoo ah waxa laga cabsi qaba haddii uu qofku shaqo ahaan u galo inuu noqdo qof dadka ka shaqaysanaya, lacag darteedna uu u qaloociyo baahida.




Waxaana shardi looga dhiga in haddii qof kaaga habboon jiro shaqada garsooraha oo aad dalbata in ay tahay karaahiyo dhinaca islaamka, sababtoo ah garsooraha waxa gacantiisa ku jira inuu qof xaq leh siiyo xaquu lahaa, waxaannu Abu Hurayrah ka wariyey Nebiga (NNKHA) “Qofkii loo magacaabo garsoore waxa la dilay mindi la’aan,” macnaheeduna waxa weeyaan in qofkaas masuuliyad aad u culus gacanta laga saaray, kaasoo keeni karta janno iyo caddaab.




Xeerka dad sameega ah (Statutory law) wuxuu ku xidha in garsooruhu noqdo qof aqoon u leh sharciga, waxa kale oo uu xeerka Nidaamka Garsoorka Somaliland sheega darajada iyo meelaynta garsooraha oo ku xidhan mushaharka, gaar ahaan qodobka 23aad ee Xeerka Nidaamka Garssoorka waxa uu tilmaama darajo iyo meelaynta Garsoorayaasha, waxaana ugu sarreeya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Darajada A1 ah, Xeer-ilaaliyaha Guud, Garsoorayaasha Sare iyo Guddoomiyayaasha Maxkamadda Rafcaanka oo A2 ah, Garsoorayaasha Maxkamadda Rafcaanka iyio Guddoomiyayaasha Maxkamadda Gobolka iyo Ku-xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud oo A3 ah, Garsoorayasha Maxkamadda Gobollada, Guddoomiyahayaasha Maxkamadaha Degmooyinka oo A4 ah, Garsoorayaasha Maxkamadda Degmooyinka oo A5 ah. Sidaa daraadeed darajooyinkan waxay ku tilmaaman oo ku hoos lifaaqan mushaharka garsooraha, taasoo ah in Somaliland aanu qofka garsoora ah qaadan wax baahidiisa dabooli kara, kana celin kara inuu laaluush qaato.




Garsoorayaasha waddamada caalamka badankooda waxa la daboola baahidiisa aasaasiga ah sida in waxbarashada iyo caafimaadka qoyskiisa bilaash looga dhigo, lacag ku filan la siiyo, korna loo qaado xasaanadiisa iyo sharaftiisa sida Xeerka Nidaamka Garsoorkuba dhigaayo, taasina waxay daawo u tahay inuu garsooruhu laaluush qaato, musuqna soo dhex galo garsooraha iyo dadweynaha.




Garsoore aan baahidiisa la daboolin, kana fikiraaya qoyskiisa raashinkuu cuni lahaa, caanihii carruurta iyo waxbarashadii amma qoyskiisu isagoo baahan ka yimi aad bay u adag tahay inuu caddaalad dhammaystiran go’aamiyo.




Garsoorayaasha waxa ku waajib ah in ay maskaxda ku hayaan, iyadoo dhibtaas iyo baahidaasi haysato garsoorayaasha iyo shaqaale hoosaadka Waaxda garsoorka, haddana waa in ay maanka ku hayaan xadiiskii uu Cabdullaahi Ibn Amr Ibn Al Cas ka warieyey Rasuulka oo uu yidh Rasuulkii Ilaahay (NNKHA) wuxuu naxdalay qofka laaluushka bixiya iyo ka qaata.




In Badan oo shacabka ka mid ah oo Wasakhaysa (Laaluushta) Garsoorka




Qof kasta oo muwaadin ah waxa uu xaq u leeyahay inuu dacwoodu lana dacweeyo sida, iskana difaaco eedaha lagu soo oogo, isla markaana uu helo qareen sida Dastuurka Somaliland qodobkiisa 44aad farqadihiisa 1aad, 2aad iyo 3aad amma Qodobka 4aad ee Xeerka nidaamka Garsoorka, balse maaha taas macnaheedu inuu qofku is difaaciisa iyo inuu xaqiisa helo u maro sifooyin sharciga waafaqsan.




Waqtiyo aan booqday Maxkamadda oo ku beegnayd sannadkii 2013 aan ku jiray gebagebada waxbarashadaydii sharci, isla markaana aan qayb ka mid ah waxbarashadayda oo maxkamadaha dacwadaha lagu dhegaysan jiray ah, waxay indhahaygu qabteen mid ka mid ah Garsoorayaasha oo runtii aan u arkaayey inuu yahay nin daacad ah oo muwaadin sida ka muuqatay uu xaq uu lahaa u gooyey la daba cararaayo qadar lacag ah, balse uu diidan yahay, hadaladii ka soo yeedhaayey garsoorahaas waxa ka mid ahaa “Waar xaq aad leedahay baaban kuu gooyee, maxaad I leedahay, lacagtan adiga u baahane qaado oo aniga meel sharaftayda ha kaga dhicin,” balse ninka muwaadinka ah sidaas kumuu joogsan ee wuxuu u celiyey “Waa hadyad yar oo aan kugu talagalay Garsoore, qofka wax kuu qabtana waa laga farxiya,” intaa kadib ayuu garsoorihii cadhooday, una yeedhay askari, markaasuu yidhi; “Waar miyaan ku xidhaa, mise waad iga tegi.”




Haddaba, shacabka laftooda ayaan u bislaan inay sharciga ilaaliyaan, waxaanay la qabsadeen laaluushka bixintiisa oo ay ku soo kharibmeen dawladihii kala duwana ee ay cabsida lacagta ku siin jireen, balse laf ahaantoodu waa inay ka baqaan Nacdasha rasuulka ee uu lahaa “Waxa nacdalan qofka laaluushak bixiya iyo ka qaata.”




Waxa kale oo shacabka ka maqan wacyigelin sharci oo ay caddaaladooda ku helayaan (Awareness of Access to Justice), taasina waxay tustaa qofka muwaadinka ah inuu xaq u leeyahay inuu dacwoodo amma is difaaco, waxaana loo baahan yahay in ardayda sharciga loo diro goobaha baadiyayaasha ah iyo magaalooyinka dhexdooda sida mararka qaarba Jaamacadda Hargeysa iyo garsoorku iska kashadaan ee ay sameeyaan, balse aan la joogtay, taasina waxay shacabka ka caawin karta in ay joojiyaan laaluushka iyo musuqmaasuqa (Extortion, corruption and Bribe) oo ah dambi, qofku halkuu xaq ka doonaayeyna ciqaab ku mutaysan karo… la soco…

Warsaxaafadeed: Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay codsanaysaa in maxkamad la horgeeyo ama xoriyadiisa loo soo celiyo wasiir-ku-xigeenkii hore ee amniga


Warsaxaafadeed: Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay codsanaysaa in maxkamad la horgeeyo ama xoriyadiisa loo soo celiyo wasiir-ku-xigeenkii hore ee amniga 




HRC31 kii May 2014, abaaro 1:30kii habeenimo, unuga ka tirsan Booliiska Somaliland ee loo yaqaan RRU waxay weerareen guriga uu degenaa Cabdilaahi Abokor Cusmaan, Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha. Caruur ayaa joogtay guriga markii weerarku dhacay. Mid ka mid ah ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay rasaas la is-waydaarsaday. Ma jirto wax eed ah oo lagu soo oogay Cabdilaahi.




Cabdilahi waxa la xidhay iyada oo aan Booliisku wadan amar qabasho oo maxkamadi soo saaray. Taas oo ka soo horjeedda qodobka 25 ee dastuurka oo sheegaya in anaay banaanayn in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin garsoore awood u lihi.




 Cabdilaahi ilaa hadda wuu xidhan yahay isaga oo aan la horgeyn maxkamad inkasta oo sharcigu si adag uu waajibiyay in qof kasta oo xidhan sida ugu dhaqsaha badan loo horgeeyo mudo aan ka badnayn 48 saacadood oo ka bilaabanta markii la xidhay maxkamadda awood u leh sida ku cad qodobka 27 ee dastuurka iyo qodobka 39 ee Xeerka Habka Ciqaabta.




 Booliisku waxay ku tuureen guriga markay xidhayeen Cabdilaahi sunta indha ka ilmaysiisa. Sacdiya Maxamed Cali oo ah xaaska Cabdilaahi waxay Xarunta u sheegtay in caruurtii guriga joogtay ku xanuunsatay kadib suntaas lagu soo riday guriga iyo argagaxa ay ka qaadeen rasaasta la is-waydaarsaday.  




Sacdiya waxay Xarunta u sheegtay inay ku baraarugeen rasaas, caruurtuna ay argagexeen. Sacdiya waxay ku dooday in Cabdilaahi la xidhi kari lahaa xilli maalin ah oo aanay jirin baahi loo qabay in la soo weeraro guriga saq dhexe.




 Xoogga lagu galay guriga la degen yahay oo ay caruuri hurudo kowdii habeenimo waxay ka soo horjeedaa qodobka 29 ee dastuurka iyo qodobka 44 ee Xeerka Habka Ciqaabta.




 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka welwelsan tahay ficilada RRU da oo isticmaala habab aragagax gelin ah islamarkaana aan raacin shuruucda Somaliland u yaal marka ay cid xidhayaan, wax baadhayaan ama wax qabanayaan.




 Xarunta Xuquuqal Insaanka waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland:




1.       Inay Cabdilaahi Abokor Cusmaan sida ugu dhaqsaha badan u horgeyso maxkamad awood u leh ama xoriyadiisa u soo celiso




2.      Inay joojiso ficilada RRU da ee ka soo horjeeda shuruucda Somaliland




3.      In si madax banaan loo baadho cabashooyinka ka dhanka ah RRU da




 




Ahmed Hussein Abdi




Ku-simaha Agaasimaha Fulinta




Xarunta Xuquuqal Insaanka




Hargeisa Somaliland




Contact:




www.hrcsomaliland.org




Email: dafac02@hotmail.com




Mobile: +252 (0) 63 4468227 

Sunday, June 29, 2014

Rayiisle Taageereyaasha Xulalka Aduunka Adeegyo Ay La Dhaceen U Fuliyay, Timahoodana Ugu Sawiray Wajiyada Ciyaaryahanada Ay Taageeraan iyo Calanka Dalkooda .


Koobka Aduunka ee sida xiisaha leh uga socda Magaalooyinka dalka Brazil qaarkood ayaa waxa barbar socda taageereyaal xamaasadi qaaday.




Inta badan garoomada ayaa ka sokow ciyaaryahanada, waxa soo buux dhaafiya Taageeryaal jibaysan oo barbar socda Xulalka dalalkooda.




Taageereyaashan ayaa waxa soo bandhigaan sida ay u taageersan yihiin xulalkooda, waxaanay wajiyadooda, gacmahooda iyo waliba jidhkooda badhdkood ku soo xardhaan calanka dalalkooda.




Taas bedelkeeda waxa markii ugu horeysay la arkay rayiisle si xirfadaysan ugu sawiray madaxyada taageereyaashan wajiyada ciyaaryahanada ay dalbadaan iyo waliba calankooda.




Rayiislahan oo ka dhisan dalka Brazil ayaa todobaadyadan u dambeeyay ahaa mid mashquul badan, waxaanu soo bandhigay muuqaalo dadka yaab geliyay.




Daawo sawirada:




article-0-1F37338F00000578-132_634x553 article-0-1F37321100000578-675_634x378 article-0-1F37327600000578-120_634x606 article-0-1F37382900000578-30_634x632 article-0-1F37390000000578-34_634x554 video-undefined-1F380BED00000578-498_636x358




 

Dawlada Siilanyo Maanta Waxa Ay Iibinaysaa Maddaxa Muwaadiniinta..... waxa qoray:WACAYS AXMED MAXAMUUD


waxa aan daawadey eheladii wiilkii reer gabiiley oo ka sheekeynaya dhacdadii foosha xumeyd ee inankoodalagu shirqooley isla markaa loogu gudbiyey dawlada jabuuti.hogaamiyihii liibaya colonel mucamer al qadhafi maxaa reer galbeedkucuna qabateynta u saareen ?  waxa laga daba socdey laba nin oo loo tuhunsanaa iney qarxiyeen diyaaradii Lockerbei oo ingiriiska ah ku dhacdey taas oo ay saaraayeen dad aad u farabadan oo carruur badidoodu yihiin. waa taas arinka ingiriis iyo mareykanba uu ka diidey in uu u soo gudbiyo labadaa muwaadin ee liibiya u dhashey. arinkaa oo qaatey in lix iyo tobban sanadood laga baryo soo gudbinta raggaa oo dagaal dhinac kasta ah lagu qaadey , lix iyo tobbankaa sanadoodna cunaqabateyn loogu hayey. ilaa ugu dambeyntii nelson mandela uu hawshaa dhexdhexaadiyey labadii nin ee lagu hasteyna u gudbiyey maxkamadii caalamiga ahyd. liibiyana laga qaadey cunaqabateyntii.siyaasadu hadii aaney dadkaaga u horseedeyn nolol iyo horumar, waxaad noqon mid jeclaada in dadkiisa oo dhan la baabiiyo isaguna si bilaa damiir ah u noolaada, taariikh xumana la tagga. dhibta hal qof oo bulshadaada ka mid ah ku dhacda waxay ka dhigan tahay, mid bulshadii oo dhan asiibtey. maanta hadii wiilashaa la gudbiyey beritana inaga ayaa ku xigna



waa wax laga xumaado in maanta dawlada Madaxweyne Siilaanyo muwaadiniiteedii ay madaxooga iibiso. waxay ahayd arin qoomamo xambaarsan markii kol qudha lagu war helay in dawlada somaliland saddex qof oo dhalinyaro ah oo aan waxba galabsan ay gacanta ka gelisey dawlada jabuuti si ay uga qanciso laba qof oo magaalada jabuuti ka fuliyey qarrax is miidaamin ah oo ay ku dhinteen ugu yaraan kow iyo tobban qof oo u badan ajaanib.waa sida uu sheegey talliyaha ciidamada jabuutiye.wey iska cadahay in dadkii falkaa fuliyey ay isla goobtaaa ku geeriyoodeen, waxa dadkan dambe loo qabteyna ay noqoneyso waad taqaaney iyo waxbaad ka ogeyd. waxase is weydiin mudan waa maxay nacasnimada intaa leeg iyo siyaasada kuu fasaxaysa in qof nool adduunyadu isku gudbiso ( human smuggaling ) dembiga uu doono ha gallee. mida kale hadiiba ay dhacdo in qof la gudbiyo sife caynkee ah ayaa la marayaa? halkeese loo dhiibi karaa ? ma jabuuti oo 21000 km square dadkeeduna yahay 500.000 ayaa xukuumada somaliland u haysataa iney tahay maxkamadii dembiyada ee HUGEU. shacbiga reersomaliland kama qarsoona in kala badh wasiirada siilaanyo yihiin basaasiin laba kaadhlayaal ah ( double agent ) khaayimiin qarranimadooda ku doorsadey mushaharka yar ee labada kun ah ee bil kasta dahab shiil loo soo dhigo. kuwaas oo lagu dardaaro saacad kasta Cabdiraxman Boore oo wadankan u dhashey in ay ka ilaaliyaan in uu wadankan somaliland maal gashi ganacsi ka sameysto.mida kale wadanka ma ingiriis ayaa inala leh mise mareykan. wadankeenu miyaanulahayn maxkamado dacwadaha lagu qaado ? miyaanulahayn xabsiyo dambiilayaasha lagu xidho.ma jabuuti ayaa laga maamulaa hargeysa. waa jecelnahay jamhuuriyada jabuuti ineynabad ku noolaadana waa jecelahay laakiin raali kama nihin in dawladayada dusha ka sii maamulaan.dawlada siilaanyana hadii ceebta loo dhinta bishii ugu horeysey ayey lixidka qaniini lahayd. halkaas ayey mareysaa iney lacag yar oo faro guudkood ah loo taaggo oo madaxa muwaadiniinta ay iibiyaan. maaha ciyaar ciyaar . waa godob weyn  oo laga galey qoysaskii wiilaasha iyo dhamaan ummada reer somaliland.




 



allaa mahad leh



 



 



WACAYS  AXMED MAXAMUUD



BARRE ADDUUNYO



Frankfurt Germany



bareadunyo@gmail.com




 

Somaliland: Heshiiskii Maamulka Hawada Soomaaliya Wuu bur-buray .Dhegeyso


Hoos ka dhegeyso Maxamuud Xaashi oo cidla ka hanjabaya Xili Xeedho iyo Fandhaalo kala dhaceen iyo guul-darada uu u soo hooyay dalkiisa..




XXaashiHargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa gacmo  madhan ka joogta  Maamulka hawada Soomaaliya qaybtii ay ku lahayd, kaddib markii sida la sheegay Q.M iyo Dawladda Soomaaliya heshiis ku gaareen in lagu wareejiyo Maamulka Hawada dalka Soomaaliya oo dhan Muqdisho.




Koox Wasiirro Somaliland ka socda ah, oo shalay ka soo laabtay Nairobi, ay qaramada Midoobay ugala soo hadlaan arrintan wareejinta Maamulka Hawada ayaan wax natiijo ah oo lagu qanco la soo noqon.




Wasaaradda Duulista Hawada Soomaliya iyo Madaxda Hay’adda ICAO , ayaa todobaadkii hore Dalka Canada ku gaadhay Heshiiska Dawladda Federaalka loogu wareejinayo Hawada.




Waxaanay taasi dhabarka ka jabisay Heshiiskii ay Somaliland hore ula gashay Dawladda Xasan Sheikh Maxmauud ee dhigayay inay labada dhinac si wada jir ah hawada u wada maamulaan inta heshiis rasmi ah la gaadhayo.




“Talaabooyin cad ayaanu qaadaynaa hadii Qaramda Midoobay Maamulka Hawada ku wareejiso Walaaleheena Soomaliya”sidaas waxa yidhi Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo cidla ka hanjabaya xili xeedho iyo Fandhaalo kala dhaceen.




Halkan ka Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/DUULISTAA.mp3"][/audio]

Sheeko Xigmadaysan: Ma ila socotaa? Q3aad


???????????????????????????????Akhristeyaal waa qayb kale oo ka mid ah Sheekada Ciwaankeedu ahaa MA ILA SOCOTAA.




Waxaana sheekadda Maanta aynu bilaabaynaa sidan:




Beribaa Saddex  nin ku busaaradsadeen Magaalladii ay ku noolaayeen.




Dabadeed maalin maalmaha ka ka mid ah ayay go’aansadeen inay iskaga baxaan magaalada Busaaradu ku bariinsatay, oo ay tagaan meel u dhaqaale iyo dheef dhaanta.




Sidii ayay saddexdoodiba subax kaga socdaaleen Benderkii ay degenaayeen, kaddibna markii muddo laba maalmood ah lugaynayeen, aya maalintii dambe waxay ku soo baxeen Buur yar oo Dahab ah oo meel cidlo ah ku taala.




Halkiibay dabadeedna Buurtii dul fadhiisteen, si ay dahabka ku jira uga gurtaan.




Markii ay  maalin iyo habeen dul joogeen Buurtii ayay gaajoodeen.




Dabadeed mid  ka mid ah ayay u dhiibeen inyar oo dahab ah oo ay ku yidhaahdeen orod oo Magaallo heblaayo tag oo wax aynu cunno inooga soo iibi,isna wuu ka aqbalay.




Labadii Nin ee ku hadhay Buurtu markii uu tegay saaxiibkood ayay ku tashadeen inaan Buurtan yar ee Dahabka ahi in saddex qof qaybsadaan aanay ku fiicnayn ee ee ay labadooda qudha ku wanaagsantahay.




Sidaas awgeed ninka ka maqan ee sahayda u doonay markuu soo noqdo ay khaarajiyaan si ay labadoodu  u qaybsadaan Dahabka.




Ninka maqnaa ee loo tashadayna markuu Magaaladii tegay ee uu cuntadii u soo iibiyay ayuu dhexda ku soo tashaday oo uu go’aansaday inuu labada Nin ee saaxiibadiisa sun ugu daro cuntada, markay ku dhintaana uu Keligii u soo hadho Dahabka.




Labadii Nin sidii ay ku tashadeen ayay yeeleen oo markii uu u keenay ninkii Sahaydii u keenay ayay Dileen.




Iyaguna markii ay cunneen cuntadii uu u keenay ee sumaysnayd ayay bartii ku dhinteen.




Dabaddeed saddexdoodiiba halkiibay ku waayeen Buurtii dahabka ahayd ee ay heleen.




Ma ila socotaa




Qorre: Boqor Faysal Cismaan Faarax




Hargeysa/ Somaliland




Email: kindfaysal111@hotmail.com




Tel: 0634426644

Mucaaridka Kenya oo Mudaharaadyo ka dhigaya Magaalada Eldoret


DNCords2706kEldoret(GNA)-Isbahaysiga mucaaradka dalka kenya ee cord ayaa banaan baxyo ka dhigay Magaaladda eldoret ee dalkan.




Mudaharaadkan ayaa looga soo horjeedaa ammaan darada isa soo taraysa ee waddanka  ka jirta.




Hogamiyaha isbahaysiga mucaaradka cord raila odinga oo hogaaminayey Mudaharaadkan ayaa dadkii isu soo baxay halkaa kala hadley isagona wacad ku marey inaan mudaharaadku istaagayn, aanu ka dhici doono dalka oo dhan.




Ciidamada amaanka Kenya  ayaa isku dayeey inay is hortagaan banaanbaxan,laakiinse kumay guuleysan.




Ciidan Bilays ah oo tiro badan ayaa lagu arkayay afaafka barxada uu mudaharadku ka dhacayeey.




Cabdirahmaan buurdhaab




Gobanimonews




Nairobi Office




Email:  buurdhaab4@gmail.com

Urur Dhalinyaro oo Cambaareeyay Xukunka Gaboobe iyo Cigge


“Ururka Dhalinyarada Ee Curad Youth Organization Wuxuu Canbaaraynayaa Xukunka  Cadaalada Darada Ah ee Tafatiraha Wargayska Haatuf iyo Gudoomiyihiisa” warsaxaafaddeed.




Hargeysa(GNA)-Urur Dhalinyaro oo magaciisa la yidhaahdo Curad Youth, ayaa si kulul u cambaareeyay xukunka lagu riday Masuuliyiinta Wargeyska dawladdu xidhay ee Haatuf.




War qoraal ah oo ay Ururkani soo saareen caawa ayaa lagu baaqay in xoriyadooda loo soo celiyo labada wariye iyo Wargeyska, si loo dhowro xuquuqda Suxufiyiintan iyo xoriyada Saxaafadda.




Ururku waxay sheegeen inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qaaday dariiq ka fool xun kii ay xukuumaddihii hore ku dhaliili jireen xisbiga Kulmiye.




Warsaxaafaddeedka ayaa lagu yidhi “Annigoo ah Dhalinyarada Ku Midowday Ururka Dhalinyarada ee Curad Youth Organization ee Beesha Axmed Sheekh Isxaaq (Toljecle) waxaanu canbaarayn xoogan halkan uga jeedinaynaa madaxwaynaha somaliland iyo bahda cadaalada ee xukunka cadaalada baal marsan ku riday  Tafaftiraha  iyo Gudoomiyaha Haatuf .




Maanta madaxwaynaha somaliland waxa uu qaaday talaabadii uu ku canbarayn jiray dowladii daahir riyaale ee ahayd in saxaafadu xor noqoto taasi oo maanta umada somaliland arkayso halka ay saaxafadu kaga jirto xukuumada maanta madaxwayne siiraanyo gadhwadeenka ka yahay .




Hadaba ka Dhalinyaro ahaan waxaanu leenahay xukunkaasi xaaraanta ah ee ku dhacay  Yuusuf Cabdi Gaboobe iyobTafatiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige Waa mid baalmarsan sharciga somaliland ee saxaafada .




Waxaanu Ugu baaqaynaa in sida ugu dhakhsaha badan loo sii daayo oo xoriyadoodii loo soo celiyo Tafatiraha  iyo Gudoomiyaha Wargeyska Madaxbanaan ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe .




Madaxwayne sidii dhalinyarada iyo bahda saaxafada somaliland ee aad ku soo baxday ay kuugu listay ugmaad hambayn tariikhduna way ku qori doontaa , ee Madaxwayne Go,aan deg deg ah qaado oo bahdaasi saxaafada ee xukunka aan cadaalada ahayn ku dhacay  soo daa .




Beesha caalamka iyo danayaasha saaxaafada madax banaan waxaanu leenayahay ha ka  qaliyaan go’aankaasi hoosna ha u eegaan xukunkaasi meesha  madow lagu xukumay .




Alla Mahad Leh 

Somaliland:Madaxtooyada iyo Taageerayaasheedu maxay uga gubteen Dhaliisha M. Xaashi?


Xildhibaan Abyan iyo Dhuxul oo Xukuumadda Siilaanyo Difaacay!!Warbixin




dhuxul-at-breifing-the-presss-618x412Hargeysa(GNA)-Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Degmada Caynabo, ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi uu sumcadii uu ku lahaa bulshada Somaliland dhexdeeda ku luminayo Eeddeymo aan garowshiyo lahayn oo intii xilka uu ka maqnaa u jeediyay xukuumadda uu ka tirsanaa.




“Maxamed Xaashi wuxuu ahaa Masuul sumcad iyo sharaf ku leh umadda Somaliland, laakiinse  beryahan dambe waxa ka soo yeedhayay hadalo dhaawacaya qaranimada oo aan ku wanaagsanayn in laga sheego warbaahinta”ayuu yidhi Maxamed Abyan oo la hadlay Gobanimonews.




Waxaanu intaas ku daray “anigoo ku hadlaya afka shacbiga reer Caynabo ee na soo doortay, runtii hadalkaa ka soo yeedhay Wasiirka aad iyo aad ayaannu u dhaliilaynaa, waxaanan u aragnaa mid uu ku waayayo sumcadii uu ku lahaa Bulshada Somaliland iyo waxyaabihii wanaagsanaa ee uu qabtay”.




Xildhibaan Abyan sharaxaad dheeraad ah kamuu bixin hadalka Maxamed Xaashi ka soo yeedhay ee damqay, balse waxa uu ku soo uruuriyay su’aal laga waydiiyay arintaas “hada uun maahee beryahaabaa waxa ka soo yeedhayey hadalo qaranka curdinka ah waxyeello ku keenaya, waxaanan u soo jeedinayaa inuu dalka u tudho”ayuu yidhi




Hadalka Xildhibaanka Deegaanka Caynabo ka soo yeedhay, ayaa Taageero u noqonaya weedho bilaa tamar ah oo ka soo yeedhay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo maanta isna u jawaabay Maxamed Xaashi.




Afhayeenka Xafiiskiisu kashifanyahay Axmed Saleban Dhuxul, ayaa warbaahinta isa soo hortaagay isagoo ka jawaabaya Eedeymaha xukuumadda uga yimi Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi, waxaanu ku doodday in Maxamed Xaashi duulimaad ku yahay qastiga Umadda iyo guusha dawladdu tallaabsatay.




“Waxa jira rag waaweyn oo mas’uuliyiin ah oo qaran tacab badan uu ka soo galay oo tacab badan dadkan ka soo galay oo u soo halgamay oo maanta tacabkii ay soo dhigeen inay baabi’iyaan garbo duub looga hayo, waxa ka mid ah Maxamed Xaashi Cilmi, dalkan dhibaatooyin farabadan buu u soo maray, wuu soo halgamay, qiimahaas ayuu ku lahaa, maantana tacabkii dalkan markii la gaadhay ee qiimihiisii la gaadhay ee sharaftii shacabka Somaliland ay soo noqotay ee wixii ay u halgamayeen la helay ee qaranimadii soo noqotay, ayaad moodaa rag badan oo Maxamed Xaashi ka mid yahay in tacabkaas ee ummadan soo gashay inay burburiyaan, mar walba xukuumadda ha dhaliilo, waa la dhaliili karaa xukuumaddu dhalliil way yeelan kartaa, inkastoo aanay dhalliilba lahayn, haddana wixii dhaliil xukuumadu leedahay waa loo sheegi karaa, laakiin waxa masiibo ah oo layaab ah mar walba Maxamed Xaashi Cilmi ereyo aan laaqi ahayn oo qarankan iyo karaamadda ummadda iyo hoggaankii ummadan ay soo dooratay”ayuu yidhi Dhuxul.




Waxa uu hadal dheer oo bilaa xigmad ah oo uu sheegay intaas ku sii daray “waxaan xusuustaa Maxamed Xaashi Cilmi, marbaa aniga iyo ninka la yidhaa Sayidbaa uu noo yeedhay markuu Wasiirka Maaliyadda ahaa, kadibna waanu u tagnoo waxaanu ku nidhi, waar ninyow anagu mucaaridnimadii ayaanu ku fiicnayn ee muxaafidnimadan la garan mayno. fadhiistabuu yidhi xafiiskiisii, wuxuu yidhi i dhagaysta maanta, dawlad ka wacan dawladaa maanta aynu hayno oo Somaliland dib u soo maraysa.




Maxamed Xaashi Cilmibaa xilkii laga qaadoo  mar dambaanu is aragnoo wuxuu igu yidhi, Dhuxuloow wali maad la joogtaa, waxaan ku idhi Maxamed Xaashoow ninkii sidaas na yidhi maanad ahayn ee lahaa dawladdan dawlad ka wacan ma jirto, mid ka wacana Somaliland ma soo mari doonto , adigu miyaanad nagu odhan, miyaanad nagula tallin taas, tiibaanu haysanaa oo aanu ku adag nahay, wuxuu yidhi haayee sawtii i eriday.




 waxaan ku idhi oo ma adigay kuu qiyaasnayd markaa, wanaageeda iyo xummaanteedu ma aduu kugu qiyaasnaa.




 hadaba waxaan leeyahay Maxamed Xaashi Cilmi oo saaka jariidadaha ku qoray  waxa jira Ra’iisal Wasaare aan muuqan, dalkeenu qaabka uu leeyahay iyo dastuurkiisu u caddeeyey, waxaan leeyahay Ra’iisal Wasaare iyo meel kuu jiro iyo meel uu leeyahayba ma jiro, waxa kaluu yidhi, Madaxweynuhu wuxuu lummiyey buu yidhi sharaftiisii iyo tii SNM, Madaxweynuhu sharaftiisii, tii dalka Somaliland iyo tii SNM-ba korbuu u qaadee”.




Jawaabta Madaxtooyada iyo Taageerayaasheeda ka bixiyeen Dhaliisha uga timi Wasiirkii hore ee Maaliyada oo u muuqata Falaadhi gil-gilasho kaagama ba’do, ayaa ku soo aadaya xili ay raad beeleen gol-dallooloyinka siyaasada xukuumadda siilaanyo ka muuqdaa, isla markaana ay ku fashilantay inay mujtamaca ku qanciso hogaamin maamul oo ka reeban Maamul xumo, musuqmaasuq iyo dhibaatooyinka kale ee ay bulshada ku hayso.




Hase ahaatee dadku waxay isweydiinayaan Madaxdtooyadu ma waxay wayday cid kale oo u jawaabta siyaasigan Mucaaridka ah, inta ay u dirayso Afhayeenka shaqada  Xafiiskiisa ku fashilmay ee isagu ka nabad galay in wax laga sheego.




Filasho wacan Akhristeyaal Faddeexadaha Dul-hoganaya Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Bohol lama Galaan ah noqday tan iyo markii Axmed Saleban Dhuxul loo magacaabay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Daawo: Warka Bulshotv 28.6.2014

Dhibaatada carruurta ka soo gaadha waalidiinta qaar


download (1)(GNA) Carruurta dhibaato xooggan ayaa ka soo gaadha muranka iyo ismari waaga dhex mara waalidiinta qaar.




 




Waxay sababtaa inay nacaan guriga, waxaana ay asxaab ku yeelanayaan bannaanka, taasna ma dammaanad qaadeyso inay la saaxiibayaan dad wanaagsan.




 




Qaarkood balwado xun ayay bartaa, way dhaqan doorsoomaan, xitaa waxaa suuragal ah in waalidka ay dhibaato kula soo noqdaan.




 




Qurbaha




 




Soomaalida ku nool qurbaha, gaar ahaan dalalka galbeedka ayay dhibaatada ugu badan arrintaa ka heysataa, waxaana mar kasta soo noqnoqta in dowladaha ay la nool yihiin ay kala wareegaan mas’uuliyadda carruurtooda.




 




Waxaa dhacda in carruurta ay waalidiinta ku dacweeyaan dhibaatooyinka ceynkaas ah ama dadka dariska la ah ay arkaan dhibaatada qoyska, kaddibna loo gudbiyo ciidamada ku shaqada leh arrimahaasi.




 




Dhawaan waxaa magaalada Amsterdam lagu qabtay shir ay jaaliyadda Soomaalida ka qeybgaleen, kaas oo diiradda lagu saarayay sababaha arrimaha nocaas ah ay u soo noqnoqdaan.




 




Inkastoo ay ila tahay in shirarka ceynkaas ah oo la badiyaa ay wax ka tari karto yareynta dhacdooyinka noocaas ah, hadana dhaqanka meesha ka jira ayaan saamaxeynin in la cirib tiro.




 




Xalka




 




Madaama dhibaatadan ay tahay mid sabab leh ayaan jeclaan lahaa inaan qodobeeyo waxyaabaha xalka noqon kara:




 




    Madaama dhibaatada iyo farqiga soo kala dhexgala waalidiinta ay sabab u tahay dayaca iyo dhibaatada maskaxeed ee carruurta soo gaardha, waxaan soo jeedin lahaa in waalidiita ay si wanaagsan isula dhaqmaan, isla markaana carruurta hortoda aanay isku qabqabsan.




    Arrin kale oo indha laga qabsan karin waa deegaanka, haddii aad awooddo in carruurtaada aad geyso meelaha nabdoon ee dalkeena ama dalalka Islaamka, haka laba labeyn ee geey, taas waxay horseedeysaa in carruurta ay dhaqanka galbeedka ka weecdaan, kan islaamiga ahna ay qaataan.




    Waxaa kalood sameyn kartaan in carruurta aad dhaqan toosisaan adinkoo jooga meelaha aad ku nooshihiin, carruurta waa loo sheekeeyaa waa laga sheego dhageystaa, wanaaga ayaa la faraa, haddii bedelkii intaas aad canaan ugu badasho waxay u keeni kartaa qallafsanaan iyo inuu dhaqamada carruurta kale ee uu la nool yahay uu qaato.




 




Diyaariye:-C/Qaadir Askar




Askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com

Cuntooyinka ugu Wanaagsan ee Timaha Nafaqeeya, Quruxna u Yeela


timahaagu-in(GNA) Dad badan ayaa lacag aad u badan ku lumiya siday timahooda ugu qurxin lahaayeen daawooyin kiimiko ah oo mala awaal ah, balse daraasado caafimaad iyo qaar cilmo oo la sameeyey waxya iftiimiyeen in cuntada dabiiciga ah timaha ka dhigto qaar nafaqo ahaan iyo quruxba aad u fiican.




 




Cuntooyinka qaar badan oo ka mid ah ayaa timaha ka dhiga qaar dhumuc ahaan adag, jilicsan oo aan go?in, dherarna ku darsada.




 




Cuntooyinka ay ka mid yihiin bariiska boorashka oo uu aad ugu badan yahay faytamiinata ay ka mid yihiin B iyo B7, waxay timaha ka caawiyaan inay noqdaan qaar aad u ifaaya oo aan dhayal ku go?in, sababtoo ah boorashka qaydhin waxa aad ugu badan maadada la yidhaa Silica oo timaha ka ilaalisa inay go?aan iyo waliba macdanta Zinc oo ka mid ah macdanaha timaha u wanaagsan oo ka hortaga daadashada iyo caafimaad darrada timaha soo wajahda.




 




Lawska




 




Lawsku waxa aad ugu badan booratiinka iyo macdanta Zinc, waxaanay timaha ka dhigaan qaar xidadoodu adag yihiin oo aan dhayal ku go?in, adagna.




 




Lawsaska ka baxa dalka Brazil waxa aad ugu badan macdanta la yidhaa Selenium oo iyadu timaha qotadooda adkaysa, kana hortagta in timuhu dataan. Cunista lawska oo la joogteeyana waxay masuul ka noqota in qofku helo timo aad u qurux badan.




 




Beedka




 




Beedku waxa  ku badan booratiinka, waxaannu ka mid yahay waxyaabaha timaha daata lagaga hortago, sababtoo ah wuxuu dedejiya koriinka timaha, iyadoo ay ugu wacan tahay maadada la yidhaa Biotin.




 




Sidoo kale beedka wuxuu ka mid yahay ilaha laga helo faytamiin B12, kaasoo la’antii qofka ay ku dhacdo dhiig la?aan iyo timaha oo daata




 




Khudaarta Midhaha leh




 




Khudaarta midhaha leh sida cambaha, liinta iyo saytuunka ayaa la ogaaday in ay aad ugu fiican yihiin timaha, sababtoo ah waxa aad ugu badan macdanaha ay ka mid yihiin Biotin, Oemga-3 iyo Zink, waxaanay horseedaan in qofka timahiisu noqdaan qaar caafimaad qaba oo nafaqadu ku badan tahay, sidoo kale midhaha khudaarta ah waxa aad ugu badan booratiinka.




 




Saliida Kalluunka laga sameeyo




 




Haddii aad doonayso timo jiridoodu adag tahay, aadna u ifaaya, waxa aad cuntada ku cunta amma aad isticmaasha saliida kalluunka laga miiro, gaar ahaan noocyada la yidhaa Salmon, Trout iyo Sardines, sidoo kale saliida kalluunka waxa ku jira Omega-3 Fattey Acid, taasoo muhiim u ah caafimaadka maqaarka, qofkana ka dhigta mid aad u ifaaya.




 




Macdanta Ironta ayaa sidoo kale saliidan ku jirta, waxaana ka hortagta in timuhu qofka daaataan, waxa kale oo ku jira saliidanb booratiin aad muhiim  ugu ah koriinka iyo dhumucda timaha qofka.




 




Kalluunka




 




Kalluunada kala duwan ee badda laga helo waxay aad ugu fiican yihiin nafaqada timaha, waxaana ku jira macdanaha ay ka mid yihiin Selenium, Iron iyo booratiin, sidoo kale kalluunku waa il ka mid ah ilaha laga helo Faytamiin B12, kaasoo ah nafaqo aad muhiim ugu ah timaha koriinkooda oo badana aan dadku si fudud ku helin.




 




Caanaha ciirta




 




Caanaha ciirta amma caanaha kale ee la fadhiisiyey waxa aad ugu badan macdanta Calcium, waana mid ka mid ah waxyaabaha timaha sida fiican u koriya.




 




Ciirta waxa kale oo ku badan booratiinka, waxaanay labanlaabta qarada timaha, kuwasoo qofka si fiican caanahan u isticmaala timahiisu noqdaan qaar jilicsan oo aad u qurux badan.




 




Diyaariye:- C/qaadir Askar




Askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com

RAMADAN : An excellent opportunity to quit Smoking !


MUUSE4Gathering all the will power they have Muslim smokers who fast during Ramadan are refraining themselves from food, drinks and smoking during the daytime to fulfill their religious obligation of fasting during this month.




 Owing to nicotine dependency, some smokers may experience withdrawal symptoms, like irritability, anger, restlessness, impatience, insomnia and difficulty concentrating.




Due to the craving of nicotine, most smokers reach for their cigarettes after breaking of fast, some may even do so within a few minutes after consuming food or drinks.




Before the "addicted" smoker can quit, he must appreciate what addiction is all about and how he can be weaned off smoking. Ramadan provides an excellent opportunity to change one's mindset and environment to quit smoking. Understanding what tobacco dependence is all about can help the smoker change his habits. This is especially so because addictive behavior has a direct influence on the bodily chemicals that affect emotions and behavior. Often, it is the emotional aspects that cause the smoking behavior to continue. And thus the multitude of excuses which smokers offer such as it gives "a surge of energy", or "acts to reduce tension" or even "gives a feeling of security".




What it actually amounts to is that smoking maintains a certain level of nicotine in the smoker's blood, especially in the brain. This is, in fact, the key to understanding addiction as a result of nicotine inhaled from the cigarette. Under the influence of a high level of nicotine, all the above-mentioned excuses seem real. The smoker is emotionally satisfied by his smoking behavior. However, after puffing on a stick of cigarette, the nicotine level in the smoker's blood begins to decrease gradually. Over just about one hour, the level becomes almost negligible, seemingly resulting in a "loss" in energy, "increased" tension and "insecure" feelings. And the urge to smoke begins. At this point, it is critical for the "addicted" smoker to find new strategies to distract himself from the urge to smoke. Try any one or all of these suggestions: Before the urge to smoke strikes (about 60 minutes from the last puff), start doing activities that make smoking physically difficult to perform. Examples include washing the car, going for walk, jogging, or taking a long shower. Almost any kind of physical exercise may help. Your smoking behavior may be ingrained and automatic. Anticipate this behavior and stick to your plan to quit. Check your watch (preferably one with the second hand) whenever the urge acts up. Fight it over the next one minute by keeping your eyes on the movement of the second hand. After one minute, your urge will certainly subside. Then continue for another minute. You will feel even better. Repeat for another minute if necessary. Before the five minutes are over, the urge will pass. Most urges are short. Once you understand and experience this, you will be better able to cope and resist the urge. Because you are addicted, quitting smoking can prove quite challenging. The physical symptoms of withdrawal from smoking (like being irritable and edgy) may last between three to 10 days, with the intensity decreasing by the day. But the psychological aspect may last longer, weeks and even months. Over time, however, the urge will fade. Relapses can occur if you are not careful, particularly when you subject yourself to the environment that habitually make you "light up". Be aware of this and the circumstances that will make you do so, such as after a meal or when getting in the car. Keep the cigarettes away. Most relapses occur within four weeks after a person stops smoking. The chief reason is most smokers are not prepared to make changes. The month of Ramadan should help Muslim smokers who want to give up. Fasting forces a smoker to change his mindset, his environment and his habit. Most routines are broken for a good part of the day over the next four weeks. So, try to acquire new non-smoking behavior during the Ramadan. Unlearn smoking. Take it a day at a time. If you succeed on the first day, you are likely to succeed again the next day. Before your know it, you are already a non-smoker. The most vulnerable time, of course, is during meals, especially the breaking of fast. Consider some of these Ramadan tips: 1. Break fast away from the smoking crowd. Stay home if you have to. 2. Avoid the drinks or foods that are normally associated with your smoking habit. During the fasting month, a variety of drinks and foods can act as alternatives. 3. Leave the table immediately after breaking fast if you intend to end it with a cigarette. Take a walk instead of lighting up. If you break fast at home, go to the mosque for prayers. 4. Look for new distractions wherever possible. In short, do whatever it takes to disassociate from the smoking routines. Some other general tips to help quit smoking: 1. Don't smoke any number or any kind of cigarette. Smoking even a few cigarettes a day can hurt your health. If you try to smoke fewer cigarettes, but do not stop completely, soon you'll be smoking the same amount again. Smoking "low-tar, low-nicotine" cigarettes usually does little good, either. Because nicotine is so addictive, if you switch to lower-nicotine brands you'll likely just puff harder, longer, and more often on each cigarette. The only safe choice is to quit completely. 2. Write down why you want to quit. Do you want i. to feel in control of life? ii. to have better health? iii. to set a good example for your children? iv. to protect your family from breathing other people's smoke? Your strength of desire to quit smoking is very important in determining the success you will have in quitting.




 Smokers who live after a heart attack are the most likely to quit for good, because they're very motivated. Find a reason for quitting before you have no choice. 3. Know that it will take effort to quit smoking.




 Nicotine is habit forming. Half of the battle in quitting is knowing you need to quit. This knowledge will help you be more able to deal with the symptoms of withdrawal that can occur, such as bad moods and really wanting to smoke.




There are many ways smokers quit, including using nicotine replacement products (gum and patches), but there is no easy way. Nearly all smokers have some feelings of nicotine withdrawal when they try to quit. Give yourself a month to get over these feelings.




Take quitting one day at a time, even one minute at a time-whatever you need to succeed. 4. Half of all adult smokers have quit, so you can too.




 That's the good news. There are millions of people alive today who have learned to face life without a cigarette. For staying healthy, quitting smoking is the best step you can take. May you have many spiritually fulfilling smoke-free days of fasting during Ramadan.




 Abdi Halim M. Musa

Daawo:Shirka Subeer Awal ee Toranto

Hambalyo Aroos


sacad1. Aabo Xasan Nuur Xirsi




2. Saleebaan Ibraahin Shire




3. Maxamuud Ibraahin Shire




4. Mustafe Abdiqani Nuur




5. Ciise Cali Xasan




6. Ismaaciil Cabdilaahi Cilmi




7. Khaalid Hassan Nuur




8. Yuusuf Cabdilaahi Guuleed




9. Maxamed Cabdiqani Nuur




10. Eng.Cabdiraxmaan Xasan Nuur




11. Siciid Maxamed Ismaaciil




12. Umalkhayr Cabdi Wali Jaamac




13. Axmed Wali Xaaji Xuseen




14. Jimcaale Axmed Cabdi




15. Guuleed Cabdi Ibraahin Shire




16. Nimco Cabdi Ibraahin Shire




17. Nimco Maxamuud Ibraahin




18. Guuleed Ibraahin Fanax




19. Maxamed Maxamuud Ibraahin




20. Axmed Cabdi Cali




21. Deeqa Cabdiraxmaan




22. Hooyo Samsam




23. Hooyo Basra Cumar




24. Jimcaale Cabdilaahi Cilmi




 




Dhammaan dadkan oo kala jooga dalka gudihiisa iyo debeddiisa - Waxay Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaan Arooska




 




Boqorka: Sacad Cabdi Ibraahim




 




Iyo




 




Boqorada: Hibo Cabdiraxmaan Maxamed




 




OO Arooskoodu Ka Dhacay Magaalada Berbera Gaar Ahaan Hotel Batalaale Beach Ee Magaalada Berbera  




Habeenkii Jimcaha 27.06.2014




 




« بَارَكَ اللَّهُ لَكَ وَبَارَكَ عَلَيْكَ وَجَمَعَ بَيْنَكُمَا فِى خَيْرٍ »




Aamin Aamin Aamin

Degmo ka tirsan Gobolka Saaxil oo biyo la’aan laga soo sheegay


HHHHargeysa:(GNA)-Degmada go’da weyn ayaa waxa laga soo sheegay mudoo yinkii u dambeeyay in ay biyo la’aan baahsan ka jirto iyadoo foostada biyaha ah uuqiimaheedu cirka isku shareeray,sida uu xoghayadegmada go’da weyn u sheegeen warbaahinta foostada biyaha ah ayaa la kala siisanaayaa 15000 oo shillinka somaliland ah una dhiganta laba doolar iyo badh ($2.5).




Xaaladan biyo la’aaneed ee soo food saartay degmada go’da weyn ee gobolka saaxil, ayaa ka dhalatay kadib markii uu deegaanka roobkii gu’ga sicfiican uga di’in iyo sidoo kale degmada oo marka horeba aan lahayn ceel-biyood. Sidaa darteedna bulshada degmada ku dhaqani markooda horeba ay u biyo doonan jireen berkadaha balse xiligan ay dhammaan madhan yihii beraagihii degmada iyo nawaaxigeeda.




Xoghayahaha dowalada hoose ee degmada Go’da-weynee gobolka saaxil Deeq Cabdi Warsame ayaa ka xog-waramay xaalada degmadaas isagoo hada howl shaqo u jooga magalada hargeysa.




Deeq ayaa sheegay in isqabqabsiga Dhulka Beeruhu xaga ammaanka ugu daranyihiin, taasoo ay xaliyaan maamul ahaan., waxaanu intaas ku daray inay biyo la’aan badani ka jirto degmada.




”xaalada degmadu aad ayey u wacantahay marka laga reebo biyo la’aan baahsan oo ka jirata gudaha degmada iyo nawaaxigeeda taas oo ah roobkii gu’ga oo aan sifiican u heli degmad iyo nawaaxigeeda markaa hadda bishan badhtangeedii ayaa waxa aanu bilownay biyo dhaan in booyadaha loogu soo dhaamiyo magaalada iyo nawaaxigeeda”ayuu yidhi xoghayuhu




Xaalada amaanka iyo dhuxusha




Deeq Cabdi Warsame oo ka hadlayay arrimaha ammaanka iyo deegaanka ayaa yidhi “xaalad aamaanka aad ayey u wanaagsantahay marka laga reebo mar mar wey dhacdaa in beeraladu is qab qabsato markaa waanu xalinaa si nabad ah ayaan ku soo afjarnaan.




Dhuxishi wey yaraatay weerar ba’an ayaanu ku qaadnay ka iibinaya iyo ka laga iibinayo ilaa gaadhiga waanu ganaaxnaa marka aanu qabano shacabka degaankana waanu ka wacyi gelinaa in ay dhirta shidaan.”ayuu yidhi deeq




Gebegebadii waxa uu baaq cod dheer ah u diray xoghayaha degmada Go’da-weyn ee gobolka saaxil deeq cabdi warsame qurbejoogta ganacsatada iyo aqoon yahanka ka soo jeeda degmada go’da weyn Iyo dhammaan shacab reer Somaliland in ay ka qayb qataan sidii ay biyo u gaadhsiin lahayeen walaala hooda ay biyo la’aantu samaaysay.




Qaylo dhaantan biyo yaraanta ah ayaa ku soo aadaysa xili wakhtigii gugu muddo yar laga joogo.




Raxmaadka guga ayaa sanadkan sidii hore uga yaraa, iyadoo deegaamo kale oo Somaliland ka mid ah laga soo sheegayo biyo yaraan tan oo kale.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Xasan Sheikh: Kooxaha Nabad-diidku waxay Caadeysteen Dhiig badan daadiyaan Ramadaanta".


Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Reysal-wasaare Cabdiwali sheikh oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyey dhalashada bisha Ramadaan.




laba sheikhMuqdisho, 28 Juun 2014-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhambaal hambalyo ah soo saaray Caawa soo dhaweynta curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa ka digay khatarta Kooxa Isqarxiyaa xiligan oo kale ay u geystaan shacbiga Soomaaliyeed, ee sooman.




Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inay sanad kasta ramadaanta geystaan weerarro dhiig badani ku daadto.




dhinaca kale, wuxuu umadda uslimiinta ah gaar ahaan umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyey dhalashada bisha barakeysan ee Ramadan, isagoo talooyin khayri ahna u soo jeediyay.




“Dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta ee ay caalamku kaga nool yihiin waxaan leeyahay Ramadaan Kariim, waxaan Ilaahey ka rajeynayaa in cibadadeennu aqbalo, kana dhigo soonkii dambi dhaafka umadda Soomaaliyeed, soonkii is-cafinta, soonkii isku naxariisashada” ayuu yiri Madaxweynaha.




Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed inay iska warqbaan kooda afur heysta iyo midkaan heysan. ”Daruufo badan ayaan ku jirnaa walaalo badan oo Soomaaliyeed oo daruufeysan ayaa jira, dadka Soomaaliyeed waxaan u soo jeedinayaa bisha Ramadaan fadligeeda inay is-cafiyaan, in ay kaalmeeyaan waalalahooda dan-yarta ah, qof walba inuu xaqiijiyo in walalkiisa dan-yarka ah ee dariska la ah in uu afur heysto haddii uusan heysanna aad la wadaagto wixii aad adiga heysato oo aad wada afurtaan”.




Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu bilowday barnaamij loogu magac daray nabad ku afur. “Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego inuu socdo lana hergeliyey barnaamij cusub oo la yiraahdo nabad ku afur, waa barnaamij amni waa barnaamjij loogu talagalay in dadku nabad ku afuraan, ku saxuurtaan kuna joogaan”.




Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay dhagarta kooxaha nabad diidka ah xiliga bisha Ramdaan ayii yiri, “Kooxaha Nabad diidka ah ayaa waxaa dhaqan u ah in xiliga Ramadaanka argagax geliyaan umadda muslimiint ah, iskuna dayaan in ay u diidaan afurka, Taraawiixda iyo Taajudka. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed arrinkaasi waa ka diyaar garowday, xoog badan ayeyna gelineysaa. Dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay dowlada kala shaqeeyaan sidiii dhammaanteen aan nabad ugu afuri lahayn, waxaan rabnaa in masaajidada cibaado iyo Alla tuug ku camirmaan oo aan ka faa’iideysano ajarka bisha Ramadaan”.




Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yiri. “Kooxahan Nabad diidka ah inay Salaadin oo aysan cibaadeysan waxaa daliil u ah in xiliga qofka muslimka ah dukanayo isku dayaan inay dilaan sida marar badan dhacday isagu ma dukado soo maaha ileen dadkii salaada dukanayey ayuu banaanka ku sugaayaye, mana soomaan oo xiligii afurka ayey weerarada soo qaadaan, marka qof xiliga afurka wax weeraraya waa qof aanan soomaneyn. Cadeyn ayey u tahay inay diintu ku camal falin kooxahan nabad diidka ah”.




Reysal-wasaare  Cabdiwali




Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed ayaa hambalyo ku aaddaan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan u diraya Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.




Wuxuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed: “Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed, waxaan si farxad leh idiinla soo dhaweynayaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaan idin leeyahay farxad iyo caafimaad ku sooma, farxad ku afura, farxadna ku cibaadaysta.




 “Bishan waa bishii sadaqada, waa bishii Qur’aan aqriska, waana bishii dambi dhaafka. Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu cafiyo walaalkiis.




 “Waxaa dalka ka jira abaaro iyo xaalado adag oo saamayn ku yeeshay dad iyo duunyaba. Xukuumaddu waxay mar walba ku dadaaleeysaa inay shacabka gaarsiiso wixii gargaar ah oo ay awooddo. Sidoo kale, dadka wax haysta waa iney taageero u fidiyaan dadka ku dhibaataysan xerooyinka barakacayaasha iyo gobollada dalka. Waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka ka codsaneeynaa in ay u gurmadaan dadka walaalahood ah oo aan haysan waxay ku afuraan.”




Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in bishan Ramadaan ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in ay isu naxariistaan, is caawiyaan, isna cafiyaan. Wuxuu Eebbe ka baryey in bishan barakeysan ee Ramadan fadligeeda uu ugu dambi dhaafo Muslimiinta oo dhan, isla markaana dhex dhigo naxariis iyo nabad ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.




Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay kooxaha dadka ku dhibaateeya fahanka khaldan ee ay Islaamka ka haystaan inay ka noqdaan khaladaadkooda oo ay dadkooda dhinac ka raacan, dambi dhaafna Alle warsadaan, baddalkii ay dad Muslimiin ah oo sooman dhibi lahaayeen.

Saturday, June 28, 2014

Siilaanyo iyo Muuse Biix: Ramadaan Kariim”


Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa caawa bilatay oo laga soomayaa Adduunka oo dhan.




Madaxda Soomaalida, ayaa Dhambaalo hambalyo ah oo ay u dirayaan Shacbiga Soomaalida iyo dunida Islaamka soo gaadhsiiyay warqabadka Gobanimonews




Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa soo saaray laba qoraal oo Hambalyo ah.




Madaxweyne Siilaanyo




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meelkastoy Joogaan Dalka Guddihiisa & Dibediisaba, Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, waxaanu ugu Bushaaraynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa oo ay taariikhda Miilaadiga ahi tahay 28/06/2014, halka ay taariikhda Hijiriyada Islaamkuna ka tahay 01/09/1435,




Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u Dirayaa Madaxweynuhu Shucuubta islaamka ee Caalamka ku nool guud ahaanba.




Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn  soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu janatu fardawsa ka waraabiyo.




Muuse Biixi




XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILAND (KULMIYE)




“Anigoo (Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE) ku hadlaya magacayga, ka hoggaanka xisbiga, golaha dhexe, guddiga fulinta iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaan shacbiga Somaliland curashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.




Waxaan Alle inooga baryayaa inuu inaga yeelo kuwii khayrkeeda ka faa’iidaysta ee uu ka aqbalo.




ALLA MAHAD LEH




Muuse Biixi Cabdi




Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

RWB oo ka walaacsan Xad-gudubyada Saxaafadda Somaliland lagu hayo


Haatuf groupHargeysa(GNA)-Ururka  Wariyayaasha aan Xuduuda lahayn (Reporters Without Borders) oo ah urur u dooda xuquuda saxaafada iyo saxafiyiinta aduunka ayaa soo saaray qoraal uu ku muujinayo sida uu uga soo horjeedo, ugana xunyahay  xadhiga Gudoomiyaha iyo tifatiraha waregyska Haatuf oo lagu riday xukun argagax galiyey shacbiga Somaliland iyo dadka daneeya arrimaha saxaafadda ee caalamka.




Tani waxay imanaysaa xili ay isa soo tarayaan cambaareynaha lagu diidanyahay xad-gudubyada ka dhan ah Saxaafadda Somaliland ee ka socda gudaha dalka afartii sannadood ee ugu dambeeyay.




 Ururka RWB ayaa xukunka lagu riday Haatuf sheegay in uu weydaarsan yahay sharciga dalka ee saxaafada.




“Masuuliyiintu waxay jabinayaan isla sharcigoodii marka ay saxafiyiinta la xidhay u adeegsadaan sharci aan ahayn kii saxaafada kaas oo aan ogolayn in la taxaabo saxafiyiinta, xadhigaasina waa mid jabiyey heerkii argagaxa"sidaa waxa tidhi Clea Kahn-Sriber oo ah madaxa ururkan RWB qaybtiisa Afrika.




Tani waa ugaadhsi la ugaadhsanayo saxafiyiin shaqadoodii war-tabineed uun qabasanayey. Xadhiga la xidhayna waa mid aan sharci ahayn si kasta oo loo eego, waxaanan ugu baaqaynaa maxkamadaha Hargeysa in ay buriyaan xukunada noocaas ah" ayey ku dartay Clea Kahn-Sriber.       




Ilaa iyo muda 4 sano ee xukumada Siilaanyo  jirtay waxa Xabsiga loo taxaabay saxafiyiintii ugu badnaa, taas oo kor udhaaftay 50 saxafi, halka Taariikhda Somaliland xukumadu noqotay tii ugu horeysay ee Albaabada u laabta Xarun Saxaafadeed iyadoo loo adeegsaday sifko sharci daro.




 Ururka ilaalinta xuquuqada saxafiyiinta ee RWB ayaa la filayaa in uu ka dacwoodo xukuumada Siilaanyo cadaadisna lagu saaro in loo soo celiyo xoriyadoodi saxafiyiinta Haatuf iyo xarumaha Hubaal ee la ay xukumadu xidhay.




Arintan xadhiga saxafiyiinta ee noocan ah, ayaa saameynaya  sumcada Somaliland oo ah dal wali aduunka iska iibinaya, waxayna meesha ka saartay in Somailiand leedahay ama la ixtiraami madaxbanaanida saxaafada.




 Sidoo kale boga internet ka ee ururkan ee RWB ayaa lagu xardhaa  madaxweynahaasha aduunka ee dalkiisa la xidhxidho wariyeyaal,taas oo haddii ay sidaa ku sii socoto khasbaysa in lagu daro madaxweynaha Somaliland.




 




 

GNA: Ramaadaan Kariim Caalamul Islaam oo nala wadaaga Fadliga Soonka”Daawo


Hoos ka Daawo Muxaadiro ku saabsan Fadliga Soonka…




ramALLE  haynoo fuddudeeyo Soomka Bisha Barakaysan ee Ramadaanta , hayna yeello kuwii si wanaagsan u guta waajibaadka Cibaaddada, isla markaana caafimaad qab iyo barwaaqo ku gaadha Bishan bilatay, bisheeda kale.




Bahda Gobanimo News Agency waxay dhamaan umadda Islaamka ah ku hambalyaynayaan curashada Bisha Khayriga ah ee Ramadaan oo caawa ku began.




Bisha Shabcaan ee Taariikhda Hijiriyadu waxay ahayd maanta 30 , Berina waxa culimada Caalamku isku raacsanyihiin inay 1 tahay Ramadaan, sidaa darteed, iyadoo sheegista araga lagu soomayo laga wada sugayo dawladdaha islaamka, hadana waxaan idiinku soo gudbin doonaa si taxane ah Barmaamujyo ku taxaluqa arrimaha Soonka.




Caawa waxaan idiinku daah furaynaa Muxaadiro ku saabsan Fadliga soonka Bisha Barakaysan ee Ramadaanta, oo uu jeedinayo Sheikh Mustafe Ismaaciil Haaruun.




Halkan ka Daawo:


Somaliland oo Muwaadin kale u dhiibaysa Denmark


Qoyska Cumar Xasan Cumar waxay ka walaacsanyihiin in Wiilkooda loo dhiibo dal kale?warbixin




SiinakHargeysa(GNA)-Dawladda Somaliland ayaa toddobaadkii hore xabsiga u taxaabtay muwaadin magaciisu yahay Cumar Xasan Cumar  oo  haysta sharciga Dalka Denmark, balse Somaliland u dhashay.




Muwaadinkan oo ku xidhan xabsi ku yaala Magaalada Hargeysa ayaa walaac laga qabaa inay Somaliland u gacan geliso Denmark, sida ay sheegeen qoyskiisa oo Warbaahinta u waramay.




Somaliland ayaa hore saddex mawaadin oo dalkeeda u dhashay u dhiibtay Djibouti, taasoo bulshada ku abuurtay Walaac iyo dareemo xaasaasi ah.




Muwaadinkan oo ah nin dhallinyaro ah ayaa warar soo baxay ay sheegayaan in ay xadhigiisa dalbatay dawladda Denmark. Waxaanay  qoyskiisu aad uga wer-wersanyihiin in wiilkooda oo ah muwaadin Somaliland u dhashay loo gacan geliyo dawlad kale oo shisheeye ah, taasoo ay xukuumadda Somaliland ka dalbadeen inay aad uga taxadirto.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay’addaha Amaanka Somaliland ee wiilkani u xidhanyahay oo la xidhiidha sababta loo heysto iyo jiritaanka warka sheegaya in dal kale loo dhiibayo.




Hase ahaatee ilo-wareedyo Gobanimonews heshay ayaa sheegaya inay qorshahan xukuumaddu wali ku foogantahay.




Qoyska muwaadinkan ayaa dalbanaya in wiilkooda xorriyadiisa loo soo celiyo mar haddii aanu jirin dambi uu galay oo ay dawladda Somaliland u haysato, laakiinse taasi waa codsi aan tafsiir looga helin xukuumadda.




Denmark iyo Somaliland




Ma jiro heshiis iskaashi oo heerkan gaadhsiisan oo u dhexeeya Somaliland iyo Denmark, waxaase jira heshiis ay dawladdo badan oo reer Yurub ah Somaliland kala shaqayso la dagaalanka Budhcad baddeeda.waxaana dawladdahaas ka mid ah Denmark iyo Sweden oo ka mid ah dalalka laysku yidhaahdo Scandinavians.




Sidoo kale waxa jiray Heshiisyo qabyo ah oo ay labada dawladdood dhowr jeer ka wada gaadheen arrin ku saabsan Dadka reer Somaliland ee ku nool dalka Denmark, kuwaasoo sidii dalkooda loogu soo celin lahaa ay ka wada hadleen maamulada labada dal.




Si kastaba ha ahaatee xaasaasiyada todobaadkii u dambeeyay ka soo korodhay dadka reer Somaliland ee dalalka Shisheeye loo dhiibayo, ayaa ah mid si weyn shacbiga u taabatay, iyadoo walaaca ugu weyni ka abuurmay saddex mawaadin oo dawladda Djibouti lagu wareejiyay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com