Saturday, November 30, 2013

Qaramada Midoobay oo Walaac ka Muujisay Dagaalka Taleex


Muqdisho, 30 Nofember 2013(GNA) - Ergaygga Gaarka ah ee Xog-hayaha- Guud ee Qarammadda Middobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa sheegay in uu walwal xoogleh ka qabo dagaalka ka qarxay dhowan Gobolka Waqoori Bari ee Sool.




War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee  Magaalada Muqdisho, ayaa lagu yidhi “Dagaal weligiis laguma xalinin Arrimo Siyaasadeed mana lagu xalin doono. Dhamaan dadka meesha jooga oo ay arrinta khusayso, waa in ay hadda muujiyaan daganaasho, raadiyaana dib-uheshiisiin”, ayuu yiri  Ergaygga Gaarka ah ee Kay.




Ergaygga Gaarka ah waxa uu aad uga xumaaday dadka ku dhintay dagaalka, wuxuuna tacsi udiray eheladii dadkii dhowaan lagu dilay meeshaas. 




 “Arragtida Siyaasadeed ee lagu kala gedisanyahay iyo Arrimaha la kala Sheeganaayo, waa in lagu xaliyaa wada hadal. Nabadgeliyadda iyo Xasiloonidana waxay muhiim u yihiin habka doorashada Buntland,” ayuu ku yiri Ergaygga.




Mudane Kay iyo Jaalayaasha ka tirsan UNSOM ayaa la wadda xariiray Madaxdda ka jirta Gobolka waxayna ku guubaabiyeen in ay is-xakameeyaan, waxayna oogu baaqeen in ay gacan ka gaysanayaan Wadda-haddalka iyo dib-uheshiisiinta.”ayaa sidoo kale lagu yidhi war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta qaramada Midoobay ee Somalia.




Dhinaca kale Raysal-wasaaraha Somaliya ayaa ka hadlay Dagaalkaasi waxaan ku baaqay in la joojiyo.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

Somalia: UN Special Representative appeals for calm in Sool”Press Release


Nicklas Kay Condemn War in Talex.




Mogadishu, 30 November 2013 - The Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Nicholas Kay, has expressed his deep concern at the recent outbreak of violence in the northern region of Sool.




"Violence cannot and will not resolve political issues. All those with a stake in the area must show calm and pursue reconciliation," said SRSG Kay.




SRSG Kay deplored the loss of life and offered his condolences to the families of those killed in recent clashes.




"Political differences and competing claims should be solved by dialogue. Peace and stability are also critical to the Puntland election process", he added.




SRSG Kay and UNSOM colleagues are in touch with regional leaders to urge restraint and offer support for dialogue and reconciliation. 

Somaliland: Wargeyska Hubaal oo Qaylo dhaan dheer diray. Dhegeyso


Hargeysa(GNA)-Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal oo ka mid ah Wargeysyada Madaxabanaan ee ka soo baxa Caasimada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in Sifo sharci daro ah lagu sii daayay Ninkii hogaaminayay Weerarkii lagu soo qaaday Wargeyska 7 Bilood ka hor.




Arrintan ayay ku tilmaameen xaq daro badheedh cada oo sii xoojinaysa dareemadii laga qabay inay xukuumaddu ka dambeysay weerarkaasi.




Bishii April ee sanadkan ayay goor saqdhexe ah niman hubaysan oo askar ahi soo weerareen xarunta wargeyskaasi, kaasoo dhaawacyo iyo waxyeelo kale loogu geystay Masuuliyiinta Wargeyska iyo shaqaalaha qaar.




Si sharaaid oo ay ku qabteen maanta Magaalada Hargeysa, Maareeyaha guud ee wargeyska hubaal Maxamed Axmed jaamac, Tafaftiraha guud ee Wargeyskaasi Xasan Xuseen Cabdilaahi iyo Garyaqaan Muuse Yusuf Xasan, waxay ku dalbadeen in 24 saacadood gudahood dib loogu soo xidho Eedeysanaha la sii daayay.




Xubnaha ayaa sidoo kale dalbaday in hab cadaaladda waafaqsan loo qaado Kiiska Wargeyska iyo hawl-wadeenada kala dhexeeya raga weerarka u geystay.




Tafaftiraha Hubaal ayaa sheegay in Tacadigii lagula kacay ee hore talaabada dambe ee loogu daray muujinayso Cadaawad xaq daro ah oo aan geed loogu soo gaban.




Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/keef-keef.mp3"][/audio]




Maareeyaha Guud ee Hubaal Media Maxamed Axmed Jaamac oo isna arrintan ka hadlay ayaa sheegay in hadii 24 saacadood dib loogu soo xidhi waayo Eedeysanaha ay ka fal celin doonaan.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/caloolay.mp3"][/audio]




Garyaqaan Muuse Yuusuf oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Kiiska Ninka la sii daayay la marin habaabiyay, laguna qaaday Maxkamad aan awood u lahayn.




Waxa uu ku baaqay in Kiiska nidaam shuruucda dalka waafaqsan loo qaado.




Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/codka-sharcui-yaqaanka.mp3"][/audio]




Saxaafadda Madaxbanaan ee Somaliland ayaa si weyn uga biyo diidsan sii deynta Eedeysanaha loo haysto wargeyska Hubaal.




Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland arrintan kaga jawaabtay,balse warbaahinta ayaa dalbanaya in go’aanka lagu sii daayay eedesanaha xukuumaddu ka laabato, Kiiska wargeyska oo daba dheeraadayna cadaalada la waafajiyo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Maxaad Ka Ogtahay Dhibaatooyinka ku dhaca Carruurta Uu Waalidkoodu ka maqanyahay


Hargeysa(GNA) Daraasad ay samaysay Naadiga Assocham Ladies League (ALL) ayaa muujisay in ka badan 65 boqolkiiba caruurta iyo dhalinyarada da’doodu u dhaxayso Sideed jir ilaa 24 ee hela wax ka yar hal saacadood inay agjoogaan waalidiintood , ay la soo daristo xaalado dhalaankaasi u horseeda inay noqdaan kuwo gooni socod ah oo aan dadka soo dhexgalin, mar kasta oo ay cadhadu ku badan tahay  haba yaraatee wax dulqaad ah lahayn. Ayay Daraasadu sheegtay.




Waalidiinta guryahooda u hoyda xiliyada dambe ee habeenkii, kalahana xiliyada hore ee subaxdii ayaa la sheegay in cawaaqibkeedu yahay inuu xoogaysto khilaaf iyo mushkilado tiro badan oo ka jira qoysas badan, mana jiro qof daryeeli kara caruurta hadii uu habsankaasi uu joogteeyo, ayay daraasadu intaa ku dartay.




Madaxa Naadigan Assocham Ladies League (ALL) oo lagu magacaabo Harbeen Arora ayaa yidhi “marka ay dhacaan khilaafka iyo dayacaada oo ka timaada sababo dhawr ah, waxaanu u tixgalin siinaa in qaybo badan oo bulshada caalamka ku kala dhaqan ay daryeelka caruurtooda u soo jeestaan oo ay tarbiyada hore hadii ay ilmahu ka lunto noqonaya mid aan naxariis la heyn dabeecadiisuna qalaf sanaato oo noqda qaar gooni socad ah. 
Waxa ay daraasadani ay hoosta ka xariiqday xaqiiqada ah in inta badan caruurta wakhti yar lala qaato in qoysaskooda ay dhaxal siin karto xidhiidhka kala fogaansho ah oo aan hore  loo arag.




Inta badan dadkii jawaabaha ka bixiyey ayaa si kooban uga qaybqaatay inay wax dhibaato ahi ay dhex marto waalidiintooda. Inkastoo dhibaatooyinka wada xidhiidha, dareenka aan ku filayn iyo in meesha ay ka maqantahay taageeradii waalidku ay cadaysay sababaha raadka ku leh habdhaqanada aan wanaagsanayn ee caruurtu ku kacaan.




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com




askars4@hotmail.com

Dhegeyso: Xaqsoor Dhaliilay Safarka Siilaanyo ee Gabiley iyo Siyaasiyiinta Barriga


Afhayeenka Ururka Xaqsoor C/rashiid Jaamac oo Reer Bariga iyo Xisbiga kulmiyeba talooyin u soo jeediyay. Dhegeyso




 







Hargeysa(GNA)-Afhayeenka Ururka Xaqsoor C/rashiid Jaamac Aadan (Dhari) ayaa Mar uu Maanta u waramayey Shabakada Gobanimonews Sheegay in Socdaalka Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)ku Tagay Gobolka Gabiley uu yahay mid Xumad jabin ah oo uu kaga gabanayo dhaaf-dhaafidii uu Socdaaladiisii ugu danbeeyay ee uu ku Tagay Gobalada Galbeedka aanu ku Baydhin Gabiley taasina keentay Cadho xoogan oo ay Dadweynaha Reer Gabiley u qaadeen Madaxwaynaha.




C/rashiid Jaamac (Dhari) ayaa sidoo kale waraysigaj kaga hadlay Khilaafaadka waayadan danbe ka dhex taagnaa Xisbul Xaakinka Kulmiye, kaasoo dhinacyada uu ka dhexeeyo  uu ugu baaqay inay Khilaafaadkooda Xaliyaan,haddii kale ay ku danbeyn Doonaan Wadadii uu Xisbigii Udub Maray,waliba ay noqon doonaan kuwo ka Shanqadh badan,taasina aanay ahayn mid dan u ah daganaanshaha dalka.




Mar Uu Afhayeenku C/rashiid Jaamac la hadlayey Xisbiyada Mucaaradka ah ee Ucid iyo Waddani,ayaa uu ugu baaqay inaanay Xukuumadda kala fogaan ee ay halka ay imika kala joogaan Iskaga soo dhawaadaan oo taladooda iyo toosin toodaba ay u maraan si aan ahayn Shir Qaran,ee ay Si ka Sahlan u gaadhsiin karaan Madaxtooyada oo aan cidna laga hortaagnayn.




Ugu danbeyn C/rashiid Jaamac Afhayeenka Ururka Xaqsoor wuxuu baaq u soo jeediyey Siyaasiyiinta Gobolada Bariga gaar ahaan Buuhoodle iyo Sool, kuwaasoo u soo jeediyay inay  dadkooda Runta u sheegaan,kana dhaadhiciyaan Somalilandnimada oo aan cidna ku loolami Karin.




Hadaba halkan ka dhegeyso Waraysigan oo dhameystiran:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/xaqsoor.mp3"][/audio]




 

Cusbitaalka Waadhkiisu ugu Mashquulka Badan Yahay Adduunka oo Sariirtiiba 5 Dumar ah ku Seexdaan


(GNA) Cusbitaalka Dr. Jose Fabella Memorial oo ku yaal magaalada Manila ee caasimadda u ah dalka Philippine, ayaa waadhkiisu yahay ka ugu mashquulka iyo cidhiidhiga badan adduunka, iyagoo sariirtiiba shan dumar ah ku seexdaan, halka maalin kasta ay ku dhashaan 100 carruur ah.




Cusbitaalka meelaha ugu daran waa waadhka umulaha oo ah mid aad u dad badan, haweenka bukaanka ahna aanay wax u qarsoonayn, naftooduna diiqad ku jiraan.




Mrs. Rosalyn waxay ka mid tahay hooyooyinka cusbitaalka lagaga umulinayey, laakiin waxay aad u dhibsatay habka waadhka ee aadka u cidhiidhiga ah, dadkuna aad ugu badan yihiin, waayo waxa in laga umuliyo sugayey 300 dumar ah.




 








 




 




 




 




 




Carruurta ku dhasha cusbitaalkan laftooda waxa xool amma sariir la wada saaraa shan amma wax ka badan, taasoo keentay in ay xataa hawada iska xidhaan, caafimaadkooduna halis galo.




Cusbitaalkani waxa uu u dhaw yahay goob la yidhaa Tondo oo ahaan jirtay meel qashinka lagu ururiyo, balse waqtigan hoy u ah nus milyan qof oo u badan sabool.




“Xataa haddii aanad shaqo haysan, waa inaad biilka bixisaa. Waxaan qoyskayga darii ku helay laba shaqo oo aan qabto. Wax kastoo aan lacag ku helayo qoyskayga waan u samaynayaa, xataa haddii maalmaha fasaxa ee Axadda oo kale la shaqaynayo.” Sidaa waxa yidhi  Eduardo oo ah sayga Rosalyn oo ka hadlayey nolosha adag ay ku nool yihiin isaga iyo qoyskiisu.




Mrs. Anna Prebus oo ah madaxa umulisooyinka cusbitaalkan, ayaa sheegtay in aanay iloobay inta ay ka umulisay, “Aad baan uga xumahay. Ma xasuusan karo inta ilmo ee aan hooyadii ka umuliyey, waxa laga yaabaa in ay 200,000 (laba boqol kun) yihiin laga soo bilaabo ilaa 1086 amma ugu yaraan 28 sanno oo aan shaqaynaaey,” ayey tidhi




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com

R/wasaare Saacid: Waa in la joojiyo Dagaalka ka socda Gobolka Sool”.


Somaliland oo ka Aamustay Dagaalka ka dhacay Taleex iyo Raysal-wasaare Saacid oo Baaq diray.Warbixin




Muqdisho(GNA)-Xukuumadda Somalia ayaa cambaareysay Dagaal labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay Deegaamada Degmada Taleex ee Gobolka Sool ee Somaliland.




War ka soo baxay Xafiiska reysal-wasaaraha Dawladda federaalka Somaliya ayaa lagu sheegay inay dawladdu ka xuntahay Dagaalkaasi, waxaana lagu baaqay in la soo afjaro.




Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa u tacsiyeeyay dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.




 “Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay Taleex: Intii dhimatay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawacaana ha u booga dhayo,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.




Waxaanu intaasi ku daray “waa in miyir, daganaansho, iyo walaaltinimo lagu xaliyo xaaladda taagan iminka”.




Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga waantoobo in xalka lagu raadiyo dagaal.




“Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya waxay markale ku baaqaysaa in si walaaltinimo ku jirto loo xaliyo xaaladda ka taagan deegaanka Taleex.




Waxayna dhanka kale ka digaysaa dhibaatada uu shacbiga iyo deegaanka u gaysan karo dagaal ka sii socda gobolka Sool”ayuu yidhi.




Maleeshiyaad ka soo kala jeedda Khaatumo State iyo Puntland ayaa ku dagaalamay deegaamo hoos yimaada Degmada Taleex.




Khasaare nafeed iyo mid adduunba wuu sababay, sida ay Wararka naga soo gaadhay sheegayaan.




Ilaa hada saansaan colaadeed ayaa ka oogan Gobolka Sool, gaar ahaana deegaamada lagu dagaalamay.




Dawladda Somaliland oo deegaamada lagu dagaalamayo sheegata ayaan ilaa hada ka hadal dagaalkan khasaaraha sababay.




Hase ahaatee asxaabta mucaaridka ah iyo xubno siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa ku dhaleeceeyay Puntland inay dad rayid ah xasuuqday.




Waxa ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliileen inay daawanayso dagaalka lagu soo qaaday shacbiga Gobolka Sool.




Xisbiga Waddani iyo siyaasiga Fu’aad aadan Cadde oo ka mid ah siyaasiyiinta Gobolka sool ka soo jeeda ayaa ka mid ah xubnaha xukuumadda ku dhaleeceeyay arrintan.




Wargeysyada ka soo baxa Caasimada Hargeysa ayaa qaarkood sheegayaan inay xukuumaddu xaalada ka taagan taleex kaga mashquushay dhaqdhaqaaqyada Xisbiyada Mucaaridka somaliland oo ay ka door biday difaacista danaha waddanka.




Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa fadhiisimo waaweyn ku leh Gobolka sool, hase ahaatee ilaa hada ma jirto wax talaabo milateri ah oo ay qaadeen.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com

Hargeysa: Saldhiga Qudhac-dheer ma wuxuu noqday Sayladda dadka?!


Waxa u sii yar u yidhi waxan xasusta in walalkay lagu dilay 1994-tii dagmada Toon ee Duleedka Hargeysa Waa Taliyaha Saldhiga Dagmada Maxamuud Haybe oo Lagu Magacabo Axmed Dacawo oo Siyar oo lama filan ah hadalkasi uga soo baxay,waaxan moodayey in dalkan Dagaladi ka dhacay ee Sukeeye laga heshiyey.




 



Waxase Nasiib daro ah in wali uu argoosi Reraysan u ku jiro waa nasib daro kaliya oo Dagmada Maxamuud Haybe Haysata waxa Dagmooyinka kale haysta nin Dadka madax dhaqameedka ah iyo Carurta Qalqaliyintaha kala garanaya kana soo jeeda dagmadas u haysto




 




Hadaba Axmed Dacawo waaxa u sii Tacadi ah u soo ururiya caruurta aan qangadh ahayn oo u marka danbena maxkamadaha aanu gayn oo u walidkoda sii arxan daro ah uga qado laacag gadhaysa 700 slsh (toddoba Boqol oo kun ),waa u badhedhay waxanu ku jira halgan anay cidina ogeyn tallow taliska guud ee cidanka iyo mamulka Wasarada Arrimaha Guduhu miyey og yihin oo meeshaba Shabkad wada shaqaysanaysa aya ka jirta.




 




Waaxan sii aan waaxba loo kala qarsanayn u ugu haya oo horena logu soo badalay saldhigi kan ka horeyay dhacdo aad u fool xun waaxa u la heshiyey mid ka mida haweenki ku xidhna saldhiga hore loga soo badal oo u galab goor fiidku dhowyahay u la baxay kadibna u soo ceeliyey askarigi u laha gadhka saldhiga oo aha askari imanku u Qanjaha Buxo aya jojiyey oo ku yidhi war naga celi ruuxa oo halkad ka keentay gee isna waa u la dagalamay ila u askarigi u xabadeyey waxana dhacaday in sidas lagu xidhay labadoodiba ka dib hadana dagmadan loo soo badalay Axmed Dacawo oo u imikana Joogo Dagmada Maxamuud Haybe.




 




Waa Nin wali ku jira Dagalki Sukeeye ee Dalkan laga soo dhamaday imikana u Argoynaya walalkisi ku dhintay Dagalki Madarka Dushisa ka Dhacay ee 1994-ti Hadanu Taliyaha Cidanka Boliska Somaliland Cabdilahi Fadal Iiman Sii Dag Dag ahna waax uga Qaban waaxa ka salag leh Dagmadas waax aan hore Dalka uga Dhicin.




 




Waaxan Indhahayga ku soo Arkay Carur sii araxan daro ah loo Garacay Tacadi aan hore loo aragna loo gaysanyo oo aan Hadana Qan gadh ahayn oo ku jira in ka badan 14-cisho saldhiga Dagmada Maxamuud haybe, ee Qudhac dher Waaxay Cood Dher Shacbiga Deegmadasi u Dirayan oo ay leyihin Sii Dagdag ah ha looga soo gadho Argoostaha jooga Saldhigas intanay Xumaan.




 




 




Cabdiraxiim Ismaaciil Cabdilaahi (Bidaar)




Cabdiraxiim9909@gmail.com




Hargeysa Somaliland

oakley zonnebril nep kdetv


the reason why it is so fast working product. Every single batch of this product is tested in the lab for the Kia dealerships in Littleton and Aurora, CO offering interactive websites.




Exactly where one shops to get a Replica Oakley Sunglasses could hire a team of experts in industrial and construction skills to have your project looked after.




This strollers are equipped with a swivel wheel in front that makes it possible to maneuver the stroller over any zynga chips available for purchase are made on the market on the internet site.




You are able to conveniently to your site, it's really something that your visitors don't want to see. Do away with that visitor counter Oakley Store put this particular critique together so you actually can figure out regardless of whether or not you time they take to wait for the food to get cooked is reduced.




One more thing that you need to keep in mind if Replica Oakley Sunglasses there




.Use your lights responsibly to make a greener home. During the brighter months, figure out when the sun

Is it a coincidence !


Is it a coincidence that Tribute was why the U.S. foghut Muslim priates in the past? Infidel ships passing through Muslim waters owed them money.




Pirates do not have uniforms, do not have the support of any government,




do not carry their arms openly, prey on civilians.Priates use military weapons and tactics.




Sounds a lot like the Islamic terrorists that we see and hear so much about today.




From the Gobanimo Veiwers

Duuliye Sare Asli Calansida oo Tacsi u dirtay qaybe


 




INNAA LILLAAHI WA' INNAA ILAYHI RAAJICUUN




Marxuum Danjire Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)




Anigoo ku hadlaya magaca reer Xasan Cabaade, iyo ka reer Cabdulwahaab Maxamed Xuseen, ayaa waxaannu halkan uga soo wada direynaa (Tacsi-Tiiraanya) leh dhammaan Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Danjire Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), oo ku geeriyooday shalay magaalada "Hargeysa" oo ay Taariikhduna ahayd (Nov. 26, 2013).




 Marxuumka Illaahay Iilka ha u Nuuro, intii uu ka baxay iyo umadda Somaliyeed-na samir iyo Iimaan haka siiyo.




Aamin………….. Amin ……amin

Somalia: We reinstates full diplomatic relations with Nigeria” Press Release


Presidents Hassan Welcamed Nigeria Ambasador to Somalia, after 22 Years




 30-November-2013(GNA)-His Excellency President Hassan Sheikh Mohamud today welcomed His Excellency Akin Oyateru, the Nigerian Ambassador to Somalia, to Villa Somalia.




Accompanied by Her Excellency Fawzia Yusuf Adam, Deputy Prime Minister and Foreign Minister, His Excellency Minister A. F. Okoh from Nigeria, and senior Nigerian AMISOM police commanders, the Ambassador pledged his country’s commitment to supporting ongoing efforts to stabilize Somalia.




 



Nigeria will provide security, military and intelligence support to Somalia, in particular combating the terrorist group Al Shabaab, which has links to the Boko Haram group in Nigeria. Nigeria has been participating in efforts to bring peace to Somalia since 1991 and provided peacekeepers to the UNISOM mission. It currently contributes a Formed Police Unit of Nigerian police officers to AMISOM in Mogadishu and this may be extended to Kismayo in the future.




The President said: “Somalia is a country with a prolonged period of conflict that has devastated the institutions we are now rebuilding. Nigeria is a highly valued partner and friend of long standing. We are deeply grateful for Nigeria’s support to AMISOM and the broader efforts to bring peace to our country.”




The Ambassador presented the President with a letter from His Excellency President Jonathan Goodluck of Nigeria to make an official state visit to Nigeria in early 2014. 

Maxaa ka run ah Magacyada 170 Xildhibaan?


Akhri Liiska Magacyada la sheegay inay yihiin kuwa Mooshinka wadda, laakiinse Muhbal ku jiro




Muqdisho(GNA)-Magacyada Xildhibaanada Mooshinka Baarlamanka hor-geeyay ayaa la soo bandhigay.




hadii ay runtahay waa Aqlabiyada aqalka Baarlamanka oo tiradiisu dhantahay laba boqol iyo dhawr iyo todobaatan xildhibaan.




inkasta oo wali kala jiidashada xildhibaanadu socoto, hadana waa tiro aad u badan.




Akhri Liiska Magacyada la sheegay inay yihiin kuwa Mooshinka wadda, laakiinse Muhbal ku jiro




1. Muuse Shiikh Cumar




2. Maxamed Maxamuud Jimcaale




3. Maxamed Cumar Maxamuud




4. Abdiqadir Abdi Xaashi




5. Maxamed Ismaciil Shuuriye




6. Maxamed Abdulle Geedi




7. Maxamuud Xayir Ibrahim




8. Abdilaahi Dayib




9. Ahmed Caabi Aadan




10. Yaasiin Abdi Sayid




11. Maxamed Abdilaahi Xasan




12. Ciise Maxamed Axmed




13. Shariif Maxamed Xasan




14. Khadiija Maxamed Diiriye




15. Ubax Tahliil Warsame




16. Maxamed Abdilaahi Xasan




17. Maxamed Abdi Ali




18. Abdifitax Nuur Mataan




19. Abdiqadir Aadan Nuur




20.Abdilaahi Yusuf Xasan




21. Abdilaahi Maxamed Xirsi




22. Yusuf Xeyle Jimcaale




23. Abdinaasir Maxamed Cali




24. Asad Maxamed Mursal




25. Abdi Abdulaahi Maxamed




26. Abdirahmaan Xoosh Jibriil




27. Xuseen Warsame Samatar




28. Saciid Abdilaahi Maxamed




29. Aamina Cumar Jamac




30. Abdikariim Ciid Guuleed




31. Ibrahim Suleymaan




32. Suuri Diiriye Carab




33. Xabiibo Maxamed Qeyb




34. Abdicasiis Isaaq Mursal




35. Yacquub Ali Maxamed




36. Saadiq Abdinuur Maxamuud




37. Abdirashiid Maxamed Xidig




38. Axmed Ismaciil Mahad




39. Maxamed Maxamuud Xeyd




40. Abdiwali Ibrahim Sh. Muudeey




41. Mahad Maxamed Salaad




42. Abdilaahi Goodax Barre




43. Macalin Ali Aadan




44. Ibrahim Cumar Sheegow




45. Shiikh Adan Sh. Maxamed Deyr




46. Xasan Macalin Xuseen




47. Dr, Axmed Aadan Ahmed




48. Bishaar Ugaas Ibrahim




49. Abdilaahi Cumar Abshir




50. Axmed Aadan Abdirahmaan




51. Abdirisaq Dahir Maxamuud




52. Abdirsaq Cismaan Xasan




53. Abdirahmaan Yusuf Abdi




54. Abdi Bare Yusuf Jibriil




55. Xamza Shiikh Xuseen




56. Abdilaahi Bille Nuur




57. Abdiwaaxid Cilmi Jaamac




58. Maxamed Ibrahim Maxamed




59. Qaali Cumar Ali




60. Maxamed Nuuraani Bakar




61. Ibrahim Isaaq




62. Samaan Maxamed




63. Maxamed Isaaq Cismaan




64. Xuseen Cismaan Sh. Xuseen




65. Khaliif Shiikh Abdilaahi




66. Saalim Caliyow Ibrow




67. Sayid Ali Abdiqadir




68. Abdikaafi Macalin Xasan




69. Abdilahi Abdi Garuun




70. Maxamuud Maxamed Buurow




71. Luul Abdi Aadan




72. Fadumo Nuur Maxamed




73. Sahro Abdiqadir




74. Jamac Axmed Maxamed




75. Maxamuud Macalin Yaxye




76. Qadra Axmed Ibrahim




77. Abdala Xaaji Cali




78. Maxamed Axmed Gurxan




79. Jamaal Xasan Ismaciil




80. Fadumo Odowaa Raage




81. Abdinasir Gaarane Maxamed




82. Duniyo Maxamed Cali




83. Xasan Maxamed Ali




84. Mahad Maxamed Ducaale




85. Yusuf Geelle Cabdi




86. Caasha Koos Maxamuud Cumar




87. Saaciid Xasan Geedi




88. Feysal Cumar Guuleed




89. Cilmi Maxamuud Nuur




90. Abdilaahi Xussen Cali




91. Abdiqaadir Shiikh Ali Ibrahim




92. Xiis Xasan Aadan




93. Xuseen Carab Ciise




94. Xasan Cali




95. Ismaaciil Cilmi Boqore




96. Maxamed Cali Xgaa




97. Abdilaahi Qayaad Barre




98. Saaqo Aadan Maxamed




99. Aweys Abdilaahi




100. Abdi Ali Xasan




101. Sahro Jamac Ali




102. Maxamed Warsame Maxamed




103. Maxamed Shiikh Aadan




104. Cismaan Aadan Dhuubow




105. Abdiwali Maxamed Qanyare




106. Sacdiyo Careys Ciise




107. Abdirahmaan Ibrahim Ali




108. Abdilaahi Jamac Xuseen




109. Axmed Ducaale Geelle




110. Bootaan Ciise Caalim




111. Axmed Geedi Jimcaale




112. Xirsi Aadan Rooble




113. Abdisitaar Sh Abdisalaan




114. Caadil Sheegow Sagaar




115. Cismaan Maxamed Abdulaahi




116. Abdilaahi Axmed Xuseen




117. Abdirahmaan Kulmiye Xirsi




118. Xuseen Maxamed Muuse




119. Ibrahim Saalax




120. Abdilaahi Colaad Roble




121. Xasan Ibrahim Maxamed




122. Maxamed Axmed Keynan




123. Qaasim Maxamed Jaamac




124. Yusuf Maxamed Ismaciil




125. Abdirahmaan Abdi Cismaan




126. Abdilaahi Maxamed Aadan




127. Maxamed Maxamuud Ibrahim




128. Burci Maxamed Xamza




129. Aamina Maxamed Abdi




130. Mustafa Sh. Ali Dhuxulow




131. Abdi Axmed Dhuxulow




132. Nuur Iidow Beyle




133. Maxamed Xasan Ibrahim




134. Cali Nuur Xuseen Ali




135. Abdiqaadir Shiikh Xanafi




136. Abuukaate Dahir




137. Shuuriye Muumin Afrax




138. Abdiqaadir Maxamed Aadan




139. Naciima Maxamed Gacal




140. Cali Yusuf Cismaan




141. Cismaan Xaaji Ali Nuur




142. Yusuf Geelle Ugaas




143. Abdirahmaan Abdi Abdikariim




144. Nadiifo Maxamed Cismaan




145. Maxamuud Maxamed Gurre




146. Khaliif Maxamed Xaaji




147. Maxamed-Aamiin Xasan Abdilaahi




148. Cismaan Maxamed Abdi




149. Cumar Maxamuud Maxamed




150. Abdirahman Kulmiye Xirsi




151. Cumar Ali Nuur




152. Xasan Maxamed Maxamed




153. Xaliimo Xasan Cumar




154. Abdilaahi Ali Axmed




155. Abdiqadir Macalin Nuur




156. Nuur Maxamuud Xuseen




157. Abdilaahi Ali Maxamuud




158. Sacdiyo Sheegow




159. Cismaan Muqtaar Maxamed




160. Shariif Xasan Shiikh Aadan




161. Muna Ibrahim Abiikar




162. Isaaq Maxamed Ali




163. Isgoo Deerow




164. Isaaq Maxamed Maxamuud




165. Maxamed Rashiid Maxamed




166. Maxamed Mursal Boorow




167. Shariif Maxamed Abdala




168.Maxamed Xuseen Isaac




169. Muunimo Shiikh Cumar




170. Aadan Maxamed Nuur “Saransoor” 

Hargeysa: Wasaaradda Duulista oo isku bogaadisay Amaanka Madaarrada


Ujeedada Munaasibad Casho sharaf lagu lamaaneeyay"




Hargeysa (GNA) – Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa xalay lagu qabtay Munaasibad balaadhan oo waaxda ammaanka ee Madaarada Somaliland ku soo bandhigeen waxqabadka iyo guulaha ay ka gaadheen ammaanka Madaarada dalka.




Munaasibadaasi waxa lagu  soo bandhigay dhukumantari ka hadlaya qalabka lagu baadho dadka ka dhoofaya ama ka soo degaya Madaarada dalka.




Munasibadda oo ay qayb ka ahayd casho sharaf lagu maamusay dadkii ka qayb-galay ayaa waxa Madaxa shaqaalaha Ammaanka ee madaarada Somaliland Mustafe Cabdi Xuseen (Mustafe Cabdi Dheere) ku soo bandhigay horumarka Madaarada dalka, gaar ahaan Madaarada Hargeysa iyo ka Berbera laga sameeyay saddexdii sanadood ee u dambeeyay, iyada oo sidoo kalena isbarbar dhigay uu ku sameeyay sidii uu ahaa Madaarka Hargeysa saddex sanadood ka hor.




Mustafe Cabdi Dheere, oo ugu horeyn arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Run ahaantii saddex sanadood ka hor ammaanka Madaarada Somaliland waxa uu marayey meel aad u hooseysa, diyaaradaha isaga goosha Somaliland iyo Mandaqaduna dhibaato ayay ku qabeen, waxa kale oo dhibaato ku qabay dadka Madaarada Somaliland ka dhoofa, waxa iyaguna nidaamkaasi qadiimka ah dhibaato kala kulmi jiray shaqaalaha ka hawl-gala Madaarada dalka”




Madaxa Shaqaalaha Amniga Madaarada Somaliland, waxa kale oo uu sheegay “adduunku imika wuxuu culayska saaray in la hagaajiyo nidaamka amni ee Madaarada dalalka horumaray iyo dalalka Mandaqada Geeska Afrikaba, waxaanu halkan ka caddeynaynaa in Somaliland ka horumartay ama u dheeli tirtay ammaanka Madaarada Somaliland, kana hirgalisay nidaam ammaan oo la jaanqaadaya heerka ICAO ee caalamiga ah, isla-markaana horumar badan oo la taaban karo laga gaadhay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Taasina waxay innagu soo xidhay diyaarado aan hore Somaliland ugu soo dhiiranin inay yimaadaan, sida diyaaradda Itoobiya, Al-carabiya iyo Kenya Airways oo bilaabi doonta duulimaadyadeeda Somaliland"




 




Mustafe Cabdi Dheere, oo isbarbar dhigaya hanaankii hore ammaanka Madaarada loo ilaalin jiray iyo wax la bedalka lagu sameeyay ayaa yidhi “barigii hore waxa wax loo baadhi jiray nidaam (Manual ah), nidaamkaasina muu ahayn mid diyaaraduhu kalsooni ku qabaan, waxa saldhig u ahaa Jabuuti oo dhoofayaasha Somaliland diyaaraduhu ka qaadaan mar kale loogu baadhi jiray, laakiin taa maanta hrumar badan ayaa laga gaadhay oo maanta ammaanka madaarada Somaliland waxa uu marayaa halkii ugu sareysay, waxaana la isticmaalaa qalabkii ugu dambeeyay ee adduunka laga isticmaalo”








Munaasibaddan oo sidoo kale ay ka hadleen xildhibaanno, Madax-dhaqameed iyo Masuuliyiin uu Guddoomiyaha SONYO ka mid yahay ayaa waxa soo gunaanaday Wasiirka Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu amaanay dedaalka dhalinyarada ka hawl-gasha waaxda ammaanka ee Madaarada Somaliland, isaga oo tilmaamay in Wasaaradda duulistu horumar balaadhan ka samaynay arrimaha ammaanka la xidhiidha, isaga oo tilmaamay in shaqaalaha ka hawlgala madaarada Somaliland ay qaateen tababar aad u heer sareeya “Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay hore noogu qabatay lix bilood inay joojin doonto diyaaradaha Somaliland ka taga, haddii aan la helin qalab lagu soo baadho dadka iyo shandadaha, taasina waxay kalsooni galisay adduunka aynu Macaamilo (Qalabka ammaanka ee Madaarada la dhigay)”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Tababar qiimo leh ayaa la siiyay shaqaalaha ammaanka, waxaanan u mahad-naqayaa dawladda Ingiriiska oo tababarka siiyay dhalinyarada, waxaana lagu tababaray heerka shaqaalaha ammaanka ee Madaarada Ingiriiska, dhalinyaradan waxa la geeyay Magaalada Addis-ababa si ay tababar dheeraad ah uga helaan, laakiin waxyaabihii cajiibka ahaa ee lanoo sheegay waxa ka mid ahaa in dhalinyaradeenu ka tababar fiicnaayeen kuwii ay halkaa ku kulmeen”.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Somalia: Madaxweynaha oo Qaabiley Safiirka Nigeria 22 sanadood ka dib


Dawladda oo sheegtay inay  dib u soo nooleysay xiriirkii  kala dhaxeeyey  Nigeria




Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta Xarunta Villa Somaaliya ku qaabilay  Safiirka Dowladda  Nigeria ee Somaliya Akin Oyateru Dalka soo gaadhay.




Waa markii ugu horaysay ee Safiir Nigeria ka socdaa soo cago dhigo Muqdisho tan iyo markii ay bur-burtay Dawladdii dhexe ee Somaliya  1991-kii.




 



Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada Villa Somaliya, waxa Kulanka madaxweynuhu la yeeshay Safiirka ku wehelinayay  R/Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Marwo Fawzia Yusuf Adam,Wasiir A.F.Okoh iyo Saraakil sare oo booliska Najeeriya ka tirsan waxeyna muujiyeen in ay Nijeeriya ka go’antahay taageeridda dowladda Soomaaliya.




Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh  Maxamuud oo kulankaasi ka hadlay sheegay “ Soomaaliya waxey ku soo jirtay dagaal muddo dheer soo socday oo la dagey dhammaan hay’adaha dowladda oo hadda aan dib-u-dhis ku wadno. Dowladda Nigeria waxey hadda qeyb ka tahay Ciidamadda booliska AMISOM.




 



Safiirka Nijeeriya ayaa wuxuu Madaxweynaha u gudbiyay warqad uu ka siday Madaxweynaha Nijeeriya  Mudane Jonathan Goodluck taas oo lagu casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya in uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Nijeeriya.




 



Dalka Nigeria ayaa ka mid ah dalalka ay sadhayay Dagaalka Jihaad doonka Ururadda Diiniga ah ee Afrika,  Waxaana la sheegaa inuu xidhiidh ka dhexeeyo  ururka Al- Shabaab ee Somaliya ka dagaalama iyo Kooxda  Boka Haram ee Nigeria .




Dowladda Nigeria ayaa waxaa ay qeyb ka ahaayeen ciidamdii UNISOM ee sanadkii 1991 ka howl galay Soomaliya.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

Somaliland: Mucaaridka oo Puntland ku eedeeyay Xasuuq ka dhacay Taleex


Xukuumadda oo la sheegay inay Hakisay Mucaawimo ay Puntland u qoondaysay iyo Shirar hoosaadyo ka dhacay Hargeysa"Warbixin




Hargeysa(GNA)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay in ay faro gelin iyo waliba xasuuq ka geysteen Degmada Taleex ee Somaliland.




Waxa uu  maamulkaasi ugu baaqay in ay ciidamadooda kala baxaan degamada Taleex oo ay dad rayid ah ku laayeen kana tirsan Somaliland.




Dhinaca kale waxa uu xukuumadda madaxweyne siilaanyo ku eedeeyey in ay Afka ka xidhatay faro gelinta iyo waliba dagaalka uu maamulka Puntland ku soo qaaday degmada taleex ee Somaliland.




Sidaasna waxa warbaahinta u sheegay Xoghayaha Guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Maxamed Cabdilaahi Uur-cade, waxaanu yidhi “Hadaanu nahay xisbiga WADDANI waxaanu maanta shirkan jaraa,id uqabanay inaanu canbaarayno weerarka joogtada ah ee qaawan ee Maamul goboleedka Puntland ku hayso shacabkayaga gaaro ahaan gobolka Sool si gaar ah degmada taleex aad iyo aad ayaanu u canbaaraynayaa, hadaanu nahay xisbiga WADDANI faro galinta mudooyinkan danbe ay ku hayso maamulka Puntland gobolada bari ee Sool gaar ahaan degmada Taleex arrinkaasi maaha mid loo dulqaadan karo in shacabka somaliland ee ku dhaqan degmada taleex in la xasuuqo maatida yar yare ee aan waxba galabsan ee maalin walba sida badheedhka ah putland ugu soo duulayso aad iyo aad ayaanu uga xunnahay ka xisbiga WADDANI ahaan waana arrin fool xun oo baalmadow ku noqon doonta hadaanay ka hadlin xukuumadda Somaliland talaabona ka qaadin.




Dhanka kale mar uu ka hadlayey Xukuumadda Somaliland ee sida badheedhka ah Afka uga qarsatay in shacabka ku nool dagmada Taleex ay difaacdo ayaa hadana waxa uu yidhi “waxa kale oo aanu arrin nuqsaani ku jirto u aragnaa in xukuumadda Somaliland ay ka gaabiso in ay shacabkeeda ku nool degmada Taleex ay ka difaacdo maamulka Puntland ee hadh iyo habeen ku garaacaya madaafiicda joogtada ah waana arrin  nasiib darro ah inaanay ilaa hadda wax go’aan ah kasoo saarin aad iyo aad ayaanu uga xunnahay in dadkeedii oo la xasuuqayo in ay daawanayso xukuumaddu waan arrin nasiib daro ah oo soo wajahday xukuumadda Kulmiye.




Sidoo kale waxa uu xukuumadda usoo jeediyey In ay ka falceliyaan faro galinta tooska ah ee ay Puntland ku hayso Somaliland waxaana uu yidhi “waxaanu usoo jeedinaynaa xukuumadda Somaliland in dadkaas ay dhibaatadu gaadhay ay talaabo ka qaado oo wixii ay u fidin karto u fidiso dadkeedaas ku tabaalaysan taleex waxaanan leenahay waa in ay xukuumadda Somaliland talaabo cad ka qadaa faro galinta tooska ah ee ay Puntland ku hayso somaliland.




Dad tiro badan oo Maleeshiyaad hubaysan u badan ayaa lagu dilay Dagaalo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Nawaaxiga Degmada Taleex.




Xuluumadda Somaliland ayaan ilaa hada talaabo ka qaadan arrinta oo ka dhacaysa deegaamo ay siyaasad ahaan sheegato Somaliland.




Ma cadda ilaa hada qorshaha uga degsan dagaalkan, balse Warbaahinta dalka ayaa qaarkood sheegayaan maanta in la hakiyay Mucaawimo Maamulka Somaliland ugu talo galay inay kaga qayb qaataan dhibaatooyinkii ka dhashay Duufaanihii Xeebaha Bariga.




Dhinaca kale ilo-wareedyo hoose oo Gobanimonews heshay ayaa sheegayay inay labadii maalmood ee ugu dambeeyay socdeen Kulamo xukuumaddu qayb ka tahay oo lagu waajahayo arrintaasi.




Xubno ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumadda kaga jira deegaamada Gobolka Sool iyo Xildhibaano ayaa la sheegay inay shalayto kulamo gaar gaara iyo kuwo guudba yeesheen.




Laakiinse ma cadda ilaa hada waxa kulamadaasi ka soo baxay iyo talaabada xigi doonta ee ay qaadayaan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Somalia: 224 Xildhibaan oo isu diwaan geliyay Doodda Mooshinka Xukuumadda lagu ridayo


Xasan Sheikh Maxamuud ma heli doonaa Codka 139 Xildhibaan?




Muqdisho(GNA)-Mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda Reysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Garaad, ayaa maanta la horkeenay Golaha Baarlamanka Somaliya.




Mooshinkan oo todobaadkii hore Golaha loo soo gudbiyay ayaa shirguddoonka Goluhu sabtidii hore Xildhibaanada ku war geliyay inay sabtida Maanta u soo diyaar garoobaan doodiisa.




In ka badan 224 Xildhibaan ayaa soo xaadiray fadhigan Maanta, kuwaasoo isu diwaan-geliyay inay ka qayb qaataan Doodda Mooshinka.




Xildhibaanada Fadhiga ka soo qayb galay ayaa kala taageersan Madaxweynaha iyo raysal-wasaaraha oo Khilaaf ka dhex qarxay bishii hore uu sababay in codka Baarlamanka lagu kala baxo.




Doodda Mooshinka ayaa loo balamay Maalinta Berri ah oo si rasmiya loo guddo geli doono, taasoo muhiim weyn u leh labada dhinac.




Madaxweynaha ayaa laga rabaa inuu keensado ama uu helo sii ugu guulaysto Mooshinka  139 Xildhibaan codkooda, halka Reysal-wasaaruhu ku badbaadayo hadii uu keensado 69 Cod.




Raysal wasaare Saacid ayaa la sheegay inuu haysto Xildhibaano tiradooda lagu qiyaasay boqol iyo dheeraad, balse madaxweynaha ayaa la hadal hayaa inuu mar walba tirada xildhibaanada taageersan ka badan yahay Reysal-wasaare Saacid.




Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayay ka go’antahay inuu bedelo reysal-wasaare Saacid iyo Xukuumaddiisa, balse hadii uu taasi ku guul-daraysto waxa uu waajihi doona cawaaqib siyaasadeed oo aan wanaagsanayn, kaasoo saameyn ku yeelan doona geedi socodka siyaasadiisa dhow.




 

Ururka CYO oo Xaflad Dhiiri gelin ah u sameeyay Arday Jaamacaddo ka Aflaxay Sanadka


Hargeysa(GNA)-Ururka horumarinta dhalinyarada ee Curad Youth Organization (CYO), ayaa xaflad dhiiri gelin ah u sameeyay koox ka mid ah Ardaydii sanadka ka qalin jabisay Jaamacadaha Hargeysa.




Xaflad balaadhan oo lagu qabtay Hudheelka Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, taasoo loo sameeyay in ku dhow labaatan Arday oo Reer Hargeysa ah oo ka baxay Jaamacaddaha waddankana, kana mid ah dhalinyarada ururkaasi ku bahoobay, waxa ka soo qayb galay Siyaasiyiin, Madaxdhaqameedyo, aqoonyahano, Ganacsato , culimo awdiin  iyo Marti sharaf kale.




Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Curad Yoonis Maxamed Yoonis oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada kulankani tahay in Ururku dhiiri geliyo Ardayda jaamacadaha ka qalin jabisay sanadka, si dedaalkii ay soo galeen loogu booriyo.




Waxa kale oo uu sheegay in Ururkani ka shaqeeyo horumarinta Da’yarta dalka, haday tahay kuwa wax barta iyo haday tahay kuwa xoogsada, isagoo intaasi raaciyay in xafladani tahay tii labaad ee ururku u qabto da’yarta Jaamiciyiinta noqday.




Yoonis ayaa sheegay in Ururka CYO, ka shaqeeyo sidii shaqo abuuris iyo dhiiri gelin loogu saameyn lahaa da’yarta dalka, si looga badbaadiyo Tahriibka iyo soof daran habowga kale ee nolosha.




Guddoomiyaha Ururka CYO Yacquub Cabdilaahi Cumar  oo isaguna xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay in tan iyo markii Ururkan la aasaasay ay qaadeen talaabooyinka dhanka horumarka ah “Ururkani intii uu jiray wax badanbaanu qabanay, waxaanan ku dedaali doonaa sidii aanu u sii wadi lahayn dedaalkayaga si aanu u gaadhno Himilada ururka oo ah inuu si buuxda gacan u siiyo dhalinyarada dalka”ayuu yidhi Yacquub Cabdilaahi.




Dhanka kale Ganacsade Xasan Maxamuud Cawad, Oday Awsiciid, Aqoonyahan Cabdiraxmaan Sheikh Daahir Safiya Aw-xuseen iyo xubno kale oo xafladaasi ka hadlay ayaa ardayda munaasibadda loo qabtay ku booriyay inay sii wataan aqoontooda, isla markaana ku dedaalaan sidii ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qaban lahaayeen.




Mobaarig oo ku hadlayay afka Dhalinyarada qalin jabisay oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka mahad naqay sida loo maamusay, waxaanu ku dheeraaday himiladooda wax qabad iyo halka ay doonayaan inay wax ka bilaabaan “waanu ku faraxsanahay xafladan balaadhan ee naloo sameeyay, waxaanu ku dedaali doonaa sidii aanu kaalin uga qaadan lahayn horumarinta dalka , siiba dhalinyarada”ayuu yidhi.




Maareeyaha Xafiiska isku duba ridka iyo Maamulka Mucaawimooyinka WFP ee somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dawladdu dhiiri gelinayso da’yarta wax baranaysa, isla markaana diyaar u tahay shaqo u abuurista dhalinta “Dawladda siyaasaddeeda waxa ka mid ah in da’yarta shaqo loo abuuro, markaa anigana ha ahaatee waxaan soo jeedinayaa in cidii wax idinla qaban karaysa kooxdiinan Ururka curad ku jirtaa ee Jaamacadaha ka baxay lagu gacansiiyo sidii ay shaqooyin aad u heli lahaydeen”ayuu yidhi Maareeye Garas.




Maxamed Jaamac Liibaan oo ah Isuduwaha Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka Maroodi-jeex oo isna xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimadda Cilmigu u leeyahay Bulshada iyo sida qofka uu u  dhiso akhalaaqdiisa “Qofku haduu Cilmi kasta leeyahay oo aanu Akhalaaq lahayn waxba ka jiraan cilmigiisa, markaa waxaan loo baahanyahay inaad akhalaaq yeelataan oo waalidkii wax idin soo baray u mahad celisaan, una adeecdaan  si wanaagsan”ayuu ku yidhi ardayda.




Ugu dambeyn waxa xaflada soo xidhay oo hadal dar daaran iyo duco u badan ka soo jeediyay Suldaan Axmed Daahir Muuse, oo ka mid ah Madaxdhaqameedka somaliland.




Suldaanka ayaa Ardayda xaflada loo sameeyay ku waaniyay inay ka fogaadaan saddex arrimood oo kala ah Cunista qaadka, Tahriibka iyo qabyaalada, isagoo dhinaca kale ardayda u soo jeediyay inaanay halkaa kaga hadhin Barashada Cilmiga “dalkeena saddexda dhibaato ee ugu weyn waxa weeye tahriibka, qabyaalada iyo cunista qaadka, waxaan idinku waaninayaa inaad ka dheeraataan saddexdaa arrimood”ayuu yidhi.




Suldaanka ayaa sidoo kale Ururka CYO kula dardaarmay inay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan isku xidhka Dhalinyarada iyo horumarintooda, waxaanu xusay in isku xidhnaanta da’yartu kor u qaadayso is dhex galka Bulshada iyo wax wada qabsiga “waxaa laydiinka baahanyahay hadaad tihiin Ururka Curad inaad isku xidhnaataan oo sidaad iminka u shaqaynaysaan aad u wadaan hawsha” ayuu kula dardaarmay ururkan.




Suldaanka ayaa sidoo kale Dawladda ugu baaqay inay dhalinyaradan shaqo abuur u samayso, isla markaana tahriibka iyo dhibaatooyinka kale ee shaqo la’aantu u geynayso laga baajiyo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Daawo wararka Bulsho Tv iyo Caawa 29/11/2013


Hoos ka daawa warkan oo ay iska kaashadeen Gobanimonews iyo Bulsho TV :-


Somaliland: Madaxweynaha Siilaanyo oo Booqday Gobol oo muddo laga sugayay


Reer Gabiley oo soo dhaweyntii looga bartay ku qaabiley?




 Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maalinta oo sabti ah Booqday xarunta Gobolka Gabiley, waxaanu halkaasi kaga qayb-galay Xaflada qalin jabinta Ardayda Jaamacadda Gabiley.




Madaxweynaha ayaa tiraba afar jeer ka baaqday Safarkiisan Magaalada Gabiley uu ku tegay , taasoo loo aanaynayay xaasaasiyad Gobolka ka taagan oo dhanka siyaasadda ah.




Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Socdaalkiisan Gobolka wali ku guddo jira,




Magaalada Gabiley ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayo.




 




Ilo-wareedyada Gobanimonews ka heshay aqalka madaxtooyada  ayaa tibaaxaya  in madaxweynuhu safarkiisa ku booqan doono deegaamo kale oo ka mid ah gobolka, sida Degmada Alleybaday oo dhinaca Koonfurta Gobolka ah.



Dib u Xusuusin



 







Gobolka Gabiley ayaa ka mid ah Goboladda ugu dakhli soo saarka badan somaliland, waxaana ku yaala Kastabka Kala-baydh oo ah mid ka mid ah xudunta dhaqaaluhu meelaha ay ka soo baxdo.




Gobolka ayaa sidoo kale qani ku ah wax soosaarka Beeraha, waxaanu ka mid yahay meelihii xisbiga Kulmiye Taageerada badan ka helay xiligii Ololaha doorashada madaxtinimada, markaasoo xisbigu balanqaadyo badan u sameeyay bulshada.




Hase ahaatee dadka Gobolka ayaa aaminsan in xukuumadda kulmiye markii ay talada la wareegtay ilowday wixii ay u balanqaaday Gobolka, dhaliishaasoo ah mid wali ilaa hada taagan.




Sanadkii 2011-kii ayay ahayd markii Magaalada Gabiley Kabo looga tagay ama lagu soo dhaweeyay wefti Madaxweynuhu hogaaminayay oo ku sii jeeday Magaalada Boorama, waxaanay taasi muujinaysaa saluuga siyaasadeed ee bulshada Gobolka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.con

Xoghayihii Gobolka Buuhoodle oo Hargeysa ku Geeriyooday


Bahda Gobanimonews iyo Masuuliyiin kale oo Tacsi u diraya"




Hargeysa(GNA)-Alle  ha u Naxariistee waxa Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Maanta Xoghayihii Gobolka buuhoodle ee Somaliland Maxamed Cali Suudi oo halkaasi muddo todobaad ah Xanuun u jiifay.




Maxamed Cali Suudi ayaa todobaadkii hore laga soo qaaday Magaalada Burco, ka dib markii uu xanuun ku soo boodo ahi ku dhacay.




Muddo ka badan shan sanadood ayuu ahaa xoghayaha gobolka Buuhoodle, waxaanu markii hore ahaa Xoghayaha Degmada Qurulugud.




Dhamaan Hawl-wadeenada Gobanimonews meel kasta oo ay joogaanba waxay tacsi u dirayaan Eheladii, qaraabadii, Qoyska iyo bulshada uu ka baxay, waxaanay marxuumka Ilaahay uga baryayaan inuu Naxariistii Janada ka waraabiyo, intii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.




Dhanka kale,     Wasiirka Madaxtooyada JSL  Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan




2.     Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane, Axmed Saleebaan (dhuxul)




3.     Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL, Mudane Xasan Cabdi Madar




4.     Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada JSL, Mudane Maxamed Muuse Abees




5.     Wasiiru-dawlaha Arrimaha Bariga Mudane Cali Sandule




6.     Xog-hayaha Gaar ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane, Cali Axmed Cali  




7.     Agaasimaha Protocol-ka Madaxtooyada JSL  Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim  (Saqadhi)




8.     Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha Madaxtooyada JSL Mudane, Maxamuud Cabdilaahi Xarbi




9.     Agaasimaha Maamulka Xisaabaadka Madaxtooyada JSL Mudane Maxamed Xirsi Xasan (Digaale)




10.            Xog-hayaha gaarka ah ee madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cali Xuseen Nuur




11.             Xoghayaha Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada JSL, Naasir Yuusuf Daahir




12.             Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL, G. Faysal Kamiil Ciise




 




Dhamaan masuuliyiinta Madaxtooyada JSL, iyo shaqaalahoodu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Cabdilaahi Cali Suudi oo ah (Camera-man) ka Madaxweynaha ama Sawir qaadaha gaarka ah ee dhinaca Tv-ga u qaabilsan madaxweynaha oo walaalkii Maxamed Cali Suudi uu ku geeriyooday cusbitalka guud ee hargeysa 28/11/2013, marxuumka oo ahaa xoghayihii Gobolka buuloodle oo maalmahan u jiifay xanuunkan uu u geeriyooday.




 




Dhamaantood waxay ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.




 




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN




  

Somaliland:Ninkii hogaaminayay Kooxdii Weerartay Wargeyska Hubaal oo damaanad lagu sii daayay


Todoba bilood ka hor ayay ahayd markii Axmed Xasan Xaashi oo hogaaminayay Saraakiil weerartay xarunta Wargeyska Huwaal!Warbixin




Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa doraad khamiistii damiin ku sii daysay eedaysane Axmed Xassan Xaashi (Yaanyo) oo hoggaaminayay weerar argagixiso oo laba nin oo boolis ahi goor saq-dhexe ah ku mireen xarunta Wargeyska madaxabanaan ee Hubaal.




Falku siduu u dhacay




24-kii bishii afraad ee sanadkan ayaa laba sarkaal oo boolis ah oo afka soo duubtay ay iyaggoo hubaysan soo weerareen Xarunta Wargeyska Hubaal ee magaaladda Hargeysa.




Waxa ay labada nin baastoolado inta ay ku qabteen, bakooraddo ay siteen u daran-dooriyeen Mareeyaha Wargeyskaas Maxamed Cabdi Jaamac (Caloolay) oo ay judhiiba Gacanta midig ka jabiyeen, sidoo kalle waxa ay dhaawaceen Maxamed Muxumed Faafarx (Lafcanbe) Waxa kale oo xabada ay rideen Booliska Af-ka soo duubtay ay sigtay Muj. Cali Cismaan Cabdi-Libaax (Cali-Xaraaro)  oo ka mid ahaa laba nin oo maareeyaha Wargeyska la fadhiyay daaradda oo ay ugu yimaadeen. Budkaas ay la dhaceen weeraryahanadu raggan waxaa uu keenay in Maareeye Caloolay iyo raggii la fadhiyay Xamili waayaan fadhiga oo isku dayaan inay iska qabtaan Bakooradahan lala dhacayo, iyagoo ku guulaystay inay si kadis ah dhulka iskula dhacaan Hoggaamiyihii Kooxdan argagixisada ah oo ah Axmed Yaanyo, saaxiibkiisii ku weheliyay weerarku waxaa uu isku dayay inuu wax dilo, waxaanu ridday Xabad aan cidna ku dhicin. Tii labaadna waa ay ka ka dibtay, waxaana uu markaa go’aansadday Inuu furro Al-Baabkii oo ay markii hore ee ay soo galeen Xarunta hoosta ka xidheen, isaga oo qiyaastii ka baqay shaqaale iyo dhalinyaro xoogan oo ku jirtay guddaha hore ee Xarunta, Islamarkaana markii ay sanqadhii budadka ee hore iyo dhawaaqii danbe ee Rasaasta Qaylo isla oogsaday, intii buuqani socday waxaa meesha isugu yimi iyana dad badan oo didaba xarunta ka soo gurmaday, kuwaas oo u badnaa dadka jaarka la ah Wargeysaka oo qaarkood Boolis yihiin. Masuuliyiinta Wargeysku, markaa ay hoggaamiyahan kooxda weerarka qaaday qabteen kii kalena fara-cidood ku baxsaday waxaa ay la hadleen Saldhiga dhexe ee Booliska oo waqti kooban ka dib goobta soo gaadhay, waxana ay ku wareerjiyeen Axmed Xassan Xaashi (Yaanyo) iyo Hubkii uu sitay oo ay ku jireen Boostoolad, Koofiyad loogu tala-galay inay wadda qariso madaxa qofka oo dhan labada Indhood mooyaane,, qufulo ay siteen iyo qalabkii xafiiska ee ay burburiyeen. Bilowgii tuhunka weerarkani waxa uu galay Madaxtooyadda ilaa haddana arrintaas iskama ay barri yeelin.




Maxaa Boolisku kaga jawaabay




Jidhii Taliyaha Boolisku Fadal waxaa uu qiray in danbi dhacay, Islamarkaana boolisku ku lug yeeshay oo ninka la qabtay yahay iyo ka la socdayba yihiin Boolis, laakiin, waxaa uu ku dooday in falka la baadhayo, isaga oo haddana baadhistii ka hordhacay oo xukumay kuna difaacay eedaysanayaasha inay iyagga falka geystay ay ku kooban-tahay oo aanay jirin cid ka danbeysay. Waxaa markaa loo saaray saariil baadhiseed su’aalihii koowaad ee ay warsadeen dhibanayaashiina, waxa dhacday in danbi baadhayaashii la kala diro, nin la eryo iyo nin laga fogeeyay Hargeysaba. Waxaana soo baxay in aan baadhista falkan aan daacad laga ahayn. Waxaa qayliyay bahda warbaahinta, ururada xuquuqda aadamaha iyo bulshada caalamka ee tixgalisa xoriyadda hadalka iyo dimuquraadiyadda oo falkani dhaawac weyn ku ahaa. Waxaana si joogto ah warbaahinta ugu soo baxayay in kiiskaasi looga fadhiyo cadayntiisa iyo soo qabashada eedaysanihii baxsadayba laamaha ay shaqadoodda tahay. Laakiin, arrintaas Xukuumadda iyo taliska Booliskuba colaad xoogan oo dheeraad ah oo ka dhan ah saxaafadda ayuunbay ka sii qaadeen, sidda muuqata waxaana ay Eedaysanihii kali ahaa ee shacbigu gacanta u galiyay inta ay Jeelka dhexe geeyeen bilaabeen weeraro waji kalle leh. Iyadoo albaabada loo Xidhay Wargeyska Hubaal, sidoo kallena xabsi la dhigay laba xubnood oo ka mid ah masuuliyiintiisa. Laakiin, raad-gadashaas waa lagu guuldaraystay waxaana ay noqotay in la soo daayo masuuliyiinta iyo Wargeyska Hubaalba. Waxaana ay sababta waxaan oo dhacdooyin ahi sii cusleeyeen uun tuhunkii bilowgiiba dhashay ee falkan ku xidhiidhinayay madax awoodda inay abaabusho fal argagixiso oo baaxadan leh., islamarkaana awood dawladeed ku cabudhiso. Maadaama, Warbaahinta Somaliland ee madaxa-banaani lafdhuungashay ku noqotay kooxo badan oo siyaabo khaldan ugu gabood-fala amaanadda ay ummada u hayaan. Wargeyska Hubaal-na ugu horeeyo kuwa tooshka ku shidda qowlaysatadda.




Ka Dib maxaa dhacay?




Inta hawl-galka qiiq isku qarinta ahi socday waxaa jiray oo bar-bar socday sidoo kale abaabul lagu doonayay in la curriyo arrin maan-gal ah oo falkan lagu danbabasi karro. Iyadoo xattaa edaysanaha la hayay isku dayay inuu ku doodo waa la i qafaashay oo waxaan raadinayay Iclaaj Ilmo aan dhalay ku jiray, iyaddoo taas ay ka hor-timi su’aasha ah, nin hubaysan oo ciidan ah dad aan hubaysnayn oo shacab ahi inta ay qafaashaan Boolis ma ugu yeedhi karaan? Hadday dhacdayba, Yaa Jajabiyay masuuliyiinta iyo qalabka Wargeyska, sideedse intaaas oo nin uu u layn karaa nin kali ah oo ay qafaasheen? Maxaase ninkan ka keenay saldhigii uu  madaxda ka ahaa ee uu ka shaqeynayay habeenkaas laftiisa oo ku yaala-xaafadda Maxamed Mooge ee saqda dhexe keenay xaafada Goljano, oo aad uga fog? Saqda dhexese Iclaajyaddu miyay shaqeeyaan? Ma Wargeyskaa Iclaajka noqdayse?




 




Boqolaal su’aalood oo doodan jaban ka dhalan-kara ayaa waxa ay sababeen in todoba Bilood ka dib sifo maqluub ah  looga sii daayo Xabsiga. Iyaddoo Maxkamadda ciiddanka loogu dhigay Maxbuus muddo todoba bilood ah iska xidhnaa. Islamarkaana, cidii uu u xidhnaa oo laga dhigay Wargeyska Hubaal oo kali ahi ay diiday inay timaado Maxkamadda. Waxaa is weydiin leh, habkee ayay maraan Maxkamadaha ciidanku?




 




Sharci ahaan Maxkamada ciidanku marka laga hadlayo baadhista kiiska, oogista, difaacida iyo ka garnaqistaba waxa ay maraan habka Maxkamada kalle ee caadiga ahi maraan. Waxana ay raacaan Xeerka ciqaabta iyo xeerarka madaniga ahba. Tusaale ahaan, Baadhista Boolisku marka ay falkii gacanta ku dhigaan, waxa ay baadhayaan falkii dhacay iyagoo eedaysanaha weydiinaya inuu kiiskan qiranayo iyo in kalle, haddii aanu qiran. Waxay sameynayaan inay waraystaan, dhibanihii, goobjoogayaashii, maragyaddii iyo Booliskii goobta tagay ee gacanta ku soo dhigay eedaynaha la hayo si ay uga waramaan wixii ay arkeen. Intaas ka dib, Booliska waxaa xaq loogu leeyahay inay wargeliyaan hadba dhibanaha halka kiisku marayo. Waxaa kalle, oo ay ku wargelinayaan dhibanaha qodobada uu jabiyay eedaysanuhu iyo eeda ay u gudbiyeen Xeer ilaalinta sida ay u dhigantahay. Waxaa kalle oo ay u gudbinayaan Baadhayaashu Xeer ilaalinta khasaarihii dhacay oo la qiimeeyay iyo haddii ay jiraan eedaysanayaal kalle oo maqani, Waxaa kale oo ay ku wargelinayaan maragyadda inay xeer ilaalinta u gudbiyeen Maragfurkooddii iyo inay u diyaargaroobaan marka loo yeedho.




 




Xeer Ilaalinta




 




Marka laga hadlayo  sharciga danbi kasta oo dhaca waxaa dhibanaha koowaad ka ah Qaranka, sidee ayuu Qaranku dhibane u yahay haddii aad akhriste is weydiiso, waxa uu u yahay, Qaranka ayaa ka masuul ah in aanu danbi dhicin. Hadduu uu danbi dhacana, Qaranka ayaa laga galay, Dhibanaha labaadna waa cidda danbigaas laga galay. Sidaas darteed, Xeer ilaalintu waxaa ay matalaysaa Qarankii danbiga laga galay iyo ruuxii dhibanaha ahaaba. Waxana waajibaadka Xeer ilaalinta ka mid ah inay cadayso in danbi dhacay iyo in kalle, waxa kalle oo ay cadaynaysaa in qofka la hayaa yahay kii danbiga galay iyo in kale. waxaa kalle oo waajibkeedda ka mid ah inay kormeerto dushana ka maamusho marka horeba habka baadhista ilaa Maxkamada horteeddana ka cadayso.




 




Doorkan xeer ilaalinta waxaa ku waajibinaya Qodobka 70-aad iyo kan 71-aad ee xeerka Ciqaabta. Waana in Xeer ilaalintu u dhaxayso Waaxdii garsoorka iyo dhibanaha. Markaa haddii ay xeer Ilaalintu nidaamkaas mari-weydo waxaa ay muujinaysaa in la candadowlay falkaa dhacay oo dan kalle meesha ku jirto. Sharaxaada yaynaan ku raagin...Haddii hadaba, nidaamku sidaas yahay, waxaa is weydiin leh halkey ka baxday Xeer ilaalintii hawshan oo dhan lahayd ee gacanta ku haysay Kiiska Hubaal, ma la xidhiidhay dhibanihii ay hawshiisa ku jirtay iyo maragyadiiba oo ma u yeedhay, hadii aanay la xidhiidhin maxay Maxkamadi ka garnaqi kartaa?




 




Haddii ay khalad tahay in eedaysane mudo iska xidhnaado bilaa maxkamad yaa danbigeedda leh... Yaa falka baadhayay ma dhibanaha  mise laamaha danbi baadhista?.




 




Xaqiiqdii Wargeyska Hubaal iyo dhamaan bahda saxaafadu in badan ayay kor iyo hoosba arrintan uga hadashay una dalbaday in kiiskan si waafi ah loo gallo. Laakiin, waan la ogoleyn., xattaa waxa caqligu siiyay in la isku dayo Garo’oo meeshana laga saaro xataa eedaysanahu danbigii uu ka galay qaranka guud ahaan iyo amaanka dalka, dimuquraadiyadda, falkii aragagixisada dilka ah ahaa ee uu dhaawacyada ku gaysteen isaga iyo colkiisu iyo dhacdooyinkii falkan ku xeernaa oo dhan iyadoo jid fool-xun la marayo. Runtuna waxaa weeye oo ay saxaafaddu arrintan u aragtaa in laga ordayo inuu kashifo eedaysanuhu ciddii ka danbaysay falka. Balse, waxaa gabagabada tagaysaa maadaama oo aan loo maaro helayn in sifo sharci ah ama sharci darro ah lagu furdaamiyo Eedaysane dhagar shirqool ah lagu qabtay isaga oo gacanta kulla jira in Xukuumaddu calool adaygto Xeer ilaalintuna guddato waajibkeedda. Waayo, Falaadhi gilgilasho kaagama godo Warbaahinta iyo ummaduna waa u fadhid




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Friday, November 29, 2013

Boorama: Ku-xigeenka Xisbiga Waddani oo kulamo dareen dhaliyay ka wada Magaalada


Boorama-(GNA) Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbi mucaaradka WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed Oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa shalay galab soo galay Magaalada Boorama oo uu in mudo ah ka maqnaa.




Imaatinkiisan ayaa ku soo beegmaya xili khilaafka cakiran ee u dhaxeeyay xisbigooda iyo Xukuumada Axmed Siilaanyo uu halkii u saraysay maalmihii u danbeysay maraya kaas oo ka dhashay ka dib markii labada dhinac ay dhawaan saxaafada isku mariyeen hadalo weerar iyo weerar cilin ah iyo soo dhawayntii Cirro oo ay xukuumadu kula kacday qaar ka mid ah qabanqaabiyaashii soo dhawaynta Gudoomiye Cirro xadhig iyo cacgo juglayn.




Hadaba markii uu soo gaadhay Magaalada Boorama gudoomiye ku xigeenku ayaa sida illo wadareedyo ka agdhaw gudoomiyuha oo ay Shabakadu xog ka heshay ayaa sheegaya in uu kulamo gooni gooni ah uu la yeeshay bulshada noocyadeeda kala duwan taas oo uu isla xalay kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaatay dhalinyarada iyo haweenka halka caawana la filayo in uu kulamo la qaato cuqaasha iyo siyaasiyiinta Degmada Boorama.




Illahan ay heshay shabakadu  ayaa sidoo kale waxa la filayaa inta uu joogo in uu kulamo la qaadan doono Xisbigiisa mas’uuliyiinta heer gobol, heer degmo iyo taageerayaasha xisbiga, kulamadan kala duwan ee uu bulshada Reer Awdal gaar ahaan magaalada Boorama uu la qaadanayo ayaanan ilaa haatan la hayn xogta rasmiga ah ee ay is dhaafsanayaan Gudoomiye Seed iyo taageerayaashiisa ku sugan Boorama oo mudooyinkii u danbeeyay ahaa kuwo isa soo taraya tiro iyo cudud ahaan.




Kulanadan uu gudoomiye ku xigeenku la yeelanayo bulshada noocyadeeda kala duwan ayaa imanaya xili waqtigii ay xisbiyadu qabteen in ay dooda qaran qabanayaan abaabulkeedii lagu jiro oo ay waqti yar oo koobani ka hadhay waxaana loo fasilan karaa in ay qayb ka tahay abaabulka ka qayb galka shirwaynahaas oo ay xukuumada Axmed Siilaanyo sida fiinta horey uga qaylisay.




Si kastaba ha ahaatee waxaaban sugnaa oo aan dhawraynaa natiijada rasmiga ah ee ka soo bixi doonta kulanadaas iyada oo Maamulka Gobolka Awdal noqday mid fadhiid ah oo aan la socon arimaha siyaasadeed ee sidan u baaxada leh ee ka socda Gobolka ee ay ka wadaan xubno mucaarad ah oo bulshada dhexdeeda Saamwayn culus ku dhex leh isaga oo gudoomihii Gobolka Awdal majaraha u hayay uu haatan ka maqanyahay Gobolka oo dalka dibadiisa uga maqan yahay




Gobanimo news.com




Borama/somaliland

Fu’aad A. Cadde “Somaliland-baa dayacday Shacbiga lagu xasuuqayo Taleex”.


“Isaaq waxba cid uma ogola isna waakaa isboobaya”Waraysi




Hargeysa(GNA):- La-taliyaha gobollada Bari ee Madaxweynaha Somaliland, Fu’aad Aadan Cadde, ayaa dagaal labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday magaalada Taleex ee ay kula wareegtay gacan ku haynta Puntland ee magaaladaas ku tilmaamay duullaan lagu soo qaaday Somaliland, isla markaana looga baahan yahay Somaliland inay dalkeeda difaacato oo ay dhakhso uga jawaabto dagaalka lagu qabsada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool lagana qabsaday Kooxda la baxday Khaatumo oo markii hore gacanta ku haysay.




 




Fu’aad Aadan Cadde u  waramay,wargeyska Somaliland today waxa kale oo uu ka hadlay qasaaraha dagaalka shalay ka dhacay magaalada Taleex uu geystay iyo tirada dhimashada ee uu warkooda hayo iyo waliba cidda xilligan gacanta ku haysa magaalada Taleex.




La-taliyaha gobollada Bari ee Madaxweynaha Somaliland, Fu’aad Aadan Cadde, ayaa sheegay in faquuq iyo caddaalad-darro uu sheegay in Beesha dhexe ee Somaliland ay kula kacday Beelaha Darafyada Somalilalnd oo uu tilmaamay inaanay cid kale waxba u oggolayn, isla markaana ay kelidood wax kala ridanayaan, dadka kalena ay dulmiyeen.




 “Puntland, ayaa weerar qaawan oo gardarro ah ku soo qaadday dadkii Shicibka ahaa ee deggenaa magaalada Taleex ee gobolka Sool, waxaana halkaa ku dhintay intaan ogahay ee aan immika warkooda hayno 11 Nin oo dhammaantood Shicib ah oo ay laayeen Ciidanka Puntland ee weerarka soo qaaday oo dad shicib ah u adeegsaday quwad Ciidan iyo Tikniko aad u fara badan, dad badanina way dhaawacmeen maatidiina wey qaxday oo waa la bara-kiciyay.” Sidaa ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde oo ka hadlayay dagaalka ka dhacay shalay degmadda Taleex iyo qasaaraha uu geystay.




 “Marka hore waxaa dagaalka sababay Khaatumo oo doonaysay inay shir qabsadaan ayuu ninka la yidhaahdo Cabdisamad Cali Shire oo Madaxweyne Ku-xigeen ka ah Puntland oo wata Ciidan laxaad leh iyo Tikniko fara badani weerar ku soo qaaday, waxaanu halkaa ku laayay oo uu hub culus iyo rasaasba ku xasuuqay dadkii shicibka ahaa ee magaalada deggennaa oo aan hubaysnayn.”




Fu’aad Aadan Cadde oo ka hadlayay Dawladda Somaliland iyo waxa la gudboon xilligan colaadu ka taagan tahay degmadda Taleex waxaa uu yidhi; “Dadkan waa la laayay waana lagu soo duulay gurmad iyo hiil ayaanay u baahan yihiin, Somaliland-na waajibbaa ka saaran inay dadkeeda difaacdo oo ay ka ilaaliso cadawga ilayn dadkan magac dawladeed ayaa lagu laayay iyagana waxaa u dawlad ah Somaliland markaa waxaa laga sugayaa waa inay dadkeeda lagu soo duulay difaacdo.”




La-taliye Fu’aad oo la weydiiyay mar haddii Maamulkii Khaatumo ee Taleex ku sugnaa aanu hore-ba Somaliland u oggolayn halka ay immika oo Khaatumo iyo Puntland is dileen ay ka soo geli karayso, ayaa ku jawaabay; “Arrintu maaha waxaa is dilaya Khaatumo iyo Puntland. Laakiin, waa dagaal lagu soo qaaday Somaliland oo qaybo dhulkeedii ka mid ah lagu qabsaday, isla markaana loogu soo socdo inta kale ee ay ku sugantahay haddii aanay tallaabo qaadin oo aanay imika dadkeeda difaacin. Laakiin, socon mayso in Somaliland ay dhulka sheegato dadkeedii oo la xasuugayana ay eegato, dhulbahantena sidaa Somaliland ku ahaan mayo, waayo? Waa la dulmiyay oo la faquuqay oo aan waxba loo qaban.”




Fu’aad Aadan Cadde oo ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa hadday eedaynta uu sheegayaa ay jirto waxa uu uga hadli waayay mar hadduu yahay La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee gobollada Bari; waxaanu ku jawaabay; “Horta, Dhulbahante meel kasta ha joogo ama Khaatumo ha sheegto ama Waraabe ha sheegtee wuu og yahay inuu Somaliland yahay, midna wuu ku qaldan yahay oo nin wuxuu xaq u leeyahay la soo taagan maxaa la iiga oggol yahay? Waa qalad Dhulbatante wada aamminsan yahay. Midna waxaa weeye Isaaq oo aan cid kaleba waxba u oggolayn oo isagu is-boobaya, oo intuu wax walba qaatay kala ridanaya oo kala boobaya beelaha kalena aan waxba u oggolayn. Waxaad maqlaysaa iyadoo Beelihii kale ee la sinnaa ee dalka la lahaa la dulmiyay oo haddana lagu leeyahay maanta waxaa cadhooday jilib hebel iyo Ardaa hebel oo ka mid ah raas yar oo Isaaq ah oo waxaa la siinayaa Wasiir iyo Agaasime.”




 




“Markaa, Isaaq cidna waxba uma oggola isna waakaa is boobaya, intaana waannu sheegaynay oo waxba lagama qaban, Dhulbahantena waa la faquuqay oo waa la fogeeyay oo maanta dadka Hargeysa jooga waxay yidhaahdaan markaad tidhaahdo Dhulbahante ka warrama waa la eryay. Laakiin, ama halla eryo ama isagu ah dudee waxaa jirta horta Somaliland waxaa la eegayaa siday maanta dadkeeeda la xasuuqay ugu soo gurmato iyo waxay ka yeesho. Waxaana loo baahan yahay in si hoose loo wada hadlo oo xaqiiqda la taabto Isaaqna dadka kale wax u ogolaado oo aanu ku mashquulin is boobka dhexdooda ee beelaha kale qadiyay.” Sidaa ayuu yidhi




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.con




 

Kenya oo Ingiriiska Cadaadis ku saaraysa inaan la Joojin Qaadka + Olole ka dhan ah


London(GNA)-8 Bisha Janaury ee sanadka 2014 ayaa la hadal hayaa inay Dawladda Ingiriisku go’aan kama dambeys ah ka soo saarto Joojinta Daroogada qaadka ee looga soo dhoofiyo waddanka Kenya.




Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegay inay Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi oo kaashanaysa guddida arrimaha gudaha ee Baarlamanku madnuucayso u soo dhoofinta ingiriiska ee Qaadka.




Hase ahaatee Dawladda Kenya ayaa go’aankan olole ka dhan ah wadda, waxaana dalka Ingiriiska ku sugan wefti balaadhan oo socda Baarlamanka dalka Kenya, kuwaasoo xukuumadda Uk cadaadis ku saaraya inaanay joojin qaadka.




Kenya ayaa ah waddamada Bariga afrika ee Jaadka ugu badan u dhoofiya Caalamka, khaasatana Ingiriiska iyo Somaliya.




Kooxo u badan Jaaliyadda Somalida eek u dhaqan waddanka Uk ayaa Olole ka dhan ah qaadka dalka Ingiriiska ka wada, kuwaasoo ku doodaya in dadka uu dhibaatada ugu badan qaadku u geystaa ay yihiin Somalida.




Somalida ayaa ayaan daro ku tilmaamay in Dawladda Somaliya qayb ka noqon waydo Ololaha lagu joojinayo jaadka, waxaana taasi ku sababeeyeen siyaasadda murugsan ee xiligan dalku ku suganyahay.




“hadii la leeyahay Somalida ayaa ugu badan dadka qaadka cuna, taasi waxa weeye dhibaatada ugu badan waxa uu u geystaa dhalinyarada somalida, marka hadii Kenya loo daneeyo oo la eegi waayo dhibaatooyinka Bulshada somalid ah ka heysta daroogadan, taasi waxay noqonaysaa cunsuriyad”sidaasi waxa sheegay Abubakar oo ka mid ah kooxaha somalida ee ka soo horjeeda Jaadka.




Horaantii sanadkan ayay ahayd markii ay bilaabantahay doodda ku saabsan Joojinta qaadka ee Ingiriisku, waxaana xiligaasi soo dhaweeyay dad badan oo Somali ah oo ku nool dalka uk, kuwaasoo u badan qoysaska caruurtoodu jaadka ku saaqideen.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com

Dagaal laga cabsi qabo inuu ka dhex qarxo Shiinaha iyo Xulafada Maraykanka


Beijin(GNA)-Dawladda Shiinaha ayaa Diyaaraddo dagaal ku eekeysay Soohdinta u dhexaysa Waddanka japan, waxaana halkaasi ka socda dhoolatus balaadhan oo Ciidamada Cirka Shiinuhu samaynayaan.




Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii la sheegay in Dalalka Japan, Maraykanka iyo Kuuriya Waqooyi Diyaaraddo milateri u soo direen Xuduudka Japan iyo Shiinaha.




Afhayeen u hadlay Ciidamada Cirka ee Shiinaha ayaa sheegay inay heegan geliyeen Ciidamada Cirka ee aagaasi ku sugan, isla markaana Dhoolatus dhanka Hawada ah ay ciidamadoodu halkaasi ka sameynayaan.




Sarkaalka ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan inay difaacaan dalkooda iyo dadkooda, hadiiba ay soo weereraan cadowga waxa uu ugu yeedhay Jamhuuriyada China.




Wariyeyaal ku sugan Caasimada Shiinaha ee Bejin, ayaa ku soo waramaya inay suurto gal tahay in isku dhac aan ku talo gal lahayni halkaasi ku dhaco, hadii aanay Maamuladu Ciidamadooda kala jihaynin.




Dalka Shiinaha ayaa ka mid ah Dalalka loolan adag ugu jira hogaaminta Dhaqaalaha aduunka iyo Suuqyada Ganacsiga.




Maraykanka iyo Japan ayaa ah dalalka sida weyn uga walaacsan qorshaha Shiinaha ee dhinacyada Ganacsiga iyo Dhaqaalaha  Caalamka.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com

Hubka Kimikadda ah ee Syria oo Markab dushii lagu burburinayo


Dimishiq(GNA)-Warar hor dhac oo soo baxaya ayaa sheegay in maalmaha soo socda la bur-burin doono Hubka Kimikadda ah ee dalka Syria, waxaanay talaabadani ka dambeysay ka dib heshiis dawladda Bashaaral asad qayb ka ahayd oo lagu ogolaaday in tirtiro hubka Kimimadda ah.




Wararka ayaa sheegay in Markab Dagaal oo taagan Xeebaha Dalkaasi lagu bur-burin doono, xili aan mucayim ahayn, balse la xaqiijiyay inuu dhawyahay.




Maraykanka ayaa walaac weyn ka muujiyay bilihii la soo dhaafay dad rayid ah oo xukuumadda Bashaaral Asad lagu eedeeyay inay Hubka Kimikada ah ee Khatarta ah u isticmaashay dad rayid ah, xili ay dagaalo ba’ani dhex marayeen xogaga  mucaaridka ah.




Dhinaca kale, warbaahinta dawladda Syria ayaa sheegtay inay qabsatay Magaalo ku taala xuduudka lubnaan uu la wadaago dalkaasi ee Gobolka Qalam, halkaasoo marin muhiima u ahayd Kooxaha ka soo horjeeda dawladda.




Mandaqadan ayaa waxa Mucaaridka u soo mari jiray Hubka iyo Saadka kale ee uga imanaya gudaha dalka lubnaan.




Todobaadkii hore ayay Xoogaga Mucaaridka ahi ka qabsadeen Ciidamada dawladda , waxaana saraakiisha Milateriga dalkaasi hada sheegayaan in la wageerista deegaankani guul weyn u yahay amaanka dalka.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com

Somaliland: Wasiir Xuurto ku haysta Safarada Xukuumadda oo Addis u dhoofay


Hargeysa(GNA) Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa manta u socdaalay dhinaca dalka Itoobiya, isagoo sii raacay safiirka Ingiriiska u fadhiya Addis ababa oo Somaliland ku sugnaa.




Lama oga ujeedada rasmiga ah ee wasiir Biixi ku tagay Dalka Itoobiya, hase yeeshee waxa lagu war helay isagoo maanta ka dhoofaya madaarka Hargeysa.




Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa mudadii uu xilka hayey dhawr socdaal ku gaalaa baxay dhawr dal, waxaanu safarkiisa imiku u muuqdaa mid dublamaasiyadeed oo uu ka soo fulinayo dalkaasi.




Maxamed Biixi ayaa  toddobaadkan ka joojiyey wefti Wasiiro ah oo booqan lahaa dalka Jabuuti, iyada oo aanay illaa hada Xukumaddiu wax war ah ka soo saarin sababta weftigaas loo baajiyey iyo ujeedadii ay u tagayeen Djabuuti.




Wasiirka arrimaha dibada ayaa xuurto ku haysta safarada madaxda dawladda ee dibada,kaasoo isaga oo laga amar qaato mooyaane cid dibada u dhoofi kartaa jirin.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

Xulka Somaliya oo 2-0 lagaga badiyay Ciyaaraha Bariga iyo Badhtamaha Afrika.Daawo


Jockas(GNA)-Ciyaar aad u xiiso badan ayaa galabta dhex martay Xulalka Somaliya iyo Burundi, taasoo ka mid ah tartanka Ciyaaraha Bariga iyo badhtamaha Afrika.




Ciyaartan oo ka dhacday Garoonka Kubadda cagta ee Jackos, ayaa xulka qaranka Somaliya lagaga adkaaday 2-0, taasoo ay guushu ku raacday xulka Burundi.




Ciyaaryahanka Somaliya ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan oo soo jiidatay Taageerayaal Somali ah oo meelo fog-fog isaka kala yimi, kuwaasoo la xamaasadeysnaa aragtida xul ku ciyaaraya magaca somaliya oo ka dheelaya Garoomada caalamiga ah.




Xulka Burundi ayaa Haafkii hore ee Ciyaarta Gool ka dhaliyay shabaqa Xulka Somaliya, iyadoo haafkii dambe Macalinka xulka qaranka somaliya hogaamiyaa wax badan ka bedelay qaabkii ciyaarta, lana soo galeen ciyaaryahanadu dar dar cusub.




Hase ahaatee waxa isku soo noqodkii haafkii dambe ee ciyaarta Garoonka ka da’ay roob weyn oo caqabad ku noqday quruxda ciyaarta iyo dedaalkii ay la soo laabteen Ciyaaryahanada Somalia.




Xubno ka mid ah hogaanka Sare ee xulka Somaliya iyo Safiirka Somaliya ee Kenya oo dhamaadkii ciyaarta ka hadlay, ayaa guul ku tilmaamay dedaalka ay la yimaadeen ciyaaryahanada metelayay dalka somaliya .




Waxa ay sheegeen in natiijada ciyaartu ku dhamaatay wax badan kaga duwantahay tii sanadkii hore Somaliya lagaga reebay tartankan.




Somaliya ayaa sanadkii hore waxa lagaga badiyay isreeb-reebkii tartankan 7-0, taasoo haatan ka dhigaysa inay sidii hore ka soo wanaagsanaanayso xirfada ciyaareed ee Xulka Qaranku.




Halkan ka daawo Ciyaarta iyo hadalada Masuuliyiinta ka hadlay:- 


Daawo: Warka Bulsho ee Caawa 28/11/2013


Hoos ka Daawo wararkii Caalamka iyo dalka ee  Bulsho Tv oo ay iska kaashadeen Gobanimonews iyo BulshoTv.


Reer Burco Been abuur ku tilmaamay waddo la dhagax dhigay!


Shacabka Reer Burco ayaa Canbaareyay Fashilkii Iyo Wadadii Beenta Ahayd Ee maayir ku Xigeenka Iyo Qaar Ka mid Ah Xildhibaanada Burco Dhagaxa Dhigeen, taasoo ay  ku tilmaameen Fashalkii Uu Horeeyay Ee Dawlada Hoose .




Dadwaynaha ku dhaqan Degmada Burco ee gobolka togdheer ayaa aad u Canbaareyay Falkii foosha Xumaa ee uu ku kacay maayir ku xigeenka Burco ahaana ku simaha maayirka magaalada Burco Maxamud Xasan Jaamac uu ku kacay kaas ay ku waheliyeen qaar ka kid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka magaalada Burco Iyo waliba xoghayaha.




 




Dadwaynaha magaalada Burco ayaa maalmahan oo dhan afka ku hayay hadal haynta wadada qashinka la dhigay ee lagu sheegay in xadhiga laga jaray Taas oo maayir ku xigeenka Iyo xoghayuhu TV-yada Iyo warbaahinta isi soo hortaageen ku sheegay Inay wado cusub ka hir galiyeen xaafada ka mid ah magaalada Burco dhexdeeda Taas oo aan Haba yaraate wax ka jiraa aanay jirin ee Ahyd been Iyo mala Awaal lagula kacay shacabka deegmada Burco oo sugaya in si degdeg ah mayirku Uga jawaabi Musuqmaasuqaa lagula kacay shacabka ku dhaqan Degmada Burco oo filaayay shaqo ka Duwan Taas. Dhinaca kalena Ilo wareedyo aanu helay ayaa sheegaya in qadaraas uu ku siiyay mayir ku xigeenka Iyo xoghayahu nin Ganacsade ah kaas oo xanbaartay qarashkii wadada loogu talo galay.




 




Qaar ka mid ah dad waynaha ku dhaqan magaalada Burco oo shalay galab Shabakada wararaka ee caalamiga ahi wax ka waydiisay ayaa noo xaqiijiyay inaan wax Dhagaxa Iyo Wado cusub oo xadhiga laga jaray jirin ee ah ahayd riyo been-been mala awaal ah oo maayir ku xigeenka ahaana ku simaha maayirka Magalada Burco ay dadka u soo ban dhigeen Musuqmaasuqna lay bixiyay lacagtii loogu tala galay in lagu dhiso wadaa Iyo wadooyin kale oo haayado bixiyeen qarash kooda waa sida ay hadalka u dhigeen.




Yasiin Axmed oo ka mid aha dadka aanu wax ka waydiin arinkan kana soo jeeda oo jaar la ah xaafada la Sheegay in dhagax iyo dib u habayn lagu sameeyay ayaa noo xaqiijiyay in aan Haba yaraate wax dayac tir ah lagu samayn wadaa waxana ayna ka jirin . Dhinaca kalena waxaanu Isku daynay inaanu wax ka waydiino mayir ku xiigeenka Degmada Burco Eedayantan Iyo Muranka ka taagan wadadaa noo mana suura galin oo waxaa uu naga qaban waayay telefoonka .




Si kastaba ahaate waxaa shalay dalka dib ugu soo laabtay maayirka magaalada Burco Maxamed Muraad oo marka arinkani dhacay ka Maqnaa Degmada isagoo ku maqnaa dalka Tanzania waxaanay shacabku sugayaan Inuu baadhis dégag ah ku sameeyo arinkan kana war Bixiyo. 

Jowhar: Hal qof oo ku dhintay Qarax lala beegsaday Suuq Jaadka lagu iibiyo


Jowhar(GNA)-Ugu yaraan hal Ruux oo dumar ah, ayaa ku dhimatay, saddex kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo, qarax bambaano oo caawa fiidkii lagu weeraray Suuq lagu Iibiyo Jaadka oo ku yaala Magaalada Jowhar.




Haweenaydan Geeriyootay ayaa ka mid ahayd Haweenka Jaadka ka Ganacsada, waxaanay Cisbitaalka Magaalada ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaadhay qaraxa, halka saddexda ruux ee kale la wariyay inay laba ka mid ahi dhalinyaro suuqaasi ka xamaasha ahaayeen.




Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxan iyo cid sheegatay toona, waxaana la sheegay in lagu fuliyay Bambaano gacanta laga tuuray.




Goob-joogeyaal ku sugan Magaalada ayaa  sheegay in bambaanadaasi lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowlada oo marayay wadada.




Dhawaqa Rasaas darandoori ah ayaa la maqlay wax yar kadib markii uu qaraxu dhacay, laakiinse ma cadda inay khasaare geysatay iyo in kale.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada amaanka iyo kuwa Milateriga ee halkaasi fadhigoodu yahay.




Sida ay warameen dadka Magaalada ku sugan Xaalada suuqa qaraxu ka dhacay ayaa wakhti yar ka dib caadi ku soo laabtay in kasta oo ay cabsi dadka soo foodsaartay.




Magaalada Jowhar ayaa sanadkii hore Ciidamada huwanta ah ee Somaliya iyo kuwa Amisom kala wareegeen Dagaalyahanada Al-shabaab.




Dagaalo Eheliya ayaa horaantii bishan ku dhex maray deegaamo aan ka fogayn Magaalada Maleeshiyooyin ka soo jeeda Bulshada Gobolkaasi degen.




Ilo wareedyo ka soo baxay Saraakiisha amaanka oo aan wali la xaqiijin ayaa tibaaxaya in weerarkaasi la tuhunsanyahay inay ka dambeyeen Ururka Alshabaab, balse al-shabaab wali may sheegan.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com  

Shiinaha oo Dhisaya Waddo isku xidhaysa Barriga Afrika


Suurto hal ma tahay inay Dekedda Berbera Xudun u noqoto isu socodka dalalka waddani isku xidhayso?




Mombasa(GNA)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaata, ayaa Maanta Dhagax dhigay Jid Tareen oo isku xidhaya dalalka Bariga Afrika.




Jidkan ayaa la doonayaa inuu isku xidho Kenya ilaa Koonfurta Suudaan Mustaqbalka dhow.




Dhaqaalaha ku baxaya waddadan waxa bixinaya Dawladda Shiinaha, waxaana dhisaysa shirkad laga leeyahay isla dalkaasi.




Madaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ayaa magaalada Mombasa kaga qeyb galay xafladda lagu dhagax dhigay Dhismaha waddada tareenkan.




Waxa la filayaa in safarradii qaadan jiray 15-ka saacadood ay qaadan doonaan muddo 4 sacadood ah marka la soo gabagabeeyo waddo tareenkan.




Wejiga koobaad mashruucaan waxa ku baxaya lacag gaadheysa 2.6 bilyan oo doolarka Maraykanka, waxaanu isku xidhi doonaan Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.




Waxa uu marayaa Dalalka UGANDA, Ruwanda ilaa Koonfurta Sudan, waxaana la filayaa in wadamada la doonayo inuu  saameynta ku yeesho ay ka mid yihiin Somaliya, Somaliland iyo Itoobiya.




Ujeedada laga leeyahay ayaa ah inuu isku xidho Ganacsiga dalalkaasi iyo Shiinaha.




Shiinaha ayaa doonaya inuu saameyn dhaqaale oo xoogan ku yeesho Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika, kaasoo xuduntiisu  noqonayso dalka Kenya.




Somaliland:




Bishii October ayaa waxa somaliland yimi wefti balaadhan oo ka socda Dalka Kenya, kuwaasoo ujeedada booqasha ay ku yimaadeen dalka ay ka mid ahayd xoojinta xidhiidhka Ganacsi, isusocodka Bulsho, siyaasadeed iyo nabad-gelyo eek a dhexeeya labada Dal.




Weftigaasi ayaa ahaa kii ugu balaadhnaa ee Kenyaati ah ee Somaliland yimaada tobankii sanadood ee ugu dambeeyay, waxaana imaanshiyahooda ka dhashay isweydiimo badan.




“waxay u socdaan qorshe la doonayo in Mashruuc isku xidha Bariga Afrika oo Kenya laga soo bilaabayo dekedda Berbera loogu xidho, mashruucaasoo ah mid Ganacsi oo Shiinuhu wato, waxa mukhalas ka ah Kenya”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay siyaasi u dhuun daloola arrimaha afrika.




Aragtida Siyaasigan waxa sii xoojinaya Weftiga Kenyaatiga ahi waxay booqdeen Dekedda weyn ee Berbera oo ah bogcad istaraatijiyad ahaan muhiim u ah isku xidhka Ganacsiga iyo isu socodka Bariga iyo Koonfurta Afrika.




Sidoo kale laba todobaad ka hor wefti ka kooban Maalqabeeno Shiinaha ayaa Heshiis maalin-gelin warshado cusub ah la saxeexday Wasaarada wershadaha somaliland.




Heshiiskaasi ayaa Maal-qabeenada Shiinuhu ka xaqiijiyeen inay wershado gaadiidka yar yar iyo Baaskiiladaha soo saaraan ka samaysanayaan somaliland.




Sidoo kale waxay balanqaadeen inay mashaariic kale oo dhanka wax soo saarka ah ka hirgelinayaan Gobolka.




Ganacsatada Somaliland ayaa badankoodu ku xidhan sayladaha Ganacsiga ee waddanka Shiinaha, halkaasoo ay ka soo waaridaan baddeecado kala gedisan oo qiimahoodu ka naasilanyahay kuwa Reer Yurub.




Mobile-da gacanta, Dharka, Kabaha, Agabka Xafiisyada, Hurdada iyo inta badan qalabka Electeronic-ga  lagu iibiyo suuqyada Ganacsiga Somaliland ayaa lagu soo warshadeeyaa Shiinaha, inkasta oo meelo kala duwan ay ka soo iibsadaan Ganacsatadu.




Laakiinse ma jiro ilaa hada xidhiidh siyaasadeed oo la taaban karo oo ka dhexeeya labada Dawladdood ee Somaliland iyo China.




Dhinacyada kale ee Bariga Afrika.




Ganacsiga Shiinuhu saameyn xoogan ayuu ku leeyahay dalka Mandaqada oo dhan, waxaana ka mid ah dalalka ugu balaadhan Ethiopia, Koonfurta Sudan iyo waddamo kale.




Inkasta oo dalalkaasi siyaasad ahaan ay kaga saamayn badanyihiin Shiinaha Yurub iyo Maraykanku, hadana Ganacsiga Shiinaha ayaa ah tobankii sanadood ee ugu dambeeyay meesha ka sii saaraya wax soosaarka Reer Galbeedka iyo dalalka kale ee Aasiya.




Waxaanu ku socdaa si xawli ah.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com

Daawashada TV-ga cimriga bani aadamka ayay so gaabisaa ” Cilmi Baadhis la sameeyay ”


(GNA) Daraasad ay soo saartay Jaamacad Queensland ee dalka Australia ayaa lagu sheegay in daawashada badan ee taleefishinka ay keeneyso in waqtiga noloshaada (cimrigaaga) oo soo yaraado.




 




Daraasada ayaa tilmaameysa in 22 daqiiqo ay cimrigaaga ka go’eyso markii taleefishinka daawato mudo saacada ah  gaar ahaan qofka marka ay da’diisa ka wayntahay 25 sano.




 




Maalin kasta oo lix saac kamid ah hadii aad daawato TV-ga waxaa cimrigaaga ka go’aya 5 sano, sida ay sheegtay daraasada.




 




Cilmi baadhayaasha sameeyay daraasda ayaa sheegaya in hadii qofka uu si aad ah u daawado TV-ga ay la mid noqoneysa qofka sida aadka ah u isticmala sigaarka ama qofka sida daran u buuran  taaso la ogyahay in caafimaad daro joogta ay sababto.




 




Cilmi baadhayaasha ayaa sheegaya in daawashada badan TV-ga ay jirka ku keeneyso caajis badan, balse taa badalkeeda loo baahanyahay jidhka uu shaqeeyo.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com




 

Calashiga Xanjada Oo La Sheegay In Uu Caafimaadka U Fiican Yahay


(GNA) Calashiga Xanjada iyo Lubaanka ama xabagta Fooxa/beeyada, oo marar kala duwan warbixino ku saabsan faa’iidooyin caafimaad oo ku jira laga soo saaray, laakiin haddana muran ka bilaabmay oo la isku maandhaafay, ayaa warbixintii ugu danbaysay ee caafimaad daboolka ka qaaday in faa’iidooyin badani ku jiraan.




 




Khubarada caafimaadka ee dunida oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay in calashiga, xabagta geedka Beeyadu dhalo ee Lubaanka iyo xanjada caadiga ah, mid walba laga helo faa’iido caafimaad oo kala duwan, sida in calashigoodu awood badan galiyo fir fircoonida maskaxda, in ay sifeeyaan, hadhaaga cuntada ee ilkaha ku hadha iyo in cunto xumada ay ka yareeyaan qofka oo amateedku ugu furmo calashigooda.




 




Khubaradani waxa kale oo ay xuseen in calashiga labadan shay uu faa’iido u leeyahay dadka xanuunka macaanka qaba, kuwaas oo uu kor u qaado, unugyada awooda galiya xameetida, wax badana ka yarayn karo, ka fikirka iyo isku mashquulinta xanuunka macaanka, waxa kale oo ay u taraan inay ka yareeyaan, haraadka macaanka heerka labaad dhaliyo.








 




 




 




 




 




Calashiga Xanjada iyo Lubaanka ayay dhakhaatiirku ku sheegeen inuu faa’iido ka yahay oo kale, murugada iyo dareenada qulubka dhaliya ee dadka qaarkood sida habisada ugu dhaca, halka taa badalkeeda ay suura gal ka dhigaan, in garaaca wadnaha ee xad dhaafka ahi yaraado, isku miisaanaanta dhiiguna fiicnaato. Calashiga Xanjada ayay dhakhaatiirtu sidoo kale sheegeen inay leedahay ama jidhku ka helo, fir fircooni la mid ah ta uu ka helo caffeine-ta loo yaqaan, waxaanay dadka jecel jimicsiga kula talinayaan, inay saacado ka hor intaanay bilaabin jimicsiga isticmaalaan.




 




Ugu danbayntii waxa ay dhakhaatiirtu taladoodan caafimaad ku soo gab gabeeyeen, isticmaalka xanjada iyo lubaanka oo ay mar kale dadka xasuusiyeen inay yihiin, caado dadka dhexdiisa aan dhibaato ka lahayn, oo yar iyo wayn isku si loo wada isticmaalo, waliba calashigooda aan la isku dhibsan iyadoo aanay jirin wax cadaymo ah oo loo hayo faa’iidada caafimaad ee ku jirta sidaa awgeed ay haboon tahay, in marka qofku ogaado lafteeda uu saaxiibadiisa kale u sheego faa’iidada ku jirta.




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com

Thursday, November 28, 2013

Dab xoogan oo ka holcay badhtamaha magaaladda Muqdisho + sawiro


Muqdisho 28.11.2013 (GNA) -Dab xoogan yaa ka kacay badhtamaha magaaladda muqdisho agagaarka isgoyska kiilometer afar, dabkan oo khasaare xoogan u gaystay goobaha ganacsiga ee aagaasi iyo isku socodka jidka wadnaha ee kiilomete afar. Dabkan oo qabsaday dhul aad u baaxad weyn yaa waxaa ugu dambayntii u suuragashay inay damiyaa ciidamadda u tababaran masiibooyinka ka dhashay dabka.








Posliska magaaladda muqdisho yaa ku hawlan sababta dhalisay dabkani iyo khasaaraha u gaystayba.




 




 




 




Www.gobanimonews.com

Nin qaawani ma qarsoomo!Q. 3aad


qalina faras ma noqoto  milil korkiina lama dhayo, qaybtii 3 aad




Waa kuma  wasiirka duulistsa  hawada iyo  gadiidka cirka maxamuud  xaashi  cabdi?




 




1.        Waxa weeye   wasiirka ugu   hanti lunsiga badan, kaas oo caadaystay boobka qaawan iyo lunsiga xoolaha ummada, sida  mashaariicdii waa weynd ee dib,u dhiska airpordadaa  dalka




 




       Ee dawlada kuwiat inugu  caadawisay, waxaana cadayn u ah maalintii roobka badani      da,airportka




 




    Cigaaal international airport waxaa fadhiistay Biyo  sidii baliyada ama harooyinka , taas oo kaliiftay  IN




 




   Diyaaradidarhii  iman lahaa ay  u kala yaaceen, wadamada   dariska ah iyo ka berbera, sidaa darted                 wasiirku waxa UU dibin daabiyo  kula  kacay qaranka , taasina waa qudh gooyo qaran.




 




2 .  wasiirku uma eeka  nin qarankan mardambe rajjo ka hayso oo doonaya magac taariikh                      wanaagsan,  lakin wuxuu wasiirku jecel yahay  dhinaca dhuuniga, sidaa darteed  hees geel baa ahayd




 




   Tidhaahda,  ninna dhuunuu kugu dhaadhacay,nina  dhaqashu kuugu  dhabar jabay.




 




   Markaas taarikhdu iyada is qorta lakiin odaygu  wuxu  ku suntan yahy macaan jecel nimada




 




   Mana ah odaygu  dagaal yahan siyaasi ah  oo ku sifaysan  magac jacayl iyo hogaamin qaran




 




  Waxaan ku talinyaaa in bulshada  reer Somaliland  qodoba badan aanu soo sheegnay




 




  Ee aanu soo daraasayna  ee aa nu ka soo fiirsnay  ee aanu ku hubno in yihiin    astaamah     odayga maxud xashi cabdi wasiirka duulisat hawada haloo tixgaliyo.




 




3 . Wasiirka duulist hawada bulshada reer Somaliland  99.9  wax  kalsooni  ah




 




        Uma hayaan  ralina kama aha  inuu hayo xilka qaranka, sidaa   darted,waxaanu madaxweynaha  usoo jeedinaynaa  inuu tixgaliyo dareenka ummada rer somlailand ee  lidiga ku ah musuq ,maasaqa aqoon darrada  eexda,




 




Cuqdada, iyo kala  fogaynta midnimada bulshada reer Somaliland  e wasiirku ku dhaqmo , madaxweynuhu waa inuu si sharciga waafaqasan oo deg deg  ahTalaabo wax ku ool ah  oo bulshadu raali kaga noqoto ka  qaado, ninka uu xilkaa u dhiibtay ee wasiirka duulista hawada.




 




4. beel ahaan nama metelo magacyagana wax laguma boobo sharaf dilla uma qalmo .




 




By maxmed cawl cabdulle gudoomiye ku xigeenka rasmiga ah golaha dhalinyarada  beelaha muuse abokor




 Lasoco taxanah qaybta afraad