Monday, August 26, 2013

Burco: Askar Milateri ah oo Saaka Weerartay Xafiiska Maxkamadda Gobolka iyo Madaxda Ciidanka iyo Garsoorka oo isku Eeddeeyay sababta keentay


Burco(GNA)-Qaar ka kid ah askarta ciidanka qaranka ayaa saaka Hub ula baxay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer iyo ilaalada Maxkamada Gobolka Ka dib markii askari Ciidamada Qaranka ka tirsan loo soo Gooyay waaran qabasho kaas oo ku yimi,Dacwad Dhul  in badan soo jiitamamaysay oo ay isku haysteen nin shacab ah iyo sadex askari oo uu ku jiro.




Kiiskan oo ay maxkamada sare ka soo saartay Qaraar  Fulin ah  2009 kii,ayaa saaka Buuq ka abuuray Maxkamadda gobolka,




 




iyadoo Wariye ka tirsan Mareegta Gobanimonews oo goobta tegay la kulmay iyadoo jahawareer badani halkaasi ka taaganyahay,taas oo keentay in ay shaqadii Garsoorku hakad gasho,waxaanay dadwaynihii Goobtaas joogay sheegeen inay arintani Gef ku tahay Garsoorka iyo Cadaalada.
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer Maxamed Jaamac Cashuur ayaa Ciidamada Milatariga ku eedayay inay Garsoorku ka shaqayn kari la’yihiin ,waxaanu sheegay in kiisas Fara badan oo Fulin u bislaaday ay Hor taagan yihiin,isagoo sheegay in kiiskan saaka Hubka loogula baxay uu Mudo badan soo socday dhawr jeerna uu ka Codsaday Taliyaayasha ciidamada in askartan sharciga ay Horkeenaan, laakiinse dheg jalaq loo siin waayay. 
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer oo dhacdadan saaka ka hadlaya ayaa yidhi ''sidaad ogtihiin anagu waxaanu nahay Garsoor u gar naqa dadwaynaha dhexdiisa iyo dadwaynaha iyo dawladaba,Garsoorku wuxuu u madaxbanaanyahay awoodiisa garsoor sida sharcigu qorayo ama dastuurku inoo sheegayo,saaka wax jiray kiis uu dhibane ka yahay ninka la yidhaado maxamed Cali haaruun,kiiskaas oo ay isku dacwaynayeen,afar askari iyo dadkale oo shicib ah oo hore uga iibiyay isaga,waxaana kiiskani soo galay Maxkamada 2003 dii oo anaan anigu Maxkamdan Gudoomiye ka ahayn dhawr jeerbaa la celceliyay Xukunkii 2003 dii loogu dhawaaqay in,Xukunka Maxkamada sarena waxa uu soo baxay 16.3.2009 waxaana soo saaray sadex Garsoore oo maxkamada sare ah,aniguna waxaan imi 2011 ayaan ugu imi galkan oo fuli soo dhamaystay,waana laga cashuuray oo tii fulinta ahayd ee ugu danbaysay waxa uu ka bixiyay 108650 sln,kiiska intaas soconayay ee maxkamadu Xukuntay waxa hortaagnaa askarta ciidanka Milatariga ee degan gaaska Gobolka.axaanu  yeedhnay taliyayaasooda waxaanu isla fagaranay inay iyagoo xidhan maxkamada keenayaan saaka waxa uu noo yimi isagoo ay laba sarkaal la socdaan uuna xidhanyahay darajadiisii,wuxuuna hoosta ku sitaa baastoolad,waxaanuna u sheeganay siday arintani garsoorka hallis ugu tahay,taliyihii la socday ayaa xafiiska igu aflagaadeeyay,askarigiina waxa uu la baxay baastoolad oo askarigii gaadhka maxkamada ayuu ku qabtay Booliskii iyo dhibanihiiba ku dhufo ayuu is yidhi”ayuu yidhi.




Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Tan oo kaliyana maaha ee ilaa Toban kiis oo fulin  oo maxkamadaha kasoo dhamaaday oo qaar 2000 laba dii kun  yihiin oo aanu sixi la,nahay,mar lalale iyo marka ay maxkamadu u yeedho ayuu wuxu soo gashanayaa dirayskiisa iyo isagoo hubaysan oo baastoolad sita,markaad tidhaahdo waa lagugu fulinayaana waxa uu odhanaya hooyadaa ku fuli,waxaanu u yeedhnaa taliyayaashiisa,waxaanay caadaysteen inay dadka shicibka ha u awood sheegtaan anana aanan waxba ka qabankarayn. sidaas daraadeed waxaanu qabankarnaa ma jirto amaanka Maxkamadu ma sugna kiisaskii noo mudaysnaana way baxsadeen,waxanu codsanaynaa oo ka codsanaynaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Jananka Ciidamada Madaxwaynaha Jamhuuriyada SLN in arintaas saaka meesha ka dhacday oo ay markkhaatiyo ka ahaayeen in ka badan 50 qof wax laga qabto oo hayabadii Garsoorka dib loo soo celiyo,waxa kale oo iyana jira tan oo kale oo fulin ah oo xataa dhulkii la dhisanayo ayuu Gudoomiyuu hadalkiisii kaga baxay”.




dhinaca kale, Dhibanaha kiiskan Maxamed Cali Haaruun oo isna dhacdadan ka hadlay  ayaa Wariyeyaasha u sheegay  yidhi''kiiskani waxa uu ahaa oo dhulkan layaga iibiyay xiligii ina cigaal wuu igaga dhintay,waxaa qabsaday Rayaale,wuu igaga tagay oo hada waxaa jooga madaxwaynahan hada,intaasna waxaan ilaalilnayay sharciga waxaan hor taagnaa Garsoorka waxaan u taagnaa cadaalad markasta oo nimankaas loo yeedhaba waxaa wada saraakiishooda oo odhanaya anaa keenaya markii ugu danbaysay hada waxa ay ahayd in uu isagoo maxbuusa keeno waxa la keenay isagoo dirayskisii wata.waxaanu la gaaf waareegayay baastoolad oo uu is lahaa ku dhufo aniga iyo garsooraha,Nimanakaa aanu dhulka isku haysanaana waa afar askari.
Waxaa kale oo jirta inaan  Maxkamada Milatarigu igu tidhi kiiskani nama Khuseeyo mar hadii kiisku kiis madani ah oo shacab iyo askari ka dhexeeyo saraakiishooda haloo diro hasoo qabaqabteene”ayuu yidhi.
Dhanka kale Taliyaha Aaga Bari ee Ciidanka Qaranka  Maxamed Abokor(Joon) ayaa ku eedeeyay Gudoomiayaha maxkamada Gobolka inuu isagu ka danbeeyayay waxaanu yidhi'' Gudoomiayahaa ka danbeeyay waxan anagu askarigii waanu xidhnay, waxaan filayaa inuu Gudoomiyuhu u badheedhay inuu ciidanka qaranka dhaleeceeyo waana gef cad oo uu kula kacay ciidanka qaranka ma garanayo,waxaan askarta ugu diray in lasoo hubasado kiiska,dabadeedna askarigii oo labisan ayuu askarigii ku maray.waxaan u arakaa ina uu u badheedhay isagoo dano gaar ah ka leh Gudoomiyuhu”ayuu yidhi Taliye Joon oo isna la hadlay Wariyeyaasha.
Si kastaba ha ahaatee iyadoo ay dadwyanaha reer Burco ee saaka maxkamada ku sugnaa ay aarintani ku keenatayay fajac,waxa hay’adaha garsoorka, Maxkamadda sare iyo Ciidamada, Bulsahda Gobolku ka sugayaan Garsoor madaxbanaan.




A.Muuse




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com