Thursday, August 29, 2013

PL: Boosaaso oo Maanta lagu Gubay Malaayiin Lacag Faalso ah iyo Walaac ka Taagan Jahawareer Dhaqaale oo looga soo Waariday Ximin iyo Xeeb


Boosaaso(GNA)-Saraakiisha Amaanka iyo Maamulka Gobolka Barri oo ay weheliyaan Madaxda Degmada Boosaaso, ayaa Maanta dab-qabadsiiyay Lacago Faalso ah oo sida la sheegay laga soo geliyay  Puntland dhinaca Goboladda dhexe ee Somaliya.




Lacag Qadarkeedu dhanyahay 45,000,000 (Afar Boqol iyo konton Milyan) oo Shilin Somali Faalso ah ayaa lagu gubay Magaalada Boosaaso, taasoo todobaadkan lagu qabtay mid ka mid ah Goobaha Cashuur qaadista ee Magaalada Boosaaso.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan laamaha Dakhli uruurinta Puntand qabashada lacagtan ayaa ka dambeysay amar ka soo baxay Madaxda Maamulka Puntland o lagu madnuucayay Isticmaalka Lacagta lagu soo daabacay Ximin iyo Xeeb oo khal-khal dhaqaale ka buurtay Goboladda dhexe ee Somaiya, taasoo horaantii bishan puntland madnuucday.




Munaasibada lagu gubay lacagtan, waxa maanta ka soo qayb-galay, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Puntland, Maamulka Gobolka Barri, Degmada Boosaaso iyo Saraakiisha Ciidanka Puntland, kuwaasoo hadalo ay ka jeediyeen halkaasi uga digay bulshada inay qaataan lacagta Faalsada ah.




Sarkaal ka tirsan Wasaarada Maaliyadda Puntland oo ka mid ahaa Kooxihii ka qayb-qaatay qabashada lacagtan, ayaa Gobanimonews u sheegay in soo dhoofinta lacagtan Faalsada ah lagu qabtay 3 Gaadhi oo nooca Xamuulka qaada ah, ilaa 3 Ganacsade iyo Wadeyaashii baabuurta lagu siday.




“Lacagtan waxa laga soo dhoofiyay Goboladda dhexe ee somaliya oo ay Khal-khal badan ka buurtay, waxaana lagu soo riday Foostooyin waaweyn oo lagu soo cabeeyay, markaa waxaanu ku qabanay oo xidhan ilaa 3 Ganacsade oo laba Sarifleyaal yihiin iyo nimankii Gawaadhida lagu soo qaaday waday, dhamaantoodna way xidhanyihiin”sidaasi waxa yidhi Cabdi-qani Guray oo ka tirsan hawl-wadeenada wasaarada maaliyada Puntland oo Gobanimonews la hadlay.




Waxaanu intaasi ku daray “lacagta isticmaalkeeda waxa la joojiyay markii xagaa jahawareerka ka abuurtay, oo ay $100 ku gaadhsiisay afar Milyan iyo dheeraad, markaa dawladu waxay soo saartay in cidii lagu qabto gaadiid iyo dadba ciqaab la marin doono”ayuu yidhi.




Geesta kale, Boqolaal Milyan oo ka mid ah Lacagtan Faalsada ah ee la gubay, ayaa lagu waramay inay ku jirto gacanta Bulshada Reer Puntland oo ay bilihii u dambeeyay si xawli ah ugu gashay, waxaanay Ganacsadeyaal reer Puntland ahi Gobanimonews u sheegeen inay arintani dhaqaale bur-bur laxaadle u geysanayso Ganacsatada iyo dadka kale ee ay wali Jeebkooda ku sii jirto.




Laakiinse Dawlada ayaa ku doodaysa in hadaan iminka la xakamayn Lacagtaasi ay saameyn aan la mahadin ku yeelanayso guud ahaanba Dhaqaalaha Gobolka, horseedina doonto Sicir-barar iyo Jahawareer daba dheeraada.




Korodhka lacagaha Shilin somaliga ah ayaa inta badan sababa somaliya hoos u dhac ku yimaada sicir Dollar-ka, waxaana taasi bar-bar socda xakamayn la’aan la xidhiidha awooda Maamulada oo aan ahayn mid inta badan gaadhsiisan inay ka hortagto isbed-bedelka Safrifka lacagaha  qalaad oo aan saldhig meel fadhiyin.




Waxaanay taasi sababtay bishii la soo dhaafay dhibaato dhanka nolosha ah oo ay lacag Shilin Somali ah oo six ad dhaaf ah loo soo daabacay geyaysiisay  Bulsahda Deegaamada Gobolka hiiraan ee Badhtamaha somaliya, halkaasoo Jahawareer lacageed ka taagnaa mudo dhawr bilood ah.




Gobanimonews




Boosaaso




Email: editor@gobanimonews.com