Wednesday, August 28, 2013

Villas-Boas: Riyada Gareth Bale Ee Real Madrid Waxa Ay Ku Dhow Dahay Inay Rumowdo.


Gareth Bale ayaa qarka u saaran inuu dhameystiro ku biiritaankiisa Real Madrid, sidaasi waxaa sheegay tababaraha Spurs Andre Villas-Boas.




“Heshiiska waxa uu dhici karaa sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri tababaraha reer Portugal.




“Waxa ay u tahay isaga heshiiskiisa riyada.




“Waqtigaan la joogo labada kooxood waa ay wadahadlayaan. Waxaa laga yaabaa in maalinta ugu danbeysa la isla aado ama waxa uu heshiiska dhici karaa labada maalmood ee soo socota. Laakiin marnaba ma aadan fileynin in heshiiska ugu weyn kubada cagta adduunka in si sahlan uu ku dhaco.”




 




Villas-Boas ayaa sidoo kale sheegay in Spurs ay ka fiirsan doonto inay ganaax lacageed ku soo rogaan Bale madaama uu soo xaadiri waayay tababarka maanta iyo shalayto.




“Waxa uu qeyb ka yahay heshiis weyn oo uu u wareegayo Real Madrid, hadii ay dhacdo nasiib wacan ayaan leenahay, laakiin xaqiiqda ah inuusan tababarka imaan ma ahan dabci wanaagsan.” ayuu yiri.




“Kooxda ayay ku xiran tahay hadii ay go’aansayaan inay ganaax lacageed ku soo rogayaan.”