Wednesday, August 28, 2013

Axmed S. Dhuxul: Faysal Cali Waraabe Guusha ayuu Guul-daro u yaqaanaa, Cali Gurayna waa Nin Guur-guur badan”.


Hargeysa(GNA)-Aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa ka jawaabay Eedeymo ay u soo jeediyeen Madaxda Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay habacsanaan maamul iyo inaanu hogaaminta  ku wanaagsanayn ilaa wakhtigii SNM.




Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo ku-xigeenkiisa 3aad Cali Maxamed Xasan (Cali guray), ayaa waraysi lala yeeshay maalmihii u dambeeyay si weyn u dhaliilay xukuuamdda talada haysa, dhalilahaasoo badankoodu la xidhiidhaan dhanka Maamulka iyo saami qaybsiga Beelaha.




Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa Axmed Saleban Dhuxul, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha Masuuliyiinta Xisbiga UCID, waxaanu tilmaamay inay guusha xukuumadda badhitaarayaan ama bulshada ka indho saabayaan.




“Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ku Guul-daraystay Hogaamintii SNM, wuxuu sheegay inuu hogaaminta waddanka ku guul-daraystay, markaa guusha ayuu  u yaqaanaa Guul-daro”ayuu yidhi Axmed Saleban Dhuxul.




Waxaanu intaasi ku daray “Faysal waa la yaqaanay oo Doorashooyinkii uu ka qayb-galay markii arko inaanu ku guulaysanayn, ayuu la heshiin jiray xisbiga uu isleeyahay wuu guulaysanayaa oo la safan jiray”.




Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID  Muj. Cali Guray ayuu ku sheegay Nin aan  saldhig siyaasadeed lahayn oo guur guur badan, isla markaana xisbiyo badan isaga waregay intii asxaabta siyaasadda Somaliland dhisnaayeen.




Ninka aqalka Madaxtooyada Somaliland afhayeenka u ah waxa kale oo tilmaamay in eedeymaha Mucaaridka uu la murmi doono wax qabadka Xukuumaddu “annagu la murmi mayno cali Guray iyo Faysal toona ee waxa la murmi doona wax qabadka Muuqda ee xukuuamddu fulisay, waddooyinka la sameeyay iyo mashaariicda kale ee dalka laga fuliyay”




Jawaabta Afhayeenka Madaxtooyadu ka bixiyay hadalada ka soo yeedhay xubnaha mucaaridka ah, ayaa qayb ka ah yooyootanka siyaasadeed ee ka dhexeeya xukuumadda iyo Mucaaridka oo  marka mudda laga yar nastaba dib u soo laba kacleeya.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com