Wednesday, August 28, 2013

John Kerry Oo Siiriya ku Eedeeyay In ay Adeegsatay Hubka Kiimikada (DAAWO)


(GNA) Xoghaya arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa dowladda Siiriya ku eedeeyay inay adeegsatay hubka kiimikada.




John Kerry ayaa sheegay in dowaladda madaxweyne Bashar Al Asad ay adeegsatay gaaska sunta ah oo toddobaad ka hor lagu weeraray duleedka Dimishiq ee caasimadda dalkaas.




Waa hadalkii ugu kululaaa ee ka soo baxa Maraykanka tan iyo markii uu dhacay weerarka hubka kiimikada.




Maammulka Barack Obama ayaa u muuqda mid u durbaan tumanayo in uu qaada tallaabo milateri oo ka dhan ah Siiriya.




Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo baarayaal ka socda Qaramada Midoobay ay baarayaan goobta la sheegay in lagu weeraray hubka kiimikada, duleedka magaalada Dimishiq.




Maalintii Isniinta ayay kormeerayaasha Qaramada Midoobay waxay billaabeen inay baaraan goobtaas la sheegay inuu ka dhacay weerarka kiimikada.




DAAWO VIDEO








KU XIDHNAAW GOBANIMONEWS.COM




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimostaff