Monday, August 26, 2013

SLN:Wasiiro Khilaaf hore kala Irdheeyay oo Isku sii Maan-dhaafay Maamulka Dhaqaalaha Haamaha Shidaalka Berbera iyo M/weynaha oo Wado kala mariyay


[caption id="attachment_31308" align="alignleft" width="243"] Dagaal ka dhan ah Wasiir Xirsi oo Madaxtooyada ka dhex bilaamay, Wiil M/weyne Siilaanyo dhalay oo Weerar afka ah u qaaday iyo Sababaha keenay<br data-cke-caption=' id="attachment_31308" align="alignleft" width="243"' data-cke-caption-text='' />[/caption]Hargeysa(GNA)-khilaaf mudo soo jiitamaayay oo u dhexeeyay Wasiirrada Xukuumadda  Madaxweyne siilaanyo ee Madaxtooyada  iyo Ganacsiga iyo Maalgashiga, ayaa sii xoogaystay todobaadkii la soo dhaafay, ka dib markii ay labada masuul isku maandhaafeen Maamulka Dhaqaalaha Haamaha Shidaalka Berbera iyo qaabka loo maamulayo Kharashaadka dawladu geliso.




Arintan ayaa ka dambeysay, markii Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan faro-geliyay hawalaha Haamaha Shidaalka oo aan wali shirkad gaar u maamusha lagu wareejin, sidii Shirkadda Total looga wareejiyayna ay Maamulaan Guddi Wasiiro ah oo Wasiirka Ganacsigu Guddoomiye u yahay, kuwaasoo madaxweynuhu u magacaabay.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo Khilaafkan xogogaal  u ah, Faro-gelinta Wasiir Xirsi ku sameeyay hawlaha Haamaha Shidaalka oo salka ku haya Kharashaad Xafiiska Haamaha Shidaalku dalbadeen oo Wasaaradda  Maaliyaddu ku celisay, iyadoo ku sababaysay inay soo qortaan Foojaro ay ku dalbanayaan baahiyahooda, ayaa sababay in Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hore Khilaaf dhinacyo badan salka ku hayaa ka dhexeeyay Xirsi, si adag uga fal-celiyay arintaasi, isagoo Ashkato ka dhan ah Madaxweynaha uga gudbiyay, kuna war-geliyay inuu waddo ka mariyo gacan gelinta wasiir xirsi ku sameeyay hawsha Wasaaradiisa.




Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha uga dacwooday Xirsi , isla markaana u bandhigay waxyaabo badan oo uu kaga cabanayo, hadii uu ka qaban waayana uu go’aan ka qaadan doono la shaqayn Xukuumadda isagoo ku andacooday inuu xilka ka tegayo hadii Wasiirka Madaxtooyadu hawsha wasaaraddiisa ku maamulo, ama wax ka maamulo.




Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweyne Siilaanyo markii ay dacwaddani gaadhay uu Wasiirka Ganacsiga iyo Maaliyadda u xil saaray hawlaha Maamulka Haamaha Shidaalka ee Berbera, isla markaana Wasiirka Madaxtooyada ku war-geliyay inuu faraha kala baxo, wallow aan war sugan laga hayn Jawaabta uu ka bixiyay.




Khilaafka labadan masuul ayaa soo taxnaa ilaa bishii June markii Wasiirka Ganacsiga laga bedelay Wasaaradda Arrimaha dibada, markaasoo Maxamed Cabdilaahi Cumar Xil ka wareejintiisa u sibir-saaray inuu ka dambeeyay Xirsi Cali Xaaji. Xasan oo inta badal la sheego inuu door ku leeyahay magacaabista iyo Eriga Masuuliyiinta dhigiisa ah ee Xukuumadda ku jira.




Waxaana sida Gobanimonews ka heshay Saraakiil labada xubnood xidhiidh fiicani ka dhexeeyo, sii kala fogeeyay muran kale oo ku dhex maray Heshiisyo ay Shirkad fadhigeedu DUBAI oo Deeqaha Somaliland inay maamusho la doonayay, taasoo sida ay isagu qabteen aan la garanayn, laakiinse la sheegay in Wasiirka Ganacsigu ka booday xidhiidh gaar ah oo Wasiirka Madaxtooyadu la sameeyay.




Ujeedada ay isugu qabteen shirkaddan , ayaa lagu sheegay kala hororsi dhaqaale, ka dib markii  lagu kala booday bedelaadii Maxamed Cabdilaahi Cumar, halka tibaaxo kalena ay sheegayaan inay jiraan arimo sababay  xurgufta ka dhexaysa labadan Nin.




Inkasta oo aanu isku daynay inaanu labadoodaba ka xaqiijino jiritaanka khilaafkooda, laakiinse ay noo suurto geli wayday, hadana warku wuxuu intaasi ku daray in khilaafkoodu sababay wada shaqayn la’aan dhexdooda ah iyo in shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada ee Khamiistii dhaweyd oo Xirsi ka maqnaa Koox Wasiiro ahi madaxweynaha ku war-geliyeen in Wasiirkiisa madaxtooyadu Rinji Madow Bulshada ka saaray Wax-qabadka xukuumadda.




Arrintan ayaa la sheegay inay Wasiir Xirsi Madaxtooyada ugu tagtay, balse lama oga talaabada uu qaaday iyo waxa uu arintaasi kaga jawaabay.




Khilaafyada ka dhex dhaca Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa dadka arrimaha siyaasadda ku foogani  ku tilmaamaan kuwo mar kasta ku sal leh arrimo dhaqaale, waxaana cad inay jiraan kala kooxaysi iyo kala qaybsanaan joogto ah oo xukuumadda ka dhex aloosan, taasoo mar kasta caqabad ku noqota  wada shaqeynta dhexdeeda iyo inay waji mideysan ku waajahdo hawlaha siyaasadeed ee la soo gudboonaada.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com