Sunday, August 31, 2014

Odayga Somaliland ugu da'da weyn oo Ingiriiska u jawaabay


CABDI-WARAABE




  “Mareykan iyo Faransiis midna eedeyn meyno ee sababtu waa adiga Ingiriisoow ee Lugaha ….Xaaji Cabdi Waraabe




Xildhibaan (Gobanimonews)31-8-2014- Xaaji Cabdikariin Xuseen ( Xaaji Cabdi waraabe ), oo  ah mudnaha ugu da’da weyn golaha guurtidda Somaliland, ayaa Dawladda Ingiriiska ah ku weeraray Weedho kulul oo aanay hore uga maqal dawladdahii kala dambeeyey ee Somaliland Soo maray,waxana uu ku tilmaamay Ingiriiska mid ku taagan Aqoonsiga Somaliland.




Xaaji Cabdiwaabe, oo shalay ka hadlaayey dood ay ka yeesheen mudanayaasha golaha guurtiddu  Siyaasadda arimaha dibadda ee Somaliland, ayaa hadal dheer uu halkaasi ka jeediyey waxa uu ku tilmaamay inay dawlada Ingiriisku tahay Cadawga ugu weyn ee ku taagan aqoonsiga Ictiraafka Somaliland waxana uu Madaxda iyo Shicibka Somaliland ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan oo ogaadaan dawlad kalena aanay ku eedeynin ee uu Ingiriisku doonaayo in uu dawlado kale ka dhex sameeyo guddaha Somaliland taasina ay si weyn u la socdaan shacabka iyo dawladda Somaliland kana waantooba arintaasi.




 




Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen ( Xaaji Cabdi waraabe ) oo arimahaasi ka hadlayey waxa uu yidhi  “Maanta waxa inoo cadow ah dawladdii Ingiriis oo damacday inay  Somaliland iyo Somalia isku xukunto, dawlad gob ah ayey aheyd mar qudha ayey dhirbaaxo inagu dhufatay markiina way ina baabi’isay  waa markii ay Xayla salaasa dalkeena siisay , waa markii ay Xadka  Jabuuti dusheeda ka soo qaaday ee beerta ayaan daran la yidhaahdo ee ay Ina-guuxa marisay markaas ayey ina baabi isay inaguna mar ayeynu baabi’ inay oo markii aynu dawladnimada qaadanay ayuu yidhi dawladnimada aan idin baro ee waxa aad yeeshaan wadamada Barwaaqa sooranka gala ragii yidhi geli meyno ayaan ka mid ahaa ee israaca Somalida dooneyey, waxaanan ku nidhi  adigu  haddii aad gobanimadii na  siisay naga tag cirkana mari meysid dhulkana mari meysid ayaanu nidhi labadaasi ayeynu kala ridanay,maantana  Inagii ayuu ina qawaday oo Somalia ayuu u booday Ingiriis”




Xaajiga oo eedeymo kulul u jeediyey dawladda Ingiriiska waxa uu yidhi “Ninka ina horjooga waa Ingiriisa,waxana aanu leenahay Ingiriis  maanta na kari meysid oo dabeecadayada waad taqaan oo dabeecada Somaliland waad taqaan  ninkii maalintii dhaweyd Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka socday ayaanu is aragnay oo waanu wada hadlay oo xaqiiqada waan u sheegay waxa aan ku idhi idinka ayaa cagta nagu haya ee yeynaan kala dhimanin ee dawladdo kale ayaa jira oo Ilaahay ayaa jira ee inaga ayaa is aheyn oo is afnaqaane naga deg oo khadkii aad adigu dhigtay ee waliba nagu soo cidhiidhiday ayaad waliba daba socotaa oo Cali Khaliif Galeydh aad adigu wadaa oo dawladdaha kale adiga ayaa soo hogaaminaaya  oo Mareykan iyo Faransiis midna eedeyn meyno ee sababtu waa adiga ee wax aanad helaynin ha ku haraadin ee ka daa oo labada dhirbaaxo ayeynu kala ridanay ka soo noqo waxana aan kugu dhaafayaa cagta ka qaad oo Ictiraafkayaga adiga ayaa ku taagan ee sii daa oo Caalamka wax ayaanu ku tari anagu wax ayaanu taransan reer nabi aadana wax ayaanu u tari dadkuna waa mid qudha ee cagta naga qaada aanu ka qeybgalo caalamka oo Ictiraafkayaga Ingiriisoow ku dhawaaq oo ku horee”




Md  Cabdikariin Xuseen ( Xaaji Cabdi waraabe )  oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi  “Sidaas ayey dantayada iyo taaduba ku jirtaaye oo dagaalkii ayaanu kula galay oo dhalinyartayadu ku dhinteen oo af iyo adinba waanu kugu raacnay oo waanu kuu hiilinay in badan ee xaq kuugumaanaan yeelan Ingiriisoow maanta dawlad ayaan ka dhex sameynayaa xuduuddii yareyd ee aad na siisay na ma qabato oo Itoobiya walaalo ayaanu nahay oo afrika ayaanu wada nahay Jaarna waanu nahay oo waanu heshiin Itoobiya ee adigu Ingiriisoow (Britain) ha moodin in aanu ku moog nahay ee cagaha iyo lugaha naga la bax  waanu dhisanahay oo xoriyadayadii waanu la soo noqonay ee dhibaatadda naga daa waanu garaneynaa oo Jamhuuriyadda aniga ayaa u da’  weyn oo 120 jirkii hal gu ayaa iiga dhiman oo waxa aan ahay 119 jir intaana Ingiir ayaan la soo shaqeeyey dhawr iyo labaatan sanno ayaan caaqil ahaan oo Ingiriisoow waan ku la shaqeeyey aniga,  aabahay  iyo walaalkeyba way kula shaqeeyeen  oo adeerkeyna waa uu idin la shaqeeyey oo daabeecadiina aad ayaan u aqaanaa ee wax aanad heleynin ha ku daalin ingiriisoow“




Sidoo kale mar uu  ka hadlaayey Xaajigu inay Somaliland Mucaarid iyo Mucaafid meel uga soo wada jeedo qadiyadeeda waxa uu yidhi  “Xalay (Habeen hore )  sidii uu u hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Xuseen sidaas ayey xaqiiqadu naga tahay, waana nin Xisbi Mucaarid ah hogaamiya oo wax aanu ka mideysanahay ayuu ku yidhi gooni isku taaga kaayagii mucaaridka ahaa waa kaas oo waanu ka mideysanaaya  oo ninka hadlaya iyo ninka aamusan labaduba waa ay ka mideysan yihiin Somaliland,waxana aan kaga baxayaa Ingiriisoow ha moodin  ninkaaga Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ku jira iyo kaaga kale intiinuba idinka ayaa Somaliland cagta ku haya ee dhibaato yeynaan kala korodhsan oo aynaan kala dhiman oo xaafad Ingiriis ah ayaan isku wadnay balse idinka ayaa Mareykanka nagu dirayaa iyo inta kaleba oo dawlad waliba dalkii ay gumeysan jirtay iyada ayaa xanaanisa ee hadii aanad na xanaanineynin naga daa cagta aad Ictiraafkayga ku hayso iyo dawlada aad gudahayaga ka dhex dhisayso oo isku dirka naga daa xaqiiqadii ku ogaanaaye”




Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen ( Xaaji Cabdi waraabe )  ugu dambeyntii waxa uu intaas raaciyey “Somaliland-na waxa aan ku leeyahay Somaliland eey yaan lagu furfurin oo gobanimadaada Sheeko sheeko ha kaga tegin  oo Ilaahay mooyaane cid ina bedeli karta ma jirto oo mid aynu ahaano culimo iyo caamo rag iyo dumar xukuumad iyo shicib golayaasha iyo mucaaridba ninka beydhaana isaga ayuubma baydhay oo isaga ayuumba ceeb qaadaya xukuumaduna qumaati haw dhawaaqdo oo hadal cad hawdhiibto Ingiriiska oo waxba dawladdaha kale u sheegan meyno ii isaga ayaa fidnada hogaaminaaya,umaddana waxa aan leeyahay walaalayaal aad ula hadla hadii ay xukuumadda tahay iyo hadii ay wasiiradda tahay oo halka xaajo inaga joogto dee cadaan u sheega oo si cad u hadla”




Sources by Wargeyska SAXANSAXO




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil (Mr Hudle)




Abdiwali1991@gmail.com




Gobanimonews/Hargeysa Office/Somaliland

Muqdisho: 12 qof oo lagu dilay weerar lagu qaaday Xabsiga xarunta NSS-ta


3 askari oo nabad-sugida ka tirsan ayaa la sheegay in la dilay




[caption id="attachment_94226" align="alignleft" width="300"]bomb expolation bomb expolation[/caption]Muqdisho(GNA)-august 31, 2014....ugu yaraan laba iyo toban qof ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday Xabsiga Jilicow ee xarunta Nabad-sugida ee Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.




Saddex ka mid ah dadka dhintay ayaa ka mid ahaa Ciidanka nabad-sugida, 7  la rumaysanyahay inay kooxdii weerarka soo qaaday ahaayeen iyo 2 rayid ah.




Iska hor-imaad xooggan oo ka socday xarunta la wareeray, ayaa socday wakhti 45 daqiiqo ah, kaasoo aakhirkii lagu guulaystay in  Ciidadmada amniga la wareegaan goobta,




War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanku gaashaanka u daruureen weerar gaadmo ah oo ay xarunta xabsiga Jilocow ku qaadeen kooxada nabad diidka Al-shaab abaaro 11:30 galinkii hore ee maanta. Weerarka kooxda nabad diinka oo socday mudo 45 daqiiqo ah ayaa ciidanka dowladdu waxay ku dileen dhamaan xubnihii Al-shaab ee weerarka soo qaaday.




Ragga weerarka soo qaaday ayaa shan ka mid ah waxay ku lebisnaayeen Dirayska Ciidanka Nabad-sugida.




Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkan la doonayay in xabsiga lagagala baxo rag alshabaab ka tirsan oo Maxkamaddu ku xukuntay Dil, kuwaasoo xabsigan ku jira.




“Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay ugu horeyn bogaadinaysaa ciidanka amniga dalka oo sameeyay horumar wax-ku ool ah. Waxay dhanka kale u tacsiyaynaysaa qoysaskii ay ka dhinteen naftood hurayaasha ka tirsan ciidanka aminiga iyo dadkii rayidka ahaa ee halkaasi ku geeriyooday. Waxayna si weyn u dhaleecaynaysaa falalka argagixiso ee ay soo abaabulaan kooxaha nabaddiidka ee Al-shabaab oo ah kuwo diidan nabad iyo horumar ka taabo gala Soomaaliya”.ayaa lagu yidhi beyaan ka soo baxay Wasaarada warfaafinta.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Alshabaab oo ku saabsan weerarkan, waxaase Warbaahintoodu weerarkan ku tilmaameen howl-gal lagu guulaystay oo soo idlaaday.




Weerarkan ayaa maalin uun ka dambeeyay, dagaalkii shalay ciidamada dawladda kula wareegeen degmada Buulo-mareer ee Gobolka Sh. Hoose.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

12 Killed as Army Repels Attack on jail in Mogadishu


[caption id="attachment_94226" align="alignleft" width="300"]bomb expolation bomb expolation[/caption]Mogadishu-Somalia's government forces regained control of a high security prison in the capital that was attacked Sunday by seven heavily armed suspected Islamic militants who attempted to free other extremists held there, officials said.




All the attackers, three government soldiers and two civilians were killed, said Information Minister Mustafa Duhulow.




Duhulow denounced the extremists as "against the security improvements we are currently experiencing here in Mogadishu and all they want is for the world to believe that Mogadishu is not safe. However, loudly we say to them that these foiled attacks strengthen our forces and prove their bravery to the people of Somalia."




Mogadishu's Godka Jilacow prison, the scene of the Sunday morning attack, is a key interrogation center for Somalia's intelligence agency and many suspected militants are believed to be held in underground cells there.




Somali police Capt. Mohamed Hussein said the attackers were "trying to free terrorists held in the prison."




The Somali rebel group al-Shabab, which is linked to al-Qaida, claimed responsibility for the attack that shattered a period of calm in Mogadishu, which is stabilizing after nearly 20 years of chaotic violence.




The attack started when a suicide car bomber detonated an explosives-laden vehicle at the gate of the prison, followed by gunmen who fought their way into the prison. Guards fought the attackers who threw grenades to penetrate the prison's defenses, police said.




 




Soldiers in pick-up trucks rushed to the prison and troops took positions around the facility, residents said.




Mohamed Hassan, a resident who lives near the prison in the neighborhood of the presidential palace, said he heard gunfire and explosions as soldiers and militants fought for control of the notorious jail.




Another resident, Mohamed Abdullahi, described a terrifying scene with bullets "flying around." Ambulance sirens echoed across the capital as those wounded in the attack were taken into the hospital wards for treatment.




The attack on the Mogadishu prison came as government soldiers, backed by African Union troops, launched an assault on militant bases in the southern parts of this Horn of Africa nation.




On Saturday the southern town of Bulomarer, which is about 110 kilometers (70 miles) south of Mogadishu, was seized from militants after hours of fighting.




Al-Shabab used Bulomarer to stage deadly attacks across Somalia, including in Mogadishu, say military officials. The military offensive dubbed "Indian Ocean" is planned to oust al-Shabab from one of its last major centers, said the officials. The loss of Bulomarer would leave al-Shabab's current key base of the coastal town of Barawe vulnerable to attacks.




AP AND Agencies

IRAQ: U.S. Airstrikes Help Break ISIS’ blockade of Northern Town


BY: By TIM ARANGO




[caption id="attachment_94223" align="alignleft" width="300"] Break Militants’ blockade of Northern Town hav been leave Break Militants’ blockade of Northern Town hav been leave [/caption]BAGHDAD — A coalition of Shiite militias, regular Iraqi Army units and Kurdish forces, backed by American air power, on Sunday broke a long siege of Amerli, a town in northern Iraq that for weeks had been surrounded by Sunni extremists who threatened to slaughter thousands of Shiite residents.




The American airstrikes on positions held by fighters of the Islamic State in Iraq and Syria, or ISIS, near Amerli, about 105 miles north of Baghdad, were carried out Saturday night in conjunction with airdrops of supplies to the town’s thousands of besieged residents. The American operation was supporting a ground offensive led by Shiite militia fighters, many of whom once fought fierce battles against American soldiers.




“ISIS militants have fled as our heroes in the Army and the volunteers are progressing at Amerli,” said Qassim Atta, the Iraqi military spokesman, according to a report on state television Sunday.




Security officials said on Sunday that Amerli, a cluster of villages whose population is dominated by Shiite Turkmen who are considered infidels by the ISIS, was not fully liberated but that the combined forces had cleared several villages from the militants. Fierce fighting in the area was continuing Sunday afternoon.




The operation around Amerli is the latest expansion of American military operations in Iraq in recent weeks. First, the American military sent warplanes and drones to destroy millions of dollars of American equipment that had been abandoned on the battlefield by the Iraqi Army and seized by ISIS. Now, the United States has provided air support for several Iranian-backed Shiite militias that are leading the fight against ISIS in Ameril with the help of Kurdish pesh merga forces and Iraqi Army units.




Both the United States and Iran, while not coordinating operations in Iraq, are nevertheless on the same side in the conflict against ISIS. The United States, though, has been reluctant to pursue military operations with Iraq’s Shiite militias. The militias have taken on a primary role in providing security in Baghdad and responding to the advances of ISIS; the Iraqi Army, which had been financed and trained by the United States, has proved largely ineffective.




The Obama administration has tried to avoid being seen as taking sides in Iraq’s sectarian war, because the militias are especially feared by Iraq’s Sunni population. The reality on the ground, however — the growing brutality of ISIS, the humanitarian crisis and the threat of a slaughter in Amerli — appeared to override those concerns.




The nature of the two sides in this war has become increasingly evident as the conflict has evolved. The Sunni extremists of ISIS have been rampaging through Iraq, beheading some of those it captures, carrying out large-scale massacres of Shiites and expelling hundreds of thousands of residents. The Shiite militias, which have in the past been responsible for abuses against Sunni civilians, are largely protecting their own communities and have proved essential to the defense of Baghdad.




Among the militias fighting for Amerli are Asaib Ahl al-Haq, perhaps the most experienced group, as well as Badr Corps, which is led by Hadi al-Ameri, the transportation minister, and a militia linked to the Shiite cleric Moktada al-Sadr, who was one of the United States’ most implacable foes during the long American occupation. All those groups are supported by Iran.




Many officials on Sunday said it was Asaib, a militia that was a particularly fierce enemy of the United States as it was winding down its military role in Iraq in 2011, that has taken on the most prominent role in the fighting for Amerli, in Salahuddin Province.




“I would like to thank the jihadists from Asaib Ahl al-Haq, as they are sacrificing their lives to save Amerli,” said Mahdi Taqi, a member of the regional council in Salahuddin Province.




Mr. Taqi said that Amerli, whose residents chose to defend their city against ISIS rather than flee as residents of other communities did in the face of the onslaught, had been partly liberated from the east side.




Other fighters were advancing toward Amerli from the north.




Karrar Ibrahim al-Asadi, an Asaib fighter in Suleiman Bek, a village to the north of Amerli where ISIS has been in control, said in an interview: “I have been here for 15 days. Today we have destroyed 40 armed vehicles and an entire convoy of ISIS. We will eliminate them all in the next few hours in Sulaiman Bek and once we do, only eight kilometers remain until we enter Amerli. I can see their black flag from here.”




On Saturday night, the Pentagon said that American planes had carried outairstrikes on several ISIS positions, destroying three Humvees, one armed vehicle, a tank and an ISIS checkpoint. In addition, American aircraft, along with aircraft from France, Australia and Britain, dropped humanitarian aid into Amerli. Two American airplanes, the Pentagon said, dropped 10,500 gallons of water and about 7,000 packages of field rations.




The Pentagon statement said that the American operations “will be limited in their scope and duration as necessary to address this emerging humanitarian crisis and protect civilians” trapped in Amerli.




When President Obama first authorized American airstrikes in Iraq several weeks ago, the justification was to protect American civilians in Erbil, the Kurdish capital, which was being threatened by ISIS fighters, and to support humanitarian aid drops on Mount Sinjar, where thousands of Yazidis, members of an ancient sect, had sought refuge from the advancing militants.




More recently, pressure has increased to help the besieged residents of Amerli, as officials worried that ISIS would carry out another mass killing of civilians




 BY:  NEWYORK AND AGENCEIS

Somaliland:Khatumo sought to create anxiety on Saah-dheer”


[caption id="attachment_94220" align="alignleft" width="300"]SLMF AND IRS SLMF AND IRS[/caption]Hargeisa(GNA)-An statement from the Somaliland Foreign Minister blamed the Self declared Regional State Under SFG, of “Khatumo”, and its supporters desist from any further acts that seek to cause tensions and incite civil unrest in Saaxdheer village of Eastern Somaliland.




Statement of Somaliland declares Somaliland agenda to the eastern regions, especially under conflict territory of Sool.




“Following the tensions that arose in Eastern Somaliland in June, the same actors have sought to undermine the stability and territorial integrity of Somaliland by continuing to provoke local conflict and engage in terrorist activities. Ali Khalif and other spoilers in the “Khatumo” rebel movement have ignored attempts to resolve differences through peaceful dialogue and instead continued operating in the Eastern Regions in order to undermine the peace and stability experienced in Somaliland”. Said an statement has been release Sunday, from the Spokes man of the Foreign Minister, Sa’ed Ali Muse.




Alis Statement added to that  “The democratically elected Government of the Republic of Somaliland has the sovereign authority and political legitimacy to maintain peace, protect its citizens, and has the right to intervene within the borders of its territory. The Government of the Republic of Somaliland has clearly stated that it is committed to the peaceful resolution of all disputes and welcomes all opportunities to engage in dialogue with local actors and its neighbours.




However, the “Khatumo” rebel movement has sought to create tension, incite violence and cause civil unrest in parts of Sool region of Eastern Somaliland, which will not be tolerated by the Government of the Republic of Somaliland. The recent violence in Saaxdheer was a direct result of the “Khatumo” rebel movement’s presence in the town, which raised tensions amongst local actors.




We call on the international community to request that the “Khatumo” rebel movement and its supporters desist from any further acts that seek to cause tensions and incite civil unrest in Saaxdheer village of Eastern Somaliland. The international community, Somaliland and its neighbours have a shared interest in maintaining the peace and stability that has been evident in Somaliland for over 23 years.”




 




MINISTRY OF FOREIGN AFFAIRS & INTERNATIONAL COOPERATION




Gobanimonews




Hargeisa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Khubbaro Sheegtay in Khuurada Daawo loo helay


khuuroDadka intooda badani ma helaan hurdo ku filan habeenkii,  halka dad faro-badanina ay hurdo diidaan taa macnaheedu  maaha in aanay si fiican u shaqeynaynin marinka neefsashadu,  laakiin in ka badan malaayiin dad ah waxa ku dhaca hurdo yaraan, taasina waxay ku tusinaysaa inay u tahay astaanta,  xaalad khatar caafimaad darro oo ku timaada qofka.




Inkastoo dadka uu ku yimaado daalka, dhiig karka iyo  madax xanuunka  aan la garanayn, taasina waxay ku tusinaysaa in calaamadahaas oo dhami ay ka yimaadeen  qulubka  hurdada ee ay sababto xanibaada neefsashada hurdada ee  afka qalaad loo yaqaan (OSA) Obstructive sleep apnea




Waxay is weydiintu tahay,  Maxaa sababa xanibnaanta neefsashada hurdada, maadaama dadku ay habeen kasta ay u baahan yihiin hurdo?  waxa laga yaabaa taa jawaabteeda inaad la yaabto,  waayo, waa  khuurada !




Khuuradu qofka waxay ku keentaa inuu kaco habeenkii oo dhan, inteeda badan,  Khuuradu way sahlan tahay  waa mid ku xidhan qaab aad u jiiftsato oo aan ku haboonayn in jidhkaagu uu hello neefsasho wanaagsan oo aad ku raaxaysato, dadka qaarbaa habeenkii ooya iyagoo u baahda cid caawisa, waa marka ay neefsan kariwaayaan hurdada habeenkii,




Habka kaliyaatee lagu joojin karro istaagida neefsashada waxay tahay  in muruqa afkaooda ee daamanka la isku qabto taasina waxay kuu sahlaysaa in si fiican uu ugu furmo hawada oo ay si dhib yar ay u marto hawo-qaadashadii  hunguriga cad.




In ka badan boqol jeer ayey hurdada ka toosaan dadka qaba Xanibaada neefsashada hurdada (OSA),  ka dib aroortii marka ay dadku toosaan waxay dareemaan sidii qof aan helin hurdo ku filan, xaqiiq taasi waa dhab oo may helin hurdo ku filan, mana aha oo kaliya inuu tabanayo jidhkiisu daal badan, balse waxaynu odhan karnaa waa dadka  khuuriyee inay halis caafimaad darro ay ku keeni karto naftiisa, sida hadda la xaqiijiyey khuuradu waxay dadka ku keentaa sida;- Wadne xanuun, Madax xanuun, qalalka, xusuuta oo lunta, acid oo ku noqota, kaadi taga oo kugu badata iyo macaanka.




Sanaddihii ina soo dhaafay  aduunku kumay  guulaysan daawooyin lagula tacaalo dadka uu haleelay xanuunka  khuuradu  ee afka-qalaad loo yaqaano apnea,  mudooyinkaasi  waxa dadkaasi soo wajahay  dhaqaalo burbur kagaga baxayey in mar uun ay helaan daawo ka kaxaysa khuurada, waxay ku isticmaali jireen  guriga qalab u fududeeya inay helaan hawo xiliga hurdaan,  qalabadaas qaaliga ah waxa ka mid ahaa sida,  continues positive airway pressure (CPAP) ,Special  Bi-Level mac hine, Pro vent therapy, oral Appliances, Adaptive servo ventilation (ASV), Nasal Bellow Mask,  Components of a Mask, Styles of Masks, halka dadkaloo badanina  lagu sameeyey qaliin,




Nasiib wanaag hadda waxaas oo dhami way is badelaan , waxa hadda la helay  marro isku haynaysa afkaaga iyo madaxaaga si aanad afkaagu u furmin inta aad hurudo, maradaasi waxay kaa taageeraysaa si dhib yar inay hawadu u mari karto qaybta hawo mareenka ee hunguriga cad.




 




Diyaariye: Dr. Mohamed Farah Qot




Madaxa xafiiska: WM AND EHC ee wasaaradda caafimadka

"Dawladda Ingiriiska Waxaan Leeyahay Maanta Na Kari Maysid"Xaaji C/waraabe


CABDI-WARAABEHargeysa(GNA):-Xaaji Cabdikariim Xusseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland, ahna ruug cadaa nabadeed, ayaa si adag uga hadlay  baaqyada ka soo yeedhay qaybo kamid ah wadamada Yurubta iyo Maraykanka kuwaasi oo ku aadanaa in ay xukuumada Somaliland dib uga soo noqoto qabsashada ay ciidamada Somaliland la wareegeen deegaanka Saax-dheer,waxaana uu sheegay in dawlada Ingiriiska iyo Somaliland ay yihiin laba dawladood oo is dhaqan iyo dabeecad yaqaana,isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in dawlada Somaliland aanay Ingiriiska  marnaba ka aqbalayn in ay gudaha Somaliland ka dhex abuurto dawlada kale iyada oo markii horebaa uu yidhi ay ahayd dawladii dhigtay Xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo dalalka la dariska ah.




 




Xaaji Cabdi Waraabe ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey dood adag oo ay golaha guurtidu ka yeesheen qabsashada Ciidanka Qaranka ee deegaanka Saax-dheer.“Dawlada Ingiriiska waxaan leeyahay maanta na kari maysid,dabeecadayada waad taqaana,dabeecada Somaliland waad taqaan, kii [Nicholas Kay] dharaartii dhawayd noo yimi ee Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka socday waanu soo dhawaynay,waana aanu wada hadalnay xaqiiqadana waanu u sheegnay oo idinkaa cagta nagu haya yeynaan kala dhimanin,dawlado kalaa  jira, Illaahaybaa jira.yeynaan kala dhimanin Ingiriisoow.Inaga ayaa baho ahayn inaga ayaa isnaqaana naga dag, badhtan kayagii aad adigu xadka noo dhigtay ayaad doonaysaa in aad nagu soo cidhiidhido oo aad waliba damacday in aad dawlad kale ka dhisto”Ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe.




Xildhibaan Cabdikariim Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“dawladahana adiga ayaa soo hogaaminaaya oo anagu Maraykan iyo Faransiis midna anagu eedayn mayno sababtu waa adiga ,waxaanad helayna ha ku haraadin,dabeecadayada waad taqaan,ka daa! Dawlad fiican baad ahayd ,dawlad aan guryaha galinbaad ahayd, dawlad aan dadka dhibin baad ahayd dhirbaaxada,labada dhirbaaxo ee aynu kala ridanay ka soo noqo, waa isdabeeco naqaan,waxaan adiga kugu dhaafayaa cagta adiga ayaa nagu hayee cagta naga qaad”Ayuu yidhi Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) .




 




 

Gudoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiilada Oo Ka Gaaabsaday Hawl-galka Saax-dheer Iyo Cali Khaliif


Hargeisa (GNA)-Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa guud ahaanba ka gaabsadey in uu ka hadlo arinta Deegaanka Saax/dheer iyo Caleemasaarkii fashilmay ee Cali Khaliif Galeydh,shaqaashaqadii halkaa ka dhacdey waxaanu ku gaabsadey in aanu afhayeen u aheyn Xukuumada balse, uu yahey Kuxigeenkii Ra,iisal Baarlamaanka dalka islamarkaana, uu ka hadli karo oo kaliya arinta Golaha Wakiilada ee fadhigii maanta.




Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews,ugu waramey Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland,oo uu maanta fadhiistey fadhigii Golaha ee saaka kadib,waxa  xogwarankiisa uu siiyay hadhwanaagnews ku koobay in fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada  lagu ansxiyay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha




iyo Tiknoolajiyada Cali Xaamud Jibriil, oo ay ucodeeyeen 19 Xildhibaan,halka shan kamid ahina diideen labaatan Xildhibaan oo kalena ka aamuseen islamarkaana, uu sidaa ansax ku yahey Wasiirku.




“Anigu Dowllada afhayeen uma ihi kamana hadli arinta Cali Khaliif iyo Arinta Saaxdheer ee xiligan, Xukuumada ka wareysta taasi,Fadhiga maanta waxa kasoo xaadiray 44 mudane,waxa diiday 5 mudane,waxa u codeeyay 19 mudane, waxa ka aamusay 20 mudane sidaasaanu anasax ku yahey maxaa yeelay Sharci ayuu leeyahay Goluhu Xildhibaanada ka aamusay codkoodu waxba kama jiraan weeye diidmana ma aha ogolaanshana ma aha sidaasuu ansax ku yahey ayaan leeyahey Xildhibaanada”Ayuu yidhi Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.




 




Isagoo ka jawaabaya Su,aal la weydiiyay oo ku sahabsaneyd Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland hadal dhawaan kasoo yeedhay, oo uu ku sheegay inaan heshiisyada uu Galo sharciyan la hor keenaynin Golaha Wakiilada Waxa uu ku jawaabay Mudane Baashe.




“Taasi Wasiirku kama hadli karo arintaas,laakiin anaguna marka Madaxweynuhu noo soo gudbiyo sharciyan isagaa leh ayaanu Gole ahaan ka hadleynaa, arimahaasina waa kuwa Madaxweynuhu awooda dastuuriga ah u haysto markaasaana si sax ah looga hadlayaa arintaas”Ayuu yidhi Baashe Maxa,d Faarax.




 

LABA ISKU KAY QABAN LA’A (Q1AAD)


“Maqaal(Article)  kasta oo aan qoraa wax uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa”




Waxaa wakhtiyadan dambe ka socoday meelo badan oo kamid ah waddanka in laga dhiso waddooyin qurux badan, misana marka laga hadlo magaalo madaxadda Hargaysa in Lasameeyo meelo aad u qurux badan oo waddooyin iyo Marmar ay dadku maraan loo sameeyey, oo indhuhu kusoo hiranayaan markaad aragto, Mahadaasna Ilahay loo celinayo, marlabaadkana Dawlada hoose, marsadexaadna shacabka iyo ganacsatada.




Hadaba Nimco waliba Nusqaan leh waxaa jira in wakhtiyadan soo socoda ay kusoo beeganyihiin wakhtigii gu’ga iyo roobabku ka di’i jireen  dhulkeena. Taasina laga filan karo waxkasta oo dhici kara.




Hadaba su’aasha meesha taal waxay tahay waddankeenu ma leeyahay meelo biyo mareeno ah? Misana waddooyinkan cusub ee leh marmarka iyo quruxdu ma leeyihiin meelo biyo mareeno ah? Jawaabta iyada oon la raadin ayaa wax afku kaa xadayaa MAYA ! iyo dee kuwo hore ayaa jiray oo hadda way AASMEEN!(ciid baa ka buuxsantay).




Taasi waa mid khasaare iyo waxqabad la’aan ku ah dadkii iyo masuuliyiintii sameeyey waddooyinkan quruxda badan, waayo sidaan ka warqabno Da’aadka(biyaha roobku) waxay maraan oo qudha waddooyinka taas oo hadhow ka dhigaysa meel ciid iyo dhooqo leh oo nusqaan daro ku ah quruxdii iyo qaayihii ay lahaayeen waddooyinku misa awooda biyaha maraya ay sababaan in godod iyo dilaacyo ay sameeyaan.




Haddaba miyeyna ahayn in kahor inta aan la dhisin waddooyinka in dhalinyarada bilaa shaqada ah ee qaadka iyo garaabada la fadhiya meelaha xun-xun in laga faaidaysto oo la qodo misana ciida laga soo guro meelaha biyo mareenada ah?




Waxaa cajiib ah oo arin lalo yaabo ah in dadkan dawaldu ay doonayaann in ay wax u qabtaan dadka iyo dalka, misana ay rabaan in waxqabadkoodaas ay sumcad iyo sharaf ku yeeshaan si hadhow xiliga soo socoda ay cod uga helaan bulshada, Laakiin taas waxaa ka soo horjeeda oo ah mid lala yaabo in waxqabadkoodii noqodo mid muhiimada uu leeyahay tahay mid wakhti kooban uun la xasuusto ee muddada dheer aan jirin.




Wax laba aan is qaban ah in waddooyin qurxoon oo marmar  leh in la sameeyo oo lugu da’daalo, Laakiin se aan loo samayn meelihii ay ku bedbaadi lahaayeen waddoyinkaas sida meelo biyuhu maraan, Meelo baabuurta iyo basasku waddada uga baxaan xiliga ay istaagayaan (Bus stop), iyo Laydhadh ka dhiga waddadaas qurxoon mid habeenkii muuqata oo leh bilic lugu soo hirto.




Hawsha dawlada hoose waddaa ayaa ah mid dadka shacabka ahi ku macneyeen in ay tahay “Qawda maqashii waxna Ha u qaban”




 




La socod qaybta 2aad .......................AQOONSIGA SOMALILAND




ALLAHA MAHAD LEH




 




 




Qalinkii: Hamse Bashe Muhumed




E-mail: Xamse18@gmail.com




Hargeisa Somaliland

Nicholas Kay ,Somaliland and Sah-dher problems


15677_10201702188351610_1565607976891306479_nNicholas Kay's  policy,  is based on lies, skullduggery and intrusion, as it has been for centuries for the west's policy
Somaliland people have every right to defend their country. We will not allow anyone, whether it's Nicholas Kay, Cervone d’Urso,the European rep or James P. McAnulty of USA to meddle our affairs or to tell us what to do in our land. You ruin Somalia already and now you want to create problems in Somaliland
 




Nicholas Kay has sworn,determined and decided that he will engage fully to undermine Somaliland stability by provoking the locals and he already started it in saaxdheer. Obviously.




How many times we asked these so-called khaatumo rebels to sit with us and have a dialogue to resolve any issues that they may have.  Ali Khalif and his 0.000001% supporters have ignored and refused to resolve differences in a peaceful manner .
We will not let anyone to operate any part of Somaliland in order to undermine our god given peace and stability




Our president  have the full support of Somaliland people. We stand behind fully to the presidents decision to secure our border and kick out the perpetrators within our borders.
We have every right to intervene and solve any problems that arises within the borders of our territory  




We made it clear to the international community that Somaliland is committed to peaceful resolution for any dispute whether it's our locals or our neighbours
We will not ask Nicholas Kay or any other to come and resolve our internal problems or affairs.
We will not allow or tolerate khaatumo or anyone to create tensions between the people of Somaliland




Let us maintain peace in Somaliland, the peace that we and our neighbours have enjoyed for the past 23 years




Somaliland peace means East African peace




Ahmedyasin Mohamed Jama
Aymjama@hotmail.co.uk

Al-shabab banned over handed base of Bulomarer in AMISOM


AMISOMMogadishu -- Somali government troops fighting alongside African Union troops exiled Islamic militants from a southern town they have been controlling, an official said Saturday.




Abdiqadir Mohamed Nor, the governor of Somalia's Lower Shabelle region where the fighting is taking place, said the al-Shabab stronghold of Bulomarer was seized from militants after hours of battle.




"We have finally liberated the town. The enemy elements fled," he said. "The residents have welcomed our troops because we freed them after years of oppression by the terrorists."




He gave no details about causalities.




Bulomarer is about 110 kilometers (70 miles) south of the Somali capital, Mogadishu.




Bulomarer resident Abdullahi Ali said militants fled under heavy gunfire and that the town is now quiet as government troops set up bases on its outskirts.




Military officials say the al-Qaeda-linked militants used Bulomarer to stage deadly attacks across Somalia, including in Mogadishu, and hope the military offensive dubbed "Indian Ocean" can oust al-Shabab from its last major hideouts in the southern parts of the Horn of Africa nation.




The loss of Bulomarer would leave al-Shabab's current key base of the coastal town of Barawe vulnerable to attacks.




AMISOM Spokes man Ali Hamud says “they are leave their heavily war after” said Saturday.




He added “one soldier have died, two other wounded” said AMISOM Spokes man Saturday.




On the Other hand, The governor lower shabelle,  says at least 11 fighters were killed and two solders were wounded during the raid.




There were no initial reports of civilian casualties but witnesses say some residents fled the area.




But Al-shabab’s operations speaker man Abu-mus’ab reject of Amisom’s claim of the upper hand of the war, and he told the Militants media, their fighters are surrounding by the Bolemarer base was over handed, to shutdown or ban it.




Alshabab spokes men named other camps backed on AMISOM. One of them he told Golweyn.




GNA, VOA, AP

Saxaafadda iyo kala Fogaynta Bulshooyinka?Q1-aad


By: WariyeNajiib Cabdiwali




1913478_613634205389128_5049443638502194293_o (1)Saxaafaddu Waa indhaha iyo dhagaha Bulshooyinka Caalamka Udhawaaqaha Dhibanayaasha Aduunka iyo Dheeli Tirka Hanaanka isgaadhsiineed Ee Aduunka.




Sida lawada ugsoonyahay warbaahintu waa curiyaha nabada iyo isu soo jiidaha Araahaha kal fog ee dadka.waxaana marka laqiimeeyo lagu tilmaamaa in ay kaalin mugleh ka ciyaartaa dajinta khilaafaadka kala duwan ee bulshada ka dhex dhaca Waa Marka Ay Dariiqada Saxda Ah U martee Waana mid Ahmiyad Gaar Ahaaneed iyo Mid Guudba u ah dhinacyadaa khilaafaadkaasi ka dhexeeyey .Waxaana loo aqoonsan yahay  in ay tahay tiirka afraad ee haykalka dawladnimo Ee Dalkasta isla markaana qayb ka ah dhismaha iyo ka qaybqaadashada orumarada dalkaas ka jira.




hadaba hadaan usoo laabto dulucda iyo ujeedka qormadan oo aan diirada ku saarayo,kuna socota intabada saxaafada somaalida,khaasatan kuwa ka howl-gala gobolada ay kajiraan khilaafaadka siyaasiga ah iyo kuwa deegaanba ee bulshooyinka u dhexeeya.




mudi inagagama jiro in warbaahinta somalida ay dadkeeda la qabto dib udhaca ku yimid 23 sano ee dowlad la aanta,laakiinse waxaa jira deegaamo ama gobolo ka bad baaday dhibaatooyinka wali taagan,sida somaaliland iyo puntland oo nabad-galyo iyo dagaanaanshiyo kajireen mudadii ka danbaysay xiligii burburka.




kuwaas oo la rabay in ay warbaahinta ka howl-gashaa ka horumarsanaato gobolada qulqulatooyinku daashadeen ee konfurta laakin se waxaa muuqata inaaaney waxbadani isdhaamin qaabka tabinta wararka oo aad moodo in ay dhamaantood ka siman yihiin xataa hadii ay isdhaamaana aan waxbadan ku kala duwaneeyn,marka la eego doorka ay ku leeyihiin Hurinta ismaan dhaafyada xaasaasiga ah oo ay intabadan buun buuniyaan,kuna dhiiri galiyaan dhinacyada is haya in ay colaadaha ka dhexeeya sii xoogaysato.




Tusaale ahaan anigu waxaan joogaa hargaysa waxaana deegaan ahaan kasoo jeedaa buuhoodle,anigoo ah suxufi ka howl-gala warbaahinta afka somaliga ku hadasha.waxaan inta badan lakulmaa afkaaro bulsho oo kal duwan iyo ismaan dhaafyo u dhexeeya deegaano kuwaas oo intooda badan 90% salka ku haya arimo siyaasadeed,oo ay saxaafadu kalin muuqata ku leedahay kala qaybsanaanta jirta.




waxaan inta badan aan arkaa ama aan la kulmaa siyaasiyiin iyo dadka caadiga ah ee labada dhinac oo ay hadhaysay xanafta iyo xurgufta siyaasadeed ee ka kala dhex aloosan dhinacyada is maan dhaafka siyaasadeed ka dhexeeyo,kuwaas oo markaad daraasadayso afkaartoodu aysan kala fogaanshiiyo qoto dheer oo udhexeeya balse aad dareemayso in ay jirto is fahandaro ka dhalatay rabitaanka labada dhinac oo kala duwan taas oo aanay jirin cid ka garsooraty ama isu soo dhawaysay , waxsii kala durkiya mooyaane.




saxaafada ka howul gasha deegaanadaasi waa kuwo udarban sii xumaynta xaalada jirta,halkii ay baadhis qoto-dheer ku samayn lahaayeen xaqiiqada meesha ay ku aroorto arinta laysku hayo.




isticmaalka erayadani waxa ay ka qayb qaataan sii hurinta iyo sii xoojinta khilaafyada laysku hayo ee labada dhinac




1.Kooxda SNM




2.Kooxda Nabad Diidka Khaatumo




3.Beesha Isaaq




4.Maamulka Majeer-teeniya




5.Maamulka Hargaysa




6.Dagaal Ooge




7.Dhiigya Cab




8.Horgal




9.Jamhada




10.Ciidamada Hebel Oo Cagta Mariyey Nabad Diidka Ama Jamhada Heblaayo




11.Huwan




IWM




Hadaba isticmaalka Erayadan oo intooda badan ay adeegsadaan  warbaahinta labada dhinacba waxa ay qayb ka yihiin sii xoojinta xananuunka ka dhashay xurgufta u dhaxaysa siyaasiyiinta labada dhinaca iyo bulshooyinka labada dhanba waana erayo ka baxsan anshaxa saxaafada iyo akhlaaqiyaadka aasaasiga ah halka ay halku dhigyo u noqdeen iminka warbaahinta ka howl-gasha deegaanada labada dhinac.




waxana arintan si guud ugu dhaliilan saxafiga garan waayey  masuuliyada culus ee uu bulshada u hayo iyo siyaa siyiinta u adeegsada abaabulada dhibaatoyinka keena .




Geesta kale waxaa iyana dhankooda ku dhaliilan ururada udhaq dhaqaaq horumarinta saxaafda sida ururka saxafiyiinta somaliland ee Solja oo ay ahayd in ay ka wacyi galiyaan saxafiyiinta ka howl-gala dalka isticmaalada erayada sii kala fogaynaya bulshada ay ismaandhaafayadu hadheeyeen dhankay doontaba ha ahaate waxa ayna illa muuqata in ururada loo igmaday ka shaqaynta arimahan aan kor ku soo xusay in ay qayb ka yihiin  iyaga qudhoodu.




Wabilaahi Tawfiiq




Qore By Najiib Cabdi Wali Cabdi Xiis




Hargeysa




 

Al-Shabaab: Buulo-mareer waanu ku xayirnay cadowga. Dhegeyso


 


Shabeellada hoose: Amisom iyo Al-shabaab oo guulo iyo magaalooyin la kala qabsaday qoloba gaar u sheegatay.hoos ka Dhegeyso laba Waraysi oo cod ah





 AMISOMBuulo-mareer(GNA)-Xooggaga Alshabaab ayaa laga qabsaday Magaalooyin muhiim ah oo kuyaalla Gobolkan Sh. Hoose, kaddib dagaal bilowday afartii habeenimo ee Sabtida.




Milateriga Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM ayaa saaka weeraray dhowr magaalo oo ay fariisimo ku lahaayeen Shabaabku, waxaana isla maantaba laga qabsaday degmada Buulo-mareer iyo goobo kale, sida ay sheegeen goob-joogeyaal iyo saraakiisha ciidanku.




Ciidamada ayaa sheegay inaanau  wax iska cabin ah oo xooggan kala kulmin dagaalka maanta oo ku wajahan sida la sheegay Baraawe iyo Xeebaha kale ee Gobolka, laakiinse alshabaab ayaa beenisay taas.




Faahfaahin badan lagama hayo khasaaraha labada dhinac, hase ahaatee AMISOM waxay qirteen dhimashada 1 Askari iyo laba ka dhaawacmay, Alshabaabna waxay sheegeen inay 20 amisom ah dileen, saddex gaari ka gubeen.




Afhayeenka Ciidamada Amisom Col: Cali Xaamud ayaa sheegay in askari ka tirsan Amisom oo u dhashay dalka Uganda uu ku dhintay howlgal laba kalena ay ku dhaawacmeen.




Xaamud wuxuu sheegay in ciidanku ay xalay saqdii dhexe qaadeen howlgal la magac baxay "Badweynta Hindiya" oo ka dhanka ah goobaha ururka al-Shabaab uu ka haysto gobolka Shabeellaha Hoose, ayuu u sheegay VOA-da.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/buulo-mareer.mp3"][/audio]




Al-shabaab




ALSHABAASLaakiinse Afhayeenka Alshabaab ee howl-galada Abu muscab, ayaa warbaahinta Xarakada Alshabaab u sheegay inay AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya ku go’doonsanyihiin Buulo mareer, dibna ugala wareegeen Magaalada Gool-weyn oo ay AMISOM sheegteen.




Abu Muscab oo faahfaahin ka bixiyay dhankooda sida dagaalku u dhacay, ayaa sheegay inay afarta dhinacba ka joogaan Ciidanka AMISOM iyo Soomaalida ee buulo-mareer jooga, una go’doominayaan sidii Buulo-buurte.




Halkan ka dhegeyso Afhayeenka Alshabaab:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/alshab.mp3"][/audio]




Goor sii horaysay saaka waxa la sheegay inuu baro kac xoogani ka bilaabmay meelaha dagaalku ku wajahnaa, siiba magaalooyinka waaweyn, iyadoo markii dagaalku sii qaraaraadayna cabsidu sii korodhay.




 




 

Dhul ku yaalla Hargeysa oo la Iibinayo. Daawo sawirrada


[caption id="attachment_94181" align="alignleft" width="300"]Dhul ku yaalla goob muhiim ah Dhul ku yaalla goob muhiim ah[/caption]Dhamaan waxa la ogaysiinayaa Dadweynaha Reer Somaliland in loo hayo Dhul deyr leh oo iib ah kaasoo ku yaala Xaafada Bada Cas gaar ahaan agagaarka Dhamka Jigjiga-yarDhulkan oo Cabirkiisu yahay 90X48mitir ama 1 block ayaa waxa uu leeyhay afar Wajahadood oo mid walba ay ka marto wado

Hadaba waxii faahfaahina kala soo xidhiidha Mobile No:0633552900





Hadaba waxii faahfaahina kala soo xidhiidha Mobile No:0633552900

Cukuse oo u Jawaabay Mustafe Dhuxulow


cukuse afka silanyo




Hargeysa (GNA)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in wadahadalkii Soomaaliya ka dhaxeeyey dhaawac soo gaadhay, isla  markaana ay jebiyeen masuuliyiinta u taliya dawladda federalka Soomaaliya, kadib markii ay faragelin ku sameeyeen xuduudaha Somaliland, iyadoo si cad u sheegtay in aanay xuduudaha ciidammada Somaliland gaadheen dib looga laabanayn, hore oo ay uga sii socdaan mooyaane.




Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo shir jaraa’id ku qabtay maanta  xafiiskiisa, ayaa tilmaamay in aanay Somaliland sugida xuduudaheeda iyo ilaalinta jirintaankeeda cidna kala tashanayn.




“Dhuxulow iyo Xasanka soo diray ee Muqdisho jooga ee xeryaha AMISOM ku xareysan nooma hanjabi karaan, mana odhan karaan iyagoo gurigooda difaacan kariwaayay gurigooda ay sariirtu u taal ee ay degan yihiin inay anaga kaayagan qaranka ah ee dawladda ah ee calanku ka taagan yahay ee aan dawlad shisheeye iyo dad kale gacanta ku lahayn, inay annaga talloo ka bixiyaan oo codka saaraan.




Dhuxulow iyo Xasan Sheekh waad jabiseen heshiiskii inoo dhaxeeyay, wadahadalkii  Somaliland iyo Soomaliya waad dhaawacdeen, markuu Dhuxulow ku dhawaaqay inuu ka hadlo qayb ka mida Somaliland, waxay ka aaminsan yihiin. Markii aad Muqdisho xildhibaanno ka soo dirteen inay Somaliland gudaheeda ku shiraan, markii aad u soo dirteen inay Somaliland khalkhal galiyaan, waxaa annagana noo muuqata in wadahadalkii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaliya dhaawacmay,” ayuu yidhi Md. Cukuse.




Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdillaahi Cukuse waxa uu xusay in Somaliland diyaar u tahay ilaalinta nabadda mandaqada, balse ay muuqato in dawladdda Somaliya iclaamisay dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah Somaliland, waxaannu yidhi;“Annagu maanta waxaannu iclaaminaynaa oo qof kasta oo ay ka daahan tahay oo mad madaw kaga jiro u sheegaynaa Somaliland waa Somaliland. Dalkayaga gudihiisa meel ka mid ah oo cidi nagala talin kartaa ma jirto. Dalkayaga gudihiisa waxaannu ka yeelayno, nabaddiisu siday ku sugmayso iyo qaranimada Somaliland sida loo adkaynayo kala tashan mayno qof aan dalkayaga iyo dadkayaga midna ahayn oo dibadda ka jooga.  Wax aan lee nahay Soomaliya haddii ay idin deeqdo nabadii aannu idinkula noolayn ee dhinaca warbaahinta iyo dhinaca millatariga labadaba  annagu diyaar ayaanu u nahay, laakiin waxa muqata xildhibaanadiinii aad u soo dirteen qayb kamida Somaliland waa dagaal aad iclaamiseen idinkoo warbaahinta ka ka sheegay inaad qayb ka tihiin waxa ka socda Saaxdheer. ”




Xukuumadda Somaliland waxay si adag u sheegtay in aanay xuduudaheeda dib uga noqonayn, kuna kalsoon yihiin.  “Kuwa Cali Khaliif dabada ka riixaya ee odaygaa wayn khalkhalinaya inaad idinka tihiina waa wax  caddaan ah oo muuqata, waxaannu leenahay xuduuddayada baac ka mid ah oo aannu dib uga soo noqonaynaa ma jirto, inaannu hore ugu sii socono halkaanu joogno mooyee, Somaliland jiritaankeedu wuu sugan yahay, dalkayaga iyo dadkayaguna wuu isku kalsoon yahay. Waxaanu ku kalsoonahay cududda millatarigayaga iyo dalkayaga” ayuu yidhi Wasiir Cakuse.




Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland waxa uu intaa ku daray in Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay Somaliya oo ka mid ah dalalka qaarada Afrika ugu awoodda badan. “Muqdisho iyadoo Maxamed Siyaad Barre oo Janaraal ah ka taliyo, iyadoo awood badan oo dubaabado wadata, iyadoo quwadeeda isku dhan tahay oo Soomaaliya wixii la’odhan jirey manfac iyo malatariba wixii ay lahad wadata ayey Somaliland waxba ka qaadi wayday oo  Somaliland ay dalkeeda ka saartay, waxaanay  kaga saartay xaqiijinta rabitaanka dadkeeda oo sabab u ahayd inuu meesha ka baxo Siyaad Barre.”

Talo Ku Socota Shirka Ka Furmay XIIN-GALOOL – W/Q: Muuse Fara Laab


muuse(GNA)-Waxaan halkan salaan huwan qiimo iyo qaayoba uga dirayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee saxaafadda. Waxaan mar labaad halkan ka salaamayaa dhammaan asxaabta qiimaha badan ee aan ku leeyahay dhamaan dacallada adduunka.




 




Intaa ka dib, waxaan jecelahay inaan ku soo gudbiyo barta loogu tala galay gudbinta fariimaha iyo odhaahda macquulka ah in lagu baahiyo, kaas oo ah hadal aan badnayd, balse huwan macnoo weyn oo ah waano iyo digniin khuseysa shirwaynaha ka dhacaya gobolkayga (Sanaag-barri),  uuna fahmi karo kii uu maskax Alle siiyey. Aniga oo ah muwaadin kasoo jeeda gobolka Badhan waxaan  maqlay in gobolkayaga uu ka bilaawday shirwayne muddo la hadal hayey, kaas oo ay isugu imaanayaa dhammaan beelaha walaalaha ah oo kala haybta duwan ee ku dhaqan gobolkaas.




 




Shirkan ayaa hadafkiisu waxa uu ahaa in lagaga tashado aayaha iyo masiirka gobolka iyo bulshada ku dhex nool sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen hurumarka baahsan ee ka jira dalka ama geyiga aynu ku dul noolahay, sida aynu ka warqabnana gobolku yahay mid aan haba yaraatee lahayn dhammaan qaybaha daboola baahiyaha bulsheed, kuna haga horumarka iyo aayaha mustaqbal ee muhiimka u ah, kana saara dib u dhaca iyo wixii la hal maala, kaas oo gobolkaygu ku caan baxay, Alle haka saaree.




 




Haddaba, haddii ay bulsho wax garadkeedu meel isugu yimaadaan waxaa muhiim ah in ay ka taliyaan aayaha wanaagiisa iyo sidii loo heli lahaa in laga baxo wixii uu dhaqankeena wanaagsani aanu inoo ogolayn, kaas oo ah wixii Alle raali ka yahay, keenayana horumar iyo is jacayl, noqonna mid sii huriya is-nacayb huwan dib-u-dhac iyo kala fogaanshiyo aan qabiil iyo gar loo qaado toona lahayn.




 




waa hubaal ah in haddii laga taliyo aayaha iyo danteena lagu gaadhi karo rabitaan iyo is jacayl wax wada qabsi keena  danta guud ee bulshada, waxaana sida runta ah taas lagu gaadhi karaa, waa in shirka laga saarayaa kuwa caadaystey danaha gaarka u ah, had iyo jeerna tantooda ka hor mariya danta bulshada, ee muhiimka ka dhiga rabitaankooda, waana kuwa la isla yaqaan’e.




 




Danaystuhu wuxuu qofka wanaagga bulshada ka shaqeeyaa u yaqaanaa cadaw ama wuxuu tusaa indhaha maatada dhalanteed ku aroora dantiisa oo keliya. Laakiin deegaankaga wixii dhib ku keenaya u dulqaadan maynno. Aniguna waxaan ahay mid hadal iyo hiilba wax kaga qabanaya, maadaama oo ay tahay waajibkayga oo aan gutey ama gudanayo inaan wax ka qabto kuwa kala dilaya danta umadda.




 




Waxa caqabadda ku ah deegaanka  waa mid indhaha wax garadku arkayaan, danaha iyo horumarka bulshaduna maaha wax hayb ama isir ku yimaadda ee waa kii ku yimaadda yaa awood iyo kartiba u leh in uu wax ka bedelo xaaladda taagan ee aqoonteeda leh, isbedalna ku keeni kara xaaladdeeda.




 




sidee ayaa laysugu soo dhowayn lahaa dan wadaagta iyo deegaan wadaagta walaalaha ah ayaa ka kow ah, iyadoon loo eegeyn hab qabiil, dadkana loo bari lahaa wax wada qabsiga iyo aayaha ay leeyihiin.




 




1.      In la aaminaa waa muhiim in ay tahay cidda ay wax ka dhexaysaa in ay tahay jabad wadaag, jidiin wadaag iyo jid wadaage.




2.      Maaha in loo gacan haadiyo hayb mid aad wadaagtaan oo aan haba yaraatee wax dan ahi ayna idinka dhexayn.




3.      Waa inaad Jeclaato midka kula dan iyo degaan wadaag ah.




4.       Si aad u raali geliso kan hayb wadaagta aad tihiin laguma gaadho macaanka nololeed, balse waxaa lagu gaadhaa yaa isku dan tihiinoo aad wax wada qabsataan.




 




Aniga oo soo koobaya waxaan ku waanin lahaa ku wanaaga jecel oo aanu isku dan iyo deegaan wadaagba  nahay, waxa inoo wanaagsan aayaha iyo horumarka deegaankeena, oo u baahan in aan ka shaqayno, waa in laga sinaadaa sidii gacanta laysu qabsan lahaa oo hal meel loogu wada dhaqaaqi lahaana laga tashadaa oo shirka guntiisu ahaataa, cidii laga arko dan gaar ahna hal meel looga soo wada jeensan lahaa cadawna loogu arki lahaa, iyada oo aan loo eegayn hayb iyo wixii la mid ah, oo laga shaqayaa isu keenida iyo is jeclaysiinta deegaan wadaagta hamuumta u qaba cidii bari lahayd dantooda kuna hagi lahayd wadada horumarka.




 




Waxaan ku soo ururinayaa wixii qalad ah ee aan galay ALLAAH ha iga dhaafo, in la I saxana diyaar ayaan u ahay.




 




talo waa tan ALLE, ee taladaydu waa danta guud ha loo sinaado, hana laga gudbo habka caajisey ee qabyaaladu aafaysay ee ku habsatey  deegaankayga. Waxaan mahad u naqayaa ILAAHA  inoo abuuray (SW) ee cisiga iyo sharafta inna siiyey.




 




W/Q: Muuse Axmed Maxamuud (Fara Laab)




Email: Xujaale40@gmail.com




Phone: 063-4206242

Ma la gaaray xilligii Nin kasta oo duurka galay iska-soo dhiibi lahaa Xamar, sida Barre?


Barre Hiiraale oo Muqdisho ka degay , isagoo toobad keen ah, ciidankiisiina ku wareejiyay Axmed Madoobe...




barre hiraale iyo RWMuqdisho, 30, August, 2014.(GNA)-Xubno ka tirsan Xukuumadda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudne Cabdullahi Godax Bare, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo Korneyl Barre Aaden Shire Hiiraale ayaa galabta Muqdisho soo gaaray kaddib markii xal laga gaaray khilaafaadkii ka taagnaa Jubbooyinka, lana xareeyay ciidamaddii banaanka magaalada Kismaayo ku sugnaa ee uu hogaaminayay Col. Barre Hiraale.barre hi iyo reysal 




Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Goodax oo saxaafada kula hadlay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ayaa ku tilmaamay go’aanka Bare Hiiraale qaatay mid wax weyn ku soo kordhinaya dib u heshiisinta gobollada Jubooyinka.




 “Geesi waxaa ah ninkii nabadda qaata, maanta Barre Hiiraale wuxuu go’aansaday inuu qaato nabadda, markiise horana nabad-diid ma uu san ahayn, laakiin duruufta ayaa dadka kala fogaysay, waxaa bilowday waji cusub oo dadka Jubbooyinku xal uga gaarayaan khilaafaadka dhexdooda ah” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.




Godax Barre ayaa intaasi raaciyay “Waxaa bilowday shaqo cusub, waxaa bilowday dib-u-heshiisiin dhab ah oo gobollada Jubooyinka laga sameeyo. Dhawaan ayaan filaynaa inuu furmo shir balaaran oo lagu soo afjarayo khilaafaadkii jiray, waxaa farxad noo ah in xubnihii Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay deegaanadaas in ay guul kusoo dhameeyeen wajigii koowaad ee shaqadii naloo xil-saaray”.




Korneyl Barre Aaden Shire (Barre Hiiraale) ayaa dhankiisa sheegay in ciidankiisii lagu xareeyey goobo loo cayimay, bilow fiicana ay u tahay dib u heshiisiinta Jubooyinka




 “waxaan u mahadcelinayaa guddigii golaha Wasiirrada iyo IGAD, howlihii nabad raadinta ee Jubbooyinka oo hormuudka u ahaayeen Wasiiradu ayaan la qaadanay, waxaan soo xaraynay ciidamaddii, diyaarna waxaan u nahay inaan dhamaystirno howlaha inta dhiman ee dib-u-heshiisiintu ugu horeyso”ayuu yiri.




Waftiga Wasiirada ahaa iyo Bare ayaa isla galabtaba, waxay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed iyagoona warbixin ka siiyey heerarkii ay soo martay wada xaajoodkii lagu soo afmeerayey in si nabad ah lagu soo xareeyo ciidamadii ku sugnaa goobweyn.




Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay go'aanka Bare Hiiraale uu qaatay tilaabo wanaagsan iyo guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan dadka Jubooyinka oo colaado iyo khilaafyo ay ragaadiyeen.




" Waxa kaliya ee aan doonayno waa xaaladda oo dagta iyo dadka oo nabad ku wada noolaada. Waqtigii dagaalka waa uu dhammaaday," ayuu yiri R/Wasaare Cabdiweli oo dhanka kale xusay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo ka shaqaynta nabada iyo xalinta khilaafaadka.




Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay wadaxaajood loo dhanyahay iyo wadahadal nabadeed in uu yahay wadada kaliya ee xal waara loogu heli karo khilaafkii u dhexeyay dadka dagan Jubbooyinka.




Col. Barre Hiiraale ayaa ka mid ahaa qab-qableyaashii dagaal ee Muqdisho laga saaray xilligii Maxkamaddaha Islaamiga ah, kaddib markii looga adkaaday Dagaal, isaga iyo isbahaysigii la baxay argagixiso la dirirka ee Muqdisho laga aasaasay.




Waxa uu sanadkan u dambeeyay duur ka ku ahaa Gobollada Jubbooyinka oo uu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii ku loolamay shirkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee lagu dhisay Maamulka Jubaland.




Qorshaha dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo muddo dawladda ku soo taagnayd ayaa u muuqata inay aslaaxday bilihii ugu dambeeyay, kaddib markii isbedel siyaasaddeed la sameeyay.Barre hiraale iyo rw..




Wax kale oo xusid mudan in Barre Hiraale dhawaan ku dhawaaqay inuu ku biirayo xooggaga Alshabaab, isagoo doonayay inuu uga aar-guto dhirbaaxadii uu Sheikh Axmed Madoobe ku maroorsaday madaxweynaha Jubbaland.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com

Siilaanyo oo mawqif adag iska taagay dagaalkii Saax-dheer, xilli shacbigu walaacsanyahay


Dhawaaqa Siilaanyo dhaymo ma u noqon doonaa dareenka shacabka ee  ku aadan Cambaareynta QM iyo EU-da ee sii socota..?




siilaanyo44Hargeysa(GNA)-Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Markii ugu horaysay caddeeyay inay ciidamada Qaranku iyagoo amarkiisa ku socda fuliyeen ka hawl-galkii ay khamiistii ku furteen Deegaanka  Saax-dheer oo saldhig u ahayd dhaqdhaqaaqa siyaasaddeed Cali Khaliif ee Khaatumo.




Tani waxay ka soo soke martay baaqyo iyo Eeddaymo caalami ah oo looga soo jeediyay qabsashada Saax-dheer ee Ciidanka Somaliland, taasoo u muuqata in QM, Midowga Yurub iyo dawladda Soomaaliya dhamaantood ka soo horjeedaan, ujeedada ay doonaan haka lahaadeene.




Inkasta oo aanu si balaadhan uga hadlin amuurtan, hadana sida laga soo xigtay qoraal kooban oo uu xalay soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Twitter-ka, waxa uu ku sheegay inay dawladdiisu adeegyo gaadhsiin doonto Deegaankaas.




 “Ciidanka Qalabka sida ee Somaliland oo amarkayaga ku socda waxay si guul ah u sugeen nabadgelyada magaallo  xuduudeedka Saax-dheer”.ayuu yidhi sida ay Somalilandtoday  soo xigatay, waxaanu intaas ku daray “Dawladdu hadda adeegga ayay gaadhsiin kartaa..”.




Dhinaca kale, ilo-wareedyo  Gobanimonews ka heshay madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaya inay xukuumaddu diyaarinayso qorshe dib u dejin deg-deg ah loogaga sameynayo deegaanka Saax-dheex iyo Gobolka Xaysimo oo uu dhawaan Magacaabay Madaxweynuhu, kaasoo hadda wajigii hore ee dhismaha maamulkiisa uu sameeyay Madaxweynuhu.




Hogaamiyaha Maamulka la baxay khaatumo ee Saax-dheer laga eryay , ayaa madaxweyne Siilaanyo ku eeddeeyay inuu colaad ehli ah ka abuurayo deegaamada bariga, siiba dadka ood-wadaagta ah ee ay labada masuul ka soo kala jeedaan oo gobollo badan wada dega.




Laakiinse Madaxweyne Siilaanyo eeddaasi wax jawaab ah oo cad kamuu bixin, waxaanay u muuqataa inaanu arag eeddeyn micno ku fadhida oo jawaab u baahan.




Dhinaca kale, dhawaaqa Madaxweynaha ka soo yeedhay, ayaa miisaanku doono ha lahaadee waajahaya  dareenka shacbiga ku dhaqan Caasimada oo si weyn uga walaacsan cambaareynaha sii socda ee Caalamka looga soo jeedinayo dawladda, kaddib weerarkan ay ku qabsatay Saax-dheer.




Su’aalaha ugu badan ee ay dadku isweydiinayaan ayaa ah sababtay Maamulka dalku ugu hamranayo Hay’addaha QM iyo kuwa kale ee dalalka ka soo horjeeda arrintan ee dalka ku sugan. “waxay ahayd inay xukuumaddu erido Hay’addaha QM iyo EU-da ee dalka jooga, maadaama ay iyaguba ina ixtiraami waayeen”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida dadka arrimaha siyaasada lafa-gura.




Maxamed oo ah Nin waxna ka qora arrimaha siyaasadda ayaa intaas ku daray “anigu ma garanayo sababta ay xukuumaddu uga aamustay waxan socda”ayuu yidhi. “waxaase loo baahanyahay inay talaabo dhakhso ah qaado”ayuu ku sii daray.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Dhacdo maanta Hogaaminta Siilaanyo Taariikhda u gashay iyo sababta keentay


Shakhsiyadda Wasiirka Kalsoonida Baarlamanka waayay maanta iyo saameynta ay ku yeelanayso xukuumadda. Xog iyo falanqayn..




[caption id="attachment_94164" align="alignleft" width="259"]Wasiir ku-xigeenkii hore ee waxbarashada oo kalsooni kale waayay Wasiir ku-xigeenkii hore ee waxbarashada oo kalsooni kale waayay[/caption] Hargeysa(GNA)-Golaha Baarlamanka la soo doorto ee Wakiillada, Somaliland ayaa kalsoonida ansixinta u diiday Wasiirka Xidhiidhka oo uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magacaabay.




Cali Xaamud Jibriil ayaa fadhigii Golaha Wakiillada ee maanta ay ahayd in lagu ansixiyo wasiirnimadiisa, hase ahaatee waxa uu xildhibaanada kala kulmay kalsooni daro, kaddib markii 2/3, mudaneyaashii fadhiga ka soo xaadiray waxna diideen, qaybina ka aamustay.




Fadhiga ayaa waxa ka soo xaadiray 45 mudane, waxaana shir-guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax.




Wasiirka ayaa ka hor intii aan codka loo qaadin warbixin ka horjeediyay Golaha, iyadoo C.V-giisa aqooneed uu  mudaneyaasha u akhriyay Xoghayaha goluhu.




Kaddib markuu warbixinta jeediyay ayaa cod loo qaaday, waxaana ogolaaday 19 Xildhibaan, 5 ayaa diiday, 20 kalena way ka aamuseen, taasoo mugdi gelisay ansaxnimada xilka loo magacaabay , sababtayna in dib loogu celiyo cod u qaadistiisa, faq iyo wada hadal xildhibaanadii taageersanaa, kuwii ka aamusay iyo shir-guddoonka dhex maray.




Markii labaad ee loogu celiyay cod siinta, ayuu si la  mid sidii hore, u waayay kalsoonida mudaneyaashii hore u diiday iyo kuwii ka aamusay.




“Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka cusub ee xidhiidhka Goleyaasha waxa u codeeyay 19 mudane, 20 ayaa ka aamusay, 5 ayaa diiday, guddoomiyuhuna muu codeyn”. sidaasi waxa fadhiga markii labaad kaga dhawaaqay Baashe Maxamed Faarax oo shir-guddoominayay kulanka.




“sidaas ayaanu ku ansaxay”ayuu sidii yidhi Baashe.[caption id="attachment_94164" align="alignleft" width="259"]calisaaa Wasiir ku-xigeenkii hore ee waxbarashada oo kalsooni kale waayay[/caption]




 




 



natiijo taariikhda gashay 




Arrintaas ayaa dood sharci dhalisay, dhanka kalena laf dhuun gashay ku noqotay Wasiirnimada Cali Xaamud Jibriil oo mar ahaa Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Xukuumadda Siilaanyo, balse inta laga qaaday sanadkii 2013-dii, hadana bishii la soo dhaafay dib loogu magacaabay Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha.




Laguma celin Madaxweynaha, waxa shirguddoonka Goluhu ku dhawaaqay inuu 19 cod ku ansaxay, waxaanay taas dadka qaarkii leeyihiin “waa Xaaraan”. Kuwo kalena waxay ku sheegayaan arrin sax.




“waxba ansaxnimadiisa iyo ansax la’aantiisu sheegi mayso, laakiinse waxa ku dhacay nabar xun”ayuu yidhi falanqeeye ka faalooda arrimaha siyaasadda oo Gobanimonews la hadlay.




Dhacdadan ayaa ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah oo hay’adda Xeer-dejinta uu kala kulmo Wasiir xil loo soo magacaabay, taasoo marka hoos loogu daadego sumcad xumo weyn ku ah Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, siiba aqalka madaxtooyada ee laga soo magacaabay.




Wasiir Cali Xaamud Jibriil, hada ma haysto sumcad wasiirnimo, waxaanu ku fashilmay golaha shacbiga hortooda, oo uu markii labaad soo istaagay isagoo xil loo soo magacaabay, sidaa waxa aamisan khubarada siyaasadda.




waa kuma Cali?




Ninkani waa xubin ku cusub saaxada Siyaasadda ee Somaliland oo ka mid ah dadkii la kowsaday xukuumada talada haysa, waana nin dhalinyaro ah oo kalsooni ka haysta Madaxweyne ku-xigeenka oo dalka oo ay xidhiidh saaxiibtinimo ka dhexeeyeen Aabihii Xaamud Jibriil.




Sida uu sheegay mid ka mida Dadka aqoonta u leh Wasiirka “Saylici wuxuu u shaqayn jiray cali Aabihii”ayuu yidhi aqoonyahan arrintan ka dood ka dhiibtay.




Isagoo lahayn tix-raac siyaasaddeed oo aqoonin, ayaa waxa lagu tilmaamaa inuu yahay shakhsiyad aan  masuuliyadda loo dhiibay ku wanaagsanayn, isla markaana fuddayd badani ku jiro.




Arrinta kale ee taas wehelisaa waxa weeye, sanadkii hore markuu siilaanyo xilka ka qaaday waxa uu ku sababeeyay xil gudasho la’aan “kaddib markii aad ka gaabisay gudashada xilkaad qaranka u haysay waxaan go’aansaday inaan kaa qaado. Hadana mar kale ayuu madaxweynuhu yidhi kaddib markaan ku qancay kartidaada shaqo waxaan kuu magacaabay Wasiir, markaa labadaa digreeto iyamaanu rumaysanaa”.sidaasna magacaabista cali kaga dooday aqoonyahan khabiir ku ah arrimaha maamulka iyo siyaasadda.




Si kastaba ha ahaatee waji gabaxan ku dhacay Masuulkan madaxweynuhu wasiirka u magacaabay oo saamaynaya golaha Xukuumadda oo dhan, ayaa haddii la miisaamo, fashil ku ah xulashada madaxweynaha ee dadka uu xilalka u magacaabayo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Saturday, August 30, 2014

Wax ka ogow Faa,iidada Sanjibiilka


san-228x300(GNA) Waxaa markii u horeysey Wadamada Reer Galbeedka  si wayn ugu fidaya isticmaalka Sanjibiisha, inkasta oo  mudo boqolaal Sano ah ay si joogto ah looga isticmaali jiray Wadamada Asia islamarkaana ay ahayd shay si weyn loo tixgeliyo.




 




Hadaba waxay dadka ku-xeel dheer arimaha caafimaadku daaha ka rogeen in Sanjibiishu ay qani ku tahay walaxda loo yaqaano Gengirol oo loo adeegsado khafiifinta iyo habsami uqul-qulka dhiiga.




 




Marka laga yimaado habsami u socodka dhiigga waxay Walaxda Gengirol caan ku tahay labadan arimood ee soo socda:




 




1): Waxay si aan caadi ahayn kor ugu qaadaa tayada iyo saafinimada dhiiga, si aanay unugyada dhiiga (xambaarayaasha Ogsijiinta) isugu guntamin, marinada Dhiiguna u oodmin taas oo dhalisa in qul-qulkii dhiigu meesha ka baxo.




 




Intaas oo ciladood markay Walaxda Gengirol meesha ka saarto taa macneheedu wuxuu noqonayaa in Dhiigu si aan xayiraad lahayn u socdo isaga oo xambaarsan Ogsajiin ku filan, Nafaqooyin iyo waxyaalaha kale ee daruuriga u ah Jirkeena uu gaarsiin karo Unug kasta oo ka mida Boqolka Bilyan ee Unug ee Jirkeenu ka samaysan yahay.




 




Suurta galnimada arintanina waxay waxtar weyn u tahay khaasatan Wadnaha, wareega Dhiiga, kartida iyo awooda Maskaxda, Gacmaha, Lugaha, Xubnaha Taranka iyo weliba kor u qaadida wax maqalka oo intuba si la dareemi karo awoodoodu kor ugu kacdo.




 




2): Isticmaalka joogtada ah ee Sanjibiishu wuxuu baajiyaa inay inay xargagaan dhex-roorkooduna yaraado Halbowlayaasha, waxaa cilmi baaris lagu sameeyey Sanjibiisha lagu xaqiijiyey inay aad ugu raysteen wax tar weyna u yeelatay  Dadka ka cawda Xubnaha ama laabatooyinka oo xanuuna, yididiilo hor lehna gelisay, iyadoo weliba aanay kala kulmin isticmaalkeeda wax “Side effect-ah”.




 




Sinjibiishu waxay kaloo u dawa tahay Dadka ku dawakha Safarada, Xanuunka ku dhaca Ciridka, Nabarada xanuunka label-belaya, kabuubyada Xubnaha jirka laga dareemo. Intaa waxaa u dheer waxay lid u tahay noocyo aan tiro lahayn oo Bakteria ah, waxayna dejisaa Maskaxda, cadaadiska Dhiiga oo ay hoos u dhigto, Apiete-ka oo ay Qofka u furto, fududaynta Dheefshiidka, ka hortaga Mataga iyo Lalabada, Xabka oo ay ka soo goyso Qofka dureysan ama qufacaya iyo weliba iyadoo wax weyn u tarta Dadka ay dhibto ceshashada Kaadida.




 




Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa jira iyana meelo looga dayriyey Sinjibiisha oo ay ka midyihiin Dadka Nabarada Caloosha ku leh, kuwa Calool ololka leh iyo kuwa Dhagxaantu Kelyaha kaga jiraan, waxaan iyana isticmaalkeedu u fiicnayn Dadka Madax- xanuunka joogtada ah qaba iyo kuwa habeenkii sida lama filaanka ah u dhidida.




 




Waxaa iyadana meesha laga saaray inaad isticmaasho Sanjibiisha hadii qaliin kugu soo fool leeyahay iyadoo Dhakhaatiirtu u cuskadeen halkan inay keeni karto Dhiigjoojinta oo adkaata.




 




Kadib markii la ogaadey waxtarka weyn ee ay leedahay Sinjibiishu waxaa markiiba ka bilaabmay Dalka Germany tartan Shariikadaha Dawooyinka sameeya u dhexeeya, durbadiinaba waxaa Suuqa soo galay laba nooc oo Dawo Sinjibiil ka samaysan.




 




Xigasho: British Medical Journal

Tamaandhada oo la sheegay in aad muhiim ugu tahay raga


tamaandho-300x168(GNA) Daraasaad dhawaan la baahiyay ayaa ku talinaya in cunista yaanyada ay hoos u dhigi karto khatarta kansarka ku dhaca qanjirada shahwada ragga.




 




Raga isticmaala 10 xabo ama in u dhiganta oo tamaandho ah isbuuc waliba waxay hoos u dhigi kartaa 20% khatarta kansarka haleela qanjirada manida ee raga.




 




Kansarka ku dhaca shahwada raga ayaa ah kansarka labaad ee sida aadka u haleela ragga. ingiriiska kaliya 35,000 oo kays ayaa laga helay halka tiro kor u dhaafayso 10,000 ay u geeriyoodeen kansarka manida ku dhaca.




 




Kubarada kansarka ayaa ku talinayso joogtaynta cunto isku dheeli tiran taasoo ay ku badantahay tahay khudradda sida yaanyada, ayna ku yaryihiin hilibka iyo xayra.




 




Xigasho: BBC

Cudurka EBOLA oo u gudbay Senegal


By: BBC-SOMALI




[caption id="attachment_92897" align="alignleft" width="300"]Kooxaha Gurmadka caafimaadka Kooxaha Gurmadka caafimaadka[/caption]Xukuumada Senegal ayaa waxay xaqiijisay qofkii ugu horeeyey dalkaasi ee uu ku dhoco cudurka Ebola, taasi oo ka dhigaysa Senegal waddankii shanaad ee galbeedka Afrika ku yaala ee uu gaaro cudurkan Ebola.




 




Liberia-na waxay sheegtay in ay xayiraada ka qaadi doonto xaafad isku raran ah oo ay karantiishay, kaddib markii halkaas lagu arkay cudurka Ebola.




Wasiirka warfaafinta ayaa waxa uu sheegay in la qaadi doono xayiraada, waxa uuna intaasi raaciyey in ay isku kalsoonyihiin oo ay wax ka qaban karaan cudurkaasi.




 




Xaafadan oo la yiraahdo West Point kuna dhow caasimada Manrovia, ayaa waxa la karantiilay todobaad ka hor, waxaana tallaabadaasi ka dhashay rabshado.




 




Dhinaca kale, saynisyahano tijaabo ku sameeyey dawada lagula tacaalayo cudurkan ayaa sheegaya in ay kala kulmeen boqolkiiba boqol natiijo wanaagsan tijaabooyinkii ay ku sameyeen sideed iyo toban sheybaar.




 




Daanyeero ayaa lagu tijaabiyey daawada oo la yiraahdo Zee-Mapp, hasayeshe weli ma cada in dawada wax tar u yeelan karto bani'aadamka.

Britain oo xoojisay cabsida ah in ISIS weerar ku soo qaado


david comerLondon(GNA)-Reysal-wasaaraha Britain ayaa mar kale ku celiyay wel-welka ka haysta khatarta Khilaafada Islamiga ah ee Ciraaq iyo Syria ku tahay dalkiisa.




Dowladda Britain ayaa sheegaysa in dagaallada ka socda dalalka Suuriya iyo Ciraaq ay sare u qaadeen khatarta uu dalkeeda ugu jiro weerar lagu qaado oo gudaha dalka ka dhaca, taasoo muujineysa cabsida dowladda.




Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa sheegay in kooxdan ammaanka Britain kaga khatar badan tahay dhammaan ururada kale ee adduunka ka jira ee danaha reer galbeedka bartilmaameedsada.




Ma aanu sheegin ra’iisul wasaaraha waxa ay tahay khatarta gaarka ah ee hadda u muuqata, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay si caadi ah u wataan hawl maalmeedkooda.




Mr Cameron ayaa ballan qaaday in la sameyn doono sharci xakameeya dadka Britishka ah ee u dagaallama kooxaha dibeda ka jira, isla markaana laga qaadi doono baasaboorada

Dagaal ku wajahan Baraawe iyo Buulo mareer oo saaka bilaabmay


[caption id="attachment_94141" align="alignleft" width="300"]Tawaangida AMISOM Tawaangida AMISOM[/caption]




Baraawe(GNA)-Dagaal ayaa lagu soo waramayaa inuu saaka ka qarxay degmooyin hoostaga Gobolka Shabeelada hoose.




Ciidamada dawladda Soomaaliya oo kaashanaya Xooggaga Amisam ayaa duulaan ku qaaday degmooyinka Buula mareer iyo Baraawe oo ay Ururka Alshabaab saldhigyo muhiim ah ku leeyihiin.




Dhawaqa rasaasta Madaafiicda iyo hubka noocyadiisa kale ayaa laga maqlayay sida ay dadka deegaanku ku soo waramayaan, waxaana jira baro kac ay dadku iskaga banbaaninayaan in waxyeelo soo gaarto dagaalka oo ka socda Baraawe.




Guddoomiyaha  GobolkaShabeellaha hoose ayaa arroornimada Sabtida BBC-da u sheegay inuu bartilmaameedkoodu uu yahay magaalooyinka Buula mareer iyo Baraawe oo ay haystaan xoogagga Al-shabaab.




La soco wixii ka soo kordha

Afarta Wasiir ee aan dhicin iyo talada Siilaanyo mayla aragteen?


Qalinka. Mawliid Aadan Cumar.




MAWLIIDTaariikhdu waa isbedelka nolosha noolaha iyo bey'adda Illaahay ku uumay oo si taxane ah loo qoray loona sameeyay magacyo laysla yaqaan oo dhamaan aadamaha dunidan kunool muslin iyo gaalba ay ka siman yihiin isticmaalkeda inkasta oo ay jiraan astaamo iyo tafaasiil ay ku kala qotomaan.




Hadaba taariikhda oo ah qodobka ku lamaan nolosha aadamaha iyo isbedelada dhacdooyinka dabiiciga ah iyo kuwa sanaaciga ahba ma soo koobi karo balse intaasi xusid inoogu filan.




Sidaasi awgeed qormadan halku dhigeedu yahay { AFARTA WASIIR EEN DHICIN IYO TALADA ODAYGA  MAYLA ARAGTAAN!!!}




Waxay si kooban u iftiiminaysaa sooyaalka taariikhda hogaamineed ee madaxweynayaashii soo maamulay sadex iyo labaatankii sanadood ee ay somaliland madaxbanaanideeda dib ula soo noqotay, sidoo kale waxay qormadani tibaaxo ka bixinaysaa labada hab maamul ee nidaamkii Axdi-qarameedkii beelaha ku wada dhaqan somaliland, Iyo Nidaamka Asxaabta siyaasada ee xorta ahi waxay ku kala duwan yihiin iyo in kala duwanaanshahi wax  isbedel ah ku sameeyay bulshada somaliland guud ahaan ama gaar ahaan qaybo ka mid ah bulshada.




Hadaba marka aan dib uraacno sooyaalka taariikhda maamul ee madaxdii soo hogaamiyay somaliland waxaan ku bilaabayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee somaliland AHUN. Marxuum C/Raxmaan Axmed Cali (Tuur) Waxa uu ahaa hogaamiyihii ururkii SNM ee keenay xoriyada iyo madax-banaanida somaliland sanadkii 1991 waxa uu noqday M/weynihii Kowaad ee loo dortay jamhuuriyadda somaliland oo dib uga noqotay midnimadii somaliland iyo somaliya1960, Sidaasi Awgeed Madaxweyne marxuum c/raxmaan waxa uu ku suntan yahay taariikhda somaliland laba qodob oo taariikhda s/land dhismaheeda ah, waana Dib u xorayntii s/land hogaaminteedi iyo Ku dhawaaqistii madaxbanaanida somaliland hogaamiyaheedi kowaad.




Sidaas awgeed ka dib markii Marxuum C/raxmaan-tuur loo caleemo saaray hogaamiyaha qaranka somaliland inuu madaxweyne ka ahaado Laba sanadood wuxuu dhisay gole xukuumadeed iyo dhamaan hay'adihii dawliga ahaa wuxuuna dhidibada u taagay qaabkii ama hanaankii dawladnimo.




Intaasi kadib hogaamintii maamul ee marxuum M/weyne C/raxmaan waxay si xawli ah u dhaqaaqday 1991 May 28 Ilaa March 1992 hadaba qofkasta oo xogogaal u ahaa dhismihii qaranimo ee wakhtigaas uu madaxweynaha ahaa marxuum C/raxmaan wuxuu ka markhaati furayaa in tobankaa bilood ee u horeeyay ka dib ay ka xoog badatay mucaaridad ay kula kaceen garabkii calan-casta oo aad uga soo horjeeday hogaaminta marxuum madaxweyne c/raxmaan mucaaridadaasina waxay sababtay in saraakishi calan-castu Beel beel u qaybiyaan ciidamadii SNM ee dawladu qaramaynaysay ciidan qaran oo ka kooban dhamaan beelaha somaliland taasina waxay sababtay inay kala dhaqaaqan Guutooyinkii u horeeyay ee laga dhigaayay ciidamo qaran.




Hadaba qormadan hogaaminta madaxweynayaashii u kala danbeeyay maamulka somaliland iyo sooyaalkoodii maamul waxay inoo qiimayn doontaa madaxweynayaashaasi habkii maamul iyo duruufihii la soo darsay nidaamka dawladeed ee ay inagu hogaaminayeen, sidaasi awgeed Madaxweyne Marxuum C/Raxmaan wuxuu la kowsadey duruuftii ugu adkayd ee qaranka somaliland ka soo gudbo, duruuftaasina waxay ahayd tafaafulka iyo dagaalkaas ay kala hor yimaaden  saraakiishii calan-casta ahaa oo ka faa'iidaystay awood la'aanta nidaamka dawladeed oo taagnaa dhibkii kowaad ee dhismaha qaran madax-banaan, sida xaqiiqadu tahay waxaa lagu tilmaami karaa kooxdaas calan-casta ahayd cadawgii ugu xumaa ee somara somaliland.




Hadaba qaybta kowaad ee qormadan waxaan ku soo koobayaa intaasi.




Hadii Allah Yidhaahna waxaan  Qaybta labaad ku dhamaystiri doona inta ka dhiman taariikhda maamul ee Madaxweyne Marxuum C/raxmaan Axmed Cali iyo sifooyinkiisi dulqaadka iyo geesinimada lahaa Insha Allah.




 




WABILLAAHI TAWFIIQ




Mowliid Aadan Cumar




hargeysa 4410898




mawliid1991@gmail.com

Ururka BDT ee kulan xog-waraysi ah ku qabsaday Bariga London


IMG-20140825-WA0001




 



London(GNA)-Waxa ka qabsoomay xaafada Newham ee bariga magaalada London kullan casho sharaf oo isugu jirta soo dhaweyn iyo xog-waraysi, taas oo ay soo agaasimeen gudiga BDT ee magaalada London. Sida laga warqabo ururka BDT waxa uu ka fuliyey mashaariic wax-ku-ool ah degmada Ballidhiig kuwaas oo isugu jira waxbarasho, caafimaad iyo adeegyada aasaasiga u ah nolosha dadweynaha ku dhaqan degmadaasi.




Kullankaas waxaa lagu furay duco iyo xusida illaahay. Intaas kadib, waxaa hadallo isugu jira soo dhaweyn iyo guudmar waxa kullanku ku saabsanaa halkaas kasoo jeediyey gudoomiyaha BDT Cismaan Cige oo ku dheeraaday taariikhda faca weyn ee ay leedahay degmada qadiimiga ah ee Ballidhiig. Gudoomiyuhu wuxuu aad ugu dheeraaday qorshayaasha uyaala hay’ada BDT waqtiga dhow.




Waxaa isaguna warbixin kooban oo ku saabsan xaalada degmada halkaas kasoo jeediyey Ibraahim Aadan Dal-dal oo dhowaan kasoo noqday wadanka oo sheegay in maalgashi qurbajooga looga baahnyahay iyo inay wadankii iyo degmadaba dhaqaale iyo dhismaba geliyaan.IMG-20140825-WA0000 IMG-20140825-WA0006 (1)




Intaad kadib, waxaa xog-waran dheer goobta kasoo jeediyey Abokor Ibraajhim Xasan (Qoorgaab) oo kamid ah aasaasayaashii ururka BDT kuna dheeraaday qaabkii lagu billaabay ururka iyo mashaariicda uu illaa hada laga fuliyey gudaha degmada Ballidhiig isaga oo ururku ka qayb qaatay mashaariic kale oo badan oo laga fuliyey meelo badan oo Somaliland amaba deegaamada bariga Somaliland ah. Waxa kale oo uu Abokor xusay inay tahay waajib in lasii wado mashaariicdaas khayriga ah iyada oo xaga illaahay ajar iyo xasanaad lagaga helayo.




Waxaa iyaguna hadalo kooban goobtan ka sheegay Yuusuf Goo-gooye oo soo noqday gudoomiye ku xigeenka degmada Ballidhiig, Max’ed Carablow oo kamid ah hogaanka ururka BDT ee UK, Faarax Maex’ed Cabdille Qorax, Max’d Abokor Dubbe, Baashe Faarax Dheere, qoraaga iyo weriyaha weyn Maxe’d Baashe X Xasan oo dhammaantood hadalo isugu jira soo dhaweyn ku aadan Cali Jaamac iyo weliba guubaabo goobta kasoo jeediyey.




IMG-20140825-WA0007




Waxa ugu danbayn halkaasi ka hadlay Cali Jaamac Galaal oo ugu horayn ka sheekeeyey waayihii iyo dhallinyaranimadiisii oo uu kusoo barbaaray degmada Ballidhiig iyo wixii uu ka xusuusto, wuxuuna xusay sida ay lagama maarmaanka utahay in lasii ambaqaado  hawlaha horumarinta ah ee kasocda degmada oo uu aad ugu amaanay qorbajoogta oo uu ku tilmaamay lafdhabarka waxqabadka degmada. Cali waxa uu xusay inuu sanadihii udanbeeyey si isdaba jog ah utegayeye wadanka mar kastana booqanayey degmada uuna isha kuhayey kana qayb qaadanayey barnaamijyada horumarinta isaga oo ballanaaday marka uu Cumaan dib ugu noqdo inuu abaabul horleh ka dhexbillaabi doono jaaliyada kunool halkaasi oo ay kamid yihiin xubno badan oo degmada Ballidhiig kasoo jeeda.IMG-20140825-WA0006




 



Cali Jaamac Gallaal waxa uu aad uga mahad celiyey sida wanaaagsan ee ay usoo dhaweeyeen xubnaha BDT London. Halkaasna waxaa lagu soo afmeeray kullankaasi qiimaha badnaa.




 

Dawladda Soomaaliya oo cambaareysay Dagaalkii Saax-dheer iyo Jawaabta Hargeysa


Faysal Cali Waraabe oo u jawaabay Nickolas kay iyo beesha Caalamka  dagaalka Saax-dheer...




DhuxulowMogadishu, 29 August 2014 –(GNA)- Dawladda Soomaalida ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay weerarkii hubaysnaa ee ka dhacay deegaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool.




Wasiirka Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow oo maanta ka warbixiyey mawqifka Dowladda Federaalka ee ku aadan shaqaaqadii shalay ka dhacday deegaanka la yidhaardo sax-dheer ayaa tilmaamay inay DF ka xuntay wixii dhacay.




“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay weerarka hubeysan ee ka dhacay degaanka Saaxdheer, kaas oo geystay khasaare isugu jira naf iyo maalba.”




Wasiirka oo hadlakiisa sii wata ayaa yiri “Dowladdu waxay ku baaqeysaa in la joojiyo dagaalka lagana dhowrsado warar colaadda sii hurinaya xaaladana uga sii daraya. Dowladdu waxay aamminsan tahay in ay dadku xor u yihiin xaqna u leeyihiin in ay si nabadgelyo ah isku imaadyo u samaysan karaan, sidaa darted waxaan ku baaqaynaaa in dadkii lagu qabtay Saaxdheer la sii daayo xuriyadoodana loo soo celiyo si ay arrintaasi ugu adeegto nabadda iyo isu soo dhawaanshaha.”




Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Soomaaliya waxay maanta u baahan tahay nabadgelyo, xasilooni iyo horumar taas oo ku imaan karta isxaqdhowr, isfaham iyo wadahadal lagu xalliyo wixii is afgranwaa ah ee jira. Sidaas darteed waxaan dhinacyada oo idil ugu baaqaynaa una soo jeedinaynaa in la wada hadlo caqliguna uu taliyo.”




Somaliland ayaa horey ugu eeddeysay Maamulka Federaalku inay  Somaliland dhexdeeda ka wadaan abaabul nabad-gelyo daro iyo hurin colaaddeed oo siyaasadda Salka ku haysa.




Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Taliyaha Ciidanka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale oo khamiistii la soo dhaafay warbaahinta la hadlay, ayaa labadooduba carabka ku adkeeyay inay fashiliyeen duulaan laga soo maleegay Koonfurta Soomaaliya oo lid ku ahaa qarannimada Somaliland.




Horayna wasiirrada  Caafimaadka iyo Arrimaha gudaha  Somaliland Dr. Saleban Ciise Axmed iyo Cali Waran-cadde, ayaa maamulka xasan sheikh Maxamuud ugu eeddeeyay inuu  faro-gelin siyaasaddeed ku hayo dhulka Somaliland, kana dambeeyo kooxaha abaabulka ka wada sool ee Khaatumo la baxday.




Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna ka jawaabay dhawaaqyo ka soo yeedhay QM oo lagu cambaareeyay weerarka Saax-dheer, kaddib markii Ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya maanta cambaareyn iyo baaq ka soo saaray iska hor-imaadkii saax-dheer ka dhacay Khamiistii.




Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaanay waxba uga shan iyo toban ahayn Somaliland baaqyada Beesha Caalamka iyo Qaramada midoobay, ilaashanayaana xuduudaha dalkooda oo aanay cidna ka ogolaanaynin inay ku soo xad-gudubto ama maamulo kale ka samaysto.




Dhawaaqyadan isu hal celinta ah ayaa yimi, kaddib markii ay khamiistii la soo dhaafay ciidamada Somaliland weerar ku qaadeen saldhig uu abaabul caleemo saar madaxweyne ka socday oo ku yaallay deegaanka xuduudka Itoobiya saaran ee Saax-dheer.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com

Galaydh Oo Siilaanyo Ku Eedeyey Inuu Dagaal Sokeeye Hurinayo Daawo Video


galaydhMadaxwenaha Maamulka labaxay khaatumo ayaa ku eedyeey madaxweyne siilaanyo inuu hurinayo colaad saamayn wayn ku yeelata wada naalaan shiiyaha dadka walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanada 100 kmt isu jira waa siduu hadalka u dhigaye waxa uuna sheegay in uu wixii khasaare ah ee dagaalkaasi sababo uu ka masuul yahay madaxwene siilanyo 




Geesta kale waxaa toga erigo oo sida ay sheegen uu ka dhacay xaflada caleema saarka galaydh isla markaana ay xilalka kula kala wareegeen madaxweynihii hore ee khaatumo maxamed yuusuf jaamac indho sheel iyo cali khaliif  ayuu ku sheegay maxamed yuusuf jaamac in aysan jiri doonin wax wada hadal ah iyo wada xaajood tona aysan la gali doonin somaliland waa sida uu hadalka u dhagaye 





Hoos ka daawo Video Ga Caleemo Saarka iyo Qudbadaha Labada Madaxweyne




[youtube http://www.youtube.com/watch?v=wkAIZDZYOyM]




 

Qoys saddex Ubada ku waayay guri gubtay oo sadaqo loo uruurinayo. Daawo


qoysHargeysa(GNA)-Magaalada Hargeysa waxa dhawaan ka dhacay Musiibo aad u naxdin badan oo ku habsatay qoys danyar ah, kaasoo ay saddex Ubad ahi kaga dhinteen gurigoodii oo gubtay.




Masiibadan oo ahayd mid argagax badan abuurtay, ayaa sababtay in hooyadii iyo aabihii qoyska wada lahaa oo qudha ku soo hadhaan reerkii, halka saddexdii ubad ahaa ee ay dhaleen iyagoo shuf-beelay laga soo saaray Gubadkii guriga.




Hadaba qoyskaasi dhibaatada naxdinta badani ku dhacday, ayaa loo gurmaday si inta hadhay naftooda loo badbaadiyo Mustaqbalka, ugana soo kabtaan mushkilada haleeshay, ee Goblanka iyo guri la’aanta isugu jirta.




Dadka u gurmaday Qoyskaasi waxa ka mid ah Sheikh Aadan Xaaji Maxamud Xiiray (Aadan Siiro) oo kaalin firin fircoon kaga jira dadka u dhaqdhaqaaqa u samo-falida kuwa dhibaateysan ee itaalka daran, kaasoo Jimcihii Masaajidka Xawaadle kaga dhawaaqay in gurmad deg deg ah loo fidiyo Qoyskaasi.




Sheikh Aadan Siiro ayaa khudbadiisa Jimcaha ku soo qaatay Qiimaha sadaqada, si qoyskaa loo taakuleeyo oo sadaqo loogu uruuriyo, isagoo khudbadaas dhinacyo badan oo ku saabsan muhiimada sadaqada kaga hadlay.




Halkan hoose Daawo Khudbada Sheikha: