Saturday, August 24, 2013

Khadar M. Cakulle: ka Bixitaanka MSF ee Somaliland muxuu Daaranyahay?Faallo.


Dhawaaqii uu madaxweynaha Hay´da dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn ee Caalamiga ah ee MSF Dr Unni Karunakara uu ku shaaciyey 14-kii bishan August inay dhamaan joojiyeen hawlihii gar-gaarka caafimaad ee ay ka wadeen Dalka Somalia waxa uu qiil uga dhigay halis iyo khataro ku gedaaman shaqalaha kala duwan ee ,MSF kuwaasi oo ka hawlgala sida uu sheegay Dalka Somalia iyadoo warmurtiyeedkiisa oo koobnaa uu ku tilmaamay magalooyinka ay ka baxeen sidan:




Muqdisho, Afgooye, Dayniile, Baladweyne, Diinsoor, Gaalkacyo, Jilib, Jowhar, Kismaayo, Mareerey ee Dalka Somalia iyo Magalada Burco ee Caasimada gobolka Togdheer Somaliland.




 Hadaba, sida ku cad warmurtiyeedka madaxweynaha (MSF) waxa ugu weyn ee uu sababta uga dhigay ka bixitaanka iyo joojinta hawlahoodii caafimaad ee Somalia waa arimo  dhinaca amaanka ku lug leh,marka aynu toos u qaadano qodobka ammaan darro ee ay cabashadoodu ku saleysan tahay, hadaba waxa  suaasha ugu horeysa ee cabashada MSF dulsaarani ay tahay hadiiba uu (MSF)Madaxweynahoodu cadeeyey oo uu isagu afkiisa ka sheegay inaanay xaalada nabadgalyo darro ee dalka Somalia ka jirta aanay ku sii shaqeyn Karin maxaa kalifay inay liiska magaalooyinka ay ka baxeen ku soo daraan magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco oo ay xaqiiq tahay inay ka ammaan baddan tahay xataa Magalada Nairobi ee uu shirka jaraa?id ku qabtay?




Suaasha labaad ee iyana ka dhalatay isla qodobkan waxay tahay MSF Magaalooyinka Koonfurta iyo badhtamaha Somalia waxay kaga hawl-galayeen xaalado cakiran oo aan u saamixin marna inay heshiis iyo hab maamul ay ula galaan shaqadooda iyadoo ay sababtu ahayd  dowlad dhexe iyo hanaan dowladnimo oo  aan ka jirin dalkaasi darted balse  gacan ku haynta Cusbitaalka magalada Burco waxay salka ku haysay heshiis iyo nidaam dowladnimo oo loogu wareejiyey maamulkiisa iyo gacan ku hayntiisaba taasi oo macnaheedu yahay inay labada dhinacba waa Dowlada Somaliland iyo Hay´da Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn ee (MSF) ay ku qanacsanaayeen wada shaqeynta iyo baaxadda baahida caafimaad ee Cusbitaalka ka muuqatay taasi oo ujeedadeedu tahay inay MSF garawsatay xaqa bukaanku u leeyahay inay helaan adeeg caafimaad oo ku filan islamarkaana ay baahida  muuqatay  tahay mid ka awood badan tamarta Dowladda Somaliland oo aanay dabooli karin, sidaasi dartedna ay ku ogaalaatay inay la wareegto oo ay si buuxda u maamusho adeega iyo hawlaha caafimaad ee Cusbitaalka Magalada Burco.




Waxaanay Hay´da dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn ee MSF ay  horumar weyn ay ka sameysay kuna guuleysatay inay adeeg caafimaad oo tayadiisu aad u sareeyo ka fuliso Cusbitaalka Burco, iyadoo Cusbitaalkuna uu noqday mid bukaanku uga yimaadaan gobolada maamul goboleedka Somalia ee puntland iyo gobollada dhexe ee isla dalka Somalia taasi oo dowladda Somaliland iyo shacabkeeduba amaan iyo bogaadin ugu hayeen hayada MSF,hadaba siday isugu xidhmi karaan labadaasi Xaaladoodd ee aadka u kala duwani waa suaasha labaad?




Suaasha sadexaad ee iyana ka taagan go,aanka MSF ay kaga baxday dalka Somalia iyo magalada Burco ayaa waxay tahay Sida ku cad mabaaddiida iyo anshaxa( Principles and ethics)




Caafimaadka ee Caalamiga ah waxa ugu horeysa inay hayadaha ka shaqeeya arimaha  caafimaadka iyo gar gaarka aadamnimo  dhexdhexaad u noqdaan  bukaanka iyo bulshada ay u fulinayaan adeega caafimaad iyo gar gaar  iyadoo loo fulinayo adeegaasi si siman oo aan loo eegayn midab, diin, dhaqan,siyaasad ama waxa uu bukaanka iyo bulshadu  aaminsan tahay hadaba mar hadii aynu qoraal ku hayno hadalka Madaxweynaha Dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn ee kuna cadeeyey inay amaan darro darteed uga baxeen Somalia qodobkaasina aanu ka jirin Magalada Burco iyo guud ahaan Somaliland toona Maxay MSF ku ciqaabtay dhamaan bukaankii iyo bulshadii ay ugu adeegayeen Cusbitaalka magalada Burco islamarkaana ay u lumisay masuuliyadii iyo waajibaadkii ka saaraa bukaankii ay gacanta ku haysay ee isugu jiray kuwo ladan iyo qaar culusba ?




iyadoo ay talaabadani noqonayso marka dib loogu noqdo xeerarka iyo mabaadiidda Caalamiga ah ee dhinaca caafimaadka arin danbi ah ama gef ah oo ay ka gashay bukaanka Cusbitaalka magaalada Burco oo aan talaabadan galabsan.




Suaasha afraad ee iyana ka dhalatay isla goaankan MSF ayaa ah habka ay u shaacisay ama u soo bandhigtay goaankeeda iyadoo aanay jirin Waxa qoraal ah ama la socod siin ah oo ay  Hayada dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn ee MSF u gudbisay Dowlada Somaliland sida ay  cadaysay Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland sidoo kale Hayada  MSF kumay sheegin warmurtiyeedkeedii wax xidhiidh ah oo ay kala sameysay arintan dowlada Somaliland, waxaanay dowlada Somaliland ka maqashay goaanka ay MSF kaga baxday magaalo madaxda Gobolka togdheer ee Burco hayadaha warbaahinta ee afsoomaliga ku hadla taasi oo iyana si cad uga hor imanaysa habka ay u shaqeeyaan Hayadaha Samafalka Caalamiga ah iyo xataa nidaamka maamuul ee ka dhexeeya laba dhinac oo heshiis wada shaqeyneed ka  dhexeeyo .




Waxaana  Dhakhaatiirta aan Xuduuudda lahayn ee MSF waajib ku ahayd inay  goaankooda u soo bandhigaan Dowlada Somaliland  ka hor intii aanay kaga dhawaaqin  warbaahinta.




Hadaba dhamaan suaalahan aynu kor usku waydiinay ayaa jawaabahoodu waxay hiil iyo guul u yihiin Dowlada Somaliland waana inay xukuumadu si aan gabasho lahayn ugu garnaqsataa goaankan Dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn ee MSF ay ugu cuskadeen arimo nabad galyo darro ka bixitaankooda islamarkaana ay ku mataaneeyeen Xaaladaha amaan ee dalalka Somaliland iyo Somalia, iyadoo xukuumada Somaliland ay fursad u tahay inay si qoto dheer u baadho sababaha ka danbeeya goaankan Dhakhaatiirta aan Xuduudda  Lahayn ee  MSF kaga baxeen Magaalada Burco iyagoo ku sheegay arimo amaan darro taasi oo  xaqiiqda ka fog xadgudubna ku ah Dowlada iyo shacabka Somaliland.




Si kastaba ha ahaatee  go?aanka Hay?da MSF ay gaadhay waxa uu noqon doona mid leh laba ujeedo modkood inay MSF hawlaheedii Caafimaad ku dabaqday arimo siyaasadeed  iyo inay si deg deg ah raali galin uga bixiso go?aankeedii isla markaana ay shaqadii dib uga bilawdo Cusbitaalka Magaalada Burco madaama dalka Somaliland ay ku sugan-yihiin hay?do baddan oo isugu jira kuwa qaramada midoobay iyo kuwo Caalamiya.




Qalnkii Weriye Khadar Maxamed Cakule




Email: Cakull12@yahoo.com