Sunday, August 25, 2013

SLN:Kooxda Kubadda Kolayga Gaashaan oo 44 Dhibcood ugu Awood sheegatay Naadiga uga soo Ciyaar Guday Djabouti iyo Wacdarihii Timo-cadde


Hargeysa(GNA)-Kooxda Kubadda Koleyga  ee Gaashaan (Somaliland), ayaa galabta 44 dhibcood kaga badisay, Koox ka socota Waddanka Jabouti oo ku ciyaaraysa Magaca Caasimada dalkaasi, ka dib markii ciyaar saaxiibtinimo  galabta  ku dhex martay Garoonka Timacadde ee Magaalada Hargeysa oo ay kooxda Reer Jabuuti marti ku tahay.




Kooxda ka socota waddanka Djabouti oo ka mid ah Kooxaha waaweyn ee ka dhisan waddankaasi, isla markaana ay ku jiraan ciyaaryahano xulka qaranka jabouti u dheela, kana soo ciyaaray garoomo waaweyn oo Caalamiya, isla hada isu diyaarinaysa inay ka qayb-gasho tartanka Kubadda koleyga ee Afrika, ayaa ciyaartan dhex martay Kooxda Gaashaan, keensaday  42  dhibcood.




Ciyaarta dhex martay labada Kooxood oo ahayd mid xirfad iyo wanaag ku dhisnayd, isla markaana labada dhinacba ku soo bandhigeen Ciyaar wanaag iyo hufnaan, ayaa ku bilaabantay dar dar iyo weerar iyo weerar celis, iyadoo intii ay socotay Taageerayaasha labada kooxood Xamaasad iyo Dhiiri gelin la garab taagnaayeen ciyaaryahanada.




Ciyaarta ayaa Haafkii hore lagu kala nastay 14 Dhibcood oo Kooxda Jabouti leedahay iyo 8 Dhibcood oo Gaashaan keensatay, hase ahaatee qaybtii dambe ee Ciyaarta ayaa Gaashaan la timi waji cusub oo ciyaareed iyo awood ka balaadhan sidii hore waxaanay shabaqa ku hubsadeen tobaan dhibcood oo kale, halka Jabouti City laftoodu ay taasi mid la mid ah sameeyeen, isla markaana Goolal badan keensadeen.




Dedaal kasta oo ay labada kooxood u galeen hanashada guusha Ciyaartan saaxiibtinimo ee dhex martay ,waxay ku dhamaatay Ciyaartu 44 dhibcood Gaashaan keensatay iyo 42 Jabouti city la timi, iyadoo Miisaanka Ciyaarta laga dheehan karo dhibcaha lagu kala badiyay oo aad u kooban.




Ciyaarta ayaa intii aanay furmin, waxay tababarayaasha labada Kooxood mid waliba guusha dhamaadka Ciyaarta Kooxdiisa u rajeeyay, waxaanay sheegeen inay kalsooni badan ku qabaan tayada Ciyaaryahanadooda.




Kooxda ka socota waddanka Djabouti oo isu diyaarinaysa ka qayb-galka tartan Caalamiya oo ka dhacaya qaarada afrika Bilaha soo socda, ayaa dadka ciyaaraha ka faalood saadaalinayeen inay u awood sheegan doonto Gaashaanta Hargeysa, maadaama oo ay ku jiraan rag Kaalin sare kaga jira Ciyaaraha Kubadda Kolayga Jabuuti, isla markaana ay tahay Koox heerkeedu gaadhsiisanyahay ilaa heer ay ka safanayso Garoomo Caalamiya.




waxase taasi meesha ka saartay natiijada Ciyaartu ku dhamaatay, iyadoo ka hor intaanay bilaabin Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo Warbaahinta kula hadlay garoonku ay Kalsooni weyn ka muujiyeen in kooxda Gaashaan ee Somaliland guulaysan doonto.




Agaasimaha guud ee Wasaaradda ciyaaraha, Dhalinyarada iyo dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye oo furitaankii Ciyaarta ka hadlay, ayaa sheegay in Kooxda Gaashaan ka mid tahay Kooxaha ugu waaweyn ee waddanka ka dhisan, isla markaana ay hore uga soo qayb-galeen tartamo ka dhacay waddanka Yugaandha.




Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa sheegay in Imaanshiyaha kooxda Reer Djabouti ee Hargeysa waddada u furayo xidhiidh cusub oo Ciyaaraha Somaliland uga furmay Caalamka, isla markaana dhiiri gelinayo inay yimaadaan waddanka Kooxo kale oo ka socda waddamo kale iyo Ururadda Caalamiga ah ee Ciyaaraha aduunka iyo kuwa Qaaradaha Maamula.




“Xulkan ka socda waddanka Djabuuti waa koox ku ciyaaraysa Magaca Magaalada Djabouti, waxaanay isu diyaarinayaan inay ka qayb-galaan Koob Caalamiya oo afrika ka dhacay, waxaanu Imaanshiyahoodu guul weyn u yahay xidhiidhka waddamada Somaliland iyo Djabouti oo ah laba dal oo Jaar ah, horena xidhiidh uga dhexeeyay, waayo waa markii ugu horaysay ee uu Somaliland yimaado xul ka socda Dalka Djabouti oo miisaankan leh, waxaanay guushani waddada u xaadhaysaa in Kooxo kale oo ka socda wadamo kale noo yimaadaan, waanan soo dhweynaynaa, iyadoo inta ay joogaan ay la ciyaari doonaan laba Naadi oo kala ah Gaashaan iyo Naadiga ku ciyaara Magaca Ciidanka Asluubta”ayuu yidhi.




Agaasimaha ayaa intaasi ku daray inay sidoo kale dhawaan filayaan inay dalka Djabouti uga yimaado Naadi kale oo Kubadda Cagta ah, kaasoo isagana ay si diiran u soo dhaweyn doonaan.




Sidoo kale waxa uu amaan iyo bogaadin u diray Xidhiidhka Ciyaaraha ee dalka Djabouti iyo cid kasta oo kaalin ka qaadatay imaanshiyaha Kooxdan Hargeysa ku sugan.




Guddoomiyeyaasha Xidhiidhadda Kubadda Koleyga  ee dalalka Somaliland iyo Djabouti oo kulankan goob-joog ka ahaa ayaa iyaguna hambalyo u diray labada kooxood ee ciyaartu dhex martay, waxaanay bogaaiyeen isu imaanshiyahooda Hargeysa iyo xidhiidhka saaxiibtinimo ee u furmay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com