Thursday, August 29, 2013

SLN: Shirkadda Sahaminta Shidaalka oo Sababo Amni daro uga soo Guurtay Deegaamo loo Diiday, Caqabado Gudaheeda kala soo dersay iyo walaaca ka taagan


BurcoGNA)-Shirkadda Sahaminta Kheyraadka Shidaalka iyo Macdanta ka baadhaysa Goboladda Bariga Somaliland ee ee Genel Eneregy ayaa shaqaalaheeda iyo agabkii ay ku shaqaynaysay ka soo raratay Deegaanka Waraabeeye oo dhinaca Koonfurta kaga began Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo laba maalmood ka hor iska hor imaad ku dhex maray Kooxo ka soo horjeeda Mashruuca shirkaddu waddo iyo Ciidamo ka tirsan Bilayska gaarka u tababaran ee Somaliland (RRU).




Iska hor-imaadkan oo ka dambeeyay muran  beryahanba u dhexeeyay Bulshada Deegaanka iyo Shirkadda oo ku saabsan inaan wax heshiis  ah laga gelin hawl-gal deegaamadaasi lagu banayna si looga baadho Shidaal iyo Macdan, ayaa sababay cabsi dhanka amaanka ah  oo soo foodsaaray Shaqaalaha hawsha fulinaya, ka dib markii arintu qir iyo qir noqotay, laguna guul-daraystay in dad deegaanka la qanciyo, isla markaana waxyaabaha ay ku doodayaan si wanaagsan loo dhegeysto, sida ay Gobanimonews u ka heshay xubno ka mid ah Wax-garadka Shirkaddu ka soo guurtay oo Telefoonka ku waramay.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gobolka togdheer iyo Shirkadda Genel oo la xidhiidha talaabada Shirkaddu qaaday, hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku daray  in muranka u dhexeeya Bulshada iyo Shirkaddu meel adag gaadhay, waxaanay ku waramayaan dadka xogogaalka u ahi in xal la gaadhaa fogaaday, ka dib markii Shirkaddu ka dhego adaygtay waxyaabo ay Odayaasha Deegaanku ka dalbadeen oo ah in saami laga siiyo Shaqaalaha Mashruuca fulinaya iyo in dadka deegaanka Mashaariic horumarineed loo sameeyo, maadaama dhulkii xooluhu ugu foofayeen la xaalufinayo, (Dhir goyn).




Dhinaca kale, waxa la sheegay in Maanta shaqaalaha shirkadda Genel Energey layska hortaagay Deegaamo kale oo ay ka fulin lahayd Safreey Dhul banayn ah, halkaasoo kooxo Reer Miyi ah ka soo celiyeen Kolanyo Gaadiidka ah oo Shirkaddu leedahay iyo  Shaqaalihii la socday, waxaana ka mid ah Deegaanka Gumbur Libaax oo dhinaca  Koonfur bari  kaga beegan Magaalada Burco.




Warar laga soo xigtay Saraakiisha hagaysa hawl-galka Muranka dhaliyay ee deegaamada gobolka Togdheer, ayaa sheegaya inay jiraan goobo badan oo loo diiday inay wax shaqo ah ka qabato Genel, taasoo abuurtay walaac dawlada iyo shirkaddaba kala soo dersay fulinta qaybaha kala duwan ee mashruuca sahamintu ka kooban yahay.




Warar kale oo aan la xaqiijin, ayaa iyaguna sheegaya in Khilaaf ka dhex jiro Shirkadda gudaheeda, kaasoo salka ku haya saluug Shaqaaluhu ka muujiyeen Heshiiska lala galay oo aan ahayn mid xuquuq siinaya qofka Shaqada ka taga ama dhibaato kale oo waajahdo.




Heshiis shirkaddu damacday inay ka saxeexdo dadka u shaqaynaya ayaa la xaqiijiyay inaan lagu qeexin xuquuqda qofka, taasoo ay diideen inay saxeexaan, ka dibna shirkaddu u sheegtay inay dib u soo saxayso.




Ha yeeshee waxa warka arintan la xidhiidhaa intaasi ku darayaa in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimah bulshada Somaliland Shirkaddan ku amartay inay Mawaadiniinta u shaqaynaya xuquuqdooda sugto, taasoo iyada lafteedu ismaan-dhaaf ka dhex kicisay Maamulka Shirkadda iyo Wasaaradda Shaqada.




Si kastaba ah ahaatee Mashruuca Shirkaddan Genel Somaliland ka waddo ee sahaminta shidaalka ayaa tan iyo markii ay deegaamada Bariga gaadhay hawsheedu ka bixi la’dahay khilaaf iyo is-qab-qabsi, sababay Khasaare nololeed iyo iska hor-maad bulsho.




Waxaana hadda soo baxaya walaac baahsan oo ay dadka Indheer agaradka ahi kaga soo horjeedaan sii wadida hawsha ay faraha ku hayso ilaa laga sameynayo Sharci lagu xakameeyo dhibaatada arintan ka taagan iyo wacyi-gelin balaadhan oo shacbiga lagaga dhaadhicinayo Muhiimadda ka faa’idaysiga Kheyraadka Dabeeciga ah.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com