Saturday, August 31, 2013

Somaliland oo Kumanaan qoys oo Baro-kacayaal ah Guryo u dhisaysa


Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Sanadkan gudihiisa Guryo u dhisayso in ku dhow laba Kun oo qoys oo ka mid ah Dadka Baro-kacayaasha ah ee ku kala nool Magaalooyinka Somaliland, kuwaasoo sidii hoy loogu dhisi lahaa ay ka caawinayaan Hay’ado Caalamiya iyo qaar ka mid ah Wadamada dhinaca horumarinta ka saacida.




800 oo ka mid ah Guryahan, ayaa laga dhisayaa Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Magaalada Burco 200, Laascaanood-na 200 Guri, halka 150 kalena loo dhisayo Bulshada Baro-kacayaasha ah ee ku dhaqanka Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.




Sidaasina waxa sheegay Wasiirka Dib u dejinta Axmed Cabdi Casood oo maanta khudbad ka jeediyay Aqalka Mudaneyaasha Golaha wakiiladda oo u fadhiyay ansixinta Xubno ka mid ah golaha wasiirrada ee cusub, waxaanu yidhi “ wasaaraddu hawlaha ugu badan ee ay hada gacanta ku haysaa waxa weeye dib u dejinta,qaxoontiyada iyo joojinta tahriibta, waxaanu sanadkan g dhisaynaa 800 oo Guri oo loogu talo-galay Barakacayaasha Hargeysa, 200 oo kuwa Burco loo dhisayo, 200 oo Laascaanood laga dhisayo iyo 150 Boorama ah, waxaanan rajeynayaa hadii aanu dhul u helno dad kale oo baro-kacayaal  oo waddanka degen inaanu intan in ka badan oo kale dhisno”.




Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya  wakhti Kumanaan  qoys oo ku baro  kacay gudaha dalku u baahanyihiin Daryeel nololeed oo Hoygu ugu horeeyo iyo in loo sameeyo goobaha adeega Bulshada, sida xarumo Caafimaad, waxbarasho, biyo nadiif ah, Garoomo dhalinayaradu ku ciyaarto, saldhigyo Bilays iyo goobaha kale ee aasaasig ah.




Waxaanay barokacayaashaasi badankoodu ku degenyihiin Kamam ku yaala Magaalooyinka waaweyn , sida Caasimada Hargeysa oo ay ku nool yihiin Xaafado cusub oo dhawaan la dejiyey oo  aan lahayn dhamaan adeegyadan aasaasiga ah.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com