Thursday, August 29, 2013

“Dadka Reer Somaliland Waxay Arkaan Inaanay Waxba Ka Soo Socon Muqdisho, Waanay U Qalmaan In Qaran Loo Aqoonsado”Prof Axmed Ismaciil Samatar


Hargeysa:(GNA)-Siyaasiga Axmed Ismaaciil Samatar, oo dhawaan ka soo noqday aragtidiisii federaalka Somaliya, ayaa cadeeyay inay Somaliland xaq u leedahay in loo aqoonsado qaran madaxbanaan, islamarkaana ay leedahay awood ay dhulkeeda ku maamusho.




Prof. Samatar,oo safar uu ku yimid Somaliland ka dib ku laabtay wadanka Maraykanka, wuxuu u sheegay barta Internetka ee The Africa Report, inuu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku fashilmay dhaqaajinta dawladda Somaliya. Isagoo ka hadlaya awoodda ay dawladda Somaliya u leedahay inay saamayso Somaliland, wuxuu yidhi, “Ma garan karo sida siyaasadda kari weyday ama aan lahayn karti ay ku maamusho inta gacanteeda ku jirtaa, ay awooddeeda ugu fidin karto qaybaha kale.”, waxaanu intaas raaciyay inay midnimadii Somaliya burburiyeen dagaalo, musuq iyo hoggaan xumi siyaasi ahi. “Dabadeedna.” Ayuu yidhi, “Qadarkii midnimadu wakhtigan wuu awdanyahay.”




Isagoo ka hadlaya aragtida dadka reer Somaliland, wuxuu yidhi “Dadka reer Somaliland waxay arkaan inaanay waxba ka soo socon Muqdisho, xaqiiqiyana ma doonayaan inay dib ugu noqdaan xaaladaas hore.”
Wuxuu sheegay inay Somaliland xaq u leedahay in loo aqoonsado qaran madaxbanaan. “Waxay cadeeyeen inay is xukumi karaan oo ay nabadna hirgelin karaan. Way u qalmaan in loo aqoonsado qaran jira.”
Wuxuu Madaxweynaha Somaliya ku eedeeyay inuu awood u siiyay musuqa iyo argagixisadu inay ku sii xoogaysato dalka Somaliya.




 




GobanimoStaff