Wednesday, August 28, 2013

Shandadaha Culus ee Ardaydu Dhabarka ku Qataan oo Sababa Dhabar Xanuun Halis ah


(GNA) Khubaro ku takhasusta daryeelka caafimaadka ee lafaha  oo dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa  ka digtay in shandaha culus ee ardaydu ku qataan dhabarka ku keento dhibar xannuun iyo dhabarka oo soo qaloocsama.




Kala badh carruurta ardayda ah ayaa la kulma dhabar xannuun markay da’doodu tahay 14 jir, waxaanay dhakhaatiirtu ku tilmaameen arrintaa inay sababto dhibaatooyinka laf-dhabarta soo gaadha oo ay sababaan, waxyaabaha culus ee dhabarka ay ku qataan.




Ardayda joogtada u qaata shandada culus ee ku gura buuggaagta culus, kombuyuutarka laptop-ka, qalabka ciyaaraha iyo alaabaha kale oo aad culus ayaa dhalin kara in laf-dhabartu soo qaloocsanto.




Khubaradan waxay tilmaameen in carruurtu halis ku jirto, hadday si joogto ah u qataan 15% culays ah.




Khubaradan oo ka hawlgasha xarunta caafimaadka dhabarka ee Charity BackCare, ayaa ku dooday in dhallinyaro badan ay qataan 20% culays ka ah culayska jidhkooda markay dugsiga tegayaan, kana soo noqonayaan.




Sean McDougall oo ka mid ah dhakhaatiirtan, ayaa sheegay in dhibaatadan dhabar xannuunku ay da’ yarta noloshooda dambe silic gelin karta.




“Haddii ubadku dhabarku xannuuno waxay dhibaato aad u darran dhabar-xannuunkaas kala kulmi doonaan markay 70 ilaa 80 jir gadhaan, kuwaas oo ku dambayn doona dhibaatoo jidh ahaaneed oo cawaaqib xumo ku reebta,” ayuu yidhi Sean McDougall.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com