Friday, August 23, 2013

Xabsi ka sii deynta Xusni Mobaarig maxay ku soo Kordhinaysaa , Mushkiladdaha Masar iyo Mustaqbalka Madow Muuqda?


Qaahira(GNA)-Madaxweynihii hore ee waddanka Masar Xusni Mobaarig, ayaa Maanta gelinkii dambe laga qaaday xabsi ku yaala Magaalada qaahir oo uu ku jiray muddo laba sanadood gaadhaysa oo ku siman ilaa markii talada laga qaaday.




Diyaarad yar oo dawladu leedahay ayaa ka qaaday Xusni Mobaarig Xabsi, taasoo geysay guri ku yaala Magaalada Qaahir oo uu xabsi Guri ku ahaan doono, sida ay xaqiijisay Maxkamadda sare ee waddanka Masar Maalintii shalay, markii ay shaacisay sii deyntiisa.




Xabsi ka sii deynta Xusni Mobaarig, ayaa laga cabsi qabaa inay sii kiciso qul-qulatooyinka ka taagan, tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii dimuquraadiga ahaa ee Maxamed Mursi Bishii June ee sanadkan.




Ma cadda aragtida rasmiga ah ee Taageerayaasha Maxamed Mursi ee sii deynta Xusni Mobaarig, laakiinse waxa la rumaysanyahay inay talaabadan kaga Jawaabi doonaan dareen culus oo u muujinaya in waddanku galay marxalad ka duwan tii uu Maxamed Mursi ku hogaaminayay, una xaglinaysa dhinaca Milateriga.




Ururka Ikhwaanu Muslimiinka ee uu ka soo baxay madaxweynihii awoodda laga tuuray ee Maxamed Mursi, ayaa horseed ka ahaa Kacdoonadii mudada qaatay ee xusni Mobaarig lagu riday in  ka badan afartan sanadood oo uu waddankaasi ka talinayay ka dib.




Jawaabta ay ka bixiyaan sii deyntiisa  Beesha caalamka iyo dadka dhexdhexaadka lagu tilmaamo ee reer Masar, ayaa fure u noqon doonta inuu ku sii negaado xoriyad taam ah Mustaqbalka, waxaase horyaala dhibaatooyin nololeed iyo Mushkiladdo siyaasadeed oo ka taagan waddankii uu laba sanadood ka hor madaxweynaha ka ahaa isagoo nabad ah.




Mushkiladahaasoo ay aad u koobantahay xiligan doorka uu ka qaadan karo xal u helidooda, hadiiba fursad loo siiyo inuu qayb ka noqdo dedaal kasta oo lagu soo afjarayo, sababo la xidhiidha kala qayb-sanaanta baahsan iyo kala fogaanshiyaha dhinacyada awoodda ku kala calaf qaaday.




Sidaasi darteed madaxweyne Xusni wuxuu ahaa Hogaamiye Masar oo nabad ah  mudo dheer madax ka soo ahaa, hase ahaatee maanta dugsan doona mustaqbal aan wanaagsanayn, halka Maxamed Mursi oo qayb ka ahaa ragii Kar-kaarka Kursiga weydaariyay isaga laftiisu Maanta Xabsi ku jiro laba sanadood oo uu mid ka mid ah Madaxweyne ahaa ka dib, isla markaana Farta dhexda ka calaashanaya, maadaama uu wax ka saar leeyahay waxa maanta waddankiisa ka dhacaya.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com