Friday, October 31, 2014

Hambalyo Dhalasho

Xasan Cali Obsiiye iyo Xaaskiisa, Maxamuud Cali Obsiiye iyo Xaaskiisa, ilma Cismaan Cali Obsiiy, iyo Hooyadood, Axmed Jirde Cabdi Obsiiye, Ismaaciil, Jirde Cabdi, Nimco Ismaaciil Yuusuf, Yaasmiin Ismaaciil Yuusuf, Nimco Cali Obsiiye, Axmed Geedi Cabdi Obsiiye iyo Xaaskiisa, Shugri Geedi Cabdi iyo dhamaan reer Cabdi Obsiiye.

Dhamaan dadkaasi waxay Hambalyo dhalasho farxad leh u dirayaan Muj. Maxamed Cali Obsiiye iyo Xaaskiisa Ugbaad Maxamed Cumar oo wiil ugu dhashay Magaalada Hargeysa, wiilkaasoo loo bixiyay Carafaad.

Waxaanay leeyihiin soo bar baar noqo kii dalkiisa, diintiisa iyo dadkii anfaca.

Aamin Aamin Aamin

Wariye kale oo xabsiga loo taxaabay Gabiley

Maxamed Xasan Sheekh Maxamed JubaGabiley (GNA) Weriyihii SOMSAT TV Ee Gobolka Gabiley Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud (Jubba) Ayaa Goor Dhawayd 04:30 Galabnimo Si Sharci Darro Ah Saldhiga Dhexe Ugu Taxaabeen Ciidan Ka Mid Ah Booliiska Gabiley Oo Uu Hogaaminayo Askariga Ilaaliya Gaarka Ah Ee Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley, Iyagoo Ka Daba Socda Warar Shalay Ay Ka Baahiyeen Xisbiga Kulmiye .

Askarta Loosoo Diray Xadhiga Weriyaha Oo Warbaahintu Waydiisay Waaranka Lagu Qabanayo Weriyaha Ayaa Sheegay Inay Iyagu Amarka Taliyohooga Qabaan Ee Aanay Waxba Ka Galin Waaran Iyo Danbiga Lagu Eedaynayo Ee Ay Qabanayaan Cidkasta Oo Loo Diro.

Xaalada Degmada Gabiley Ayaa Laga Cabsi Qabaa Inay Isku Bedesho Goob Fawdo Ah, Kadib Markii Xukuumadu Bilawday Cabudhinta Saxaafada Iyo Xadhiga Bilaa Eeda Ah Ee Lagula Kacayo Hawl-Wadeenada Saxaafada Gabiley.

Wasiirka Maaliyada Ayaa Lagu Eedaynayaa Inuu Ka Danbeeyo Xadhiga Suxufiyiinta Isagoo Adeegsanaya Dawlada Hoose Ee Gabiley Kadib Markii Ay Dhawaan Baahiyeen Warar Xaqiiqo Ah Oo Ku Saabsan Kastamka Kalabaydh Iyo Musuqmaasuqa Baahsan Ee Hadheeyay Iyo Wasiirka Oo Baryahan Danbe Ku Hawlanaa Sidii Uu U Kala Kaxayn Lahaa Odayaasha Reer Gabiley Oo Ka Midaysan In Xukuumadu Sharciga Hor Keento Ciddii Ka Danbaysay Dilkii Saraakiisha Ee Ka Dhacay Degmada Qori-Logud Ee Gobolka Buuhoodle.

Xadhiga Weriyahan Ayaa Noqonaya Kii Labaad Ee La Xidho Afar Iyo Labaatankii Saacadood Ee U Danbeeyay, Waana Tacadigii Xukuumadu Ku Haysay Saxaafada Madax Banaan Oo Hore Ay Albaabada Ugu Laabeen Haayado Warbaahineed Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Hubaal Iyo Haatuf.

C/raxmaan Aadam

Gobanimonews

Gabiley Office

Golle lagu hungoobay!!

hamse1(1)Qaybta saddexaad ee Maqaalkan Mudane Ma I Maqashaa waxaan kula hadlayaa Goolaha sharci dejinta Somaliland, Golahan oo ah kan hirgeliya una coddeeya in uu sharci lugu maamulo arimaha kala duwan ee dalka hirgeliyo.

Golahan oo sida Dastuurka qodobkiisa 39aad uu qeexay in ay yihiin “qaybta 1aad ee xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka” ayaa muddada wakhtiga xilka ay hayaan uu yahay 5 sano oo ka bilaamaya maalinta maxkamadda sare ay ku dhawaaqdo go’aamada doorashada, arinta oo uu qeexayo qodobka 42aad ee Dastuurka jamhuuriyada Somaliland, handan waxaad moodaa in xeerka ay dhamaan xubnaha Goolaha wakiiladu iska indho tirayaan oo, hadii wakhtigii soo dhawaado ay raadiyaan sidii ay u kordhisan lahayeen, isla markaana u raadin lahayee oo u meel marin lahayeen xeerar iyo qodobo kale oo lugu lifaaqo qodobkan oo sabab ka dhigaya in ay xilka kordhistaan, In kasta oo uu jiro xeer kamid ah qodobka 42aad oo odhanay “Haddii doorashada Goolaha wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaas, duruuftahaas waa ka mid ah Xasilooni darro Guddah ah, Aafo dabiici ah sida dhul-gariir iyo abaaro culus........” Hadaba sida qodobkani caddaynayo uun baa Mudane Xildhibaan xilka aad kusii hayn kartaa, laakiin haddaad sababyn kari waydid xilkana doonaysid in aad sii haysid waxay noqonaysaa mid kabaxsan Xeerarkan.

Mudane Gole Ma ogtahay meesha aad kaga jirtid shacabka? Misana ma ogtahay awoodaha aad ku leedahay shacabka dhexdooda? , Golahan oo ah gole ay soo doortaan shacabku qof kasta oo Qaangaadh ahi waxa uu kuleeyahay Goolahan nin xildhibaan ah oo u taagan in uu uqabto baahiyihiisa, laakiin tan la iswaydiinayaa waxy tahay Muddane xildhibaan Dadkii ku soo doortay ma u hirgelisay waxy ku soo doorteen, Mise waxaad noqotay Nin shaqo-tagay oo Waxaadd leedahay cida iga dambaysa daaddku ha qaato.

Misana ma ogtahay Muddane Gole in uu jiro qodob kuu fasaxaya in aad talo iyo tilmaamo u gudbisid dawlada dalka maamulaysa oo aad kala hadashaan siyaasada guud ee maamulka, taas oo shacabka idin soo doortay u arkaan mid aydaan fuline kana aamustaan, haddii aad talo iyo tusaale istidhahdaan u jeediya xukumaddana aad si Mucaaradnimo, xisbinimo aad ula haddashaan taas oo keenaysa in Dhankii kale Ee fulinta sharciga aad degjisaan oo ah Golihii wasiirada iyo Madaxdii sare in ay dib u gursho sameeyaan, oo Xaaladu farah ka baxddo.

In kasta oo aanan ku arag Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland qodob sheegaya in Goolaha wakiiladu dadka waxgaradka ah ee bulshada in ay ka dhagaystaan baahiyaha ay leeyihiin ee aan wali wax laga qaban, Handana miyeyna ahayn in goolaha wakiladu la sameeyaan xidhiidh dadkii iyo shacabkii soo doortay ee iyagu ay ugu sareeyaan.

Mudane Xildhibaan Waxaa in baddan shacabka Somaliland maqlaan arimo beryahan dambe ku cusub oo ah in goolihii ay doorteen ee iyaga u fadhiyey meesha in Buuq, isku dhac, dagaal iyo colaad joogto ah isku qaddaan taas oo ku keenaysa niyad jab iyo in aanay jirin cid hagaasan oo maamusha, Doorashada dambana ay ka niyad jabaan in ay u coddeyaan.

W/Q: HAMSE BAASHE MUHUMED

E-mail: xamse18@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

Somaliland: Ururrada Dhalinyarada oo ku baaqay Mudaharaadyo xukuumadda ka dhan ah

S2540007Burco(GNA)Gudoomiyaha Gobolada Bari ee Ururka dhalinyarada jiidali C/samada Axmed Boon ayaa Taageeray baaq ay dhalinyarada Gurmad ee Borame iyo selel ay kasoo saareen,Mgaalada Boorame kaas oo ay ku canbaaraynayaan dawlada isla markaana ay ku baaqyaan in mudaharaad salmi ah la dhigo.

waxaanu gudoomiyaha jiidali ku baaqay in mudaharaad salmi ah oo lagaga soo Horjeedo mudo kordhinta ay doonayso  xukuumada ay sameeyan dhalinyarada somaliland .
Gudoomiyaha oo Rakaadnews telefoonka kula soo xidhiidhay ayaa yidhi''waxaan taageerayaa mudaharaadka salmiga ah ee ay ku baaqeen ururka Gurrmad iyo jiidali ee ay  kaga dhawaaqeen Boorame, waxaan leeyahay dhalinyaradu mudaharaad salmi ah haysagu soo baxaan dhalinta gobolada bari,Saaxil,Togdheer ,sanaag,oodawyane,waxaana mudaharaadkaas aanu kaga soo horjeednaa,iibka wershada laydhka ee berbera iyo mudo kordhinta  ay doonayso Xukuumadu, waan hambalyaynaynaa dalada guud  Gurmad ee aay ku midoobeen awdal iyo selel.”ayuu yidhi.

Axmed Muuse Maxamed

Gobanimonews

Burco Office

Email: Axmedmm9@hotmail.com

Hambalyo Dhalasho

hambalyoooooooooooGuddoomiyaha Ururka Curad Yacquub Cabdilaahi, Muj. Caydaruus Maxamed Yuusuf, Maxamed Yuusuf Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Curad Yoonis Maxamed Yoonis, Deeq Cabdi Cali, Xasan Cabdilaahi, Yurub Xuseen Cali, Khadra Cabdi Cali, Sahra Ibraahim Cali, Sabaad Ibaarim, Nuura Maxamed Jaamac, Cabdirisaaq Axmed Aadan iyo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa.

Dhamaan dadkaasi waxay Hambalyo dhalasho farxad leh u dirayaan Muj. Maxamed Cali Obsiiye iyo Xaaskiisa Ugbaad Maxamed Cumar oo wiil ugu dhashay Magaalada Hargeysa, wiilkaasoo loo bixiyay Carafaad.

Waxaanay leeyihiin soo bar baar noqo kii dalkiisa, diintiisa iyo dadkii anfaca.

Sidoo kale Dhamaan Bahda Gobanimimonews, ayaa Hambalyo dhalasho u diraya qoyska Wiilka cusubi u dhashay. Waxaanay ugu ducaynayaan wiilka dhashay soo bar baar noqo kii dalkiisa, diintiisa iyo dadkii anfaca.

Aamin Aamin Aamin

Xasan Sheikh oo ka degay Abu Dubai iyo Siilaanyo oo la sugayo

Faysal Cali Waraabe Dubai ku sugan iyo Xasan Sheikh oo toos uga degay Abu Dubai

[caption id="attachment_91471" align="alignleft" width="300"]Madaxweynaha oo khudbad u jeedinaya barlamanka Madaxweynaha oo khudbad u jeedinaya barlamanka[/caption]

Hargeysa(GNA)-Todobaadka dhamaaday waxa la filayay inay isu-taga imaaraadka carabta ku kulmeen ku kulmaan Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xasan Sheikh Maxamuud oo ay Dawladda Imaaraadku ku marti-qaaday Kulan aan ajandihiisu caddeyn oo loo fasirayay inuu yahay shir lagu sii ambo-qaadayo wada-hadaladii u dhexeeyay labada dhinac ee ka socda Turkiga oo dhowr jeer dib u dhac ku yimi sanadkan gudihiisa.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Dib u dhac ku yimi Kulanka loogu yeedhay labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya, balse sida ay ilo-wareedyo diblomaasiyaddeed xaqiijiyeen, Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dalbaday dib loogu dhigo sababo la xidhiidha khilaaf soo kala dhex galay Reysal-wasaaraha Dawladdiisa.

Madaxweyneha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo khilaafkii dawladdiisa awgeed loo baajiyay shirka ay wada yeelan lahaayeen Madaxweyne Siilaanyo, ayaa hadana khamiistii Shalay gaadhay magalada Abu dubai ee cariga isu-taga Imaaraadka Carabta.

Ma jiro war rasmiya oo Dawladda Xamar ka soo saartay ujeedada Socdaalka Xasan Sheikh ku tegay Magaalada Abu dubai, balse sida ay tibaaxayaan Ilo-wareedyo wargeyska Yool ka helay safarka, ayaa sheegaya inuu soo ajiibay marti-qaadka loo fidiyay isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo.

Inkasta oo ay Ilo-wareedyadu sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo-na labada maalmood e soo socda u safro dhinaca Madasha lagu wada casuumay isaga iyo Xasan Sheikh, hadana ma jiro ilaa hada wax war ah oo ku saabsan arrimahan oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo todobaadyadii ugu dambeeyay ku mashquulsan hurinta xiisada u dhaxaysa Golaha Wakiillada ee lagu muransiyay Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ah.

Sidaasoo ay tahay, masuuliyiin sar sare oo ka tirsan laamaha dawladda oo ka gaabsaday inaanu magacyadooda soo xigano, ayaa calaamatu-su’aal geliyay socdaalka madaxweyne Siilaanyo ee abu Dubai. Waxayse xuseen in hadii xasan sheikh uu ka baxay codsigii dib u dhigista, laga yaabo in madaxweyne siilaanyona labada maalmood ee soo socda uu u ambo-baxo halkaasi.

Geesta kale, Xidhiidh kala duwan oo wargeyska Yool xalay la sameeyay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada xukuumadda somalilnd, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo isugu ku shaqo leh arrimaha siyaasada dibada iyo Wasiirka Warfaafinta sida la sheegay ku jiray weftiga madaxweynaha u raaci lahaa Imaaraadka Carabta, ayaa noo suurto-geli waayay inaanu helno, kaddib markii ay labadooduba ka jawaabi waayay Telefoonnadooda gacanta oo aanu ka wacnay.

Geesta kale, waxa magaalada Dubai ku sugan Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Xubno ka mid ah Goleyaasha Baarlamanka oo uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha dawladda.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sida la sheegay uu safarkiisu la xidhiidhay inuu ka qayb-galo Shirka madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, hase ahaatee ma cadda ujeedada ay halkaasi u joogaan xubnaha kale ee aan kor ku xusnay.

Geesta kale, waxa Magaalada Dubai shalay lagu soo gabagabeeyay Shirka kale ee looga hadlayay arrimaha Budh-cad baddeeda, kaasoo aanay wax door ah ku lahayn Dawladda Somaliland.

Xisbiga Waddani: Shacbiga waxaan leenahay Xukuumadii waa taasoo rafashay bilowday”

[caption id="attachment_100774" align="alignleft" width="300"]Midig: xoghayaha Waddani ee X, Xoolaha oo la xidhay Midig: xoghayaha Waddani ee X, Xoolaha oo la xidhay[/caption]

Hargeysa-(GNA):-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si adag u Cambaareeyay Xadhiga Xogahaya Xanaanada Xoolaha ee Xisbigaas Xasan Axmed Goodaad, oo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Xabsiga u taxaabtay maanta.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Xisbiga Waddani Mudane Muuse Cabdilaahi Nuur ayaa sheegay in ay ayaan daro tahay in Dawaladu ay ku rafato Shacabka Somaliland, waxaanu tilmaamay in Dawladu imika soo dhaaftay Shacabkii oo ay ku dartay Madaxdii Xisbiyada Mucaaridka ah.
Gudoomiyaha Labaad ee Xisbiga Waddani isagoo arinkaasi ka hadlayay wuxuu yidhi sidan "Waxa ayaan daro ah Dawladii oo ku rafanaysa shacabkii, imikana  doonaysaa in ay ku darto Masuuliyiinta Asxaabta Qaranka, Waxaan Cambaaraynayaa Xadhiga Xoghaya Xanaanada Xoolaha Xisbiga Waddani , oo waliba si xun ay ula dhaqmeen, arintaasi oo Maqaamkii iyo Dawladnimadii aynu Caalamka ka iibinayaynay foolxumo wayn ku ah, waxaana muuqata in dhawaydba Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo in aanay Cidnaba dhaafayn, Xukuumada dhaafi wayday Caruur yar yar oo 10 Jir, ilama aha inay Cid kale dhaafayso, arintaasina waxay Tusaale u tahay Guuldarooyinka iyo arimahoodan iska daba imanaya ayay."

Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Waddani Muuse Cabdilaahi Nuur isagoo mar kale ka hadlayay Sababaha loo xidhay wuxuu yidhi sidan "Xoghayuhu haddii uu wax ka sheegay Gudoomiyaha Guurtida, Golaha Guurtida iyo Golaha Baarlamanku waa Xeer Dajin iyagaa is'ah, waxay taasi daliil cad u tahay Tuhunkii laga qabay in Gudoomiyaha Golaha Guurtidu laftiisu uu dhinac saaray Dawlada, Xadhiga loo geystay Xasan Maaha mid wax kale lagu sifeeyo, Ummada Somalilandna waxaanu u sheegaynaa oo aanu u tilmaamaynaa, Somalidu hore ayay tidhi Muuse Waa Kaas, Xukuumadii waa taas oo rafasho ayay bilawday, Waxyaabo kale oo badan oo aanu ka damqnaynaana way jiraan, waxa intaa dheer Guuldarooyinka ay Xukuumadu la kulantay ee dhibayana waxaa ka mid ah Xisbiga Waddani ama Labada Xisbiba, intii Hore Gobolada Galbeedka waxa lagu tirin jiray Dawlada ama Xisbiga Kulmiye, laakiin in dhawayd Labada Xisbi siiba Xisbiga Waddani, waad la socoteen Guulihii uu ka gaadhay Gabiley oo ahayd Saldhigii Xisbiga Kulmiye.”ayuu yidhi.

Xoghayaha Xannaanada Xoolaha ee xisbiga Waddani ayaa xabsiga loo taxaabay Khamiista Maanta, kaddib markii arbacadii waraysi uu bixiyey si xoogan ugu dhaliilay Guddoonka Golaha Guurtida iyo xukuumadda talada haysa oo uu ku eedeeyey inay isu kaashanayaan carqalado dib u dhac doorasho lagu abuurayo.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com

Goorma Ayuu Xildhibaan Ruush Ka Mid Noqday Kooxda Daacish?

Layaab ayay nagu noqotay markii aanu aragnay Xildhibaan mudadii uu ku jiray Golaha wax matarayaasha ah ee Wakiiladda Somaliland ahaa qunyar socod oo mar keliya wareegay sagaashan digrii, isagoo difaacaya siyaasada qaawan ee Kooxda ku xeeran Madaxtooyadda ee kala qariyay Madaxweyne Siilaanyo oo six or ah loo doortay Afar sanadood ka hor, laakiin nasiibarado ay kooxdaasi ka qariyeen shacbigii soo doortay, isla markaana lumiyeen ujeedooyinkii iyo himilooyinkii siyaasadeed ee laga sugayay Odayga sida weyn loogu han weynaa.

Maaha oo keliya in ay shacbigii soo doortay ka qariyeen Madaxweynaha ee waxa kale oo ay sameeyeen in ay gebi ahaanba si dadban ula la wareegaan talada dalka, iyagoo nasteex isaga dhigaya Madaxweyne Siilaanyo, kooxdani waa koox tro yar oo siyaasadoodu fogtahay, waana kuwii sababay dhibaatooyin iyo xurgufo siyaasadeed oo in baddan ka dhex aloosnaa Madaxweyne Siilaanyo iyo kuwii ay soo wada halgamayeen ee hoggaanka Kulmiye, kuwaas oo aynu oggayn siyaasadaha guracan ee ay isticmaalayeen khatartii ay dalka geliyeen.

Kooxdani waxay dhexda ka inqilaabtay guushii Xisbiga Kulmiye 2010. Kadib markii uu ku guulaystay doorashooyinkii Madaxtooyadda ee uu xukunka kula wareegay Madaxweyne Siilaanyo, waxayna wixii mudadaa ka danbeeyay ka shaqaynayeen sidii ay uga midha dhalin lahaayeen siyaasadooda guracan ee qarsoon, waxa layaab ku noqotay Bulshada dhabada dheer usoo martay isbedelkii guusha sida ay u inqilaabeen tallada iyo awooda dalka. Kadib markii ay isku xeereen Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana ka fogeeyeen cid walba.

Kooxda aynu ka hadlayno maaha xaafad iyo xisbi ee waa casaabad magacyo baddan, waxayna mudooyinkii hore siyteen magaca Islaax, Ictisaam iyo magacyo kale oo bulshadu ku wada baratay, balse mudooyinkan danbe waxay Bulshadu u bixisay oo loo yaqaan Daacishta Somaliland, waana koox ka khatarsan cid walba, waxayna mudadii ay Siilaanyo ku xeernaayeen sameeyeen iyagoo fulinaya siyaasadooda qarsoon in si badheedh ah ugu tagri-falaan awooda iyo tallada dalka, isla markaana waxay abuureen Burjuwaasiyad, iyagoo ku mamay mashaariicda eexda iyo qaraaba-kiilka ah ee qandaraasyada xukuumadda iyo mashaariicda kale ee loogu habo sida abaydinka , kuwaas oo ay dad gaar ah u samaysteen, waxa agtooda yaal dulmi, cadaad-daro, boob iyo indha adayg ay doonayaan in ay ku gaadhaan ujeedooyinka ay leeyihiin ee siyaasadeed.

Mudadii uu xukunka hayay Madaxweyne Siilaanyo, waxay u muuqdeen in ay maalimba maalinta ka danbaysa awoodooda sii balaadhinayeen, waxayna cid walba ay u arkaan in ay fahamtay, ama ka aragti fogtahay ku qaadaan weeraro loo adeegsado dhaqaale baddan iyo in waddo kasta oo ay awoodi karaan in laga xidho cidda isku dayda in ay ka hadasho khaladaadka ay ku jiraan.

Sidoo kale xiliyada ay jiraan khilaafyo siyaasadeed, waxay adeegsadaan shaqsiyaad kala duwan oo difaaca siyaasadooda iyo ujeedooyinkooda, kuwaas oo ay uga faa’idaystaan dhaqaale xumada iyo shaqo la’aanta, ama baahida dalka ka taagan.

Hase yeeshee waxa layaab nagu noqotay markii aanu aragnay Xildhibaan Ruush Carraale oo difaacaya siyaasada guracan iyo beenta kooxdaa loo bixiyay Daacishta Somaliland, wuxuu ahaa Xildhibaan qunayar socod ah, kama mid ahayn kooxda Eexda iyo Qaraaba-kiilka lagu siiyo mashaariicda ay qaybsadaan Kooxdaa oo qaarkood yihiin Xildhibaano ay horood u yihiin Cali Mareexaan iyo Waabeeyo iyo kuwo kale oo ay kooxdu ku shaqaysto, xiligana may ahayn xiligii ku biirista kooxdaa oo waqtigoodu gabaabsi yahay, waxa mar keliya bulshada Deegaamada Sanaag, Cayn , Sool, Saaxil Iyo Burcoba ka yaabiyay Xildhibaan Ruush oo noqday Maxamed Siciid Saxaaf-kii Markii Taliskii Saddaam sii dhacay ee Baqdaadba la haystay shaashadaha ka dhamaan waayay, waxay dadka oo dhami is weydiiyeen Ruush markii hore miyaanu dalka joogin, Goormuu afhayeen u noqday Kooxda Daacish ee mudada afarta sanadood ahayd inqilaabka ku haystay siyaasada Xukuumadda Maxadeyne Siilaanyo.

In kasta oo aan mararka uu shaashadaha kasoo baxayay Xildhibaan Ruush uu daaha dabadiisa ka muuday Cali Mareexaan oo ka mid ah hormoodka kooxdaa, isla markaana ay arrintaasi muujisay sawirka dhabta ah ee cidda daaha daaha dabadiisa ka hagaysay dhawaaqyada aan xiligan looga baahnayn Xildhibaan Ruush inuu ku difaacayo kooxdaa iyo siyaasadooda guracan ee gabaabsig ah.


Sidaa oo ay tahay Xildhibaan Ruush waxaan leeyahay ha noqon Maxamed Siciid Saxaaf, mana aha xiligii aad ku biiri lahayd Kooxda Daacish ee dib u fadhiiso, waxaadna oggaataa Cadceeddu waa gabal-dhac ee ha raacin oo ku noqo halkaagii yaan Liiska lagu darin adigoo aan waxba galabsan.

Arta Abayn
Arta. Abyan@yahoo.com

Gabiley: Kaalin Shidaal oo ku shuf-beeshay Dab

Gabiley(GNA)-Kaalin Shidaalka lagu iibiyo oo ku taallay Magaalada Gabiley ayaa ku shuf-beeshay Dab qadsaday goor dhaweyd, taasoo la waayay dab-damis bakhtiiya.

Kaalintan uu leeyahay Ganacsade la yidhaahdo Cabdi Jirde, ayaan la ogayn sababta uu ka dhashay dabka ka kacay, waxaana u soo gurmaday shacbiga magaalada oo isku dayay inay bakhtiyaan, inkasta oo ay ku adkaatay inay badbaadiyaan waxyeelada soo gaadhay Kaalinta.

Tiro koob rasmiya laguma hayo baaxada Khasaaraha adduunyo ee gubashada kaalintu sababtay, balse goob-joogeyaal ayaa sheegay in waxyeelo badani soo gaadhay.

Kaalinkan gubtay ayaa ku yaalla Laamagiga badhtamaha magaalada dhex mara ee Galbeedka iyo bariga uga baxa.

 

Ilaa hada laamaha Bilaysku wax war ah kamay soo saarin dhacdadan, noociidu hore uga dhacay Magaalada Hargeysa horaantii sanadkan, kaddib markii ay Kaalin ku taallay xarun Ganacsi oo Kaah la yidhaahdaa qarax samaysay goor galabnimo ah, xilli Shidaal lagu shubayay Kaydka Kaalintaas.

La soco wixii war ka soo kordha Kaalinta Gabiley ee gubatay..

Ban Ki-moon: At least 3 million in Somalia in need of aid”

moonAt least three million people in Somalia need humanitarian aid and the country is threatened with famine, the U.N. Secretary-General Ban Ki-moon said on Wednesday.
The United Nations said in September more than a million people in the war-ravaged Horn of Africa country were struggling to meet daily nutritional needs.

"Over three million Somalis are in need of humanitarian assistance and unfortunately that number is growing. I urge donors to step up contributions to avert another famine in Somalia," Ban said during a visit to the Somali capital on Wednesday.

In August, the U.N. humanitarian coordinator for Somalia Philippe Lazzarini said rapidly rising malnutrition and food shortages resembled the warning signs that preceded a 2011 famine in which about 260,000 people died.

A month earlier, the U.N. Office for the Coordination of Humanitarian Affairs for Somalia said agencies were unable to meet the needs of 350,000 people who had fled to Mogadishu because they were hindered by a shortage of funds and by violence.

Al Qaeda-allied al Shabaab ruled most of the southern region of Somalia from 2006 until 2011, when African troops marched into the capital.

The African Union and the Somali military launched a joint offensive in March to drive the Islamist fighters out, and stepped up their campaign in August after a surge in gun and bomb attacks in Mogadishu.

Earlier this month, the troops captured al Shabaab's stronghold of Barawe on the southern Somali coast, which the Islamists had controlled since 2006.

Ban said there was a need to secure passage for humanitarian aid into the areas freely liberated from al Shabaab.

"I congratulate the Somali National Army and AMISOM (African Union peacekeeping mission) for their advances and the contributions for peace and stability of Somalia," Ban said.

"It is critical that they now secure roads to newly recovered areas to enable commercial traffic and humanitarian access."

(Reporting by Abdi Sheikh;
Editing by George Obulutsa and Andrew Roche)
By::Reuter

Dawladda oo guddi baadhiseed u saartay Geerida Mowtal-qaflaha ah ee Taliyihii Bilayska Soomaaliya

Madaxda ugu saraysa Dawladda oo tacsi u dirtay taliyaha Geeriyooday iyo Taliye ku-meel gaar ah oo loo magacaabay Ciidanka...

Muqdisho(GNA)-Reysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa goor-dhaweyd u magacaabay Taliye cusub Bilayska, kaddib markii uu galabta geeriyooday Taliyihii Bilaska Gen. Maxamed Sheikh Xasan , kaasoo u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha kaga soo booday oo kedis ahaa.

Gen. Maxamed ayaa xilka taliyaha Bilayska hayay muddo ka yar afar bilood, waxaanu bedelay Gen. Saacid oo lagu bedelay isaga.

Taliyaha cusub ee la magacaabay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cusmaan Cumar Wehliye (Gas-gas) , kaasoo oo si ku-meel gaar ah u sii hayn doona Taliyaha Bilayska, inta cid kale loo soo magacaabayo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa dhambaalo tacsi ah oo ay soo saareen u diray Bilayska iyo Shacbiga Soomaaliyeed geerida ku timi Taliyaha.

"Innaa Lillaahi wa innaa Illayhi raajicuun, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu dhammaanteen samir iyo iimaan naga siiyo Taliyahii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Marxuum Jen. Maxmad Sheekh Xasan Ismaaciil. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, qaraabada, asxaabta, Ciidamadda Boliiska iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ”. sidaasi waxa yiri Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeytii, Madaxweynaha oo ku sugan wadanka Isugtaga Imiraatka Carabta ayaa yiri “Waxaan Taliyihii hore ee Ciidaanka Booliska Soomaaliyeed ugu duceeynayaa in Illaaheey uu jannada Fardowsa ka waraabiyo.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaah u naxariistee Taliyihii Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo si kadis ah galabta ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Isagoo ku hadlaya Magaciisa, kan Xuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed tacsi u diray qoyskii asxaabtii iyo Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, waxana uu ugu duceeyey in Illaah janadii Fardowso ka waraabiyo.

“Qof kasta waa uu dhimanayaa, geeriduna waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga kan Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan Allah uga baryeynaa in uu Janada ka waraabiyo Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo ahaa taliyihii ciidamadda booliska Soomaaliya isla markaana qeyb libaax ka soo qaatay dhismaha iyo qalabeynta ciidanka booliska.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhanka kale. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka kooban shan xubnood oo baaritaan ku sameeya geerida kadiska ah ee ku timid taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Waxaana ay kala yihiin.

1-Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed (Guddoomiye)

2. Wasiirka Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Xubin)

3. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow (Xubin)

4. Wasiirka Beeraha Mudane Axmed Cabdi Baaffo (Xubin)

5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg (Xubin)

General Maxamed Xasan Ismaciil oo ka mid ahaa saraakiishii booliska Soomaaliyeed mudada dheerna ka soo shaqeynayay ayaa horaantii bishii July ee sanadkan loo magacaabay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isagoona wax badan ka qabtay Amniga Caasimadda iyo gobollada dalka mudadii uu xilka hayey.

Geesta kale, Taliyaha cusub ee loo ku-meel gaarka loogu magacaabay Bilayska Soomaaliya ayaa ka mid ahaa Saraakiishii hore ee dawladda Soomaaliya.

 

Siyaasiyiin iyo Madaxdhaqameed ku taliyay in Dhulka Maktabada Gandi lagu wareejiyo Shirkadda la siiyay

Hoos ka Daawo, Muj. Cali Guray, Xoto Biixi iyo Madaxdhaqameedyo ka hadlay Iibka Dhulka Maktabada Gaandi Library

gandiHargeysa(GNA)-Madaxdhaqameeedyo ka soo jeeda Koonfurta Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay Dhulka ay ku taalo Maktabada Gaandi Library ee Magaalada Hargeysa oo dawladdu ku wareejisay Shirkadda Waddaniga ah ee Al-xarbi, kuwaasoo taageeray talaabada dhulkaasi lagu siiyay Shirkadda.

xubno ka mid ah Cuqaashada iyo waxgaradka Koonfurta Hargeysa iyo Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Muj. Cali Guray ayaa ka mid ah dadka ka hadlay Khilaafka maalmahan ka taagnaa in dhulkaasi la siiyo Shirkadda Waddaniga ah oo ay Maxkamadda sare caddeysay in sifo sharci lagu siiyay.

daawo Madaxdhaqameedyada reer Hargeysa ee ka hadlay:

Dhinaca kale, Muj. Cali Guray oo ka hadlay arrinta Maktabadda halkan ka daawo:

Geesta Waxgarad iyo Muj, ka soo jeeda Degmada Axmed-dhagax ee Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay wareejinta Maktabada, waxaanay sheegeen in Shirkadda Al-xarbi Xaq u leedahay in lagu wareejiyo, hadii sifo sharci ah loo maray qaabka lagu siiyay.

Hoos ka Daawo:gandi

Wariye lagu xidhay Gabiley iyo Ururka SOLJA oo Cambaareyay

Gabiley(GNA)-Maamulka Gobolka gabiley ayaa bixiyay amar xabsiga loogu taxaabay Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo Magaalada gabiley uga soo warama telefishanka Horn Cabletv, kaasoo lagu xidhay sal-dhig ku yaalla  Magaalada Tog-Wajaale oo ka tirsan gobolka.

Wariyaha ayaa xadhigiisa loo aanaynayaa warbixin uu ka soo wariyay Magaalada Gabiley oo ku saabsan dhalinyaro maanta gubay Calanka Xisbiga kulmiye, oo waji gabax ku noqotay Xukuumadda.

Sida laga baahiyay Telefishanka uu wariyuhu u shaqeeyo, Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise Shiine, ayaa qiray inuu bixiyay amarka lagu xabisay Suxufiga.

Masuuliyiinta Telefishanka ayaa xaqiijiyay xadhiga suxufigan.

Noomay suurto gelin inaanu la xidhiidhno masuuliyiinta Dawladda ee Gobolka Wariyaha lagu xidhay, balse talaabadan ayaa ah mid lagu cabudhinayo xoriyatal-qowlka Saxaafadda Magaalada ka howl-gasha, hadii waxa lagu xidhay ay tahay warbixinta uu wariyuhu ku cabiray gubista Calanka Xisbiga Kulmiye.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ka hadlay xadhiga ayaa cambaareeyey kuna tilmaamay gabood fal ka dhan xoriyada Saxaafadda, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Solja oo Gobanimonews la xidhiidhay.

Maxamed Cabdi Curad, Guddoomiye kuxigeenka Solja ayaa xukuumadda ugu baaqay inay si dhakhso ah xoriyadiisa ugu soo celiso suxufigan.

La soco wixii war ka soo kordha

Thursday, October 30, 2014

Calanka Kulmiye oo lagu gubay Gabilay iyo Waji-gabax hadheeyay Xaflad lagu taageerayey .Daawo

Daawo: Dhalinyarada reer Gabiley oo Kabaha ku masaxanaya CalankaXisbiga talada haya...

calanka kulmiyeDhalinyaro reer Gabiley ah oo ka gadoodsan Olole Taageero raadis ah oo uu Gobolka ka bilaabay Xisbiga kala laalaada ee Kulmiye, ayaa dab qabadsiiyay Calanka xisbigaasi, qaarkoodna Kabaha iyo Baabuurta ku masaxanayeen, iyagoo taagan Afaafka hore ee Hudheelka Askar ee Magaalada Gabiley oo ay ka socotay Xaflada Maamulka Gobolku soo abaabulay oo lagu xareeyay Shaqaalaha Dawladda ee Degmada iyo Gobolka, taasoo ujeedo ahaan loo fahmay in lagaga fal-celinayay dhaqdhaqaaqyadii Xisbiyada Mucaarikdu ka sameeyeen Magaalada todobaadyadii la soo dhaafay.

calanka kulmiyeeHalkanka ka daawo Muuqaal xiiso badan:

Adeegto Nafteeda U Hurtay Badbaadinta Afar Caruur Ah Oo U Dhashay Emirate-ka

Abu-Dhabi, (GNA) – Haweenay adeegto ah (jaariyad) oo u dhalatay dalka Bangladesh ayaa nafteeda khatar u galisay si ay ugu gurmato una badbaadiso afar caruur wiilal ah oo u dhashay Emirat-ka oo ku qaraqmay xeebta magaalada Abu-Dhabi.
Afartan wiil ayay biyaha xeebta Dabiya jeeteen, balse adeegtadan oo magaceeda la yidhaa Safiya oo isha ku haysay ayaa ka daba carartay caruurtan oo qaylinaysa biyaha badana gudaha usii qalaya.
Waxaanay maaraysay inay badbaadiso iyadoo kolba mid dibada uga soo tuuray intii aanay usoo gurman qaar ka mid ah qaraabada caruurtan.
“Waxaan imid xeebta, waxaanay indhahaygu qabteen Safiya oo halgan ugu jirta inay dib usoo dabaalato…balse waxa ay hoos u gashay biyaha hadana way ka soo baxday….balse aakhirkii dibada ayaanu usoo saarnay, inkastoo ay geeriyootay intii aanu goobta soo gaadhin gaadhiga gargaarka dagdaga ah ee ambulance” sidaasi waxa yidhi Abu Abdullah, oo ah qofka u gurmaday adeegtadan.
Waxaanu intaa ku daray in caruurtan ay Safiyi u gurmatay ay da’doodu u dhexaysay lix ilaa toban sano, Safiyina ay qoyskooda u shaqaynaysay afartii sano ee u dambeeyey, isla markaana ay la xidhiidheen qoyska Safiya oo ku sugan Bangaladesh sidii maydkeeda loogu qaadi lahaa loona gaadhsiin lahaa lacag ay bixiyaan qoyska caruurta ay badbaadisay.

Xigasho: Hilaacmedia

Xubin ka tirsan Mucaaridka Somaliland oo la xidhay

[caption id="attachment_100774" align="alignleft" width="300"]Midig: xoghayaha Waddani ee X, Xoolaha oo la xidhay Midig: xoghayaha Waddani ee X, Xoolaha oo la xidhaySOMALILA[/caption]

Hargeysa-(GNA):-Xogahayaha Xanaanada Xoolaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xasan Axmed Goodaad,ayaa Xabsiga loo taxaabay kadib markii uu dhawaan dhaliilo ugu jeediyay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan-Gaal).

Xukuumada Somaliland ayaa dhibsatay Dhaliilo xoogan oo uu u jeediyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan-Gaal oo uu ku eeddeeyay inay ka badheedheen inay  isu xulafaystaan khilaafka Golaha Wakiillada.

Xasan Axmed Goodaad oo katirsan Gudida Fulinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa hada ku xidhan Xarunta C.I.D. ee Magaalada Hargeysa,waxaana la sheegay in loo diiday in lagu booqdo halkaasi .

waxaanay wararku tibaaxeen in Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade si gaar ah ugu balamiyay,Ciidanka C.I.D.

Masuulkan ka tirsan Xisbiga Waddani ayaa loo diiday in ay soo bookhdaan Ehelada iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, taas oo xad-gudub ku ah Xoriyada Muwaadinka.

Eedaymaha uu u jeediyay Xukuumadda iyo Shir-guddoonka Guurtida ayaa shalay lagu baahiyay Wargeysyada dalka ka soo baxa.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com

Nato jets catch Russian warplanes as Ukraine tension

natoLondon- Nato aircraft have been scrambled to shadow Russian strategic bombers over the Atlantic and Black Sea and fighter planes over the Baltic in what the western alliance called an unusual burst of activity as tensions remain elevated because of the situation in Ukraine.

In all, Nato said, its jets intercepted four groups of Russian aircraft in about 24 hours since Tuesday and some were still on manoeuvres late on Wednesday afternoon.

“These sizeable Russian flights represent an unusual level of air activity over European air space,” the alliance said.

A spokesman stressed there had been no violation of Nato air space, unlike a week earlier when a Russian spy plane briefly crossed Estonia’s border. But so many sorties in one day was unusual compared with recent years.

In the biggest exercise four Tupolev Tu-95 strategic bombers, the 1950s equivalent of the US B-52, flew out over the Norwegian Sea in the early hours of Wednesday, accompanied by four refuelling tanker aircraft.

Norwegian F-16s tracked the formation, which eventually broke up, with six planes heading back toward Russia and two Tu-95s flying on south over the North Sea where they were intercepted by British Typhoons. Portuguese F-16s later tracked them in the Atlantic before they turned for home.

A Norwegian military spokesman said: “We see Russian aircraft near our air space on a regular basis but what was unusual is that it was a large number of aircraft and pushed further south than we normally see.”

In a second incident two Tu-95s accompanied by two fighter jets were being tracked by Turkish aircraft over the Black Sea on Wednesday afternoon, while flights of seven Russian warplanes were monitored on Tuesday and Wednesday over the Baltic Sea.

On Tuesday German and Danish planes were involved in tracking them as well as aircraft from non-Nato states Sweden and Finland. On Wednesday Portuguese F-16s posted in the Baltic intercepted a similar group of fighters and fighter-bombers.

Separately, British jets intercepted a Russian-built Antonov cargo plane that was carrying car parts from Latvia to Birmingham after air traffic controllers became concerned. The plane was diverted to Stansted airport and later cleared to continue its flight.

Nato said it had conducted more than 100 such intercepts of Russian aircraft this year so far, about three times as many as in 2013 before the confrontation with Moscow over separatist revolts in Ukraine soured relations.

President Vladimir Putin has committed to reinvigorating Russia’s armed forces, which had been undermined by the economic troubles that followed the collapse of the Soviet Union. Tension over Ukraine has seen Nato step up its vigilance, especially on its eastern frontiers with Russia.

The spokesman said there was no particular reason for concern over Russian warplanes exercising their right to fly in international air space but that such sorties were shadowed by Nato aircraft as a precaution and to protect civil air traffic.

Source: The Guardian

Burco: Maamulka Gobolka oo dhagax-dhigay Kayd-biyoodyo baahi loo qabay

index.jpg268Burco(GNA)-Maamulka Gobolka Togdheer,Maamulka Degmada Burco,Madaxda wasaarada Biyaha iyo wakaalda Biyaha ayaa siwada jir ah u dhagaxdhigay lix taangi oo kayd biyoodo ah oo ay yeelan doonto Magaalada Burco.

Mashruucan waxa fulinaya Wakaallada Biyaha ee Magaalada Burco oo kaashanaysa wasaarada Biyha ee Xukuumadda Somaliland.

Maareeye ku xigeenka wakaalada  Biyahaya Faarax Cali yuusuf oo ka hadlayey xaflada dhagax dhiga ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimada Kayd-biyoodyadani ay u leeyihiin Bulshada Magaalada, waxaanu sheegay inaanay Burco Biyo yaraan danbe ku iman doonin taangiyadan kaydkuna ay Magaalada anfaci doonaan.

Badhasaabka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo dhagaxdhigaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Mashruucan biyood oo wax weyn ka tari doona baahidii dhanka biyaha ee Magaalada ka jirtay.

Waxaanu yidhi''Burco waxay ku cabi jirtay beebkaas ay daynabadu ka shaqaysiinayso oo hadii ay daynabo xumaato umadu way biyo beeli jirtay,hadana waxan filayaa inay sanadkani intaanu dhamaan waxaan filayaa in ay inoo dhaman doonaa lix taangi oo kayd biyood ahi nasana doonaan daynabooyinka ceelasha biyaha inooga soo saaraa waayo Todoba iyo toban saacadood bay mishiinadu shidan yihiin hada,waxaanaynu helaynaa biyo kayd ah”.
Maayarku xigeenka Magaalada Burco Muxumad Xasan Jaamac(Xoday) oo Faahfaahin ka bixinayaa Taangiyadani ayaa waxa uu yidhi''Burco xaga Biyaha hodan bay ku ahayd,waxaa kaliya oo inaga dhinaa inaynu yeelano kayd,kaydkii baynu hada wadnaa,tanina waxay ka mid tahay qorshayaashayadii sanadkan,waana gabagabo qorshayaashii anu sanadkan ku talo galay'ayuu kaga baxay M/ku xigeeenku.”
Isu duwaha wasaarada Biyaha Gobolka Togdheer Rasiidh Faarax Cabdi ayaa sheegay in mashruucan aya iska kaashadeen Dawlada hoose iyo wasaarada Khayraadka Biyaha,waxaanu sheegay in ay yihiin laba taangi oo la dayactirayo iyo Afar Cusub oo la dhisayo.

Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews

Burco Office

Email: axmedmm9@hotmail.com

Xogta Qoraal Shirkadda Al-Xarbi Maxakamadda Gobolka Maroodi-Jeex Kaga Codsatay In Lagu Wareejiyo Dhul Xukumaddu Ka Iibisay Oo Warbaahintu Heshay

Hargeysa, (GNA) - Warqad Shirkadda Al-xarbi u gudbisay Maxakamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa muujinaysa saddex goobood oo laga Iibiyay,kuwaasi oo uu ku jiro dhulka uu ku yaalo Library-ga Gaandi. Shirkadda ayaa qoraalkan ku codsatay in Library-ga gaandi looga saaro dhulka oo ka mid ah Hantideeda balse Maamulka Library-gu ka dhega adaygeen inay Shirkadda ku wareejiyaan dhulkaasi oo ay sheegeen in Xukumaddu si sharci ah uga Iibisay.
Maktabada Gaandi ee Badhtamaha Hargeysa ku taala, ayaa maalmihii u dambeeyay Xidhnayd,iyadoo dib loo furay galinkii dambe ee Arbacada ka dib markii muran xoogan ka dhashay islamarkaana bulshadu si aada uga muujisay dareen diidmo ah.
Dib u furista Gaandi waxaa ka hawl galay Dhalin yaro iskood isku xilqaamay oo sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo go'aan ah inaan halkaasi dhalin yarada laga xidhin ah qaatay dibna sidaasi loogu furay. dhalin yaradu ma sheegin waxa loo qorsheeyay Shirkadda AL-xarbi ee laga Iibiyay dhulka Library-gu ku fadhiyo.
warqad

Nuxurka Laba Dhambaal Oo Ay Guddoomiye Saleban Iyo Gudoomiye Cirro Isu Direen Bilowgii Khilaafka Mashruuca Diiwaangelinta Iyo Qodobada Ay Isu Adeegsadeen

Hargeysa, (GNA) - Wargeyska Geeska Afrika ayaa helay dhambaalo ay bilowgii khilaafka sharciga diiwaangelinta isweydaarsadeen labada guddoomiye ee goleyaasha wakiilada iyo guurtida Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Md. Saleban Maxamuud Aadan.
Qoraaladan ayay labada guddoomiye isu direen ka dib markii ay golaha guurtidu soo celiyeen xeerka diiwaangelinta ee khilaafka culus dalka geliyay. Dhambaalka koowaad oo uu qoray guddoomiyaha golaha guurtidu 16/10/2014, kuna socodsiiyay guddoomiyaha golaha wakiilada, ka dib markii ay guurtidu xeerkaas soo celiysay, ayaa wuxuu ku yidhi sidan “Ujeedo: Xeerka Wax ka badalka iyo Kaabista Xeerka Diiwaan galinta Codbixiyeyaasha Xeer No:37/2007
Xeerka Wax ka badalka iyo Kaabista Xeer No:37/2007 ee aad Golaha u soo gudbiseen kuna lifaaqan halkan iyo kii golaha laga ansixiyay farqi ayaa u dhaxeeya,sida ku cad qodobada todobaad, faqradiisa 2-aad, 25-aad iyo 26-aad. Sidaas daraadeed waxaan idinka codsanayaa in aad is waafajisaan soona gudbisaan nuqul rasmi ah, oo ah kii golaha ka ansaxay.”
Hase yeeshe guddoomiye Cirro ayaa guddoomiye Saleban u diray dhambaal jawaab ah 18/10/2014, waxaanu ku yidhi “Ujeedo: Wax kabadalka iyo Kaabista Xeerka Diiwaan galinta Codbixiyeyaasha Xeer No:37/2007. Tixraaca, qodobka 7-aad iyo 8-aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, waxaa uu Golaha Guurtidu xaq u leeyahay marka Golaha Wakiiladu u gudbiyo mashruuc sharci in uu ogalaado,wax ka badalo,ama diido,iyada oo la eegayo wada shaqaynta Labada Gole iyo nidaamka loo raaco Mashruuc sharci. Waxaan codsanayaa in nidaamka sharciga loo raaco mashruuc sharci.
Sidaas darted,waxaan Mudane guddoomiye halkan aan kuugu soo lifaaqayaa warqadii iyo lifaaqii aad Golaha u soo gudbisay wada shaqayn wacan.”
Xigasho: Geeska

Miyayna Ahayn Waxa Lala Yaabo In Beesha Muuse Dhariyo Ka Qatan Tahay Saamiga Qaybsiga Somaliland

maqaalAsalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakato, Marka Hore Waxa Aan Salaamayaa Dhammaan Warbaahinta Xorta Ah Ee Reer Somaliland Iyo Akhristayaasha Sharafta Badan Iyo Dhammaan Bulsho Weynta Reer Somaliland bacdal salaan, waxaan qalinka u qaatay inaan wax ka qoro ama ka idhaahdo mawduuca aan ciwaanka uga dhigay maqaalkaygan “Miyayna Ahayn Waxa Lala Yaabo In Beesha Muuse Dhariyo Ay Ka Qadan Tahay Saamiga Qaybsiga Somaliland ” runtii maaha markii ugu horreysay ee wax laga qoro

Reer Somaliland Oo Wax Ku Qaybsada Nidaamka Qabaa’ilku Siday Uga Dhex Muuqdaan Xukuumadda Siilaanyo, Iyadoo Ah Cashuur Bixiyaal Waxay Ahayd In Wixii Uu Xaq U Leeyahay La Siiyo Balse May Dhicin, Hadaba Waxay Ka Mid Tahay Beelaha Dhibta Ugu Badan Ka Tirsanaya Saami Qaybsiga Xukumadaa Axmed Maxamed Mohamed Siilaanyo,

Markaana Miyuu Iloobay Inuu Madaxweyne U Yahay Somaliland Oo Dhan Ee Aanu Madaxweyne U Ahayn In Beelo Gaar Ah

Su’aasha Qof Kasta Oo Caqli Lihi Isweydiin Kara Waxay Tahay Siday Ku Dhacday In Beesha Sheikh Muuse Dhariyo Ay Saamigii Qaranka Dalka Ay Ku Lahaayeen Ku Waayeen Maxay Tahay,

“Xukumada Madaxweyne Siilaanyo Ee Arrintan Garwadeenka Ka Ah Waxaan Ka Rabnaa Cadaalad Iyo Sinnaan , Waxaan Ka Sugaynaa Inay Ilaaliso Saami Qaybsiga Beelaha Somaliland” , Guntii Iyo Gunaanadkii Waxa Aan Ku Soo Gabo Gabayn Lahaa Maqaalkaygan Kooban , Waxa Aan U Soo Jeedin Lahaa Xukumadda Uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Muxumed Siilaanyo In Ay Dib Ugu Noqoto Saami Qaybsiga Beelaha Dalka Si Ay Somaliland U Noqoto Qaran Beel Welibana Uga Dhexmuuqto Saamiga Dalka

Qalinkii: Mohamed Abdi Jamac

Email: Mohamedudoode@hotmail.com

 

Shicibka haddii laga rabo Midnimo,maxaa laga rabaa madaxda?

cabdiraxman cadamiDalka Singa pore waa jasiirad yar oo ka kooban hal magaalo ( Is land city –State), 1963 Waxay ka xoroowday boqortooyadii Ingriiska waxaanay ku biirtay dalka Malsiya hase ahaatee 1965 waxa laga saaray ama laga eryay midawgii labada dal markii khilaaf soo kala dhex  galay.

Waxa lays waydiiyay sida ay Singa pore u sii jir karto iyada oo aan la midoobin dal kale ; Jawaabtu shaki la’aan laysku raacay waxay noqotay MAYA, kaligeed ma sii noolaan karto.

Hase ahaatee hogaamiyihii Singa  pore ee wakhtigaa LEE KUAN  YEW wuxuu go’aansaday inuu beeneeyo malaha khubarada oo uu suurto geliyo waxaan suurto gal ahayn.

Wuxuu dajiyay qorshe balaadhan oo dhamaystiran oo lagu xaqiijinayo Singa Pore inay noqoto dal jira iyo walba inay ka mid noqoto wadamada horumaray waxse loo arkayay riyo been ah iyo hindisayaal mala awaal ah.

Qorshayaashii Mr Lee waxa ka hor yimid caqabad adag oo marka hore u baahan in xal loo helo oo ah:

Singa Pore waxa ku wada noolaa saddex qomiyadood oo kala jinsi ah, kala dhaqan ah, kala diin ah oo kala af ah oo mid kastaaba dhinaca ku hayo daacadna u ah wadanka uu asal ahaan  ka soo jeedo oo kala ah China, Malysia iyo India.

Mr Lee Riyadiisa ma rumayn karo ilaa uu qawmiyadahan ka dhigo ummad reer Singa Pore ah oo ku abtirsada dalkooda.

Waa imtaxaan adag wuxuuse guulaystay markii uu helay furihii uu ku midayn lahaa ama laysku aamini lahaa oo ah in si dhab ah loogu maamulo si siman iyo cadaalad markaas ayay Singa Pore samaysay waxaan la samayn Karin oo mucjiso lagu tilmaami karo ( they achieved the unachievable).

Lee Kuan yew mar la waydiiyay sida dalkiisu u gaadhay horumarka intaa leeg, wuxuu ku jawaabay hadaan ku soo gaabiyo laba eray oo qudha waxaan odhan lahaa cadaalad iyo isku kalsooni “ If ihave to choose two words to explain why Singa Pore succeeded, they are justice and Confidence

aan u soo noqono nuxurka qoraalka Somaliland waxay qayb yar ka tahay qoomiyada balaadhan ee soomaalida, waa ummad isku dhaqan ah, isku diin ah oo isku af ah bulshadu dhamaantood waa xigto iyo xigaal sidaa awgeed waa wax la hubo midnimadoodu haddii aan laga shaqayn in la kala furfuro waliba madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudan axmed maxamed maxamuud iyo masuuliyiinta kale ee qaranku markasta iyo goob kasta waxay dadwaynaha ugu baaqaan ama ku celceliyaan in midnimada la adkeeyo iyo nabad-gelyada qaaliga ahna la ilaaliyo.

Runtii waa hadal aad u wanagsan waa talo waayeel oo loo baahan yahay waana inta soomalida kale aynu dheer nahay, muwaadin kastana waa ku waajib inuu ku guubaabiyo dadka inta uu gaadhi karo laakiin shicibka haddii laga rabo midnimo madaxda iyagana maxaa laga rabaa?  Waxa laga rabaa hogaamin fiican iyo dadkooda inay ku dhaqaan Cadaalad oo sharciga loo sinaad, shaqooyinka loo sinaado, daroojinka loo sinaado oo qandarsyada iyo fursadaha kaleba loo tartamo oo la joojiyo qaraabo kiilka iyo in aan muwadiniinta awooda dawlada qaarna lagu soo dhawayn qaarna lagu daadafayn.

Haddaba waa sidee xaalada Cadaalada Somaliland? marka cadaalad la soo hadal qaado waxa laga yaba in markiiba waxa maskaxdaada ku soo dhacaa yahay hay’adaha garsoorka laakiin cadaalad darada dadka oo dhan saamaysaa waxay ka timadaa hay’ada fulinta ama xukuumada gaar ahaan wasiirada qarkood oo si aan xishood lahayn ugu kala eexda ama u kala soco bulshadii in uu u shaqeeyo loo igmaday.

 

Somalidu waxay tidhahdaa fule xantii ma mooga; Madaxweyne dadweynuhu waxay kugu xantaan inaad raali ka tahay dhaqanka iyo ficilada guracan  iyo awooda xad dhaafka ah ee masuuliyiinta qaranka qaar ka mid ah madaama aad waxba ka qaban wayday.

si kastaba ah ahaatee haddii cadaalad la waayo midnimada bulshadu way dhantaalamaysaa haddii midnimo la waayana horumar la gaadhi maayo nabaduna ma waarto.

Bal u fiirso wadamada dagaalad sokeeye iyo colaadu ka aloosan tahay ee xasili wayay iyo sababaha keenay oo ay cadaalad daradu kow ka tahay.

Madaxweyne waxaan u malaynaa inaad ruamaystay amaanta beenta ah iyo borobagaandhada warbaahinta dawlada laakiin somliland waxay maraysaa jid qaldan waxanay ku socotaa  jiho qaladan.

Madaxweyne dadku kaamay wada quusan adiguna kama aad quusan wali waxaad  haysataa fursad aad isbedel ku samaysid oo dalku ku badbaadi karo kaliya waxaad u baahantahay geesinimo iyo in aad ku dhiirato.

C/raxmaan Cadam

abdrahamanadami@yahoo.com

Reer Buuhoodle:Beeneey Waa Run”

Hordhac

BuuhoodleleHaddii aanu nahay Cuqaasha golaha deegaanka culimo awdiinka dhalinyarada Aqoon yahanada Ururada Bulshada ee Gobolka Buuhoodle iyo Degmooyinkiisa waxaanu cadeynaynaa in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr:Saleebaan Ciise Axmed (Xagle toosiye) waxa qabadkiisa shaqo ee Gobolka Buuhoodle aanu ahayn waxa la dafiri karo haddii ay tahay.

  1. Nabad galyada

  2. Caafimaadka iyo is dhex galka bulshadda oo qayb weyn ka qadata nabada iyo horumarka burlashada tusaale ahaan haddii aan waxa yar ka taabto


Nabad galyadda Wasiirku wuxu ka soo bilbaaye xaladii adkeyd ee ahayd Dejintiii coladii ka dhacdey Gobolka ilaa hadana lagu fadhiyo arimaha Caafimaadka Somaaliland waa , ognahay wax qabadkiisa wasaarad, iyo horumarka balaadhan ee uu gaadhsiyay muddadii uu joogay, waxaa la odhankaraa , wasiirku isagoo , la kaashanaya, Illaahay iyo dawalada waxa yaabo aan la fileyn, ayuu ku talaabsadey, sida, keenista Dhakhaatiir caalamiya, Qalab Caafimaad oo casriya, Gaadiid Caafimaad sida, Umbalaasyada oo baahi weyn loo qabey oo Gobolada Dalka u qaybiyey. Siminaaro iyo xirfado caafimaad oo shaqalaha Wasaarada Caafimaadka lagu baraayo, iyo toboboro Caafimaad oo dibada ah lama soo koobi karo. Runtii wax qabadka Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr: Saleebaan (xaglo toosiye)

Haddaan, in yar ka taabto wax qabadka Gobolka uu ka soo jeedo dhinaca Caafimaadka waxa hadda dhammaadey 9 Mashruuc oo isku jira Caafimaadka iyo adeega Bulshada waxana kaloo diyaara 11 mashruuc, oo wajiga labaad aha. wajiga 3aad oo iyna ah 23 Mashruuc oo dhammaan tood ka kooban adeega Bulshada iyo horumarinta Gobolbalka,

Gabo gabo waxaa wax lala yaabo ah qoraalo lagu qorey Mareegaha internetka, ayaamihii u danbeeyey oo aflagaadeynaayey Masuliyiinta Qaranka gaar ahaan Wasiirka Cafimaadk. iga oo leh waxa xukumada iyo Hayadaha samafalka uga soo qaadno Gobolka waxu ka dhigtaa Hanti uu leeyahay,

Haddaba waxa bulshada Somaliland u sheegeynaa in Dr:Saleebaan Ciise Axmed (Xagle toosiye) inaan aanu ahayne nin daneeya lacagta iyo waxa umadda oo dhanba oo sharaftiisa waxa u dhimaaya ee uu yahay hankiisu yahay waxqabad iyo meel sare gaadh

Hadaba kuwa Aflagaadeyey waa kuwo Bulshada Gobolku taqaano

Isla markaan cadeystaye in ay caaglaystaan wax qabadka iyo horumarka ka socda Gobolka Buuhoodle

taas oo carqalad ku ah arimaha nabad galyada, horumarka iyo siyaasadaha sidaa awgeed Hadii aanu nahay ( Cuqaasha , Culimadii Waxgaradkii,Ganacsatadii Dhalinyaradi,

Golaha Deegaanka Buuhoodle,maamulka Dagmooyinka Gobolka sida Qorilugud Widh Widh,Xamar-Laguxidh iyo Dhamaan waxa garadka bulsha Gobolka Waxaanu cadeyneynaa dhamantayo, in uu masuulka yahay,ugana daba fadhino, Dhammaan wixii xuquuqa ee Gobolka ku leeyahay Dawlada s/land is lamarkaana uu masuul kayahay Arimaha nabadgalyada Hormarka Biyaada Cafimaadka.

Iyo dhamaan adeega bulsho isla markaana wixii xukumad ahaan xaq lagu leeyaahay Gobolka inuu naga matalo, sidii aanu mar horeba kal sooni buuxda u siiney

Xukumadda waxanu ka codsaneynaa wixii aanu xaq aanu u leenahay iyo siyaadaba inay noo fudeydiso il gaarana lanagu eego

 

Magacyada Cuqaalsha Gobolka Buuhoodle

  1. Ch/Caaqil Xasan X.Haruun Ducaale

  2. Ch/Caaqil Ismaaciil X. Cabdilaahi X. Omar

  3. Ch/Caaqil Xasan Xuseen Daahir

  4. Ch/Caaqil Axmed Muuse Aadan

  5. Ch/Caaqil Xasan Ciise Wacays

  6. Ch/Caaqil Maxamuud Ibraahim X. Garbiye

  7. Ch/Caaqil Cabdilaahi Maxamed Maxamuud (Xoosh)

  8. Ch/Caaqil Cabdilaahi Xasan Qanbi

  9. Ch/Caaqil Cilmi X. Cabdilahi X. Maxamed

  10. Ch/Caaqil Maxamed Ibraahim  Cabdi

  11. Ch/Caaqil Cali Aadan (Afkuwaranle)

  12. Ch/Caaqil Xasan Dhuuxyare

  13. Ch/Caaqil Yaasiin Axmed Yool

  14. Ch/Caaqil Saxardiid Bare Saalax

  15. Ch/Caaqil Maxamed Suleebaan Warsame (Gadoob)

  16. Ch/Caaqil Yaasin Cumar Qaal


 

dhammaan maamulada Degmooyinka sida Widh Widh, Qoorlugud,Xamar-laguxidh, iyo Xarunta Buuboodle

Albaabkii mustaqbalkay xidheen..

1601357_10203838681471727_7717231780315963830_nXadaarada bini-aadamka cilmiga iyo aqoonta ayaa bar bilow u ah. Maskaxda oo ah shayga Alle inooga fadilay noolaha kale ayaa ah mida aynu ku fekerno, wax ku kala xukuno, wax ku xasuusano, kuna saadaalino timaadada. Ka faaidaysiga awoodaha maskaxda ayaa kala hore marisa Aadamaha, qoomiyadaha iyo wadamadaba. Dadyowga la baro isticmaalka awoodaha maskaxooda, waxaa lagu quudiyaa cuntada maskaxda. In badan ayaa waxaan raadinaa inaan dhar qurux badan soo iibsano, meelo qurux badan u casho tagno, ku soo caweyno, xafladu ama goobo lagu madadaaloodo tagno. In badan ayaan ku bixinaa inaan jidhkeeda qurxino, lacag badana ku bixino. Taas aad baan u naqaanaa sharaxaadna inoogama baahna. Balse, miyeysan ahayn inaynu maskaxdeena qurxino, quud fiican la raadino, meelo qurux badan ku soo cawaysiino horese ma uga fekertay? Ma ogtahay in akhrisku bedelayo noloshaada, kobcinayo garaadkaaga, kor u qaadayo xusuustaada, kuu abuurayo xasilooni – yahayna iftiinka nolosha. Ma ogtahay inuu yaahay waajib ku saaran. Xusooso waxyigii ugu horeeyey ee ku soo dega rasuulka salawaatullaahi wasalaamu calayhi oo ah “Akhri magaca Illaahay, kii abuuray dadka ee dadka ka abuuray xinjir, akhri Rabigaaga kariimka ah, ka baray sida qalinka wax loogu qoro, ee baray dadka waxaay aqoonin. Tan waxaan ka baranaynaa sida diinteena sharafta leh u qiimaysay cilmiga iyo sida inoogu waajib tahay barashadiisu si jahliga looga baxo. Waxaa sidoo kale Rasuulku SCW ina farayaa inaan raadsano cilmiga, inaan uraadsano xataa hadii meel dheer ay tahay halka laga helayo sida Shiinaha. Akhriska ayaa noo sahla inaan la noolaado dadyow xili hore noolaa, xadaarado hore, waxay noo yihiin shaashad aan kula kulmi karno mufikiriintii dunidan bedelay, waxayna nagu abuurtaa in yeelano indho kale oo noo sawira humaaga, ku abuura maskaxdeena inay ku fekerto yididiilooyin, na geliya qiiro, mararka qaar naga qosliya nana madadaaliya. Akhriska waa albaabka aqoonta, waa warshada soo saarta mufakariinta mustaqbalka, wuxuu bedelaa nolosheena – sidoo kale waa furaha mustaqbalka.

Xageen wax ku akhrisanaa? Waa tanoo albaabkii aqoonta lanaga xidhee, furihii mustaqbalkana la naga tuuree, waa tan Gandi Public Library lanaga xidhee! Aan ooyee albaabka ii xidha. Meeday riyadaydi, xilimaan qoraa noqon doonaa? Halkaan ka heli qoraayadii aan ku dayan jiray, aan la sheekaysan jiray, wakhtigooda ii huri jiray, noolaa wakhti hore, ana igula noolaa qoraaladooda. Xageen ku qaataa wakhtiga aan firaaqada leeyahay, ma maqaaxiyahaan tagaa oo ka tororog leeyaa oo reer qudhac iyo reer galool ku kala guraa, ilayn waa tanoo halkii iftiinka noloshu iiga imanaysay, quudinaysay maankayga albaabada loogu xidhaye. Hadduu akhrisku qiime ku leeyahay bulshadeena waxaan arki lahayn goobo akhris oo badan oo furma, maqaaxiyadaha ayaa xitaa isu bedeli lahaa goobo akhris! Somalida waxaa loogu yeedhaa  dadkii hadalka, waa dad noloshoodu hore u badnayd xoolo dhaqato iyo reer guuraanimo, akhriskuna ka mid ahayn noloshooda, sidoo kale noloshoodu waxay ku koobnayd inta xoolohoodu ka cabaan. Waa sababta aan telefoon gacmeed uun u sidanaa, buugna u haysan, waa tan keentay inaan bakhaaro u bedelno goobihii akhriska.

Taariikhdu iyadaa is qorta, halka maanta rag ku fekerayaan inay goobihii akhriska u bedelaan bakhaaro ganacsi ayaa rag badanina maskaxdooda, maalkooda iyo maankooda u hureen inay u hibeeyaan cilmiga bulshadooda, ma ilaawayso taariikhdu aabihii waxbarashada Soomaaliyeen Maxamuud Axmed Cali AHN. Quraanka ayaa waxaa in badan ku soo aroortay “miyey simanyihiin kiina wax bartay iyo kiina aan wax baran” Cid kasta oo iibinaysa ama iibsanaysa Gandi Public Library waxaan ka codsanaynaa, inay ka noqdaan – Waa goob bilaash ah, lacag cidna laga qaadin, qofkastana akhris u tegi karo, fadaln hanaga xidhina iftiinka nolosha, u ogalaada in qofkasta helo xaqa uu u leeyahay inuu wax barto, akhriyo, xaqa umad dhami inay wax barato. Malcom X. ayaa tusaale inoogu filan oo ahaa derbi jiif, noloshiisana ay bedeshay akhrisku iyadoo ka dhigtay shakhsi ku dayasho mudan oo la nool lana noolaan doona fac kasta, rajona u abuuraya qof kasta oo nolosha ka dhaca, waa haddii goobaha akhisku akhrisku jiraane! Waxbarashadu waa furaha lagula tacaalo xaqdarada, lagu baai’iyo faqriga, waa furaha horumarka, nabada, caafimaadka, dhaqaalaha. Waa masuuliyad ina saaran shakhsi ahaan, mujtamac ahaan iyo dawladba in aan goob cilmi lagu barto la xidhin.

Haddii arintani hirgasho waxaa xigi in dugsiyada iyo jaamacadahana la iibiyo iyadoo ardaydu fasalada ku jiraan. Waxaan idinkaga tegi murtidan kooban ee uu inooga tegay Xaaji Aadam Afqalooc AHN

Murtida iyo aqoontiyo cilmigu malaha miisaan’e

Hadduu sida muwaashiga ciyuu muudal yahay soocan

Nin adduunyo maantaa hayaa mawlaheen noqoy’e

Xaqii wuxuu midiidin u yahoo anu kamaarmaynin

Ninkii muluga xoolaha hayiyo kii martabad weyn’e

Waxaa cadaaladii magan u tahay raasamaaliga’e

Mugdi baynu soconaa habeen meelaan nuur jirin’e

Maxaa idinku maaweeliyaa miridhay laabtii’e

Marwo - 1962

Abdinasser Ahmed Adam

afgobaad@hotmial.com

063-4991111

Dhuxul: C/raxmaan Cirro maaha Hogaamiye Wanaagsan”

Madaxtooyada oo u jawaabtay Baarlamanka iyo Mucaaridka Maalin Qaranku xusi lahaa 24-kii muwaadin ee ku dhintay qaraxyada..

Dhuxul_2-300x233Hargeysa(GNA)-Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleeban Dhuxul, ayaa ka jawaabay Eedeymo Mucaaridka iyo Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiilladu ay u jeediyeen madaxtooyada oo ku saabsan arrimaha Doorashada.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Maanta Aqalka Madaxtooyada, ayaa waxa uu ku dhaliilay hanaanka maamul ee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaanu yidhi “ Cirro wuxuu maamuli kari waayay 82 Xildhibaan oo intii badnayd ka soo horjeesatay ee dal siduu u maamuli karaa”.

Dhuxul ayaa intaasi ku daray “ Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay doorasho qabsoonto, waxay Golaha Wakiillada u gudbisay Xeerkii Diwaan-gelinta, waxa ayaan daro ah in Guddoomiyaha Golahaasi uu guurtida u gudbiyey xeer aan ahayn kii goluhu ansixiyay”ayuu sii yidhi.

Afhayeenka ayaa shirka jaraa’id ku qabtay mid ka mid ah Hoolalka Madaxtooyada Somaliland oo lix sannadood ka hor Maanta oo kale Dhiig badani ku daatay Qarax ismiidaamin ah oo laga fuliyay goor barqo ah, iyadoo ay shaqadu socoto, kaasoo galaaftay nafo badan oo ay ku jiraan saraakiil Qaranka u adeegayay oo shaqada gacanta ku hayey intaanay saacadu ka dhamaan.

Laakiinse Afhayeenku tacsi umuu dirin, manuu dareensiin shacbiga murugadii maalintan oo kale Qaranku waajahay, kaddib markii 24 Muwaadin ku qudh baxeen saddexdii qarax ee isku daqiiqada dhacay, iyadoo ku beegnayd lix sanno guuradii ka soo wareegtay maalintaasoo ay dalka ka socotay Diwaan-gelintii codbixiyeyaasha ee la laalay, xumad doorashona sidan oo kale ay u haysay Mucaaridka iyo muxaafidkii cadaadiska shacbi haystay xilligaas.

Hase ahaatee, Mr. Dhuxul oo 29-kii October 2008,   ka mid ahaa wariyeyaashii u dhegaha nuglaa xisbiga Kulmiye, ayaa shirkiisa jaraa’id ku beeniyay inay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo faro-gelin ku hayso Baarlamanka, halkii laga filayay inuu tacsi u diro shacbiga dalka oo xusaya maalinta xusuusta badan kaga tagtay.

Waxa kale oo uu dhaliilay xubno ka mid ah Golaha Wakiillada oo eedeymo u jeediyay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com

Wednesday, October 29, 2014

Xaglo-toosiye oo Xildhibaan Obama ku eedeeyay inuu u gacan-dhaafay Wasaaradiisa

[caption id="attachment_93594" align="alignleft" width="300"]Xaglo-toosiye waajahaya ladqabo siyaasadeed Xaglo-toosiye waajahaya ladqabo siyaasadeed[/caption]

Hargeysa(GNA) Wasiirka Wasaarada Caafimadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) iyo Guddi-hoosadka Daryeelka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa isku khilaafsan lacago la sheegay in laga qaado hay’addaha Caalamiga ah oo aan wax mashaariic ah lagu fulin, kuwaasoo ay Hay’addaha bixiyaa golaha u caddeeyeen inay bixiyaan.

Arrintan ayaa soo shaac baxday, kaddib markii uu Wasiirku ka war wareegay inuu golaha hor-yimaado, si uu tafaasiil uga bixiyo qaabka ay u fuliyaan mashaariicda taakulada ah ee Wasaaradda soo gala, taasoo muddo markay wasaaraddu ka wareegtay ay Guddida Baarlamanku waraysteen Hay’addaha laga qaado.

Khilaafkan ayaa wuxuu si gaar ah ugu dhexeeya Wasiirka iyo Guddoomiyaha Guddida daba-galka Hantida Qaranka Maxamed Cali Xirsi (Obama), kaddib markii uu Wasiir Xaglo-toosiye inta uu Golaha yimi uu gaar u maagay Guddoomiyaha.

Wasiirka Caafimaadka ayaa la sheegay inuu Xildhibaan Obama ku eeddeeyay inuu faro gelin ku hayo Wasaaraddiisa.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada Masuul ee Khilaafku ka dhexeeyo, balse ilo-wareedyo laga soo xigtay inuu khilaafka labada masuul gaadhay heer ay mudaneyaal kale oo Golaha ka tirsani dhexdhexaadiyaan.

Guddida ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada, ayaa beryihii baadhitaano ku waday Masuuliyiin kala duwan oo laamaha dawladda ah, kuwaasoo ay ka waraysanayeen qaabka ay u maamulaan Dakhliga iyo Hantida kale ee ay qaranka u hayaan.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com

Shirkad laga leeyahay Faransiiska oo sameysay agab casri ah oo kala sheegaya noocyada cuntada

food-150x150(GNA)Shirkadan oo  laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa soo bandhigtay, qalab aad tayadiisu u sarayso, oo Muslimiinta u fududaynaya, in si dhib yar ay u ogaan karaan, cuntooyinka doofaarku ku jiro iyo sharaabyada Alcohol-ka leh, waxaana qalabkan oo loogu magac daray (Halal Test), isagona  natiijada ku soo saaraya muddo il bidhiqsiyo ah.

 

Masuuliyiinta sarsare ee shirkadan ayaa hoosta kaxariiqay soo saarida qalabtan inay kadambeysay kadib markii dhibaatooyin soo noqnoqday ay lakulmen bulshada musliminta ee kunool dalkaasi gaar ahaan magaalada baaris ee xarunta faransa kuwaasi oo kuwareeray inay kala ogaadaan cunooyinka ay kujirto hilibka doofaarka iyo kuwa nadiifta.

 

Hadaab shirkadu waxay shegtay inay haatan dabooshay baahi weyn oo ay qabeen muslimiinta dalkaasi maadaama ay hada ogaan akraan cuna kasta oo ay cunayaan iyo nooceeda waxa lagu kariyay shakigiina uu halkaasi kabaxaayo.

Cilmi baadhayaal Mareykan ah oo shegay in caruurta ku nool meelaha cidlada ah ay ka caafimaad yaryihiin caruurta kale

iso-150x150(GNA)Saynis yahanadan udhashay dalka mareykanka ayaa baaritaanadan ay sameeyeen waxay kusheegeen in caruurta waalidkood ay kukarantiilaan goobaha cidlada ay qaadaan cudurabadan oo ay kujiraan kuwa kudhaca maskaxda loona baahanyahya in waalidiinta laga wacyigaliyo.

 

Jozef sabiinazoola waxa uu kamidyahya cilmi baarayaashan soo saartay daraasadan waxaana uu carabaabay in cilmi baadhistan ay soo wadeen mudo aad udheer ayna ku ogaadeen waxyaaba badan kuwaasi oo ay kamidtahay in caruurtu cidlada ay kaqaadaan cudura xitaa qaarkood aysan daawa lahayn in laga hortaga mooyee.

 

Dhinaca kale Jozef oo ah gudoomiyaha xarunta qaabilsan xanuunada kudhaca maskaxda gobolka Massachusetts ee dalka mareykanka ayaa waxa uu shegay in kiisaska ugu badan ee ay qaabilaan ay yihiin caruurta dhibaatadau ay kazoo gaarto cidlada ama goobaha cidlada ee laguhaayo markastana waalidiinta ay siiyaan wacyigalin kusaabsan inay caruurta ka ilaaliyaan guryaha cidlada laguna dhaxhayo goobaha ay kubadantahay bulshadu taasina ay ucaafimaad badantahay.

6 sanno kaddib Qaraxyadii Hargeysa ka dhacay: Maalmo isku magac ah iyo Duruufo isku mida

Sanad guurada Lixaad ee Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee Madaxtooyada Somaliland iyo goobaha kale lagu qaaday oo ku soo beegantay Arbaca duruufo isku mid ahi dalka yaalaan...

QaraxyadiHargeysa(GNA)-29 October 2008, Maalin Arbaco ah, oo ay waddanka ka socotay Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha, waxa Magaalada Hageysa ka dhacay saddex Qarax oo lala eegtay Qasriga Madaxtooyada, Xafiiska Xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland iyo xarunta UNDP. labaatan iyo Muwaadin ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa Qasriga Madaxtooyada Sonmaliland ayaa ku dhintay saddexda weerar oo Daqiiqad wax ka yar ay u dhexeeyay wakhtiga la fuliyay , waxaana ku dhaawacmay 27 kale oo rayid u badan.

Lix sanno kaddib, Maanta oo ah Maalin Arbaca ah, taariikhduna ay tahay 29 October sanadka 2014, wax ay dadka reer Somaliland badankoodu xasuusanyihiin, dhacdadii Naxdinta iyo dhiig-baxa badan sababtay ee lagu bartilmaameedsaday xaruntii ugu saraysay ee dalka laga maamulayay iyo Xafiisyada kale ee muhiimka ah, kusaasoo dhamaantood intii hoos-joogtay iyo inta kale dugsanaysaba aanay waxba galabsan.

Inta ka nool dadkii ka badbaaday dhaawacyadii kala duwanaa ee ka soo gaadhay weerarrada,   iyo ehelada kuwii dhintay, ayaan la hilmaami Karin inay Faataxada u marayaan muwaadiniintii aan waxba galabsan ee ku qudh baxay Qaraxyadaas oo sida la wada xusuusto loo isticmaalay saddex gaadhi oo Walxa Qarxa laga soo buuxiyay.

Hadaba Lix sanno kaddib, Somaliland waxa ka muuqda nabad-gelyo taam ah, oo aan wali horumar muuqda lagu samaynin Hay’addaha Qaranka kaga gaashaaman shide-wadeyaasha Geeska Afrika oo intiisa badan qaska ka wada, sida Kooxda Al-shabaab.

Waxa dalka ka dhacay, isbedel maamul iyo horumar dhanka dhaqaalaha ah oo lagu talaabsaday, inkasta oo maalintii Qaraxyada la fuliyay aanay bulshada badankeeda aanay wax dhadhan ah u samaynayn muwaadiicda siyaasadda, dadkuna dhamaantii uu shoog ka wada qaaday wixii dhacay, noqdeena dhamaantood Askar iyo Mutadawiciin.

hase yeeshee marka la eego marxalada dalku marayo Maanta, isla markaana la qiimeeyo, sooyaalka isbedeladii dhacay muddadaasi, ma muuqdo Isbedel badan oo laga gaadhay dhinacyada ammaanka, Siyaasadda gudaha iyo waliba dhaqaalaha, inkasta oo isbedel maamul iyo horumar badankiisu ka yimi dhinac Shabiga uu socdo.

“ wax allaale wax ku soo kordhay ma jiraan garaadka siyaasada iyo dalka oo dhan, wax ka sii dhaca mooyaane, wayse jiraan waddooyin socda iyo mashaariic kale oo badankooda dadku ay samaysteen, laakiinse gudaha iyo dibada hadaad eegto waxba kumay soo kordhin siyaasadda dalka”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay C. Aare oo ah falanqeeye Siyaasadeed oo ku sugan Magaalada Boorama.

farqi weyn ayaa u dhexeeyaa lahjadaha ay isticmaali jireen Siyaasiyiintii wakhtigaasi mucaaridka ahaa oo hada badankoodu muxaafida ilaa Madaxweynaha talada haya oo ahaa Hogaamiyihii ugu taageerada badnaa ee Xisbiyada, iyo kuwa hada mucaaridka ah, waxa kale oo kala duwan dareenka Bulshada Rayidka ah ee arrimaha siyaasadda “Dalku meel xunbuu marayaa, waligiina halkan oo kale muu gaadhin”sidaasi waxa yidhi Nin Dhalinyaro ah oo goob-joog ahaa wakhtigaasi.

Sidaasoo ay yihiin aragtiyaha dadka qaar, hadana , Diwaan-gelin ayaa ka socota Dalka, waxaana loo diyaar garoobaya Doorasho madaxtinimo iyo mid baarlamaani ah oo ay xumadoodu mucaaridka gubayso. Muran ayaa ka taagan qabashada Doorashada, si la mid ah xilligaasi oo maamulkii Madaxweyne Rayaale lagu kid-kidayay inuu Doorasho qabto, waxaana intaasi dheeraa Khilaafka u dhexeeyay Goleyaasha Qaranka oo kan iminka shebeha, kaasoo ay Mucaaridku ku hadheeyeen Nidaamkii UDUB ee la bedelay.

Si kastaba ha ahaatee Maamulka dalka ka taliya iyo shacbiga Somaliland waxay wali tebayaan dhaawactirka waxyeeladii wakhtigaasi fog loo geystay oo aanay ka helin Dalalka Caalamka ee ay ku dhiiri geliyeen inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada mandaqada, siiba la dagaalanka Argagixisada iyo Budhcad baddeeda.

Wali dalkan yar ee Argagixisadu cadaawada ay u hayso awgeed ay weerartay halkii ugu saraysay ee laga maamulayay, muu helin aqoonsi caalami si uu u yeesho awood dhaqaale oo uu dhismaha Hay’addaha amniga kaga haqab-beelo iyo taageero Maaliyaddeed oo hadii aqoonsigaas uu waayay lagu kabo.

Waxaana muuqata inay Somaliland ka mid tahay Gobollada ugu nugul guluf kaga yimaada Kooxaha Argagixisada ah ee koonturta Soomaaliya laga soo riixayo, kuwaasoo hadaan laga hortegin, isla markaana daneyayaasha Gobolku iska kaashan sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa, si dhib yar waxyeeladooda oo baahsani ugu fidayso deegaamo badan oo hada ka nabdoon.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com

Ban Ki-moon oo booqasho ku yimi Muqdisho

BKM Muqdisho(GNA)-Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxa maanta ka soo degay Xoghayaha Guud e Qaramada Midoobay Ban ki-moon iyo wefti uu hogaaminayo.

Waa booqashadii labaad ee uu ku yimaado dalka 20 sannadood ka ddib ka soo kabanaya qul-qulatooyinka siyaasaddeed iyo dagaalada Sokeeye.

Waxa Madaarka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Madaxda ugu saraysa Dawladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Maxamuud.

Ma cadda waxyaabaha uu kala hadli doono madaxda Dawladda Soomaaliya ee Khilaafka siyaasaddeed soo kala dhex galay usbuucyadii ugu dambeeyay, balse waxa qorshaha Xoghayuhu ay tahay sidii booqashu ugu galaa bixin lahaa dalal ku yaalla Bariga Afrika.

Mr. Moon, waxa uu shalay ku sugnaa Dalka Djibouti oo ka mid ah Dalalka Geeska Afrika ee Ciidamadu ka joogaan Soomaliya.

Waxaanu shalay markii uu dalka Djibouti soo gaaray uu ku dhawaaqay lacag dhan 8 Bilyan oo Doollarka maraykanka ah oo QM Mashaariic kaga fulinayso wadamada Gobolka.

La soco warkan iyo Sawirro goor dhow...

Dersi: Garashada iyo Diinta

sheikhsAkhristeyaal waxaan halkan hoose idiinku soo gudbiynaa cashar Muuqaal qiimo badan oo ku saabsan diinta iyo Garashada ee Daawo haboon.

Halkan hoose ka daawo:

Been Baan Kuu Sheegayaa..!!Faallo

Been Baan Kuu Sheegayaa,Mana Beenin Kartid Beentayda Ee Beentayda Qaado. Faallo Maxamed Aden Dirir.

 

dirirHargaysa ()Qofku marka U Doonayo Inuu Ku khaldo waxaa uu kaaga waramayaa meel aanad gaadhi karin awoodaada xiligaasina ka baaxad weyn,waxaana ku kaliifaysa si uu adiga kuu handado xaga caqligaaga isla markaana kuu yeesho oo aanad uga hoos bixin waxaana kuu cadaynaysa beenta maalin kasta laguu sheegayo ee idaacado ku hadla afkaaga isla markaana aad u taqaan somali run kuu sheegaysa ayaa hadana Faafinaya Mabaadi Aynaan Ab iyo Isir U Lahayn Kuna Taxaluqda Aafada Reer Galbeedka

Hadaan ku iraahdo Been Baan kuu Sheegayaa Mana Haysid Waxaad ku Beeniso Beentayda Ma Qaadanaysaa?

Beenta oo Biniaadamka lagu celceliyaa waxaa ay aakhirka ugu danbaysa noqotaa run,Waana Falsafad uu Isticmaali jiray Hogaamiyihii Dunida Soo Maray ee Dalka Jarmalka ADOLF HITLER Xiligii uu ku jiray Dagaalkii uu La Galay Dunida Dalal Ka Mid Ah

Islaam Hadaad tahay waxaa hubaal ah inaynu ka dhaqaaqnay wixii caadada inoo ahayd iyo dhaqankeenii xaga diinta ee ilaahay ina faray iyo sunadii rasuulka maadaama aynu rumaysanayno Gaal Bilaa Kitaab Ahi Wuxuu Inoo Sheegay waxaana aan uga socdaa Xadiis Ayaa Ahaa Munaafaqa Ha Rumaysanina Kii Gaalka Ahaana Maxaad U Malaynaysaa.

Waxaa La Ina Gaadhsiiyay In Hadii Lasoo Hadalqaado Diinta Islaamka Ama uu Qof Ka Hadlo Loo Qaadanayo Inuu Yahay Waxa Ay Daaquudku U Bixiyeen Argagixiso Iyagaa Argagaxa Abuuree,Hadaad Sidoo Kale Ka Hadasho Isku Dabaqida Diintada Iyo Nolosha xukunkeeda iyo welibana dabarka Naftaada

 

Waxaan Isweydiinaynaa Ma Joojin Kartaa Inaad Tidhaahdo Reer Galbeedoow Raga Iyo Dumarku Ma Sina Hana Isku Xukumina Sharciyada Aad Dhigateen,Waa Maya Ayaan Filayaa,Cidina Ulamaba Tegi Karto Hadaba Adigoon Is Qarxin Dadna Layn Maxaa Kuu Diidaya Inaad Diintaada Isku Xukunto Maxayse Kaa Rabaan Gaalo?

 

Aayadii Ahayd Lakum Diinakum Waliyadiin Ayay Xataa Soo Dhaafeen Oo Toodii Kumay Ekaane Taadii Ayay Hada Kugusoo fara Geliyeen Subxaanak Yaa Cadiim.

 

Mar Hadaanad Hayn Waxaad Ku Beeniso Beenta Gaaladu Kuu Sheegayso Waxaad Ku Khasban Tahay Inaad Beentooda Iska Qaadato Maxaa Yeelay Wuxuu Ku Yidhi Dayaxaan Tagay,Waana Been Mana Haysid Waxaad Ku Beenisid Markaa Waa Beentiisa Iska Qaado Berina wuxuu Ku Odhanayaa Qoraxdaan Kusoo Qayilayay Mana Beenin Kartid.

Ninka Ugu Ildheer Baa Dadka Ugu ayaan daran,Waxaan lala Arkayn Baa Isaguun U Muuqdee,Waxaan Uga Socdaa Bal Dhuux oo Dhan Maansada Abwaan Hadraawi Ee DABAHUWAN iyo Macnaha ujeedooyinka Badan leh ee Ay Xanbaarsan Tahay Waxaana aanu Kasoo qaadanay Inta Uu Uga Hadlayo Dayaxan La Tagay

korkeena inay degaan

dusheenna ka soo hadlaan

waxay ugu duur xulaan

kasheenna inay darbaan

hankeenna inay dilaan

jidkeenna inay duwaan

dawaafka is dhaafayaa

duullaanka cirkee socdaa

dedaal iyo maaha guul

daryeel kuma baadhayaan

wanaag kuma doonayaan

inay cilmi daalacshaan

aqoonta ku sii durkaan

wixii dedan qaawiyaan

dantoodu ka sii gun dheer

rugaa dirir saaranyahay

waxay u docaynayaan

dayaxa u hadhaynayaan

dagaar u cagaynayaan

. inay run ku duudsiyaan

xaqiiqada daahsudhaan

adduunyada dooriyaan

iyagu u daliil noqdaan

Ujeedadu Waxaa Weeye Si Laguu Yeesho Maalin Kasta Waxaa Laguu Keenayaa Isla Markaana Laguu Barayaa Wax Aanad U Baahnayn Oo Aad Noolaan Karaysay Iyaga Maqnaashahooda,Wershado Furan Ayaa Adiga Kuu Fekeraya Waxaana Ay La Dagaalamayaan Inaad Adigu Wax Noqoto Oo Wax Samaysato Waxna Lasoo Baxdo Isku Filaansho Hadaad Gaadhona Iyaga Uma Baahnid,

Adigu Waxaad Tahay Shaqaale Waxaana Aad U Shaqaysaa Cidaas Aan Sheegayno,Mushaharka Yare e Ay Ku Siiyaana Waxaa Ay Kugu Dhaheen Dib Ugu Iibso Waxa Ay Wershadahayagu Soo Saaraan.

Lamana ogola inaad noqoto qof mawqif iyo go’aan leh mana kari kartid inaad qaadato go’aan adiga kuugaara hadaad qaadatana mahelaysid garab iyo cid damiirka kushaqaynayaa taabanayo ama uu damqayo waxaana taasi sababtay inay lumaan:

  1. Dhaqankii

  2. Diintii

  3. Wadaninimadii

  4. Midnimadii

  5. Maamuuskii

  6. Mawqifkii

  7. Maamulkii


Macno unoolaanshii umadeed, bulsheed, kooxeed, qoyseed, iyo qofeedba Waxaana Markii Ay Dhamaanba Lumeen Waxaynu soo sheegnay Eek u aadan Aasaaska Nolol Bulsho oo Dhamaystiran Ay Iridaha u Furtay In Wax La Xado,Wax la Dhaco,Dhamaanteen Aan Batrool Wada Raadino,Macdan Wada Raadino Runtuna Ay Inooga Baahatay Inaynu soo Cadayno Waa Hadii Ay Jirtee

LASOCO QAYBHA DANBE…………………………..

 

 

Md.Madaxweyne Maqal dadkaaga?Xuseen B. Maax

badmaax-300x270Mudane Madaxweyne waxa kugu waajib ah inaad maqasho shacabka,fulisid baahiyaha dalka iyo dadkaba,waa goobaabsi muddadii dastuurku ku siiyay inaad dalka hogaamiso.

Markaa waa inaad dhawrtaa qodobka dastuuriga ah ee cayimay muddada madaxweynaha oo sidan u dhigan:

QODOBKA 88AAD MUDDADA XILKA

  1. Muddada xiIka ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo.

  2. Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.


Md.Madaxweyne hadii aad adigu fulin waydo oo aad ku dhaqmi waydo dastuurka yaad ka filaysaa inay ku dhaqanto.Tiraba dhawr jeer ayaan dhegahayga ku dhagaystay adigoo ku tiraabaya inaanay doorashadu maalin dhaafi doonin!Markii ugu danbaysay oo ahayd markaad dalka dib ugu soo laabatay ee aad cadaysay inaad u taagantahay musharaxa jagada aad haatan ku fadhido,doorashaduna ay waqtigeeda ku qabsoomi doonto.

Dhinaca kale,Md.Madaxweyne waxa iftiimaysa dhinbiil laga soo tuuray guriga ku-xigeenkaaga oo dab ka dhex hurisay golaha wakiilada!Talaabadani waxay shacabka ku riday shaki uga muuqday in dib loo riixayo doorashooyinka innagu soo fool leh,waxa loo arkaa xaalad abuur laga wado golaha wakiilada.Waa ayaan darro ku habsatay codkii shacabka ee ay wakiiladu ku fadhiyaan.Maanta shacabku wuu ka qancay xildhibaanadii ay soo doorteen,waxay iloobeen masuuliyadii ka saarrayd shacabkii soo doortay,waxay baal mareen ilaalintii iyo isu dheeli tirkii awooda dawladnimo.Waxay ku abtirsadeen siyaasada kulmiye iyo wadani,waxay u xuub siibteen difaaca madaxtooyada iyo difaaca danaha wadani,waxay aaseen wadaniyadii ku waajibka ahayd inay dalka ku ilaaliyaan.

Arrimahaa ayaa xukuumada aad hogaamiso u fududaysay inay hadba sida ay doonayso ka fushato golaha wakiilada.Waa dhaqan aan lagaa filayn Md.Madaxweyne!

Md.Madaxweyne sidaynu ognahay doorashadu waxay ku beegantahay 26ka june,waa muddo gaaban, hawlaha inoo yaala ee doorashada saameeyaana ma yara,waxay ahayd xildhibaanadaada golaha wakiilada ee diiday inaad farrto inay golaha fadhiistaan oo ay fuliyaan xilka qaran ee ay shacabka u hayaan,labada qodob ee ka tirsan hawlaha doorashada waxay ahayd inay dhamays tiraan,hadii qalad uu gudoomiye Cirro sameeyay waxay ahayd inay ka wadahadlaan ama maxkamada u gudbiyaan dacwad.

Gaba-gabo,Md.Madaxweyne maqal dadkaaga oo ka ilaali talaabooyinka lidka ku ah hawlaha u baahan in la dhamays-tiro doorashada ka hor.

Xuseen Xasan Badmaax

Human Rights Sect.

UCID

Hargeysa/JSL

 

Maamul xumo iyo habacsaan saamaysay Cisbitaalka Dawladda ee Ceerigaabo

Isha Qaraanku Maxay Kala Socoota?

 Ceerigaaboisha qaranku maxay kala socotaa cisibitaalka magaalada ceerigaabo oo ay soo wajahday habacsanan iyo maamul daro tan iyo intii loo soo magacaabay maamulaha cisbitaalka maxamed cismaan maxmed wardi

oo ku sifoobay aqoon la.aan musuqmaasuq lacagta shaqaalaha oo uu ku takrifalo iyo qabyaalad waxana cisibtaalkaa oo sanadihii u danbeyey la daala dhacayey adeeg xumo dhinaca caafimaadka bulshada ah

ayaan marnaba aan helin cidii bulshada gobolka sanaag si aqoon iyo cadaalad ku dhisan tahay ugu shaqayn lahaayd waxana maamulaha cisbitaalkaasi maxamed wardi uu ku dhex milmay goobaha fadhi ku dirirka ah sida merfshayda qaadka oo uu cunaa sadex geed oo loo yaaqno madhabka
iyadoo ay maalimihii u danbeyey ay isa soo taraysay fadeexado kaga imanayey dhinaca shaqaalaha kabdhada qaadka hudheelda kuwaas oo u sheeganya daymo uu si xad dhaaf ah uga gurtay hadba bulshad reer sanaag ayaa is waydinysa xagee bay martay balan qadadii madaxweyne silaanyo uu u balanqaaday xiligii oloaha doorshada madaxtinimada uu ku jiray

waana barnaamij taxane ah la soco qaybaha danbe ee fadeexadaha maamulaha cisbitaalka ceerigaabo

maxamed wardi

ceerigabo/ Somaliland

Somaliland: Faaqidaada Siyaasadda iyo Farshaxanka.Daawo

[caption id="attachment_100700" align="alignleft" width="710"]sawiee Akhristeyaal sawirka siyaasaddeed waxa uu ka turjubayaa siyaal araga Farshaxanka ee siyaasadda somaliland, iyadoo uu bixinayo micnoyaal badan.[/caption]

 

Cukuse: Xukuumaddu waa u siidhi wade Golaha Wakiillada” Daawo

Hoos ka Daawo“annagaa (Xukuumadda), waxaanu baahi weyn u qabnaa inay doorashadii dhacdo, waxaanu baahi weyn u qabnaa inaad ansixisaan Miisaaniyadii Qaranka oo idin hor-taala”

cukuse afka silanyoHargeysa(GNA)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa markii ugu horaysay daboolka ka qaaday in khilaafka Golaha Wakiillada lagu xalin doono Maslaxad iyo isu tanaasul, waxaanu garabyada golluhu u kala jabay uu ugu baaqay inay isku soo dhawaanshiyo muujiyaan.

Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, oo Maanta warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa daboolka ka qaaday, inaanay xukuumaddu faro gelin ku haynin arrimaha Golaha, dhexna ay u tahay dhamaan Hay’addaha Xeer-dejinta, balse ay eedaha xisbiya mucaaridku yihiin marmarsiyo iyo dhaleeceymo siyaasaddeed.

Halkan ka Daawo:

Hargeysa: Maxkamadda Sare oo sharaxaad ka bixisay Sifaha lagu bixiyay Dhulka Maktabada Gandi

MaxkamaddaHargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa sheegay in dhulka dawladda ee xarunta u ahaan jiray madbacadii Soomaaliya, haatana ah maktabada Gandi ee saldhiga dhexe dhinaciisa ay dawladu galisay tartan qandaraas oo dhisme weyn oo laba dabaq ah loogu dhisayo xarunta guud ee maxkamada sare, isla markaana ay shirkada Al-xarbi ku guulaysatay qandaraaskaa.

 

Gudoomiyaha maxkamada sare oo ka jawaabayay muran iyo buuq ka dhashay arinta dhulkaa, ayaa sheegay inaanay arintu ahayn, sida dad warbaahinta ka hadlay ay u dhigeen, balse ay tahay mid martay nidaam sharciya oo dawli ah, taasoobuu yidhi lagula kala wareegay dhulkaasi.

Hadal kooban oo uu arrinta dhulka kaga hadlay Gudoomiyuhu , kaasoo uu siiyay Warbaahinta, ayaa u dhignaa sidan:- “Anagu maxkamad ahaan waxaanu baahi weyn u qabnaa inaanu helno dhisme balaadhan, garsoor ahaan waafaqsan shaqada aanu hayno, sidaa darteed anagu maxkamad baahidayada ayaanu dawladda u gudbinay. Waxaanu ku nidhi maxkamadda sarre waxay u baahan tahay dhisme weyn oo laba dabaq ah oo kaafiya hawsha Garsoorka. Sidaa aawadeed xukuumadu waxay dalabkayaga u gudbisay ha’yaddaha ku shaqada leh, sida hawlaha guud iyo Guddida qandaraasyada, dabadeed dhulkaa madbacadii hore iyo boostii hore ee Saldhiga dhinaciisa, oo dhul dawladdu leedahay ah, ayaa la isla gartay in maxkamada sare lagu baahi tiro oo dhismaha ay u baahan tahay loogu dhiso. Guddida qandaraasyada ayaa loo diray, iyana tartan u bandhigeen muwaadiniinta, shirkadaha soo doontay, aaqinkiina shirkada Al-Xarbi ayaa ku guulaysatay. Go’aankuna wuxuu ahaa in shirkada ku guulaysata dhulkaasi, ay maxkamada sarre u dhisto guri weyn oo laba dabaq ah, wax lacag ah oo la kala qaatayna ma jirto, dhismihii maxkamadu u baahnaydna, haatan wuu socdaa. Arinku sidaa weeyo, sidan loo dhigayo ee khaladka ahna maaha, dhulkuna dhul dawladdeed buu ahaa, dawladduna dhulkeeda wuxuu sharcigu u ogol yahay inay siday rabto u manaafacaadasato.”

Xisbiyada Mucaaridka ah iyo dad kale oo ka mid ah Bulshada rayidka ah ayaa muddo dheer hadal hayay inay dawladdu cid gaar ah siisay Dhulka uu ka dhisanyahay dhismaha Maktabada Gandi, taasoo ay ku tilmaameen arrin fool xumo iyo nusqaan ku ah habdhaqanka dawladnimo.

Waxaanay jawaabta Hay’adda ugu saraysa garsoorku meesha ka saaraysaa eeddeymaha ka soo yeedhaya dhinacyada dhulkaasi ku ku dhaleeceeyey dawladda.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com

Suldaan Maxamed C/qaadir: Muwaadinka Sifo sharci ah ku helay Dhulka Haloo baneeyo”

suldaan maxamedHargeysa(GNA)-Suldaanka Guud Suldan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay inaanay haboonayn in laga qayliyo dhul dawladdu leedahay, oo sifo sharci ah ay ku heshay shirkad waddani ahi, isla markaana wuxuu xusay in reer Faarax Xarbi ay deegaan ahaan waligood-ba ahaayeen Hargeysa, ee aanay ahayn reer Burco iyo reer Ceerigaabo toona.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka hadlay muran ka dhashay dhulka ay hadda ku taalo maktabada akhriska ee Gaandi ee Saldhiga dhexe dhinaciisa, oo hore u ahaan jirtay xaruntii madbacada xilligii Soomaaliya, kaasoo ay qandaraas ku heshay shirkada Al-xarbi.

Suldaanku isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu sheegay, inay dawladdu xaq sharci u leedahay maamulka dhulkeeda, isla markaana aanay haboonayn in qas iyo buuq laga abuuro baloodh dhul ah oo sifo sharci ah qof ku raacay.

Suldaanku hadal uu shalay warbaahinta siiyay oo uu arrinta dhulkaa kaga hadlay wuxuu ku bilaabay oo uu yidhi,”Had iyo jeer waxaynu aragnaa dhul dawladdu leedahay oo ay dad shacbi ah ka iibiso. Taariikhda reer Faarax Xarbi deegaan Burco iyo meel kale toona shaqo kumay lahayn, deegaankoodu waa Hargeysa. Guriyihii dawladda dadka ugu badan ee la siiyay, laga iibiyay waa reerka Subeer Awal la yidhaahdo, weli maan arag cid ka daba qaylinaysa oo leh maxaa looga iibiyay halkaa, maxaa loo siiyay halkaa, cidina kuma qabsato. Waxase la yaab leh waxa baloodhkan maxkamada sare dhismaha loogu dhisayo ee ay qandaraaska sharciga ah ku heshay shirkada Al-xarbi looga daba qaylinayaa, ilaa Wasiir ilaa biyatooni ay uga wada hadlayaan. Dadku miyay kala fadilan yihiin, dhulka miyay wada lahayn. Waxa u arkaa arinkaa mid khalad ah oo xaq daro ah. Waxaan leeyahay guriyihii faraha badnaa ee shacabka Hargeysa ee Daaraha dhaadheer laga wada dhisay, maalin qudha cid ka hadashay ma jirto, cid baana badi qaadatay, loogama xuma, lagamana hadal, sidaa aawadeed maaha baloodh muwaadin kale ku guulaystay in laga qayliyo. Waxa aanu ka war haynaa xitaa Wasiiradda Sacad-muuse inay soo fara galiyeen arrinta dhulkan yar ee maxkamada sare dhismaha loogu dhisayo ee shirkada Al-xarbi tartanka Qandaraaska ku heshay .”

Suldaanku wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Xukuumadda waxaan leeyahay dadka ha u xaqsoorto, oo muwaadinka sifo sharci ah wax ku hela ha loo baneeyo dhulkiisa. Haddii Maktabad loo baahan yahayna, halkani waa dhul yare, dhulkii loogu talo galay ee Madaxweynuhu dhagax dhigay oo kan ku soo laba laamaya ha laga dhiso, anaga ayaa ka qayb-galayna oo dadka ayaa ka qayb-galaya, Gaandina Oday Taariikh leh buu ahaaye ha loo bixiyo magaciisa. Muran yar oo aanay Sakaaro ka biirsana laga wacan in la isu daba yaaco" .

xil. cirro taabacsan oo gudoomiye Saleebaan duqeeyay wakhti xaalada Golaha wakiiladu cirka marayso

,Saleebaan waxa u tagay xildhibaano yar oo uu ku jiro kii diiday ansixinta Xeerka Diwaan galinta isna muu marin nidaamka u dhexeeya labda gole,,,,,Xildhibaan Maaxamed Saalax,
,Nsmtii uun baan ka maqli jiray uu na kala kaxeeyaay maanta Somallandbuu kala kaxeeyay.. Xild Cali Aareeye,
aareeye.jpgHargasya (GNA). Xildhibaanada tirada yar ee golaha wakiilada ka taabacsan gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland ,ciro ayaa waxay dhaliilo xoogan dusha ka saareen gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane: Saleebaan maxamuud Aadan oo ay ku tilmaameen inuu baal maray shuruucda iyo nidaamka xeer ee labda gole baraalamaan,iyaga oo ku eedeeyay inuu qaatay hadal ay ku macneeyeen mid aan jirin oo ay tiro kooban oo xildhibaani kaga been abuureen nuqulka lo gudibiyay golaha guurtida Somaliland.
waxa ya sheegeen in xildhibaanada u tagay guoomiyaha guurtida uu ku jireay xildhibaan ay ku sheegeen mid aan Golaha ka warhayn oo dhawaan ku soo biiray (dhaxal) kaas o markii la asaxiyay xeerka diwaan galinta isagu ahaa mudanahii kaliya ee ka soo horjeesta waxaanay sidan ku sheegeen shir jaraa,id oo ay maanta ku qabteen xarunta golaha wakiilada,
,waxa gudoomiyaha gurtida u geyay war beena xildhibaano yar oo uu ku jiro kii diiday ansixinta xeerkan ee ka gacan taagay saleebaan oo ah awooda labaad ee qarankuana muu marin nidaamkii masuul iyo qawaaniinta labada gole,
Gudoomiyaha golaha guurtidu wuxuu ka baxay masuuliyadii labada Aqaliskugu gudbin jireen xeerarka iyo nuqulada,
dhinaca kalan xildhibaanadan ayaa ku dooday in khilaafka golaha wakiiladu uu daaran yahay sidii xukuumadu ay u samayn lahayd xaalada sababaysa in doorasahadu dib u dhacdo iyaga oo shacabkaan ugu baaqayinay ka foojignaadaan waxay ugu yeedheen tabcooyinka ay wado xukuumada Siilanyo.
si kastaba ahaatee xaalada golaha wakiilada somaliland yaa hada ah mid laba gabi dhac laynaysa iyada oo ay daahsoontahay halka ay ku dambayndoonto.
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/Somaliland

Tuesday, October 28, 2014

Ban ki-moon oo booqday Jabuuti

kenya_ruto_kimoon03062013Djibouti(GNA)-Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Ban-Ki Moon, ayaa booqasho ku yimi dalka Djibouti, halkaasoo lagu soo dhaweeyay.

Ban Ki Moon, ayaa Booqasho ku maraya dalal ku yaalla bariga Afrika, sida Jamhuuriyada Jabuuti iyo Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta markii soo gaadhay Magaalada Jabuuti, waxa uu kulamo la yeeshay xubno ka mid ah Madaxda Dawladda Jibouti, kuwaasoo ay ka mid yihiin Reysal-wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ee dalkaasi.

Mr. Ban ayaa kulamada kaddib, caawa ka qayb-gelaya xaflad ay hay’addaha QM ku qabanayaan caasimada dalka, taasoo ay ku soo bandhigi doonaan howlaha ka qabtaan Gobolka.

Xoghayaha Guud, ayaa markii uu kulamada la qaatay Masuuliyiinta Dawladda Jibuuti, ku dhawaaqay lacag Siddeed Bilyan oo Doolar ah (8 Billion), taasoo QM ugu deeqayso Wadamada Bariga Afrika, si loogu fuliyo mashaariic horumarineed.

Waxa Safarkiisa ku wehelinaya Saraakiil sar sare oo ka tirsan Xafiisyada Qaramada midoobay, waxaana la filayaa in Xoghayuhu maalmaha soo socda uu u gudbo Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaasoo booqashadiisii labaad ku tegi doono muddo saddex sannadooda.

Hase ahaatee intaa aanu ka ambo bixin dalka Djibouti waxa uu la kulmi doonaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ah Wadamada Gobolka ee ay Qaramada midoobay arrimaha soomaalida iyo kuwa Mandaqada kala tashato.

Gobanimonews

Saylac Office

Email: editor@gobanimonews.com

Wasaarada Arrimaha gudaha oo ku wareejisay Gobollada Gaadiid loogu talo-galay diwaan-gelinta

gaadiidka112Hargeysa(GNA)-Wasaarada Arimaha Gudaha somaliland ayaa ku wareejisay Gaadiid loogu talo-galay howlaha Diwaan-gelinta Gobolada dalka.

Gaadiidkan oo howl-wadeenada diwaan-gelinta fulinaya iyo agabka ay ku shaqaynayaan in lagu qaado loogu talo-galay, ayaa qaybtii u horaysay Maanta Wasaaraddu wareejisay, iyadoo qaybo kalena dhawaan la siin doono gobollada qaar.

Munaasibada loo sameeyay wareejinta Baabuurtan oo lagu qabtay xarunta Wasaaarrada Arrimaha Gudaha, ayaa waxa ka qayb galay Saraakiil sar-sare oo ka socda Wasaarrada, kuwaasoo Gaadiidkan ku wareejiyay gobollada loogu talo galay.

Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Wasaaradda Maxamed Cismaan Dube iyo Madaxa Gaadiidka ee Wasaaradda, ayaa Xafladaasi kaga war-bixiyay ujeeddada gaadiidkan loogu diyaariyay fulinta Diwaan-gelinta iyo doorka ay ka qaadan doonaan addeegyada isagadhsiineed shaqada.gaadiidka11

Maxamed Cismaan Dube oo ugu horayn munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay gaadiidkan ugu tala galeen inay ka hawl galaan goobaha diwaan gelinta madaniga ahi ka socoto, isagoo xusay inay kaalin mug leh ka qaadan doonaan howsha. waxaanu yidhi “ waxaanu maanta halkan ku wareejinaynaa gaadiidkii loogu tala galay goobaha diwaan gelinta madaniga ah, waxaanan rajaynaynaa inay si fiican u gudan doonaan hawlaha loogu tala galay, waxaanan dadweynaha u soo jeedinaynaa inay is diwaan geliyaan oo ay muujiyaan muwaadinimadooda.”

Agaasimaha ayaa intaasi raaciyay inay Baabuurtani ay shaqada ka bilaabi doonaan Gobolka Maroodi-jeex oo ay diwaan-gelintu ka socoto hada, iyadoo qaar gobollada kale loogu talo galayna uu halkaasi ku wareejiyay, kuwo kale dhawaan ay siin doonaan gobollada.

Madaxa Gaadiidka ee Wasaaradda Cali Xasan Waqooyi oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa sharaxaad ka bixiyey gaadiidkan ay wareejiyeen, waxaanu tilmaamay inay hormadii koowaad qaybtani tahay, kuwo kalena ay dhawaan bixin doonaan.

“Waxaanu maanta wareejinaynaa hormadii koowaad ee gaadiidka ah ee loogu tala galay diwaan gelinta madaniga ah ee dalka ka socota, waxaanay gaadiidkani ka hawl gali doonaan kolba gobolka ay diwaan gelintu ka socoto, waxaana dhawaan ina soo gaadhi doona qaybtii labaad ee gaadkii loogu tala galay diwaan gelinta oo haatan dekeda Berbera soo gaadhay.”ayuu yidhi.

Gobollada gadiidkan lagu wareejiyey waxa ka mid ah Hargeysa iyo Gabiley oo ugu horeeya meelaha laga fulinayo diwaan-gelinta Muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha haatan si habsami ah uga socota Magaalada Hargeysa.gaadiidka

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com

 

Eng. Faysal C. Waraabe: “lama Iibin karo Maxkamadda Akhriska ee Gandi Library”

Iibinta Maktamada Akhriska ee Gaadhi oo la cambaareeyay

Faysal ClaiHargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qorshaha dawladdu ku iibinayso Dhulka ay ka dhisantahay Maktamada Akhriska ee Gandi Library oo ku taalla badhtamaha Suuqa Hargeysa, gaar ahaan dacalka koonfureed ee Saldhiga dhexe.

Arrinta Iibinta Dhulkan oo beryahanba la hadal hayay, ayaa dhawaanahan isa soo tartay, kaddib markii ay Maxkamadda Hargeysa ay soo saartay waraaq lagu siinayo Dhulkaasi mid ka mid ah ganacsadeyaasha waaweyn ee Reer Somaliland.

Arrintaasi ayaa sii hurisay diidmada looga soo horjeedo in la baabiiyo goobtan qadiimiga ah ee waxbarasho, iyadoo ay wali dhinacyada diidani ambiil ka sugayaan inay dawladdu ka noqoto faasaxaada Maktabadan.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Maanta warbaahinta la hadlay, isagoo ku sii jeeda dalka Djibouti, ayaa yidhi “Horta Ninka Gaandi la odhan jiray wuxuu ahaa Raggii halgankii Gobonimo doonka ka soo qayb gaatay,waa Raggii Ururkii SYL u soo halgamay,wuxuu ka mid yahay raggii aasaasay Tacliinta.waxaan ka xumahay dadka markii horeba Library-ga sameeyay, waxay ahayd in la dumiyo meesha oo Library Casri ah oo qurux badan aynu ka dhisno, waa Magaalada Badhtankeedii, waa meel aad u mihiim ah oo ku haboon Library” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu soo jeediyay in goobtaasi  laga dhiso  Xarun akhris oo balaadhan, loolana  niyoonin Iib iyo wax la mid ah “Imika waxaan leeyahay goobtaas halaga dhigo City Center Library oo reer Hargeysa oo dhami ha dhiseen.Dawladda waxaanu leenahay Faraha ka qaada,halkan Shacbigaa leh,dhulkaas waanu dhisi doonaa Insha Allah,Reer Hargeysa ayaa sida Masaajidada loo dhiso u dhisi doona oo Lacag u Ururin doona.waa Magaalada badhtankeedii waa meel ku fiican In Library Dadweyne laga dhiso(Public Library),Dawladdana waxaanu leenahay faraha ka qaad.

Ciddii doonaysa inay Iibsato ee Damaaciday Library-ga waxaanu leenahay ka xishood Shacbiga, Shacbiga ha laga Xishoodo,Gaandi ha laga xishoodo, dadkeena Taariikhda lehna ha laga xishoodo.Umad baynu nahay ee haddaynaan Dadkeenii Taariikhda lahaa Cissaynin dee waxaa la idiin bixin doonaa Xaawo taako maydhan, Wallaahi in Magacyadii shisheeyaha la idiin bixin doono,markaa Gaandi daaya” .

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com

 

Golaha Wasiirrada oo loo qabtay Shir aan caadi ahayn xilli khilaaf jiro

Reysal-wasaaraha oo Golaha Wasiirrada u qabtay Shir aan Caadi ahayn oo ku soo beegmay Khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha

reysal-aMogadishu,27, October 2014-(GNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta isugu yimid kulan aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

Kulanka oo dhammaan xubnaha golaha Wasiirada ay ka soo xaadireen ayaa looga dooday arrimo dhawr oo ay ka mid yihiin ammaanka qaranka, Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015 iyo Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo warbixinno laga dhageystay.

Kulanka ayaa ku soo beegmay iyadoo khilaaf xoogani ka dhex aloosanyahay Madaxweynaha iyo reysal-wasaaraha, kaasoo qarxay dhowr maalmood ka hor markii isku shaandheyn lagu sameeyay wasiirro, ku-xigeennana uu magacaabay RW.

Ugu horeyn, Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg, oo shirkan ka hadlay, ayaa sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo ka dib markii la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanaka iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in gacanta lagu dhigay sagaal horjooge oo Shabaab ka tirsan iyo Gaadiid ay u adeegsan jireen dhibaataynta bulshada Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku aadan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015 ka dhageystay Wasaaradda Maaliyadda, waxana ay sheegtay Wasaaraddu in ay diyaarisay qorshe kor loogu qaadayo sanadka 2015 Miisaaniyadda dowladda ku shaqayn doonto.

"Wasaaradda Maaliyaddu waxay diyaarisay qorshe ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa Miisaaniyadda dowladda, qorshahan waxaa qeyb ka noqon doona sida ugu habboon ee dakhliga gudaha iyo kaalmada dibedda dowladdu ay ka hesho kor loogu qaadi lahaa." ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, wuxuuna soo bandhigay shaqadiisa iyo sida ugu habboon ee Xukuumadda iyo Hanti-dhowrku isula jaanqaadi karaan.

Xukuumadda Soomaaliya ee Hoggaamiyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa wada qorshayaal sal-ballaaran oo kor loogu qaadayo howlaha adag ee horyaala Xukuumadda iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah sanadka 2016.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com