Hargeysa(GNA)-Dablay Hubaysan oo aan Haybtooda la aqoonsan ayaa Caawa fiidkii Nin Shicib ah ku dilay Xaafadda Siinay ee Magaalada Hargeysa, kaasoo Maydkiisa la keenay Cisbitaalka Guud.
Saraakiil ka tirsan laamaha Amaanka ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in dablaydaasi ay Saddex Xabadood ku dhufteen Nin la dilay oo ka soo jeeda Beelaha Degen deegaamada Kililka shanaad ee Itoobiya iyo Koonfurta somaliya (Sheikhaash).
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidamadda amniga oo la xidhiidha dilkan iyo in cid loo qabtay toona, hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku darayaa dablayda wax dishay ay Isticmaaleen Baaskoolad.
Dad Goob-joogayaal ah ayaa gobanimonews u sheegay in markii dilku dhacay, wax yar ka dib ay meesha soo gaadheen kolanyo ka tirsan Ciidanka Bilayska, kuwaasoo Maydka ka soo qaaday halkaasi.
Dilkan ayaa noqonaya kii Afaraad ee lagu khaarajiyo qof shacab ah saddexdii bilood ee ugu dambeeyay, waxaana bilihii la soo dhaafay sidan oo kale xili habeenimo qof hubaysani toogasho ugu dilay Ruux Dumar oo Dukaan ku yaala xaafada Calaamadaha wax ka iibsanaysa, isla todobaadyo kooban ka dib, waxa lagu Xaafadda Jig-jiga yar Gabadh Dhalin-yaro ah oo Faashash lala dhacay, halka dabayaaqadii bishii Ramadaantana Nin Dhalinyaro ah lagu dilay Xaafadda October.
Dilalkaasi dhamaantood ilaa hada Bilaysku may soo bandhigin cidii ka dambeysay, sharcigana lama horkeenin, wallow ay jiraan tiro dad ah oo tuhuno loogu soo xidhay markii la fuliyay.
Warar kale oo dilkan laga helayo ayaa sheegaya in Ninka la dilay dhawaan ka yimi Magaalada Muqdisho ee dalka somaliya
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com