Friday, August 29, 2014

Xabi Alonso Oo Khudbad Qiiro Leh Ku Macasalaameeyey Reer Spain.


AlArbacadii shalay waxa uu Xabi Alonso shaaciyey in uu ka fadhiistay ciyaaraha kubadda cagta ee caalamiga ah, isla markaana waxa uu ka tegay kooxdiisa Real Madrid, isaga oo ku biiray naadiga Bayern Munich.




Bayaan qoraal ah, oo uu kaga hadlayo go’aanka uu kaga fadhiistay u ciyaaridda xulka dalkiisa Spain ayaa waxa uu ku bilaabay:




“Waxa aan doonayaa in aan idiin sheego in wakhtigaygii xulka qaranka wadanka Spain uu dhamaaday. Waxa ugu adagi waa marka aad ogaato in aad nabadgelyo odhanayso. fikir badan kadib, waxa aan rumaysanahay in wakhtigeedii la joogo” ayuu yidhi.




Ciyaaryahankan 32 jirka ah ayaa waxa uu xulka dalkiisa Spain ee lagu naanayso ‘La Roja’ uu u ciyaaray 114 kulan, waxaanu u dhaliyey 15 gool, isagoo kula guulaystay hal koob adduun iyo laba koobka Yurub ah.




Alonso waxa uu sheegay in muddo 11 sannadood ah oo uu xulka dalkiisa u ciyaarayay ay ahayd wakhti ay guulo gaadheen, dalkiisuna ka baxay abaartii guulo la’aanta ahayd.




Alonso waxa uu ahaa mishiin khadka dhexe ee difaaca xigta ka hagi jiray xulka dalkiisa, waxase mucjiso ku sii dari jiray Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta, waxase lagu tilmaamay in uu Alonso ahaa nin maskax badan, farsamo wanaagsan, si adagna u halgama.




“Laga soo bilaabo maalintii 30-ka April, 2003 oo aan kulankaygii u horreeyay u ciyaaray anigoo 21 jir ah, wakhti wanaagsan ayaan la qaatay, waxaanan u mahadnaqayaa intii aannu soo wada shaqaynay muddada ka badan 10-ka sannadood. Waxa aan u mahadnaqayaa dhamaan tababareyaashaydii, ciyaartooyada, xidhiidhka kubadda cagta iyo malaayiinta taageeereyaasha ah ee mar walba i tusayay jacaylka iyo xushmadda” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Xabi Alonso.