Monday, August 25, 2014

Ciidamadeenu Way Dawladoobeen!


Labataliye




 Dawladnimaddu kama soo hadho go’aan qaadashada iyo calool adayga masuuliyiinta, waxa aan arrintaas uga jeedaa markii xukuumadda Somaliland u tabaabushaysatay inay  bixiso derajooyinka ciidammadda, waxa la dhaqdhaqaajiyay salaadiin iyo siyaasiyiin ka digayay inay halisi ka iman karto kuwaasi oo duulayay in dawladihii ay iska dhaxleen Rayaale Iyo Cigaal ay ka baqeen in bixinta derajadu ay noqoto mid ay u waayaan nidaam hab raac oo lagu saleeyo, taas oo keeni karta inay kala qeybsanaan ku abuurto ciidamadda dhexdeeda.




Waxaan ku bogaadinayaa xukuumadda inaanay xaalaynin dhawaaqyadaas dhiilada lahaa ee lagu dhego barjaynayay, ILAAHAY fadligii waxay dabo-yaaqadii sanadkii hore bixisay oo ay derajooyinkii ay mutaysteen siisay 10 kun oo askari oo qaatay derajooyinka alifle illaa Sareeye Guuto, waxaana derajada laga simay ciidamadda noocyadooda kala duwan.




Waxaan ku faraxnay in ciidamaddii derajooyinka qaatay la siiyay gunno xileed derajadooda lagu sar-gooyay isla markaana ciidamaddii iyo shaqaalihii dawlada oo dhanna mushaharkii loo kordhiyay 20% oo ah markii labaad ee Madaxweyne Siilaanyo ciidammadda iyo hawl-wadeenada dawlada mushahaharka u kordhiyo iyadoo 2011-kiina uu u kordhiyay 100% waana wax lagu diirsado.




Maalin dhawayd waxaan hawl shaqo aan u tagay taliska booliska ee Hargeysa waxaan halkaasi ku arkay ciidankii oo nin waliba derajadii khibradiisa uu ku goostay garabka u sudhan tahay oo is qadarinaya, is muunaynaya kala dambayntoodii wanaagsanayd-na 100% sii korodhay.




Ka dibna waxaan si calool ah ugu duceeyay madaxweynaha JSL Mudane Ahmed Mohamed Silanyo oo ah madaxweyne geesinimo sameeyay oo ciidamadeenna oo dhan haybad u yeelay. Runtii ciidankii aan maalintaas xeradaas ku arkayay waxay ahaayeen qaar dedaalaya oo doonaya inay ka soo baxaan waajibaadka culus ee ay bulshada u hayaan oo ah inay nabad-gelyada wadanka adkeeyaan. Waxay dareemayeen inay derajada hadda ka dib ku qaadan doonaaan aqoon iyo waxbarasho, waxaanay qaar ka mid ah oo aan la sheekaystay ii sheegeen inay xiliyada ay firaaqada leeyihiin waxbartaan si ay u noqdaan ciidan aqoon leh oo ay u fududaato inay koorasyo dibadeed markay u baxaan la qabsan kara tababar kasta oo aqoontooda kor loogu qaadayo.




Ugu dambayn aan u hambalyeeyo ciidankii derajooyinka qaatay oo ahaa tiradii ugu badnayd ee derajo intaas leeg mar kaliya ka qaata wadan burbur ka soo doogaya oo curdin ah, taasina waa hibo iyo karti dawladeennu samaysay oo aan cidi ka xaqiri Karin.




Khadar Maxamuud Ciise (Kalluun