Sunday, August 31, 2014

Al-Shabaab: Buulo-mareer waanu ku xayirnay cadowga. Dhegeyso


 


Shabeellada hoose: Amisom iyo Al-shabaab oo guulo iyo magaalooyin la kala qabsaday qoloba gaar u sheegatay.hoos ka Dhegeyso laba Waraysi oo cod ah





 AMISOMBuulo-mareer(GNA)-Xooggaga Alshabaab ayaa laga qabsaday Magaalooyin muhiim ah oo kuyaalla Gobolkan Sh. Hoose, kaddib dagaal bilowday afartii habeenimo ee Sabtida.




Milateriga Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM ayaa saaka weeraray dhowr magaalo oo ay fariisimo ku lahaayeen Shabaabku, waxaana isla maantaba laga qabsaday degmada Buulo-mareer iyo goobo kale, sida ay sheegeen goob-joogeyaal iyo saraakiisha ciidanku.




Ciidamada ayaa sheegay inaanau  wax iska cabin ah oo xooggan kala kulmin dagaalka maanta oo ku wajahan sida la sheegay Baraawe iyo Xeebaha kale ee Gobolka, laakiinse alshabaab ayaa beenisay taas.




Faahfaahin badan lagama hayo khasaaraha labada dhinac, hase ahaatee AMISOM waxay qirteen dhimashada 1 Askari iyo laba ka dhaawacmay, Alshabaabna waxay sheegeen inay 20 amisom ah dileen, saddex gaari ka gubeen.




Afhayeenka Ciidamada Amisom Col: Cali Xaamud ayaa sheegay in askari ka tirsan Amisom oo u dhashay dalka Uganda uu ku dhintay howlgal laba kalena ay ku dhaawacmeen.




Xaamud wuxuu sheegay in ciidanku ay xalay saqdii dhexe qaadeen howlgal la magac baxay "Badweynta Hindiya" oo ka dhanka ah goobaha ururka al-Shabaab uu ka haysto gobolka Shabeellaha Hoose, ayuu u sheegay VOA-da.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/buulo-mareer.mp3"][/audio]




Al-shabaab




ALSHABAASLaakiinse Afhayeenka Alshabaab ee howl-galada Abu muscab, ayaa warbaahinta Xarakada Alshabaab u sheegay inay AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya ku go’doonsanyihiin Buulo mareer, dibna ugala wareegeen Magaalada Gool-weyn oo ay AMISOM sheegteen.




Abu Muscab oo faahfaahin ka bixiyay dhankooda sida dagaalku u dhacay, ayaa sheegay inay afarta dhinacba ka joogaan Ciidanka AMISOM iyo Soomaalida ee buulo-mareer jooga, una go’doominayaan sidii Buulo-buurte.




Halkan ka dhegeyso Afhayeenka Alshabaab:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/alshab.mp3"][/audio]




Goor sii horaysay saaka waxa la sheegay inuu baro kac xoogani ka bilaabmay meelaha dagaalku ku wajahnaa, siiba magaalooyinka waaweyn, iyadoo markii dagaalku sii qaraaraadayna cabsidu sii korodhay.