Tuesday, August 26, 2014

Madaxweynaha Djibouti oo ka badbaaday Rasaas uu furay Askari ka tirsan Ilaaladiisu


[caption id="attachment_93857" align="alignleft" width="300"]Madaxweynaha ka soo degaya Diyaarada dalka keentay Madaxweynaha ka soo degaya Diyaarada dalka keentay[/caption]Djibouti(GNA)-Ugu yaraan laba ruux  oo ka mida ah ilaalada iyo shaqaalaha madaxweynaha  Madaxweynaha Dibouti ayaa dhaawacmay, kaddib markii mid ka mid askarta ciidankaasi uu rasaas furay, xilli Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Jibouti.




Mid ka mid ah labada ruux ee dhaawacmay ayaa ah Dr. Idiris Cabdi Galab oo la sheegay inuu Caafimaadka Madaxweynaha qaabilsanyahay.




Falkan ayaa dhacay gelinkii dambe ee Maanta oo Isniin ah.




Madaxa Ciidanka Ilaalada Jamhuuriga Maxamed Jaamac ayaa warsaxaafaddeed uu soo saaray ku xaqiijiyay dhaawaca laba askari oo  uu ku jiro sarkaal ciidanka u qaabilsan Caafimaadka, waxaanu sheegay inuu kiiskaasi u dhacay si aan wali caddeyn, balse baadhis lagu wado.




Sarkaalka u hadlay Ciidanka Ilaalada Jamhuuriga ayaa intaas ku daray la qabtay Askariga falka gestay, isla markaana la baadhayo.




Inkasta oo ay wararka qaar sheegayaan inuu madaxweynuhu ku sugnaa goobta falku ka dhacay, hadana  La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti, Najiib Cali Tahir a ayaa VOA da u sheegay in sababta toogashadu ay u muuqato khilaaf gaar ah oo u dhexeeyay askariga rasaasta riday iyo Dhakhtarka dhaawacmay.




Shakiga ka dhashay fal noociisu ugub yahay oo dalkaasi ka dhacay, ayaa cirka isku sii shareeraya dalkaasi, iyadoo baadhista Kiiskan ay toos u doonayso madaxtooyada oo ka shaki qabta inuu ahaa mid madaxweynaha ku wajahnaa.




Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa cadaadis badan ku haya Mucaaridka dalka,waxaanu xidh-xidhay hogaamiyeyaal badan, halka qaarna ay baxsad dibada ku joogaan.